
Walaalayaal qoyskani waa qoys danyar ah, faqri aan wax maal ama hanti ah mid miyi iyo tu maaalo midna aan haysan, danyarnimadii iyo faqirigii waxa ugu biiray xanuun maskaxeed, oo ku habsaday carruurtoodii idil ahaantoodba ,aabihii iyo hooyadii dhalayna marka ay arkeen musiibadan haleeshay carruurtoodii ayay murugadii iyo naxdintu ay muddo sanado ah iyagna maskax ahaan jidhkaba ka xanuunsadeen.

Qoyskani xaaladooda nololeed ee ay ku sugan yihiin waa mid laga naxayo, dhiibaatadan iyo musiibadan uu Eebe guudkooda yeelay ma aha mid ay soo iibsadeen bal se waa qadar Ilaahay oo ku dhacday, dhibaatadan haleeshayna waa mid uu illaahay SWT inaga wax iangu tusayo, isla markaana inagu eegayo.
Qoyskan ayaa labadii wiil ee ushaqaynayayba ay maskaxda ka bukaan, mid waa kan ay silsiladu ku xidhan tahay sida aad sawirka kalena isaga oo maskaxda ka buka ayuu baxsaday oo waaba la waayay.
Maadaama oo aynu nahay umad Islaam ah waxaynu ognahay inuu Ilaahay Qur’aankiisa ku sheegay in marka ay dadka muslimiinta ahi ay u naxariistaan walaalahooda baahan ee dhiibaatadu haysato in iyagana uu xagga sare uga naxariisanayo.
iyada oo weliba lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan qoyskani waxay walaalahooda muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaanba ka codsanayaan inay soo caawiyaan.
Haddaba qoyskan tabaalaysan ee ay baahida iyo xanuunku isugu biireen waxay walaalahooda muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaanba ka codsanayaan inay dar illaahay u soo caawiyaan wixii ay awoodaan.
waxaanay ugu soo hagaajin karaan account-ka Dahabshiil oo ah account no# Gebd0413 ama Zaaad Telefoonkan 0634220000.
Ama ugu soo hagaaji Shebekadda SDWO iyada ayaa gaadhsiin doonta eh.