Hargeysa(GNA)-Xubno ka socda Golaha Wasiirrada Somaliland iyo Maayirka Caasimada Hargeysa ayaa Maanta si wada jir ah u dhagax dhigay Dhismaha Ciidanka Dab-damiska.
Dhismahan ayaa laga dhagax dhigay Dhul banana oo ka dambeeya Aqalka Hoolka Shaqaalaha dawladda, halkaasoo Madaxtooyadu u qoondaysay, wallow dad rayid ah oo badani sheeganayaan.
Dhagax dhiga xaruntan ayaa waxa lagu soo bandhigay Gaadiid dab-damis ah oo dhawaan dawladda hoose ee caasimadu soo iibsatay.
Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, (Soltelco), oo ugu horayn Munaasibada ka hadlay ayaa ka warbixiyay sooyaalkii loo soo maray sidii Caasimadu dab-damis u heli lahayd.
Waxa uu sheegay Soltelco, in afar xarumood oo kale laga dhisayo daafaha magaalada.
Ciidanka Dab-damiska ah ee loogu talo galay hada Magaalada ayaa ka kooban 45 Askari, sida uu sheegay Maayirku.
Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyaya aasaaska Ciidanka, waxaanu sheegay inay Wasaaradda maaliyaddu kaalin mug leh ka qaadatay keenista Baabuurta Dabdamiska ah.
Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde oo gabagababadii xafladda ka hadlay ayaa ammaan balaadhan u soo jeediyay Dawladda hoose ee Caasimada, isagoo dhanka kale caddeeyay in Ciidanka Dad-damisku maamul ahaan hoos iman doono Taliska Ciidanka Bilayska.
Waran-cadde ayaa tilmaamay in Dab-damisku ka mid yahay addeegyada daruuriga u ah badbaadinta magaalooyinka , isagoo xusay inay bilihii ugu dambeeyay goobo ganacsi oo fara badani ku gubteen Magaallooyinka.
Halkan ka Daawo sawirrada:
