Monday, July 7, 2014

Dhalinyaro Urur-beeleed kaga dhawaaqay Hargeysa.Daawo


Faysal-qumuj: Beesha Subeer-awal Xisbi la’aani ma hayso”hoos ka daawo ujeeddada loo aasaasay Ururka Jidali




qumusHargeysa(GNA)-Waxa Magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay Urur ay ku bahoobeen Dhalinyarada Beesha la yidhaado Subeer oo Deegaamo badan Somaliland ah degta, ururkaas oo magaciisa loo bixiyay Jiidali.




Ururkaasi oo lagaga dhawaaqay Xaflad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa danaha loo aasaasay waxa lagu sheegay horumarinta danaha iyo Iskaashiga Beeshaas, waxaannu aasaaskiisu sida muuqata salka ku hayaa marxalada siyaasiga ah ee dhawaanahan dalka ka aloosnayd.




Munaasibada lagu shaaciyay jiritaanka Urur beeleedkan, waxa laga sheegay dulmi badan oo ay beeshu ka tabanayso xukuumadda Siilaanyo, sida Masuuliyiin xidh-xidhan, oo uu ka mid yahay dadka la carab-baabay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga oo khilaafkii Kulmiye loo xidhay iyo dad kale oo tiro badan.




Afhayeenka Ururkan Faysal Cumar Madar (Fyasal qumuj), ayaa shirka ka sheegay  ujeeddooyinka loo aasaasay Ururka Jiidali.




Jiidali waa Degmo ka tirsan Gobolka Sanaag, laakiinse waa loogu magac-daray Ururkan dhalinyaradu samaystay, sida uu caddeeyay Afhayeenka ururkani.




Halkan ka Daawo




Urur noocan ah




Waa talaabo ugub ah in kulan noocan ah looga dhawaaqo Ururbeeleed dhalinyaro leedahay, hadii ay jiraan deegaamada kalena waa arrimo hoos loo sheego.




Sababtoo ay tahay iyadoo la ixtiraamayo  nidaamka Dawliga ah ee Somaliland ka jira, waxa horey u adkayd inay dadku hab noocan ah isu abaaulaan, iyadoo aasaaska Ururrada dhalinyarada lagu saleeyo kuwo ka reeban qabyaalada.




Hase ahaatee waxa muuqata in ku dhaqanka qabyaaladu soo kordhayaan tan iyo markii xukuumadda Siilaanyo talada dalka qabatay, iyadoo ay dhaqdhaqaaqyo badan oo qabiil ehli u ahi soo badanayeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@Gobanimonews.com