Saturday, July 19, 2014

Dar Ilaahay U Caawi Nin Dhalinyaro oo Dhakhtar dibaddeed u baahan


 




Dar Ilaahay U Caawi Nin Dhalinyar Ah Oo Booyad Shidaal Ku Gubtay Oo Ku Rafaadsan Dhakhtarka Edna Aden Ee Hargeisa




 




Wiilkan(Gobanimonews)18-7-2014- oo magaciisa la yidhaahdo Sakariye Saxardiid Waraabecade da’siisuna tahay 20 jir,  ayaa taariikhdu markay ahayd 4/may/2014 uu dhaawac halis ah  oo gubasho ka soo gaadhay dhamaan jidhka oo dhan, kadib markii ay ku qaraxday booyad shidaal siday oo uu ku jiray, shilkaas oo walaaalkiina ku geeriyooday.fadlan caawin




Muwaadinkan dhaawaca ah ayaa waxa ka baxay jidhkiisii dhamaan diirkii sare sida sawirkiisa ka muuqata, waxaanu ku sugan yahay xaalad halis ah isaga oo duruufo dhaqaale darrada ku gedaamanyihiin wakhtigan oo dhakhtarka ku jiray muddo dhawr bilood ah.




Walaal ilaahay ayaa quraankiisa ku Yidhi “dadka muuminiinta ahi waa walaal” Dadka muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan waxaa qoyskani ay ka codsanayaan in dar ilaahay iyo dar aakhiro loo soo caawiyo.




fadlan caawin




Walaal waxaa lagu jiraa bishii ramadaan oo ah  bil barako badan, waxaynu ku jirnaa 10kii dhexe ee danbi dhaafka walaal wixii aad heli karto dar ilaahay ugu caawi muwaadinkan soomaaliyeed ee dhibaataysan.  Sadaqadu ma naaqusiso maalka ee way siyaadisaa.




Hadaba qofkii awooda inuu wiilkaa dhibaataysan dar ilaahay wax ugu gaysto bishan barakaysan iyo ayaamaha ciidda ha ugu soo hagaajiyaan hooyada dhashay wiilkan oo leh   ZAAD Number: 0634615106 Hooyo: Cawo Maxamed Jamac.




Wixii aad bixiso waxay kuu tagaysaa akoonkaaga aakhiro cidna ku lama leh markaa hore u marso wixii aad heli karto.




Ciddii kale ee account kusoo shubaysa waxay ku soo hagaajin karaan Account no: 9874 Dahabshil, Hargeysa. Mohamed Ali Muhumed, telkana 0633553786.




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil (Mr Hudle)




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimonnews/Hargeysa Head Office/Somaliland