Hoos ka Daawo: Sawirro Halbeeg u noqon doona Awood sheegashada masuuliyiinta Xukuumada Siilaanyo, iyadoo ay tahay Waa markii ugu horaysay ee laba Wasiir intay maxkamad…!!
Hargeysa(GNA)-Wakaalada Wararka ee Gobanimo News Agency, waxa u suurto gashay inay Idiin soo baahiso sawirro sir ah oo Wariyeyaasheenu qaadeen mid ka mid ah Fadhiyadii Dhegeysiga Dacwada Wargeyska xidhan ee Haatuf.
Sawirradan waxa ka dhex muuqda Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Wasiirka tamarta iyo Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, labadaa xubnood oo ka mid ahaa dhib-sheegtayaashii loo xidhay Haatuf iyo Somaliland times.
Sawirradan ayaanu hore ugu baahin waynay sababo farsamo, iyadoo aanu ka cudur daaranayno inaanu iyaga iyo qaar kale oo aanu idiin soo bandhigi doonaba la daahnay.
Si kastaba ha ahaatee muuqaalladan ayaa halbeeg u noqon doona tacadiga iyo awood sheegashada Masuuliyiinta Xukuumada Siilaanyo ku hayaan Saxaafadda iyo shacbiga, taasoo ah markii ugu horaysay ee laba Wasiir oo xilal u haya Umaddu Maxkamad intay soo dhex fadhiisteen la dacwiyeen Wargeys dhaliilo ka qoray, kuwaasoo waliba loo xukumay siday rabeen ama ay doonayeen.
Waxa kale oo dib u xusuusasho mudan in dacwadii sanad ka hor dhex martay Wasiirka madaxtooyada xukuumadda Siilaanyo Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Gabadh dhalinyaro ah uu Xirsi Maxkamadda soo fadhiisan jiray isagoo sheeganaya dhibane.
Dacwadaasoo muddo markay Maxkamadda ka socotay aakhirkii ciqaab lagu xukumay Nadra Maxamed Jaamac oo Wasiirka Madaxtooyadu ku eeddeeyay inay Fariimo cay ah ugu soo dirtay Taleefoonkiisa gacanta.
Hoos ka Daawo Sawiro:


La soco Sawirro kale iyo Warbixino xaasaasi ah qisooyin xambaarsan…