Hoos ka Daawo Vedio dhamaystiran oo ku saabsan Faddeexad iyo maamul xumo ku fashilantay Xaflad lagu dhagax dhigayay Talis ciidan oo laga dhisayo Baloodh uu Madaxweynuhu bixiyay
Waran Cadde: Dhulka Dawladda hoose ayaa bixisay”
Samaale: annagu waanu diidnay inaanu bixino Dhul Wasaarada Maaliyadu leedahay”
Maayir Soltelco: Dhulka waxa bixiyay Madaxweynaha waana area Shacab”
Hargeysa(GNA)-Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa far iyo Suul ku qaaday Mawaadin gadoodsan oo sheeganaya Dhul Madaxweyne Siilaanyo bixiyay oo Ciidanka Dab-damiska loo dhisayo, kaddib markii Mawaadinkaasi uu Munaasibad lagu dhagax dhigay Dhulka uu isagoo cadheysan wasiiro hadlayay dagaal ku bilaabay.
Tani waxay ahayd Faddeexad tii ugu xumayd ee soo foodsaarta Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, iyadoo Maayirka Caasimada iyo xubno ka mid ah Golaha deegaanku dirqi kaga badbaadeen inay noqdaan tuug la qabtay talo ma leh, kaddib markii Maayir Soltelco oo hadlay uu sheegay in Dhulkan Madaxweynuhu siiyay.
Ninka sheegtay Dhulka loo qoondeeyay taliska Ciidanka Dab-damiska ayaa sidii ay xaflada dhagax dhigu u socotay ka dhex toosay goobta, waxaanu ku musanaabay, Wasiirka maaliyadda oo markaa hadlayay, sida idiinka muuqan doonta Muuqaalka hoose ee Video-ga ah.
Wasiir Samaale ayaa sidii oo uu la hadlayay Ninkan oo xagiisa dambe mudh ka soo yidhi wasiirka arrimaha gudaha ku yidhi “Cali Dhulkan yaa bixiyay, ma dawladda hoose”. Cali Warancadde ayaa yidhi “haa, haa”. Markaasuu ninkani soo booday oo yidhi “may ma yeelayno annaga ayaa leh dhulka, ma yeelayno, diidnay”.
Intaas markuu israaciyay ayaa Askartii meesha joogtay sida haadka ku soo boodeen, iyagoo garaacis si fool xun u tukhan tukhiyay, ugu dambeyntiina ku riday Gaadhiga Hogaanka hawl-gelinta Ciidanka ee Qaybta Bariga.
Sidii ayaa Ninkaasi goobta lagaga qaaday, iyadoo Maayirka Caasimadu markii munaasibaddu dhamaatay, mar kale warbaahinta u xaqiijiyay in Ninkani ka mid yahay dad isku haysta Dhulkan Madaxweynuhu bixiyay.
“Dhulkan waxa bixiyay Madaxweynaha, waa dhul shacab area ah, wuxuu ku yaalaa oo u dhexeeyaa laba wasaaraddood, laakiinse waa laga yabaa inay jiraan dad sheeganaya oo waliba isku dacweeyay oo sida dadka kale iska sheeganaya dhulkii dawladda”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo iska baraxay mashaqada meesha ka dhacday.
Halkan ka Daawo siday wax u dhaceen oo dhamaystiran:
Faddeexad Madaxweyne
Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo afartii sanno ee ugu dambeeyayba Maamul xumada iyo faddeexadaha maamul ee hadheeyay ay marba marka ka dambeysa sii xumaanayeen, ayaa waxay tani ku noqonaysaa waji gabax kii ugu foosha xumaa oo dhacay iyadoo Qalabka wax duubaa horyaallo masuuliyiin qaran oo metelayay xukuumadda.
Dadku waxay isweydiinayaan sababta Mawaadinkan Dhulka sheeganaya intaan xaflada dhagax dhiga la samayn loo qancin waayay, hadii la qancin kari waayayna talaabo sharci looga qaadi waayay haduu gardaro wado.
Ta kale ee meesha taalaa waxay tahay Madaxweynuhu dhulka uu bixinayo miyaannu marka hore xaqiijin oo aanu hubin cida gacanta ku haysa iyo duruufaha nabad-gelyo ee xeeran.
Isku soo wada duubboo soo if baxa arrimo noocan ahi waxay ka turjumayaan hanaan maamul xumo oo gun iyo baar gaadhsiisan, kaasoo hadii sidan uu ku sii socdo laga filan karo uun ceebo ka xun kuwii hore ee dhacay iyo tan shalay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com