Wednesday, July 16, 2014

Astaamaha lagu garto gabadha wahsiga badan


download (2)(GNA) Wahsiga waa cudur qofka ka reeba wax yaabo badan oo wax tar uleh noloshiisa, dadka wahsiga badan ayaa ah kuwa inta badan aan waxba qabsan, inta badan dadka wahsida badan ayaa afka go’aama ka gaara kadibna aan ku dhaqaaqin wax ficil ah, hadaba maanta waxaan idiin gudbineynaa astaamaha lagu garto gabdhaha wahsiga badan




1. Kuma dadaasho nadaafada timaha




astaanta 1aad ee lagu garto gabadha in ay tahay wahsileey ama gabar caajis badan waa gabadha ka wahsata nadiifinta timaheeda, markasta waxaa isku dhex daadsan timiheeda, marmarka qaar way isku dhagaan nadaafad la’aan ah, gabdhahan ayaan ku baraarugsaneen in ragga wax yaabaha soo jiita ay tahay bilicsanaanta timiha gabdhaha, waana mid kamid ah wax yaabaha ay ragga ku qiimeeyaan quruxda dumarka.




2. Badanaa waa mid kulabisan hal dhar




Astaanta 2aad ayaa ah ee lagu garto gabadha in ay tahay wahsileey iyada oo aan iska badalin dharka waa mid markasta kulabisin inkabadan isbuuc, marna isku ma taxluujiso in ay xirato dharkale, badanaa marmarsiyo waxay ka dhigtaa dharka ay gashantahay in ay xiiso uqabto uu ugu baxo, hadii uusan jirin dhaqaalo xumo, gabadha waxaa la gudboon in ay ahaato mid marba dhar nadaafad ka muuqdo xirato, nadaafada qofka waa mid sare u qaata caafimadka jirka qofka.




3. Guriga ay ku nooshahay oo ah mid isku dhex yaacan




Astaanta 3aad ee lagu garto gabadha ayaa ah in guriga ay ku nooshahay uu yahay mid isku dhex daadsan, dharka meel kasta ku daadsanyahay, qashinka guriga dhex yaalo, sariiraha guriga aan aheen kuwa markasta fareesha ama la goglay, hadaba hadii aad tagto guri sidaa ah waxaad isla markii kuu sawir maya gabdhaha kunool gurigaas in ay yihiin kuwa wahsi badan xitaa la dhahao qoyska ay ka soo jeedo maadaama isha guriga ay qurxin waayeen




4. Wajigeeda oo ah mid aan ifin




Wajiga markasta waxaa kasaaran jactat, marna kuma soo jiidanaaayo, wajigeeda iyo jirkeeda waa qaleel ama qarfad, ma isku taxluujino in ay isbadal ku sameeso muuqaalkeeda, wajiga waa muraayada 1aad ee laga daalacdo qofka dumarka ah, gabadha caajiska badan waa mid lagu garto astaamahaas aan soo xusnay.




Diyaariye:-C/qaadir Askar




Askars4@hotmail.com




Gobonimonews.com