Nairobi(GNA)-Bilayska Magaalada Nairobi ayaa gacanta ku dhigay lacag 69 Milyan oo Shilinka Kenya ah oo ay Bangiga dhexe ee dawladda ka xaddeen Saddex askari oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Bangigu.
Askartan ayaa la xaqiijiyay inay kala baxeen bankiga dhexe ee kenya nation kenya lacagta, dabadeedna ay baxsadeen, kaddib markii bilaysku qabtay Gaadhigii ay lacagta ku qaateen.
Taliyaha ciidamada booliska Nairobi benson kibui ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaadhigii lagu siday lacagta iyo sedexdii qori ay wateen saddexda askari. taliyaha ayaa sheegay inay baxsadeen askartaas, balse ay yihiin dad lagaranayo islamarkana ay ku daba joogaan.
taliyaha ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay hadii ay arkaan macluumaad laxidhidha nimankaa inay lasoo socodsiiyaan booliska.
Abdirahmaan buurdhaab
Nairobi Office
Email: buurdhaab4@gmail.com