Saturday, July 12, 2014

Arrimahan Noloshaada ayay Muhiim u yihiin


images (1)(GNA) Ku bixi waqtigaaga Dadka wanaagsan oo ku dayashada mudan, si aad u hesho caqli nadiif ah oo aad kaga guuleysato nolosha cajiska maxey tahay sababta aad kaga guuleysaneyso? Nolosha caajiska waa horseedaha burburiyaha qalbiga haddii taasi dhacdana waxaa gebi ahaanba burburay noloshaada oo idil.




 




Waqti hore go`aan gaadh xilliga go’aan qaadashada ma ahha wax dhib yar mana ahha wax markiiba lagu degdego Oo maahmaah soomaaliyeed ayaa odhaneysa ” degdegsiimo door ma dhasho ” marka waxaa loo baahan yahay inta aadan go’aansan talada, waxaa haboon in aad dhinacyo fara badan ka eegtid, kolba aad go’aan gaadheysid waa inaad u kala saarta faa’iido iyo qasaare sababta ayaa noqoneysa wax weliba waxaa ku lamaansan guul iyo guul daro




 




Fursada wax ka sii dhigaaga marka aad milicsato ruux xambaarsan aragtiyo kala duwan fursad sii, taasi ayaa fududeynaysa in aad kala qaadataan xogo muhiim ah oo la xidhiidha nolosha iyo dabeecada, maxay noqon natiijada waxaa markiiba garaneysaa fikrada uu xambaarsanayahay iyo waxa uu damacsanyahay, Adigase waxaa lagaa Doonaaya in aad kala saarto waxa kaala gudboon fikirkiisa adigoo eegaya wanaaga iyo Qadarinta qofka aadanuhu mudan yahay




 




Dadka kula dhaqan Naxariis iyo Xushmad  Naxariista iyo xushmada waxa ay kaalin weyn kaga jirtaa nolosha wanaagsan waxa ay sahasha in aad bulshada sumcad ka kasbato sidoo kale waxa ay sahashaa in bulshada guud ahaanteeda ay xiiso weyn kuu qabaan la kulankaagase ay ku fekeraan heer si dadka martabada sare leh




 




Qofkasta ugu yeedh darajadiisa. waa xaasidnimo tan ugu xun in aad xaqirto darajada ama mansabka uu qofku leeyahay waayo is naceybku waxa keena in darajada aan la isku ogoleyn oo la isku diido horumarka lagu tilaabsado sababtoo ah wanaaga bulshada waxaa kaalin ka ciyaara in la isku ogolaado darajada qof leeyahay




Askars4@hotmail.com




C/qaadir Ismaaciil Askar




Gobanimonews.com