Guurku marnaba ma ahan arrin fudud, qof kasta wuxuu jecelyahay inuu helo
qof wanaagsan oo u qalma, dad badan ayaa ku wareersan sida lagu helo
qofka wanaagsan, hadaba qurbo.net ayaa kuusoo bandhigaysa qodobo kuu
sahlaya arrinkaan.
Haka Raadin Guur Facebook:waayadaan dambe waxaa soo batay dadka iska
guursanayaa alaadaha facebook iyo wixii la mid ah, balse waxaa la
ogaaday guurka internet-ka inta badan inuu ku dambeeyo burbur qoys. Way
jiraan dad ka helay calafkooda internet-ka kuuna liibaabanay balse inta
badan khasaarihiisa ayaa badan waxaana la sheegay sababta burburka
qoysaska ay soomaalida ugu soo badatay in qeyb weyn ka tahay lamaanaha
oo marka hore internet-ka iska baranaya oo iska guursanaya
Dadka Wanaagsan La Saaxiib: hadii aad la saaxiibto dadka wanaagsan
waxay kugu xirayaan qof wanaagsan.Mida kale hadii aad rabtid inaad
heshid qof wanaagsan oo noolasha aad la qeysatid marka hore waa inaad
naftaada hagaajisaa oo aad ku dadaashaa kheyrka iyo wanaaga.

Goobaha kheyrka lagu hayo: mar walbo ku xirnoow meelaha la isugu
yimaado ee kheyrka la isugu sheego, sida muxaadarooyinka, goobaha
waxbarashada, masjidka iwm. Goobahaan oo aad ku xirnaatid waxay
albaabada kuugu furaysa inaad heshid qofka wanaagsan ee aad raadinaysid.
Waalidka hakula baadi goobaan: Dhalinyardu inta badan ma jela
qodobkaan, gabdhuhu waxay ka xishoonayaan oo waxay ka baqaayaan in lagu
yiraahdo, “Naa waad qooqday meel fariiso iwm” ama waxay cabsanayaan in
lagu cadaadiyo oo lagu qasbo inay guursadaan niman aysan raali ka ahayn.
Mowduucaan (guurka) kala hadal waalidkaa, hadii aad ka xishoonayso
hooyadaa si hoose ugula hadal.
Alle Bari ducadu waa hubka ruuxa mu’uminka ah. Allah bari, Isagana
taalo saaro naftaada ku kalsoonoow waligaana haka daalin baryadiisa,
Insha Allah waad helaysaa ruux waanagsaan oo noolasha aad la waadagto.