Shaaha cagaaran: In kasta oo aanu shaahu ka bixin dalkeenna, haddana waxa uu ka mid yahay cuntooyinka sida weyn ganacsiga loogu keeno. Shaaha cagaarani waxa uu suuqyadeenna ku yaallaa qiimo maangal ah oo laga yaabo in aynu ku iibsanno cuntooyin kale oo qudhooda la soo waariday, kana waxtar yar, xagga caafimaadka:
Haddaba sida ay caddeeyeen khubarada caafimaadku shaaha cagaarani waxa uu si weyn ula dagaalamaa burburka ku dhaca unugyada jidhka ee muhiimka ah. Baadhitaanno cilmiya oo la sameeyeyna waxa ay xaqiijiyeen in shaaha cagaarani uu yareeyo subaxa dhiigga raaca (Kalastaroolka), waxa uu sidoo kale si weyn u caawiyaa dejinta dhiig karka, labadan xaaladood oo aad ugu badan dalkeenna. Faa’idooyinka caafimaad ee ku jira shaaha cagaarani intaas kuma koobna, balse waxa kale oo aynu xusaynaa, daraasado caafimaad oo isugu marag kacay in shaaha cagaarani uu ka hortago cudurka Alzheimer.
Cudurkan oo dadkeenu mararka qaarkood u yaqaannaan asaasaqu waxa uu ku dhacaa hab-dhiska neerfayaasha maskaxda, waxa aanu qofka ka lumiyaa xasuusta, iyo awoodda maskaxeeed ee u fiirsiga iyo feejignaanta, aakhirkana qofka bukaa waxa uu noqdaa qof cadho badan, mararka qaarkood isla hadla, wax yaabo khayaali ahina is tusaan, illaa uu gaadho mararka qaar nooc waalli ah oo aan joogto ahayn. Illaa haddana ma jiro dawo rasmi ah oo uu xanuukani leeyahay.
Diyaariye:-C/qaadir Ismaaciil Askar