Sunday, December 21, 2014

Maxaa ka soo baxay Shirkii Wada-hadalka Somaaliya iyo Somaliland?

Dhinacyada oo ku sigtay inay ku kala kacaan Shirka



DSC_0010Hargeysa(GNA)-Heshiis is-afgarad ayaa ka soo baxay Shirkii afar iyo labaatankii saacadood ee soo scoday uga socday dalka Djibouti wufuudda ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya ee ay hogaaminayeen labada madaxweyne.



Heshiiska ayaan wax badan kaga duwanayn kuwii hore loogu gaadhay Turkiga, Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta, waxaase ku jira qodob laga san-qadhiyey oo ah kulamada dambe lagu dhiirado ka wada hadalka muwaadiicda Siyaasaddeed ee Masiiriga ah.



Shirkan maanta soo gabagaboobay oo war-murtiyeedka laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban lix qodob, ayaa waxa kor-jooge dhexdhexaadiye ka ahaa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar.



Shirka ayaa la sheegay inay dhinacyadu ku sigteen in lagu kala kaco, balse uu dhexdhexaadiye Geelle ku guntaday sidii uu isugu ilaalin lahaa labada dhinac.



Warar madaxbanaan oo gobanimonews ka heshay Madasha Shirka ka, ayaa tilmaamaya inay Ergooyinka oo ay labada madaxweyne ku jiraan hadalo ka duulay bilowgii Wada-hadalka, taasoo sababtay in taag taag iyo kala dareeris meesha timaado.



Hase ahaatee waxa warku intaa ku daray in madaxweyne Geelle oo Madasha markaa ka maqnaa uu ku guntaday sidii uu isugu soo celin lahaa.



Si kastaba ha ahaatee Shirka ayaa laga soo saaray War-murtiyeed, kaasoo u dhignaa sidan:



 



1-In la dar dar galiyo wadahadalada labada dhinac, isla markaana wakhti lagu jaangooyo



2-Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyey.



a)      In laga dhawrsado wixii wadahadalada carqalad gelin kara.



b)     In aan la siyaasadayn deeqaha aadminimada iyo mashariicda dib u dhiska walibana la dhiirigaliyo



c)      In la fuliyo heshiiskii hawada iyada oo farsamo lagu saleynayo wixii lagu heshiiyey.



3.  Labada dhinac waxay isla garteen in dawladda Djabuuti laga qeyb geliyo wadahadalada marka loo baahdo.



4. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen ilaalinta xuquuqal insaanka, iskaashiga nabadgelyada iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka arga-gixisada, nudhcad-badeedka iyo dembiyada abaabulan (otganized Crime).



5. In madasha tan ku xigta ee ay ku kulmayaan ergooyinka labada dhinac ee Somaliya iyo Somaliland ay noqoto 26-27 Febraayo ee 2015, laguna qabto magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.



6. Waxay labada Madaxweyne ee Somaliya iyo Somaliland ay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo martigeliye wadahadalkan, ka dib markii ay labada dhinac sidaa ka codsadeen



La soco xoggo dheeraad ah goor-dhow...