Monday, December 1, 2014

Xaaji Cabdi-waraabe oo Siilaanyo ku Adimay

“Madaxweyne Doorashada hadii lagaaga guulaysto si sharaf leh uga deg, sidii Rayaale”Xaaji Cabdi waraabe

SiilaanyoooHargeysa(GNA)-“Madaxweyne dhugo oo ii Dhego-nugloow, waxaad tahay Madaxweynihii afaraad ee Jamhuuriyada Somaliland soo maray...Madaxweynuhu wuu sharaxanyahay...”soo Gaabi xaaji Salaadiibaa Taagane” “Waar naga Amusa soo gaabin maynee..cidii salaad-tegaysaa ha tagtee,...Madaxweyne dabeyshii Doorashada ayaa ina haysa, adna Musharax-baad tahay ..waxaan kugu waaninayaa in hadii lagaa guulaysto”hadalada duur-xulka iyo Dar-daaranka xambaarsan waxa madal Il-yartu isqabatay ka jeediyay Shalay Xildhibaan, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji cabid-waraabe ) oo ah Odayga ugu da’da weyn Somaliland ee looga dambeeyo ama marjaca u noqda ka talo-bixinta arrimaha murga iyo Maslaxada Qaranka ee dhanka Siyaasada.

weedhahan Xaaji Cabdi ku kediyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka qayb-galkiisa Munaasibada furitaanka Bangiga Ganacsi ee Shirkadda Dahabshiil u ahayd Sharaf iyo Shido-la’aan siyaasaddeed, maadaama aanay Hogaamiyeyaasha Mucaaridka oo inta badan looga bartay inay xukuumadda ka dhaliilaan meelah bulshadu sidan oo kale ugu kulantaa aanay door Khudbaddeed ku lahayn , ayaa ku soo beegmay xilli ay Jeegaanta Siyaasadda ee dalku u jan-jeedho dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka soo socda, muuqdaana ifafaaleyaal muujinaya duruufo sababi kara taasi, sida ka muuqata aaraa’da mujtamaca ku jira xayndaabka loolanka iyo taageerayaashooduba.

Sidaasi darteed, waxa uu xaajigu u muuqda inuu Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa si tudhaale ku jiro uu ugu sanduleeyey aqbalaada rabitaanka Bulshada ee xumadda Doorashada, taasoo uu waliba ku waaniyay inuu ku qanco hadiiba lagaga guulaysto, hadii uu kursiga ku sii negaadana waxa uu ku guubaabiyay inuu la yimaado hufnaan maamul iyo debecsanaan waafi ah.

Inkasta oo uu Xaajigu marka uu khudbada Jeedinayay laga dheehanayay inuu Masalaha qaatay arrimo badan oo uu qaarkood ku faadh-faadhay fidmooyin hore oo ku xidhiidhsan, soona hadal qaaday waxyaabo badan oo ay dadkii Munaasibada fadhiyay aanay u riyaaqin, sida dhacdooyin uu goob-joog u ahaa xilligii Dagaalada Sokeeye dalka ka socdeen, hadana marka gees kale laga dhuuxo qaabka uu Madaxweynaha ula hadlay, sida Ilayska Cad-ceeda   u Iftiimisay xusuusta markii Xisbiga kulmiye Doorashada Madaxtinimada lagaga guulaystay sanadkii 2003-dii oo haatan laga joogo sagaal sannadood, kaasoo uu xisbigii UDUB kaga helay 82 cod oo kaliya.

Xilligasoo uu Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdiwaraabe), ka mid ahaa Odayaashii Guurtida ee Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye ku qanciyay inuu aqbalo Natiijadii Doorashada ee markii lagu dhawaaqey uu ku gacan-saydhay, isagoo ku dooddayay in lagaga shubtay, ayaa Dhumucda dar-daarankiisu tusaale u noqonayaa wer-werka laga qabo in si xalaal ah loogu kala baxo Doorashada 2015-ka hadii ay qabsoonto. Waxa kale oo laga dhadhansanayaa Odhaahda Xaajiga waano uu kaga wacyi-gelinayo dib u dhac doorashadaasi ku yimaada iyo inuu la xintamo iyo guud ahaan dareenada ku xeeran xaaladaha la wajahayo guga dambe ee kaabiga saaran.

Waxaanu Oday Xaaji Cabdi,si uu hadaladiisa u sii kala-qalo, uguna saafo dadka aan ku xeel-dheerayn fasiraada kelmadaha Siyaasiga ah, uu ku gacan-saydhay dhawaaqyo loogu sarbeebayay in hadalka soo gaabayo, iyadoo qaar ka mid ah dadkii shirka fadhiyay ku war-geliyeen in Salaadkii Duhur la adimay, lana soo gunaanadayo xaflada. “ Waar soo gaabin maayee waan dhamaysanayaaye, Ninkii Salaada tegayow Orod tag” ayuu si fal-celis ah ugu dhawaaqay, isagoo dhinac fadhiya Madaxweyne Siilaanyo.

Inkasta oo xubno ka mid ah Culimadii xaflada fadhiday Kuraasta ka kaceen, hadana waxa uu cod-baahiyaha ku sii dhegsanaa Qadar labaatan daqiiqadood xidhiidh ah, isagoo si mug leh uga sheekeeyey dariiqii loo soo maray dib u dhiska dalka iyo Madaxweyneyaashii Md. Siilaanyo ka horeeyay mid waliba halkii uu soo gaadhsiiyey.

“Marxuum Cabdiraxmaan wuxuu dalka hogaaminayay laba sannadood oo aad iyo aad u adkaa. Cigaal wuxuu inoo jeexay seeskii dawladnimada, Rayaale wuxuu dhisay Ciidamada, adigana waxaanu doonaynaa inaad noqoto madaxweynihii horumarka”ayuu ku dar-daarmay Xaajigu isagoo aan wali ka boggan hadalka.

“Doorashooyinka dabeyshoodii way ina haysa, Madaxweynuhuna waa Musharax”ayuu hadalkiisa raaciyay. waxaanu hadana mar kale madaxweyne Siilaanyo ku kala leexiyay Giraanta, isagoo sida waranka ugu ganay weedho diirran oo dareenkii Shucuubta bedelay.

Waxaanu yidhi “Madaxweyne dhugo oo ii dhego-yeelo. Madaxweyne Doorashada hadii aad mar labaad ku guulaysato waanu kuugu duceyn ee dulqaad muuji, hadii lagaa guulaystana si sharaf leh uga deg, Sidii Daahir Rayaale uga degay markii laga helay”.

Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo oo ay haatan si fiican u daalacanaya in dabeysha Doorashadu ay tahay waxaanu daah-saarin Karin, hase ahaatee wali u faadhumaysanaya sidii uu muddo korodhsi u heli lahaa, ayaan wax jawaab ah ka bixin hadaladan mutaxan ee uu Xaaji Cabdi-waraabe dhegaga u saaray, inkasta oo uu madaxa u ruxayay intii uu xaajigu ku adimayay. Taasoo talo-qaadasho aan afka ka soo bixin, loona turman karo “Haa iyo Maya.. Diiday iyo Yeelay..” ama la mid ah hawraarta Soomaaliyeed ee odhanaysa “Suul-dhabaale waa hadal, hadana waa si gooniya”.

Saleeban Cabdi Cali

Gobanimonews/ Yool Editor

Hargeysa Office

Email: curad1986@hotmail.com