Kadib Sabtidii markii ay salaadiinta gobolada galbeedku sheegeen inay suldaan Wabar waayeen isla markaana ay u suurta galiwayda inay xataa kula xiriiraad tilifoon ayaa waxay sababtay inay salaadiintu si cad u sheegeen in go’aanka uu qaatay suldaan Wabar yahay mid isaga ku kooban oo ay salaadiinta kale ay ka madaxbannaan yihiin.
Inkastoo ay xukuumaddu aad ula dhacday hadalka kasoo yeedhay salaadiinta gobolka oo ay ku macnaysay inay xaaladdii in muddo ahba ka taagnayda gobolka ay dhamaatay isla markaana suldaan Wabar yahay nin ku kacay khiyaano qaran, hadana hadalka kasoo yeedhay salaadiinta ayaa bulshadu siyaabo kala duwan u fasishay, meelaha dadku isugu yimaadaan markaad joogtoo waxad la kulmaysaa dad taageersan hadalka salaadiinta iyo kuwo kale oo aaminsan inay xukuumaddu sii adkaysay xaaladda.
Dadka aadka ula socda xaaladda markaad la sheekaysato qaarkood waxay kuu sheegayaan in ay xukuumaddu hawsha dhinac ka adkaysay isla markaana illaa hadda dawo u laadahay xaaladdii keentay in uu suldaan Wabar goosto ee ahayd inay si deg-deg ah uga jawaabto tabashadii ay salaadiintu afar bilood ka hor xukuumadda hor dhigeen, waxa kale oo ay ku doodayaan in xukuumadda looga baahna inay tanaasul samayso oo ay soo dayso dadkii iyo xildhibaanadii xadhiga lagula kacay si xaaladda loo dajiyo taasina may dhicin.
Waxa kale oo ay farta ku godeen dadka aadka u dhaliilsan hadalka salaadiinta, in salaadiintu arintani aynan u madaxbanaanayn oo ay xukuumaddu dhabarka ka riixaysay looga baahnaa in arinta ay aad uga fiirsadaan oo ay sugaan ballantii ay soo fuliyeen guddigii hor dhaca ahaa ee loo diray suldaanka ee sheegay in uu suldaan Wabar raali ka yahay inuu la kulmo salaadiinta gobolka lakin ay sugaan isaga inta uu soo sheegayo xilliga iyo goobta lagu kulmayo.
Dhaliishu ma yara oo dhankasta way kasoo dhacaysaa markaad dhugato oo dhagaha aad u dhaadhiciso dhalinyarta gobolka oo qaarkood ka dhaxli kara xaaladda gobolka Awdal dhiiranaan iyo dhadhansi ay dhab noqon karto inay ka dhiidhiyaan dhibkasta oo soo gaadha hoggaanka dhaqanka ee gobolka, dhalinyarta qaarkood ayaa aaminsan inay xukuumaddu kala fogaynayso salaadiinta gobolka mar haddii shirkii jaraaid ee ay qabteen uu ka maqnaa suldaanka aadka loo tixgaliyo ee Suldaan Saleeban Cali Ismacil oo ah suldaan ugu da’da wayn hogaanka dhaqanka ee gobolka Awdal, walow sababta uu suldaanku u maqnaa aan la ogaan Karin inay tahay mid salaadiinta kale isku og yihiin iyo inay tahay mid isaga u gaar ah oo su’aal galin karta ka sinaanshaha hoggaanka dhaqanka ee arinta iska barraxay.
Bulshada qarkood ayaa qaba fikirkaa ku duwan oo ah In xukuumadda iyo salaadiinta arinta faraha looga qaado si ammaanka gobolka iyo kan magaalada Borama loo adkeeyo, waxay dadka la dhacsan qaabka ay salaadiintu uga hadleen arinta suldaan wabar kuu sheegayaan inay salaadiintu mareen jidkii ugu habboono ee arintan lagusoo afjari lahaa, waxa kale oo ay inta raacinayaan in suldaan Wabar arintan sii adkeeyay oo dhankiisa looga baahnaa inuu salaadiinta tixgaliyo oo uu la kulmo si ay salaadiintu fikirkiisa iyo rabitaankiisa ugu gudbiyaan xukuumadda.
Lama oga qaabka uu suldaan Wabar arintan uga hadli doono,lakin dadka aadka ula socda xaaladani waxay sheegayaan in ay arintu joogta halkeedii iyo meel kasii hoosay oo ay tabashadii Awdal jawaabteedu illaa hadda maqan tahay halka suldaan wabar-na go’aankiisii ku maqan yahay,lagana yaabo inay arintu noqota mindi mindi ku tag oo suldaan Wabar go’aanka ay xukuumadda iyo salaadiintu qaateen mid ku lid ah qaato,wolow wax garadka iyo aqoonyahanadu ay aaminsan yihiin in ay arimuhu sidii hore ka fudud yihiin mar haddii salaadiinta miisaanka leh qaarkood ay arintan iska barraxeen.
Mursal Elmi
Gobanimonews