Jabuuti(GNA) Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saaka dalkiisa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaasoo hogaaminayey wefti ka tirsan Golayaasha Qaranka Somaliland oo ka qayb qaadan doona wadahadal ay Dalka Jabuuti ku yeelanayaan Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliya.
Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay ka mid yihiin Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Somaliland, Wasiiradda Beeraha, Xaanaanada Xoolaha, Arrimaha Dibada, Madaxtooyadda iyo Xildhibaano ka socda Golaha wakiiladda, ayaa waxa Madaarka Jabuuti ku soo dhweeyey Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo raysal wasaaraha Dalkaasi C/qaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayeen wasiiro kale oo Reer Jabuuti ah.
Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa saacadaha soo socda la kulmi doona Weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanay si toos ah isla maantaba u bilaabi doonaan wadahadalada uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex dhexaadinayo labada Dal.
Ciidanka Bam boyda Dalka Jabuuti ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku soo dhaweeyey Madaarka Jabuuti, halkaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo kaga qaatay Salaan sharafta Madaxweynanimo.
ka hor inta aanu Weftiga Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhin Dalka Jabuuti waxa Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa hadal kooban oo ujeedada safarkaooda ah ka jeediyey, wasiirka
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay sii ambaqaadayaan wadahadaladii u dhaxeeyey labada Dal.
si kasta ha ahaatee kulanka Somaliland iyo Somaliya ayaa la filayaa in uu qaato muddo saddex cisho ah, sida ay sheegeen Madaxda Baratakoolka Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Wariyeyaasha ayaa ku waramaya inay wadahadalo foolka fool ah, yeellan doonaan Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo goor dhaweyd yeeshay kulan qaddo ah oo uu ku wehelinayay Madaxweynaha Djibuoti Ismaaciil Cumar Geelle.