Marxuumka ayaa laga soo qaadi doonaa Magaalada Nairobi oo uu xalay ku Geeriyooday, waxaana lagu aasi doonaa Xabaalaha xeedho ee Duleedka hargeysa.
Haddaba War-gelintan ayaa u dhignayd sidan: “Wargelin: Wargeyska Saxafi iyo Qoyska Reer Muxumed Faarax waxay ku wargelinayaan dhamaan umadda reer Somaliland in Marxuum Maxamed-rashiid la keenni doono madaarka Hargeysa 11:30. Bari Islamarkaana toos loo geynayo oo lagu aasayo Xaabalaha Xeedho, cidii ka qaybgalaysa Jinaasadda Marxuumka sidaas ha ula socdaan.”
Bahda Gobanimo News, waxay Geerida marxuumka ka tacsiyadaynayaan Bah-weynta Saxaafadda, Qaranka Somaliland, qoyska iyo Qaraabada uu ka baxay, Marxuum maxamed-rashiid, waxaanay alle uga baryayaan inuu Janooyinkiisa ka waraabiyo, Samir iyo iimaan-na ka siiyo, Umadda uu ka baxay.
Aamin aamin aaaaaaaaaamin
Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajucuun...