,Cirro oo tahliwaayay inuu xildhibaanada ku ilaaliyo ka soo xaadirida fadhiyada golaha wakiilada.
,shacabka oo iska waydiinaaya sababta.
<img alt="shir gudoonka wakiilada" class="alignleft size-medium wp-image-103507" height="158" src="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/shir-gudoonka-wakiilada-300x158.jpg" width="300" />Hargaysa(GNA).diciifnimada shir gudoonka golaha wakiilada somaliland, ee u hogaaminaayo gudoomiye cirro ayaa sababtay in ay furmiwaayaan fadhiyadii golaha wakiilada iyada oo ay maalintii labaad uu qabsoomi laahay ka dib markii kooramkii uu buuxsamiwaayay,fadhiga golaha wakiilada ayaa shalay baaqday qabsoomidiisi ka dib markii ay soo xaadirwaayeen xildhibanadii buuxin lahaa kooramka.
wariye ka tirsan shabakada wararka ee Gobanimonews.com oo saaka booqday xarunta golaha wakiilada somaliland, ayaa saaka sheegaaya inuu maalintii labaad baaqday fadhigii golaha wakiilada somaliland,iyada oo saaka la filaayay in mudanayaashu ay soo buuxiyaan kal fadhiga iyada oo gudoomiyaha golaha wakiiladu uu shalay ku dooday inuu talaabo ka qaadidoono xildhibaanada sabab la,aanta uga maqan golaha wakiilada, balse habacsanaanta gudoomiyaha oo ay dareemeen dhamaan xildhibaanadu ayaa sababtay inuun maantana saacadahiisi ka habsaamo kal fadhiga golahu.
shir gudoonka golaha wakiilada somaliland, ayaa iyagu ah kuwo kala socda iyada oo sababtana lagu macneeyo gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland, c/raxmaan cirro oo isagu inta badan ah siyaasi go,aankiisu aanu ahayn mid ay mudanayaashu adeecaan iyada oo ay ku tilmaamaan masuul danaha golaha ka horaysiiya danta xisbigiisa waddani,
isku soo wada duuboo qabsoomi la,aanta fadhiyada golaha wakiilada ayaa noqonaysa mid shaacinaysa diciifniamada shir gudoonka golaha wakiilada iyada oo dhanka kalana ay shacabku iswaydiinayaan sababta keentay habacsanaanta gudoomiyaha golaha wakiilada oo isagu wakhtigan ka mida musharaxiinta codka ka raadinaayay shacabka.
Mustafe axmed(Herer).
Gobanimonews.com/office
Hargaysa/somaliland
Herersax@gmail.com