Sunday, December 21, 2014

Somaliland: Warbixin Qarxisay Musuqmaasuq iyo Is-maan-dhaaf culus

Diiradda Baadheyaasha Wakiillada + daadifeynta Hanti-dhowrka + Waxbarashada  iyo dersidda Golle-weynaha..Akhri oo daawo



wakiilladaHargeysa(GNA)-Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay la horkeenay warbixin si qoto dheer loo diyaariyay oo ay Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golahaasi ka soo saareen baadhitaano muddo socday oo ay ku sameeyeen Hay’addaha Dawladda ee heer, deegaan, mid Gobol iyo heer qaran intaba.



Warbixintan oo ka koobnayd 11 bog, ayaa Guddidu dibada soo dhigtay heerka Musuqmaasuq, Maamul xumo iyo tayo xumaaneed ee Laamaha kala duwan ee dawladda, sida Dawladdaha hoose, Hay’addaha Xukuumadda wasaaraddaha iyo kuwa madaxbanaan isugu jira, waxaanay warbixintu si gaar ah diirada u saartay laamaha maamulla dakhliga dawladda, xafiiska Hanti-dhowraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud.



Guddidan oo Muddo baadhis ku waday hanaanka Hay’addani u shaqayaan, ayaa sheegay inaanay hay’addan qaarkood  gabi ahaanba guddan hawlihii ay qaranka u xilsaarnaayeen, gaar ahaan Xafiiska Hanti-dhowraha guud iyo Komishanka La-dagaalanka Musuqmaasuqa Qaranka,  islamarkaana aanay wada shaqayni ka dhaxayn Madaxda Hay’adda oo ah Gudoomiyaha, kuxigeenkiisa iyo Agaasimaha.



Warbixinta guddiga Hantidhowrka Wakiillada, ayaa lagu sheegay in Madaxda Hantidhawrku la shaqayn waayeen Guddidan wakiilada oo ka dalbatay inay si cad ugu soo bandhigtay Xisaab xidhada Miisaaniyaddaha qaranka iyo natiijada baadhitaannada Hanti dhawrku ku sameeyey hay’addaha Dawladda.



Fadhiga Golaha Wakiillada ee lagu soo bandhigay Warbixintan, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, furmayna goor dambe Hadh-soo-korkii shalay, ayaa waxa warbixinta uga Mudaneyaasha Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golahaasi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.



Nuxurka Warbixinta



“Tusaale, Gudidu waxay Hanti-dhawraha la qaadatay kulamo aad u faro-badan labadii Sano ee ugu danbeeyey.



Waxaanay qoraalo faro-badan u qortay Xafiiska Hanti-dhawraha kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwan sumadoodu ay hoos ku qoran yihiin:-



 



1. GW/G/01/57/2012



2. GW/G/01/73/2012



3. GW/G/01/98/2013



4. GW/G/01/20/2013



5. GW/G/01/10/2014



6. GW/G/01/24/2014



7. GW/G/01/194/201



 Dhamaan waraaqahaas iyo kulamadaas aanu la galnay nuxurka dalabka Gudiddu wuxuun buu ahaa qaar isku mida waxaanuna ka dalbanay saddexdan qodob ee halkan hoose kuqoran:- 



1. U soo gudbint Guddida Warbiximaha Sanadlaha ah. (Annual Report)



2. Warbiximaha Hay’adaha uu baadhay iyo Gunaanadkooda



3. Warbixin xisaabeedka hay’adda lafteeda iyo hantideeda guurtada ah iyo maguurtada ah.



Codsiyadaas iyo dalabyadaas ay Guddidu waydiisatay, mar walba Hanti-dhawrahu wuxuu Guddida ka codsadaa in ay siiyaan waqti aan ka badnayn 10 malmood, 5 maalmood, mararka qaarkood 2 wiig.”ayaa lagu sheegay Warbixinta guddida oo uu akhriyay Mudane Maxamed Cali Xirsi.



Waxaanu intaasi ku daray“Guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranku iyagoo markasta tixgelinaaya wadashaqaynta Xafiiska Hanti-dhawraha, tixgelisana codsiga kaga yimaada Hanti-dhawraha Qaranka, Dhamaan balanqaadyada Hanti-dhawrahuna waxay ku dhamaataa mid aan waxba ka fulin.



Mararka qaarkoodna wuxuu Hanti-dhawraha Guud noo soo qorayay waraaqo nuxur ahaan ka duwan wixii aanu ka dalbanay, oo aanu u aragnay uun isdiidsiin iyo ka cagajiid. Gudidu siwadar iyo si shakhsiyaad ahba waxay uga hawlgaleen hirgelinta wadashaqayn dhexmarto Hay’addaas iyo Golaha si loo gaadho Hadafkeena Qaran ee aynu higsanayno.”ayaa warbixinta lagu yidhi.



 Warbixinta Guddidan Wakiilada ka tirsani ka diyaarisay Hantidhawrka waxaa lagu sheegay in baadhis lagu sameeyay Hay’adda lafteeda ay ku Ogaadeen inaanay wada shaqayniba ka dhexayn Madaxda Hay’adaasi



“Ka dib markaanu in badan eegaynay Xogona ka urur-sanaynay Hay’adda Hanti-dharka Guud waxaan  noo soo baxday in:-



 1. In Aanay wax wada shaqayni ka dhexayn madaxda u saraysa Hay’ada, Gudoomiyahuna Lumiyey Nidaamkii wada-shaqayneed ee Hay’adda.



 2. In Shaqada Hay’addu ay ku kooban tahay Gudoomiyaha oo uu weheliyo agaasimaha Dawlada dhexe.



3. In Hay’adu noqotay Hay’addaha ugu hoosaysa tayo ahaan intii aanu la kulmaynay madaxda qaranka, anagoo Hay’adaha ku qiimayna warbixinada ay nasiiyaan iyo xogo oo aanu badanaa ka helno siyaabaha ay hayadahu amaba wasaaraduhu ku gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.



 4. In Gudoomiyahu aanu ogolayn in xogo qoraala uga gudbiyo Golaha Musuqmaasaqa xukumada hadheeyey ee uu afka ka sheegaayo.



 5. In Hay’adda laftigeedu aanay ka madhnayn maamul xumo baahsan oo dhexdeeda ah taas oo sababi karta wax isdaba marin.”



 Talo soo jeedinta Guddida:-



Guddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hanti Qaranku waxay soo Jeedinayaan Qodobadan hoos ku xusa:



1. In Madaxweynahu uu dib u eegis balaadhan oo kor iyo hoos ah ku sameeyo Hay’adda Hanti-dhawrka Qaranka.



2. In Wax ka bedel kaabis lagu sameeyo Xeerka Hanti-dhawrka (Xeer 5/98) oo ku dhisnaa Cahdi Qarameedkii la waafajiyo Dastuurka JSL.



 3. In Xisaab-xidhyada 2008, 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2013 ee uu Hanti-dhawraha Guud Golaha keenay lagu wada celiyo si u u soo dhamaystiro, u soo saxo una soo raaciyo cadaymaha iyo Documents (Supported documents) looga baahan yahay.”ayaa lagu yidhi Warbixinta Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiillada oo sidoo kale lagu soo qaaday qodobo kale oo la xidhiidha daadejin la’aanta agabka Xafiisyada ee xarumaha Dawladda oo aanay helin Xafiisyada dawladda ee Gobolladu, taasoo keentay inay aad u liidato shaqada ay qabtaan Xafiisyada Gobollada ee dawladdu, siiba kuwa ay joogaan madax-goboleedyada.



Warbixintu waxay tilmaamaysaa inaan Qalabka loogu talo-galay horumarinta adeegyada Xafiisyadaasi aan la gaadhsiin oo dhexda lagu lunsado, isla markaana Maxkamaddaha Xafiisyada isuduweyaasha, kuwa Badhasaabada iyo goobaha kale ee dawladduba ka aradanyihiin raadeynta dawladnimo, waxaanay halkaas ka soo saareen iftiimin ah in Musuqmaasuqu badani hadheeyay Wakaalladaha dawladda ee Gobollada iyo xafiisyada guud ee Hay’addaha madaxbanaan intabada.



Jawaabta Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka



Geesta kale, Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa jawaab adag ka bixiyay eeddeymahan culus ee Guddida Golaha Wakiilladu sida roobka ugu cashariyeen, taasoo ay gabi ahaanba Sarkiisha Xafiiska Hanti-dhowrku waxba kama jiraan ku tilmaameen.



Afhayeen u hadlay Xafiiska Hanti-dhowrka, ayaa gaashaanka u daruuray habacsanaanta maamul iyo gaabista shaqo ee Guddidu ku dhaliishay Xafiiska, waxaanu ku doodday inay hayaan caddeymo muujinaya kulamadii iyo warbixinihii ay Guddida siiyeen.



“ ugu yaraan afar shan jeer ayaan la kullanay guddida, wax allaale wixii ay na waydiiyeena waanu siinay”sidaasi waxa Wargeyska Yool u sheegay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Hant-dhowrka guud Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), kaasoo intaasi ku daray “marka laysku soo miin-guuriyo dhamaan eeddeymahaas ay soo jeediyeen wax ka jiraa ma jiro, waa eeddeyn aan sal iyo raad toona lahayn” ayuu sii yidhi isagoo khadka taleefoonka ugu waramayay Wariyeyaasha wargeyska.



Afhayeenka u hadlay Xafiiska Odhidka Qaranka, ayaa sheegay inaanu xafiiskoodu samaynin Xisaab-xidhka Miisaaniyadaha Qaranka ee uu xisaabiyaha Guud soo diyaariyo,una soo gudbiyo Xafiiskooda, kaddibna sida u tilmaamayo xeerka Hanti-dhowruhu ay aragti hubinneed ku soo lifaaqaan Wareegtooyinka Xisaabiyaha guud keeno, isla markaana Golaha u gudbiyaan “Hanti-dhowrka guud ma diyaariyo Xisaab-xidhka Misaaniyada, balse waxaanu ku leenahay hubin iyo caddeyn ah inay xisaab-xidhku sax yahay, waxaana xisaab-xidhka soo diyaariya Xafiiska Xisaabiyaha Guud” ayuu yidhi.



Cali Bilyan, dhankiisa ku doodday inay Golaha Wakiillada u soo gudbiyeen dhamaan xisaab-xidhadii miisaaniyadihii 2008-dii ilaa 2011-ka,waxaanu yidhi “Xisaab xidhada 2008, hal xisaab-xidh kama dhina, waanan horgeynay, sanad kasta Hanti-dhowraha wuxuu Golaha u jeediyaa Khudbada xisaab-xidhka, qoraaladii aanu geynayn golahana waanu haynaa”.



Agaasimaha Xafiiska Hanti-dhowrka guud waxa kale oo uu dhaliilay qaabka ay Guddida Wakiilladu eeddeymaha ugu jeediyeen xafiiskooda, waxaanu farta ku fiiqay inaanay Guddida awood sharci u lahayn baadhista Xafiisyada “Sida ay dhigayaan Shuruucdu iyagu baadheyaal maaha ee xogwaraysiyo oo annagaba way nala yeesheen. Markay leeyihiin Miisaaniyadaha dawladdaha hoose kuma cadda xisaab-xidhka Miisaaniyadaha, dhaqaalaha dawladdaha hoose miisaaniyad ahaan Golaha wakiillada laguma keeno, xisaab xidh gaar ah looma sameeyo, Goleyaasha Deegaanku iyagaa Miisaaniyadahooda ansixiya waxaana xisaab xidhka la sameeya wasaarada arrimaha gudaha” ayuu yidhi.



Afhayeenka Hanti-dhowrka guud waxa kale oo ku doodday inay warbixintani u muuqato mid si cad loogu weeraray Xafiiska Hanti-dhowrka, una arkaan mid ujeeddona laga leeyahay oo xaqiiqada ka fog.



 Isagoo ka hadlaya aragtidooda ku aadan sababta dacwada intan le’eeg Golaha loogaga gudbiyay, ayaa wuxuu yidhi “sababta ka dambeysa laba mid uunbaan u arkaa, kow Aqoon daro haysata Guddida ama faham la’aan iyo ta labaad oo ah in sumcad dil iyo amar ku taaglayn badheedh ah” ayuu yiddhi.



HANTIDHOWRAHDhinaca kale, Hantidhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Aw-cabdi Ibraahim, oo Maanta Shir jaraa'id qabtay, ayaa si adag uga jawaabay dhaliilaha musuqmaasuq ee loo jeediyay.



Halkan ka Daawo:





Wasaaradda Waxbarashada



Geesta kale Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre oo ka mid ahayd Hay’addaha Dawladda ee ay warbixinta Guddida Wakiilladu durtay, ayaa si adag u beenisay jiritaanka Musuqmaasuqa lagu xidhiidhiyey.



Shir-jaraa’id oo ay Wasiirka Wasaaraddaasi ku qabatay Xafiiskeeda, kaasoo ay ku wehelinayeen xubno ka mid ah madaxda Waxbarashada Gobollada qaarkood iyo Isuduweyaal, ayaa waxay ku sheegeen inaan haba-yaraatee wax ka jiraa jirin eeddeymaha wax-isdaba marinta ah ee Golaha Wakiillada looga gudbiyey.



samHalkan ka Daawo:





S. Kalshaale



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: curad1986@ghotmail.com