Maanta Geesi Baa Baxay: Hoggaamiyihii Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland 
    Mustafe Sh. Cumar
    Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA. ayaa xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaaladda Nayroobi.
    Alla Ha u naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid waxaa magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya loo qaaday Jimcihii 26-kii Bisha December, ka dib markii Khamiistii ka horaysay dhaawac culusi ka soo gaadhay Shil Baabuur  oo ka dhacay duleedka magaaladda Berbera.  Marxuumka waxaa la keenayaa magaaladda Hargeysa oo manta qabanqaabadda Aaskiisu ka socoto Salaasada Bari 30-ka Bisha, waxaana lagu aasi doonaa Xaabalaha Xeedho haddii Alla Idmo.
    Marxuum Maxamed-rashiid waxaa uu ahaa astaanta lagu garto xorriyadda Saxaafadda ka hana-qaaday Somaliland, iyadoo uu goor wal iyo goob kasta la taagnaa badheedhe uu ku difaacayo xaquuqda rayi-dhiibashadda iyo in dadku fikirkooda si xor ah u dhiibtaan.
    Eebe ha u naxariitee marxuumkan oo  kartidda Eebaha sareeya ee hufani u dhaliyay awgeed, u muuqday Dayrka col iyo cadaaweba kaga gudban inta u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda aadamaha dib ayaynu taariikhdiisa oo faah-faahsan ka soo gudbin doonaa.
    Ka hor soo gudbinta taariikhdaas aan soo fool-tabiyo horaanta suugaan Baroor diiq ah oo ay tixdii koowaad bilowgeedda na soo gaadhsiisay Abwaan Nimco Aadan Hurre. (Nimco Gabaydo.)
    Waxay tidhi.
    Ifku geeddi weeyaan
    Gabal-dhiciyo waaberi
    Laga guurayaayoo
    Adoomaha ku guud nool
    Qofba galab ka hoydee
    Allaylehe nin gob ah iyo
    Halyay garasho dheer iyo
    Muumin ruuxa gool-moon
    U gargaari jirayoo
    Ka weynaa gankiisiyo
    Maanta Geesibaa baxay
    Garabkayga taagnaa
    Gacmo-madhan Alahayow
    Adaan kuu goglanayaa
    Naxariis gu weyn iyo
    Raxmaddaada aan gudhin
    Godolkeeda siiyoo
    Qabrigiyo ku guulee
    Godka aakhiruu tagay.
    Nin Garaad wacnaayoo
    Guddi jiray abaalkoo
    Gali jiray markiisiyo
    Hanad- lagu goblamay iyo
    Maanta geesi baa baxay
    Garabkayga taagnaa
    Gacmo madhan Allahayow
    Adaan kuu goglanayaa
    Naxariis gu weyn iyo
    Raxmaddaada aan gudhin
    Godolkeeda siiyoo
    Qabrigiyo ku guulee
    Godka aakhiruu tagay.
    Gurmad nin u ahaan jiray
    Birma gaydadiisiyo
    Mahuraanka gaabshoo
    Qofka dhibi ay gaadhaba
    U gargaari jiray iyo
    Maanta geesi baa baxay
    Garabkayga taagnaa.