,salaadiinta naga cadhooday waanu tabaynaa, oo kama maarano waanu soo celindoonaa isha allaha……….. xubnaha ka baxay gudida iyana waanu la hadlidoonaa oo waanu is afgarandoona …. Suldaanka guud ee beelaha Sacad Muuse Sul.xasan.
,Codka gudidu waa aqlabiyad madaxweynahaa ku fadhiya cod aqlabiyada, golaha deegaankaa ku fadhiya go,aanka gudiduna waa sidaas soo kale…
,markii ay noo yimaadeen waxaanu siinay kalsoonida gudida waxaanu nidhi intii aynu faction kale aynu noqon lahayn waa inaynu aqbalnaa wixii ay inoola yimaadaan gudidaaasi waananu aqbalayn..Ugaas Xawaareeye,
Hargaysa(GNA).kumanaan kun iyo kumanaan kun oo ka tirsan oday dhaqameedka,salaadiin, cuqaal, Siyaasiyiin, dhalin yaro iyo aqoon yahanka Beelaha Sacad Muuse ayaa maanta shir ay iskugu yimaadeen hotelka maansoor ee magaalada Hargaysa, waxay ku taageereen go,aankii ay dhawaan soo saareen gudida Horumarinta beelaha Sacad muuse, ee ay ku kala saareen siyaasiyiinta ku loolamaaya jagada madaxweyne ee xisbiga kulmiye shanta sanno ee soo socda kaas oo ay u doorteen Muj. muuse Biixi cabdi inuu yahay musharaxa u tartamidoona xisbiga kulmiye ee ka soo jeeda Beelweynta Sacad Muuse.
Munaasibada si meeqaam sare ah loo soo agaasimaya oo lagu casuumay in ka badan shan kun(5000)oo qof ayaa si buuxda loogu taageeray go,aankii ka soo baxay gudida horumarinta beelweynta Sacad muuse,ee lagu doortay shirkii hoodaale go,aankaas oo ay dhawaan ku kala reebeen sadexda siyaasi eek u tartamaaya jagada madaxweyne ee xisbiga kulmiye islamarkaana ay u doorteen inuu musharax yahay muj. muuse biixi cabdi gudoomiyaha xisbiga kulmiye halka ay liiska ka saareen labada wasiir ee iyagu ku jiray liiska sugida shanta sanno ee soo socda ee xisbiga kulmiye.
xafladan oo ay ka soo xaadireen dhamaan odayaasha beelaha sacad muuse oo uu hogaaminaayo suldaanka guud ee beesha subeer Awal Suldaan xasan ayaa waxay cod dheer ku muujiyeen inay taageero siiyeen islamarkaana uu xalaal ahaa go,aankii gudidu iyaga oo xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka oo dhawaan qaadicay go,aankaasi ugu baaqay inay aqbalaan codka majooratiga ah halka ay 5 xubnood oo iyana ka mid gudida beelaha sacad muuse oo iyaguna ka baxay shirkii lagu doortay muuse biixi cabdi ugu u soo jeediyay inay qaataan go,aanka gudida ee aqbaliyada ah, suldaanka guud ee beelaha subeer awal suldaan xasan oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inay soo dhaweeyeen go,aanka islamarkaana ay gudidu tahay gudi matasha hanka beesha sacad muuse waxaanu sheegay inay soo celindoonaan odayaasha iyo xubnaha gudida ka tirsan ee iyagu ka cadhooday go,aanka islamarkaana wuxuu ugu baaqay inay aqbalaan meesha la isku raacay.
ugaas xawaareeye oo isna ka hadlay goobta ayaa dhankiis ku tilmaamay go,aankii gudida mid geesinimo ah
isku soo wada duuboo dhamaan salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka wax garadka beesha ayaa si buuxda u taageeray gudidii kala saaray siyaasiyiinta beesha sacad muuse, balse waxa wali arin daahsoona jawaabta ay ka bixindoonaan labada wasiir ee sh, samaale iyo biixi yoonis oo iyagu dhankooda u muuqda kuwo aan ku qancin go,aanka gudida beesha soo saartay,
mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/Somaliland
Herersax@gmail.com