Somaliland oo aas qaran lagu sagootiyey Maanta Suxufi Miisaan leh "Maxamed-rashiid = Tuur Cabdi Shide 2"
Alle ha Naxariistee Maxamed-rashiid, ayaa lagu Aasay Xabaallaha Xeedho ee Magaalada Hargeysa, kaddib markii Maydkiisa la soo gaadhsiiyey Caasimada Dalkiisa ee Hargeysa, waxaana aaska Marxuumka ka qayb-galay Kumanaan ruux oo isugu jiray qaybaha Bulshada, Madaxda Asxaabta Siyaasadda, Wasiirro, Ganacsato, iyo dadweye kale.
Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Sol-telco, ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta Aaska ka qayb-galay. Sidoo kale guud ahaan bahda warbaahinta madax iyo mijo, ayaa ka qayb galay sagootinta Tiirka adag ee ka hoyday Saxaafadda Somaliland.
Qaar ka mid ah Dadkii Munaasibadda Aaska goob-jooge ka ahaa oo Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamo ka bixiyay badweynta Shakhsiyaddeed ee Marxuumka, waxaanay badankoodu ku sifeeyeen inuu ahaa shakhsi dhabar adayga, Kartida, geesiminada iyo guud ahaan dabeecadaha Mihnadeed ka shabahayey Aasaasihii Saxaafadda Somaliland AHN Tuur Cabdi Shidde.
Qof waliba isagoo murugaysan ayaa waxa uu kelmedo kooban ku soo uruuriyay intii uu ka yaqaanay Alle Iilka ha nuuree Maxamed-rashiid Muxumed, waxaana ka mid ahaa madaxda dawladda ee halkaasi tacsiga uga diray Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xubno kale oo ka mid ah Golaha Wasiirrada.
“qof kasta oo fursad u helay inuu Warbaahinta dhambaal tacsi ah mariyaa waxa uu Marxuumka alle u waydiinayay inuu naxariistii janno ka waraabiyo”.
“wuxuu ahaa qof howl-karnimadiisu gaadhay inaanu labada gelin Sal-dhigin, xaalad kastana deg deg uga howl-geli jiray qaabilaaddeeda. Maxamed-rashiid wuxuu ahaa ninka xataa hadii uu qayilayo aan ka fadhiisan jirin howlaha bino-aadannimo ee uu alle u diray” sidaasi waxa sheegay Tafaftiraha guud ee GNA oo ka mid ahaa shucuubtii aaska ka soo qayb-gashay.
"Maxamed-rashiid wuxuu ahaa samo-falo, wuxuu ahaa tiir culus oo aan la ilaawi doonin, waxaanu isku ahayn dhiiga isku B+" sidaasi waxa ku tiraabay Aadan Cabdi Ciidle oo ka mid ah Bahda Warbaahinta ee uu marxuumku ka baxay, " wuxuu ahaa nin u halgama xoriyatul-qowlka, wuxuu ahaa Nin Hargeysa ilaa Laascaanood halkii suxufi lagu waxyeeleeyaba cagihiisa ku taga" ayuu hadalkiisa raaciyay Wariye Ciidle.
Suxufiyiin, saaxiibo iyo siyaasiyiin kala duwan oo iyaguna xusuusta Marxuumka ka hadlay ayaa si isku mid ah u iftiimiyay shakhsiyad wanaagii iyo qofnimadii Marxuumka..
Halkan hoose ka Daawo Warbixin Muuqaal ah:
Wariyeyaasha GNA
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com