Muqdisho, December, 27, 2014-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii habeen hore lagu qaaday goob ka tirsan Xarunta ciidammada AMISOM ee magaaladan Muqdisho.
Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay wax laga xumaado in la weeraro dad u soo gurmaday in ay gacan ka geystaan nabadeynta dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu tacsi u diray qoysaskii dadkii ku naf waayay weerarka, wuxuuna sheegay in aan ummadda Soomaaliyeed illoobi doonin. Madaxweynuhu wuxuu tacsi taa la mid ah u diray Madaxda iyo shucuubta dalalka ay u dhasheen dadkii ku dhintay weerarka.
Gobanimonews
Muqdisho Office