Sunday, November 30, 2014

Qoraa, Suxufi Maxamed Saleeban oo isu sharaxay Mudane Baarlaman Somaliland

S6540203Burco(GNA)Xaflad aad u agaasiman oo ka dhacday Hotel Deero ee Magaalada Burco ayaa lagu soo bandhigay Musharax  Maxamed Saleebaan Cumar oo ah Musharax Dhalinyaro ah,suxufi ah qoraa ah  oo u tartami doona Golaha Baarlamaanka Somaliland.

Musharaxan oo ay soo sharxdeen afgar beelood o ka mid ah Beelaa Baha Axmed ee Gobolka Togdheer ayaa xaflada Caleemo-saarka ah waxa ka qayb galay,Xildhibaano,Cuqaal,Aqoonyahan,haween,dhalinyaro iyo dadwayane kale.
Musharax Maxamed Saleebaan Cumar oo ugu horayn halkaas ka hadlaya ayaa yidhi ''Anigu dadkiina halkan fadhiya ayaan Geesi ku ahay oo abwaan Cali sugule ayaa yidhi dadkaa geesi lagu yahay,waxaynu kaliya ee u baahanahay isku duubni iyo midnimo,Meelo badan oo somalialnd ah baa laynaga taageersanyahay insha allaah waynu soo baxaynaa,Keenistaa iyo garashaadaas aad i keenteen waan idinku mahadnaqayaa,waxan idiin keenayaa barnaamij hufan markay doorashadu gaadho,waxaanan idiinka balan qaadayaa inaanan noqon nin taga oo aan muuqan oo aydaan dib u arag.qaranka oo dhana xil baa inaga saaran,maantana ma noqonayso markii ugu horaysay ee aan cod idiin soo doonan doono  ee Mustaqbal siyaasadeed baan leeyahay,waxaanan umada aqoonta iyo garshada u saaxiibka ah inay Codkooda ugu hiiliyaan maskaxda caafimaad qabta'' ayuu kaga baxay musharuxu.”ayuu yidhi.S6540188  S6540285

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Basaale(Gaboobe) oo isna madashaas Xildhibaanka lagu soo bandhigay ayaa yidhi''Aqoonyahankan Maxamed Saleebaan waa inan u qalma inii isu soo sharaxo Golaha Baarlmaanka,waanan ku rajo waynahay inuu soo baxayo,Musharaxani waa nin degaan hargaysa ah waxaanu u baahanyahay dedaal iyo duco.”.

Caaqil Cilmi Saleebaan Ducaale oo isna kelmado kooban halkaas ka sheegay  ayaa yidhi'' waxaanu ku kalsoonahay inuu soo bixi doono Musharaxan waxaa soo xushay Beelaha Baho Axmed afar beelood oo ka mid ah,Go,aankana anakaa lahayn waaan ku taageersnahay iminkana waxba kal hadhi mayno.
Caaqil C/raxmaan Axmed Cawed, Caaqil  Cismaan Saleebaan Diiriye,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Sahal Aadan ,Aqoonyahan Cismaan Xirsi duuduu,Injineer Diiriye Sugaal,Kayse Yuusuf Cilmi iyo Xubno kale ayaa iyana dhamaantood tilmaamay musharaxani inuu yahay mid ku haboon xilkaas uuu isuu soo sharaxay. “.

Axmed Muuse Maxamed

Gobanimonews

Burco Office

Email: Axmedmm9@hotmail.com

Reysal-wasaaraha oo si adag uga hadlay Dagaalka Sokeeye ee Xara-dheere

Muqdisho, 30, Novembar, 2014(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaano hoostaga degmada Xarardheere in ay deg deg u joojiyaan colaada, isuguna yimaadaan miiska wada hadalka.

Dagaal u dhexeeya laba beelood oo Khasaare badan sababay ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka socda deegaamo hoos-yimaada Degmada Xaro-dheere, kaasoo dhimasho iyo dhaawac dad laga soo sheegayo.

Ra”iisul Wasaaraha oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dagaaladaan aysan ahayn kuwo loo cudur daari karo marka la eego khasaaraha nafeed ee ay geysanayaan iyo barakaca dadka deegaanka ku dhaqan.

“Beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso waxaan ugu baaqayaa in ay xabad joojin deg deg ah ku dhaqaaqaan, kana waantoobaan colaadaha macno darada ah ee ku soo noq noqonaya deegaanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in maamulada ka jira goboladaas looga baahan yahay ka qayb qaadashada daminta colaada iyo xal u helida mushkilada ka taagan deegaankaaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, nabadoonada iyo ururada bulshada rayidka ah iney u istaagan joojinta colaadaan, una fidiyaan gogol nabadeed dadka dirirtu ka dhaxayso, si meesha looga saaro colaada, loona soo celiyo kalsoonidii ka dhaxaysey dadka walaalaha ah ee wada daga degaankaas.

Dagaalkaan oo ka dhacay tulooyin u dhow degmada Xarar Dheere ee gobolka Galgaduud ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana la soo sheegay in ay ku dhinteen dad gaarayaa ilaa 15 qof sidoo kalana ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof oo kale

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com

Golaha Wakiillada oo la hor-dhigay Odoros-miisaaniyad dhan $180 Milyan oo Dollar

Hoos ka Akhri Shaxda Miisaaniyada Qaranka ee 2014- 2015 oo dhamaystiran iyo Khudbada Wasiirka...

MAALIYADAHargeysa(GNA)-Wasaaradda Maaliyada Somaliland, ayaa Maanta Golaha Wakiillada u soo gudbisay Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2014-2015-ka, taasoo dhan Boqol iyo Sideetan Milyan oo Dollar ($180,000,000).

Waa Miisaaniyadii ugu badnayd ee Wasaaraddu soo gudbiso, iyadoo sida laga war-qabo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay ay xukuumaddu soo ban-dhigaysay Korodh Miisaaniyaddeed faro badan.

Miisaaniyadan, ayaa waxa ku jira Mashaariic horumarineed oo tiro badan, kuwaasoo qaarkood ka soo guureen Miisaaniyad sanaddeedka dhamaanaya ee 2014-ka, waxa kale oo ku jira Kharashaadka Hay’addaha kala duwan ee Dawlada oo sanadle ah.

Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo Mudaneyaasha Aqalka Xeer-dejinta ka hor akhriyay qorshe Miisaaniyadeedka, ayaa tafaasiil ka bixiyay Kharashaadka ku jira, heerka Korodhka eek u jira, Cashuuraha dawladdu dhaaftay iyo kuwa soo kordhay.

Hadaba Akhristeyaal waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Khudbada Wasiirka iyo Shaxda Miisaaniyada oo ay gobanimonews nuqul ka mid ah heshay, taasoo u dhigan sidan:

Ujeedo : Khudbada Wasiirka ee Miisaaniyadda 2015 ee Golaha Wakiilada:-


  • Hordhac



Waxa ii sharaf ah in Maanta oo taariikhdu tahay 30/11/2014 aan golaha hor imaado si aan uga jeediyo khudbadii miisaaniyada 2015 iyada oo golaha xukuumad

u usoo gudbiyey golaha wakiilada 11/09/2014, isla markaana ay   sharci tahay in goluhu uu mudnaanta koowaad siiyo gudagalka dooda miisaaniyada isla waqtiga loo soo gudbiyaba waxaana ay ahayd in aanu golaha hornimaadno 13/9/2014 sida kucad Buugaagta miisaaniyada ee aanu idiin soo gudbinay sidoo kale waxa ii sharafa in wasaarada maaliyadu ay sanadihii ugu danbeeyay ku horkeenaytay golaha wakiilada miisaaniyada qaranka waqtigii loogu tala galay taas oo aan hore u dhici jirin, tusaale ahaan waxaanu miisaaniyadii 2013 Golaha usoo gudbinay 26/12/2012 taas oo golaha wakiiladuna ansixiyeen 31/12/2012,sidoo kale miisaaniyadii 2014 waxaanu golaha usoo gudbinay 29/09/2013 halka golaha wakiiladuna ansixiyeen 24/11/2013. miisaaniyada 2015 waxay ka koobantahay sidan:-

Faah faahinta Miisaniyadda 2015








































S/NOHayadaSLSHDollar
Dawladda Dhexe1,080,000,000,000$180,000,000
Hayadaha Madaxa Banaan176,846,392,352$29,474,399
Dawladdaha Hoose164,877,744,867$27,479,624
Dakhliga Deeqaha caalamiga ah(Denmark& Britain)85,800,000,000$14,300,000
 Isugeyn1,507,524,137,219$251,254,023


 


  • Korodhka Misaaniyadda



Waxa jirta in sadexdii sano ee u dambeeyay ay miisaaniyadu si xawliya kor ugu kacaysay iyadoo weliba sanad kasta uu soo baxayey dakhli dheeraad ahi kaas oo ka muuqda miisaaniyadaha aanu idiin soo gudbinay ee 2014 iyo 2015, waxaana halkan hoose ku cad jaantuska muujinaya sida ay u kordhayso miisaaniyadu kaas oo korodhsiimada miisaaniyada sanadka 2015 iyo sanadka 2010 uu yahay 283%. Sidoo kale waxaa misaaniyada 2015 dheertahay misaaniyadda 2014 qadar dhan 18%

Kor u kaca Miisaniyada 2010 ilaa 2015

 



































Misaaniyada 2010-2015
SanadkaMisaaniyada
2010$       47,000,000
2011$       88,322,554
2012$     106,561,540
2013$     125,000,000
2014$     152,000,000
2015$     180,000,000


 

 

 

 

Faahfaahinta Kor u kaca Miisaaniyadda meelaha muhiimka ah




























































































































S/NoMagac2010 sh sl2015 sh slFarqi%
1Mushaharka Madaxwaynaha2,600,000,000819,800,000-1,780,200,000-68
2Golaha Wakiilada6,555,058,60018,727,824,32012,172,765,720186
3Golaha Guurtida6,088,620,40020,199,178,72014,110,558,320232
4Nabadgalyada157,113,836,969439,663,884,011282,550,047,042180
5Waxabarashada14,633,732,14072,602,190,05857,968,457,918396
6Caafimaadka8,783,810,96035,700,043,93426,916,232,974306
7Jaamacadaha1,050,000,0002,600,000,0001,550,000,000148
8Mujaahidiinta Sooyaal250,400,0001,595,550,0001,345,150,000537
9Cusbitaada dhimirka iyo Mujaahidiinta Dhimirka360,000,0002,447,000,0002,087,000,000580
10Xisbiyada360,000,0002,592,000,0002,232,000,000620
11Wasaarada Arimaha Bulshada651,231,9924,103,474,9783,452,242,986530
12Daryeelka Dugsiyada37,240,0002,420,000,0002,382,760,0006398
13Agoomaha/Iskulada260,000,0003,470,000,0003,210,000,0001235
14Daryeelka Ceelasha460,000,0001,032,000,000572,000,000124


 


  • Faah Faahinta Shaqaalaha Dawladda:



Waxa jirta in waqtigii talada xukuumadu lawareegtay ay culayska saartay sidii shaqo la;aanta loola dagaalami lahaa isla markaana loo hawl gelin lahaa dhiiga cusub ee jaamacada kasoo baxaya taas la shaqaaleeyay tiro dhan 7,585 qof kuwaas oo u badan dhalinyaradaas.waxa kale oo dhinaca shaqaalaha xooga la saaray wasaarada waxbarshada iyo wasaarada caafimaadka kuwaas oo adeega ugu badan u gudbiya dadweynaha waana sidan tafaasiisha shaqaaluhu:-




























MagacaTirada Shaqaalaha 2010Tirada Shaqaalaha 2015Farqiga
Dhamaan Shaqaalaha Dawlada8,51516,0897,585
Wasaarada waxbarashada25796,3783,799
Wasaarada caafimaadka1,4392,5881,149


 

 

 


  • Waxqabadka Dawlada ee Aug 2010-2014:-



 


  • Kordhinta Mushahaarooyinkii shaqaalaha iyo Ciidamada 120%

  • Bixinta derejeda ciidamada

  • waxa Lacag la,aan laga dhigay iskuulada hoose dhexe ee dawladda laga qaadijiray

  • Iibinta idaacadii Qaranka

  • Bedelka lacagtii giinbaarta ahayd ee Gobolka Togdheer iyo Sanaag.

  • Samaynta E.Passport ka Somaliland

  • Hirgelinta Mashaariicda Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga.

  • Iibinta Qalabka Cusbitaalka Hargeysa (Mishiinka kelyaha ,iyo keenida dhakhaatiir ajaaniba)

  • Bixinta dayntii dawladii hore ka tagtay oo dhamayd 21 Milyan oo Dollar.

  • Dhamaystirka Biriijka Labaad ee Hargeysa

  • Dhisida Wadada Dila ilaa Boorame

  • Dhisida Wadada Wajaale ilaa kalabeydh

  • Bilaabida wadada ceerigaabo ilaa Burco

  • Dhismaha wadada Hargeysa ilaa xamaas

  • Iskaashiga Dhismayaasha wadooyinka ee Dawlada iyo dadweynaha sida(wadada dawga cad,wadada cad ee salaxley,wadada oodweyne,wadada baligubadle iyo wadada allaybaday)

  • Dhisida wadada Jidka Halleeya ilaa jigjigayar

  • Dhisida Madaarka Hargeisa ( Egal airport)

  • Dhisida Madaarka Berbera

  • Dhisida Madaarka Burco

  • DHismaha Wasaaradaha sida (Madaxtooyada, W.duulista Hawada,W. Xanaanada xoolaha,W. Dhalinta iyo Ciyaaraha, W. Horumarinta Reer Miyiga iyo deegaanka,W. Kaluumaysiga, W. Boosaha iyo is gadhsiinta, wasaarada Gaashaandhiga,wasaarada arrimaha Dibeda,wasaarada Arrimaha Gudaha,wasaarada cadaalada, Hanti dhawrka guud ee qarank.

  • Guryaha Martida ee magaalooyinka Burco,Baligubadle,Boorame,gebilay

  • Xafiisyada wasaarada maaliyada sida (xafiiska Xisaabaadka Guud, waaxda kastamada,waaxda cashuuraha Beriga,4 xafiis oo cashuuraha Beriga hargeysa ah,xafiiska xisaabaadka iyo cashuuraha Gebilay,xafiiska kastamka kalabeydh,kastamka Boorama, kastamka seylac, Kastmaka ceelgaal,kastamka Baligubadle,kastamka Beer, xafiiska cashuuraha iyo xisaabaadka ceerigaabo iyo xafiiska cashuuraha iyo xisaabaadka Berbera).

  • Dhismaha xafiisyada wasaardaha ee Gobolada sida, Xafiisyadda wasaarda qorsheynta qaranka ee ceerigaabo,Burco,Berbera,xafiisyada wasaarada arrimaha bulshada ee Gebilay iyo Baligubadle W.Maaliyadda iyo W.Caafimaadka).

  • Dhismaha Jaamacadda Badhan, Ceerigaabo,hargeysa,boorame iyo burco

  • DHismaha laybareriyada jaamacada hargeysa,laybareeriga qaranka iyo Jaamacada Caamud.

  • Bixinta Kaalmooyinka Jaamacadaha, Iskuulada special needs ka, Cusbitaalada dhimirka,iskuulada Agoomaha IWM.

  • Jaangoynta Mushahaarooyinka Madaxweynaha,ku xigeenka iyo goleyaasha xeer dejinta.

  • Kordhinta Miisaaniyadda Hay’adaha adeega Bixiya sida: Waxbarashada, Caafimaadka iyo hay’adaha Nabadgelyadda.

  • Qalabaynta ciidamada gaar ahaan milateriga iyo ciidanka Bada.

  • Kordhka Miisaaniyada Dawlada dhexe intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2014 waa $47 Million ilaa $152 Million,iyadoo korodhku yahay 223%.

  • Kordhinta Miisaaniyadaha hayadaha Madaxa Banaan 150%.

  • Xaraynta Dakhligii khasnada Dawladda la baalmarin jiray sida: Maxjarka,Dekedda iyo Haamaha Berbera

  • Gudbinta xisaabxidhadii miisaaniyadaha 2010 ilaa 2013 oo aan iyaga hore loo gudbin jirin.

  • Hirgelinta Cashuurta Aan hore ujirin sida ku dhejinta Tigidhada oo markii ugu horaysay laga hirgeliyay dhamaan Gobolada dalka 12 April 2012 Guddi u gaara dhaqan gelinteedana aanu u xilsaaray ilaa intay sidii loogu talay u fulayso

  • Hirgelinta cashuurta Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda Dhexe oo 1% ah

  • Hirgelinta Cashuurta E-passportka .

  • Korodhsiimada Gunnada Agaasimayaasha guud SL SH 6000,000, iyo Agaasime waaxeed yada 1,500,000, Garsooryaasha iyo xeer ilaaliyayaasha 120%.

  • Dhimista Cashuuraadka iyo Habayntooda.



 


  • Qorshaha Waxqabad ee Miisaaniyadda 2015 :-




  • Kharashka Doorashooyinka Golaha Wakiiladda ,Madaxtooyadda, iyo kharashka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo loogu tala galay $ 6,000,000

  • Qalabka iyo Saanadda ciidamada dalka ee kala duwan.

  • Mashruuca Dib u dhiska wadooyinka

  • Mashruuca Xannaanada Xoolaha

  • Dhismaha Maktabada Berbera oo loogu talagalay $ 80,000

  • Dhismayaasha xafiisyadda dawladda sida:- Wasaaradda Biyaha, Hadhaaga Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Dhismaha xafiiska Hayada Shaqaalaha Dawlada,



Dayrka Hanti dhawraha guud ee Qaranka ,xafiisyadda Wasaaradda Maaliyada Boorama iyo Burco, Dhismayaasha iyo dib u dhiska maxkamadda gobolka iyo degmada Maroodijeex,Hoolka Wasaaradda Cadaaladda, dhismaha ciidanka Dab damiska, Hoolka iyo deyrka Wasaaradda Arrimaha Dibeda


  • Hadhaaga Iibsiga rooga Garoonka kubada cagta Hargeysa

  • Iibsiga gaadiidka iyo qalabka xafiisyadda Wasaaraddaha iyo Ha’ayadaha .

  • Ka qayb qaadashada Dhismaha madaarka Burco.

  • Kabka shidaalka wershedda laydhka Berbera.

  • Iibinta Cagaf weyn "Bulldozer" oo loo iibinayo Wasaaradda Beeraha si loogu sameeyo Gabyanadda.

  • Kaalmadda Dhimirka mujaahidiinta SNM.

  • Kaalmooyinka Agoomaha oo loo kordhiyey 100%.

  • Kaalmooyinka Asxaabta Qaranka oo loo kordhiyey 50%

  • Bilawga Dhismaha jeelka Burco.

  • Daryeelka iyo Dibudhiska iskuulada dalka

  • Dhismaha 5 MCH oo laga dhisayo Gobolada dalka

  • Dhismaha qaybta dadka caafimaadkoodu halista ku jiro ee ICU iyo qolka Gargaarka degdega ah ee cisbitaalka Hargeysa

  • Iibinta Dawada Mishiinka Kelyaha sifeeya iyo qalabeynta cusbitaalka hargeysa waxaana ku baxay lacag dhan $1,850,667 sanadihii hore ee 2012 ilaa 2015.

  • Kharashka mushaharka dhakhaatiirta cusbitaalka hargeysa waxaana ku baxay lacag dhan $2,158,500 sanadihii 2012 Ilaa 2015 soo socda.

  • kharashka bannaynta agagaarka madaarka Egal international Airport

  • Dhismaha guriga Martida ee Magaaladda Baligubadle.

  • Dhismayaasha Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee magaalooyinka laascaanood iyo Boorama

  • Qalabeynta xafiisyada Maxkamadaha Gobolka iyo Degmada Maroodi-jeex.

    • Cashuuraha Hoos Loo dhigay Sanadkii 2011-2014










































































TirsiNooca CashuurtaCashuurtii horeCashuurta Danbe
1Cashuurta Macaashal macaashka Ganacsiga24%10%
2Cashuurta Macaashal Macaashka shaqaalaha12%6%
3Cashuurta Macaashal macaashka kirada Guryaha18%10%
4Cashuurta kala wareejinta Guryaha6%2%
5Cashuurta kala wareejinta Baabuurta6%$105 and $55
6Cashuurta Gadista5%5%
7Cashuurta Diiwaangelinta shirkadaha1%Nil%
8Cashuurta dhaxalka dadka isdhalay,isla dhashay iyo kuwa isku dhaxay3%1%
9Cashuurta dhaxalka ilaa afar oday5%3%
10Cashuurta dhaxalka wixii ka badan afar oday10%5%


 

 


  • Cashuuraha la dhaafay iyo kuwa la dhimay sanadka 2014



Waxa cashuur dhaaf soo dejinta ah golaha wakiiladu usameeyeen sanadkii 2014 qodobada hoos ku qoran taas oo wasaarada maaliyadu soo jeedisay


  1. Dhamaan qalabka Beeraha, Biyaha sida riigaga ,wadooyinka sida cagafyada ,kalluunka sida laashashka, shabaakta, gaasta cuntada lagu karsado.

  2. waxa la tirtiray cashuurtii kala wareejinta gaadiidka taas oo laga dhigay qiimo go,an oo ah gaadiidka waaweyn $105 gaadiiidka yaryara $55.



 


  • Soo jeedinta Cashuuraha la dhaafayo sanadka 2015



Sida uu tilmaamayo qodobka 54aad ee dastuurka Jsl takaaliifta waxa ogolaada qaadistooda ama tirtira oo awood u leh Golaha wakiilada hase yeeshee wasaarada maaliyadu waxay leedahay soo jeedin keliya,mana jirto cashuur aan golaha wakiiladu ogolaan oo wasaarada maaliyadu uruurisaa sidaas anagoo ka duulayna qodobkaas dastuuriga ah waxa aanu golaha wakiilada horyeel in cashuurta laga dhaafo qodobada hoos ku qoran, taas oo aanu ka rajeynayno in goluhu naga ogolaado isla markaana aanu u sameyn doonon xeer nidaamiye marka goluhu ansixiyo, waxaana kamida kuwa hoos ku qoran:-


  • Dhamaan qalabka Beeraha iyo dawada lagu xanaaneeyo Beeraha ee Bacriminta (Fertalizer)

  • Dhamaan cagafyada lagu dhiso wadooyinka nooc kasta oo ay yihiin oo laga dhaafo cashuurta soo dejinta kastamada.

  • Dhamaan Gaadiidka Ambalance yada caafimaadaka iyo dabdamisyada

  • Qalabka wax lagu karsado sida Shooladaha naqaska iyo shooladaha dubaalada.

  • Qalabka tamarta laga dhaliyo ee Cadceeda iyo dabaysha.



 

 

 


  • Hirgalinta Go’aamadii Golaha Wakiiladda ee 2014



Waxa jirta in go’aankii Golaha wakiiladu ku ansixiyeen miisaniyadii 2014 ay soo raaciyeen go’aamo taas oo wasaarada maaliyadu fulisay dhamaan go’aanadii golaha Wakiiladu ay soo raaciyeen Miisaaniyaddii 2014 oo ah in hay’adaha ku jira Miisaaniyadda 2014 ee aan xeerarkii lagu aas aasay lagu hor keenin mudadii 90 cisho ahayd aanu ka saarnay Miisaaniyadda 2015 nuqulkay ku lahaan jireen anagoo hoos geynay Miisaaniyadoodiina ku darnay Wasaaradihii Madaxweynuhu hoos geeyey kuwaas oo kala ah sidan:-


































TirsiHayadda Wasaaradda la hoos geeyay
1TV-ga QarankaWasaaradda Warfaafinta
2ICT-CommissionWasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiina
3Hayada Xidhiidhka Raashinka QarankaWasaaradda Dib u dejinta
4Gudiga Baadhista XasuuqaWasaaradda Cadaalada
5Hayadda Qurba joogaWasaaradda Arimaha Dibada


 

 


  1. Hirgelinta Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda(PFM Reform)



Waxanu ku guulaysanay inaanu meel marino dib u habaynta Maamulka Maaliyadda oo ka kooban 5 tiir iyo 14 qaybood . Waxa noo suurto gashay in naloo maalgeliyo tiirka labaad ee PFM strategy ga ee dakhliga(Domestic resource Mobilization) sida Kastamada, Cashuuraha Berriga iyo Waaxda Qorsheynta, taas oo ay naga caawin doonto Hay’adda DFID ee Dalka ingiriiska u qaabilsan deeq bixinta Meelaha xooga la saarayona waxa kamida; dib uhabaynta Cashuraha,Hirgelinta Cashuuraha & Dakhli ururinta, Tayaynta Waaxaha ay khusayso Dakhli ururintu iyo Dhisida hayad Dakhli ururineed oo madax banaan(Somaliland revenue authority) ,waxaanay ku bixisay hawshaas qandaraas qiimihiisu dhan yahay $7.2 Million, kaas oo socon doona mudo 3 sano ah.

Hawshaasi waxay bilaabmaysaa bisha janaury 2015 taasina waxay keeni doontaa in Dakhligeenu uu ka noqdo GDP (wax soo saarka dalka) ga qaranka ugu yaraan 25%, halka uu imika ka yahay 10%. Waxa kale oo jirta in EU, Baanka aduunka iyo deeq bixiyayaal kale iyana hada ay wadaan qorshihii dib u habaynta Maaliyadda ee la xidhiidhay 4 ta tiir ee kale oo kala ah Dhaqaaaha guud (Macro Economics), Hirgelinta Miisaaniyadda (Budget execution) , Iibsiga (Procurement) iyo Ilaalinta hantida (oversight),taas wax lagaga qabandoono dhinacyada Qorsheynta, maamulka,Miisaaniyadda, Xisaabaadka, Hanti dhawrka, Baanka iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee PFMka sida Gudida dhaqaalaha Golaha wakiilada iyo Gudida ilaalinta hantida ee golaha wakiilada, waxaana hada naloo soo gudbiyey qaybtii hore oo kharashkoodu Noqondoono 4.5 million dollar.

Waxa kale oo aanu gacanta ku haynaa oo bilaabmi doona bisha January 2015 Nidaam Xisaabeed casri ah (Somaliland Financial Management Information System) oo Somaliland yeelato, noqona doona Mid Hay’adaha Dawlada oo dhami (Dawlada dhexe, Dawladaha Hoose & Hay’adaha Madaxabanaan) ay kuwada shaqayn doonaan waxa kale oo jira in sanadka 2016 uu qalabkani inoo ogolaan doono in miisaaniyada qaranku noqon doonto mid Goblaysan oo sidoo kale deegaamaysan taas oo in badan Golaha wakiiladu soo jeediyeen in qaabka miisaaniyada la deegaameeyo.

Waxaanu u gudbinay Madaxweynaha wax kabedelkii shuruucda Maaliyadda ee la xidhiidhay PFM ka taas oo loo soo gudbin doono Golaha Wakiiladda si dhakhso ah isla markaan aanu idinka rajaynayno inaad hore u ansixisaan Markay idin soo gaadhaan madaama waxbadani ku xidhan yihiin.

 

 

 

 

 

Gebegebadii Mudanayaal/mudaneyaal, iyadoo ay ka jirto Dunida dhaqaale xumo iyo dhibatooyin farabadan oo ka haysta xaga horumarka oo saameeyey dhammaan Dawladihii Horumaray ee aduunka iyo kuwa dunida saddexaad oo hoos u dhac dhaqaale iyo sicir barar balaadhan saameeyey, dalkeenuna la qabo aduunka. Hadana waxa Ilaahay mahadiis ah in Miisaaniyadda Dawladda Dhexe 2015 ka ay ka badantahay 18% miisaaniyadii hore ee 2014, sidoo kale hadii la barbar dhigo Miisaaniyadii 2010 oo ahayd wakhtigii xilka dawladani la wareegtay waxay miisaaniyadani dheertahay 283%.

Mudanayaal, aniga oo aan waxba kala hadhayn dadaalka lagu hirglinayo Odoroska Miisaaniyadda sannadkan, waxan ku kalsoonahay inaanu ka midho dhalin doono idinkuna aad gacan buuxda naga siin doontaan wixii aanu idiinka baahano Insha Allah.

 

Sidaas awgeed; waxaan si sharaf iyo maamuus leh idiinka codsanayaa ansixinta Miisaaniyada idin hor taala ee sanadkan 2015 ka, lifaaqa wax ka bedalka Tacriifada iyo siyaasada miisaaniyada 2015 ee ku lifaaqan idinkoo waajibaadkiina Distooriga ah gudanaya.

Salaamu Calaykum

Allaa Mahad Leh

 

(C/casiis Maxamed Samaale)

Wasiirka Wasaarada Maaliyada

 




































































































































































































































































































































































































































































HeadWasaarada/Hay'adda 2010 2015Total
011 Qasriga Madaxtooyaddan JSL.         -            -
012 Madax-weyne ku-.Xigeenka JSL.         -            -
013 Guddiga La Dagaalanka Aides-ka.        8        37          29
021 Golaha Guurtida JSL.      42        43            1
3 Golaha Wakiiladda JSL.      54        84        30
4 Maxkamada Sare.      27        27          -  
5 Xeer Illaalinta Guud Qaranka.      48      104          56
6 Hay'adda Shaqaalaha Dawladda.      42        94          52
7 Hanti-dhawrka Guud Qaranka.      70      80          10
8 Madaxtooyadda.      73      119          46
8A Ciidanka Illaaladda Madaxtooyadda.         -            -  
8B Garyaqaanka Guud ee Qaranka          -        12          12
9 W.Arrimaha Dibada.      41        46            5
10 Wasaaradda Cadaaladda & Garsoorka.      47        91          44
10A Ciidanka Asluubta.         -            -  
10B Maxkamada Hoose.    292      396        104
10C Guddiga Xaquuqal Insaanka Qaranka.          -        40          40
10D Guddiga Dib u habaynta Shuruucda.          -          6            6
11 Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 1,175    1,412        237
11A Ciidanka Booliska.         -            -  
11B Ciidanka Ilaaladda Xeebaha.         -            -  
11C Guddiga Baadhista Xasuuqii.          -        10          10
11D Laanta Socdaalka.         -            -  
12 W.Warfaafinta & Wacyigelinta.      74      338        264
12A Somaliland National T.V.          -      199        199
13 W.Gaashandhiga.      31        33            2
13A Ciidanka Qaranka.         -            -  
14 W.Qorshaynta Qaranka & Horumarinta.      47      126          79
15 Wasaaradda Maaliyadda.    587      928        341
15B Waaxda Miisaaniyada & Qasnada         -            -  
16 W/Ganacsiga    100      177          77
17 W.Macdanta, Biyaha & Tamarta.      94        80        (14)
18 W/Kalluumaysiga Kh/Badda & M/Dekeddaha.      85      111          26
19 Wasaaradda Beeraha.    140      231          91
20 W/X/Xoolaha      155      331        176
21 W.Boostadda & Isgaadhsiinta.      96      108          12
22 W.Waxbarashada & Tacliinta Sare. 2,679    6,378      3,699
22A Agaasinka Tacliinta Sare         15          15
22B Gudiga Tacliinta Sare          -        16          16
23 Wasaaradda Caafimaadka. 1,464    2,588      1,124
  Gudiga Mihnadlayaaha caafimaadka          -        13          13
24 W.Diinta & Awaafta.      40        80          40
25 W.Hawlaha Guud & Gaadiidka.    181      233          52
26 Wasaaradda Duulista & Hawadda.    140     295        155
27 Hay'adda N.D.C.      36        43            7
28 Hay'adda Miino-Saarka Qaranka.      19        33          14
29 Xafiiska Xidhiidhka Golayaasha ee Madax.        7        43          36
30

  1. Shaqadda & Arrimaha Bulshadda.


     41      160        119
31 W/Ciyaaraha, Dhalinyaradda iyo dalxiiska    247      203        (44)
32 Guddiga Doorshooyinka Qaranka.          -        38          38
33 Guddiga Qandaraaska Qaranka.          -        15          15
34 Hay'adda NERAD.      25        26            1
35 ICT. Commission.          -        13          13
36Hay'adda Xidhiidhka Caawimadda FWP.         -          8            8
37 Commission-ka Qurba Jooga.        -        16          16
38 Quality Control Commission.         -        70          70
39 Good Governace and Anti-Corruption Com.        24          24
40Wasaaradda Deegaanka Hormarinta Reer Miyiga   191      258           67
41 Wasaaradda Dib U Dajinta      66        71            5
42 Gudiga Diiwaangelinta Ururada         -            -  
43 Wasaarada Wershadaha      40        86          46
44 Wasaaradda Biyaha       101        101
55 total 8,504 16,089     7,585


 

 

Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil oo la furay

DAHABSHIILHargeysa(GNA)-Cirka oo aan daruur lahayn iyo Uumiga Cad-ceeda Qaboonada subixii awgeed, ayaa la dareemayay waxoogaa Diirimaad ah ama Kulayle Aroorreed qoraxdu marka ay Wajiga kaa qabato ku gubayso.

Jidka wadnaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa ahaa mid aad u mashquul ah oo ay Baabuurta iyo Dadku isu dhaafayaan sida xayn-xoolaad oo kul kulantay Sow yar oo biyo mareen ah, waxaana wadada hareereheeda oo dhan taagnaa Ciidamo Boolis ah oo tiro badan, kuwaasoo la dhigay Is-dhamaan Waddooyinka ku kulma Barxada Afar Ridoodka ah ee Sal-dhiga dhexe Caasimada.

Boqolaal Qof oo u badan dadka bilaa camalka ah u soo daawasha tegay furitaanka Dhismaha Bilicda iyo Muuqaalkasan ee laga yagleelay Bangiga Ganacsiga ee Shirkadda Dahabshiil oo ah, Bangigii ugu horeeyey ee bixiya Adeegyo Caalamiya oo laga furo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xadhiga ka jaray furista Bangiga Dahabshiil, kaasoo bixinaya dhamaan adeegyadii Bangiyada Caalamiga ah, sida ay kaga dhawaaqeen Munaasibada daah-furka Masuuliyiinta Shirkadda Waddaniga ah ee Dahabshiil.

Munaasibada Furitaanka Bangigan oo lagu qabtay mid ka mid ah Dabaqyada sarta uu ku yaallo Bangigu, ayaa waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka kala socda laamaha dawladda, Ganacsato, aqoonyahano, Culimo-awdiin, Madaxdhaqameedyo iyo Marti-sharaf kale.

Maamulaha Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil Siciid Maxamuud Cali (Gar-seef), oo Munasibadaasi hadal dheer ka jeediyay, ayaa ka waramay adeegyada kala duwan ee uu Bangigani bixinayo, waxaanu tilmaamay in ku dhaqanka Shareecada Islaamku udub dhexaad u tahay aasaaska Bangiga, adeegyada uu bulshada u qabanayaana yihiin kuwo baahi weyn waddanku u qabay.

Siciid Garseef, ayaa sheegay in Bangigan Dahabshiil muddo sanad ah oo uu ruqsad haystay waddanka ka shaqaynayay, muddadaana maal-gelin ku sameeyay Dad gaadhaya 769 Qof oo ka kooban dhamaan Dabaqadaha Bulshada Somaliland “Muddo sanad gudihii ah oo uu Bangigan Dahabshiil shaqaynayay waxa uu bixiyay Dhaqaale Maal-gelineed oo dhan todobaatan Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah(70,000,000.00), taasoo lagu maal-geliyay dad 769 oo qof “ayuu yidhi Siciid Maxamuud Cali.

“Adeegyada Bangigu waxa ka mid ah , Dhigashada lacagta, dirista Lacaga Ganacsiga, Maal-gelinta Ganacsiga, bixinta daymaha oo ah Hanaanka Micro finance-ga,...waxaanu Bangigu hada suurto-geliyay in adeegan la gaadhsiiyo Dadka ka baxsan Magaalooyinka”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo isaguna munaasibadaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay Bangigan Caalamiga ah ee dalka laga hir-geliyay, waxaanu sheegay intaasi raaciyay in Bangiyada noocan ahi kaalin mug leh ka qaataan koboca Dhaqaalaha dalka iyo Sugnaanta Maaliyadeed ee Maxaliga ah iyo horumarka Ganacsiga.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo gabagabadii Xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu adeegyada Bangigan cusubi bixinayaa ay door lixaadle ka qaadanayaan dhismaha iyo horumarka waddanka, soona dhaweynayaan xukuumad ahaan cid kasta oo waddanka Maal-gashi ka samaynaysa.

Madaxweynaha ayaa si kooban u sheegay “Bangigan cusubi wuxuu kaalin weyn ka qaadanayaan horumarka Dhaqaalaha” ayuu yidhi Siilaanyo.

Waxa kale oo xafladda khudbado ka jeediyay Xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo Cabdi-waraabe ku magac-dheer, Marwo Adna Aadan Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo tiro badan, kuwaasoo si isku mid ah u soo dhaweeyay furitaanka adeegyada Bangiga Caalami ee Dahabshiil.


  1. Kalshaale



Gobanimonews

Hargeysa Office

mashruuc xukuumadu ku rabtay inay khal khal ku galiso xaflad xisbiga ucid u qabtay taageerayaal ka soo caymaday kulmiye oo fashilantay.

,waxaan aad iyo aad u hambalyanayaa dhalin yarada xukuumadu lacagta soo siisay ee ay ku tidhi soo qasa xaflada ee hada nala jooga,waxaan leeyahay ka soo qaata lacagta oo nala shaqeeya waa cashuurtiinii... yusuf kayse xoghayaha warfaafinta xisbiga ucid,

ucidee yusuf Hargyasa(GNA).xaflad uu xisbiga ucid ku soo dhaweynaayay taageerayaal iskugu jira masuuliyin heer gobal iyo heer degmo oo ka soo diga rogtay xisbi xaakimka kulmiye ayaa waxa lagu fashiliyay talaabo ay xukuumadu ku doonaysay inay ku khal khaliso ka dib markii ay dhalin yaro lacag ka soo qaatay xubno ka tirsan golaha wasiirada ay u sheegeen hogaanka xisbiga ucid islamarkaana ay uga fadhiisteen waxaan sidaa sheegay xoghayaha warfaafinta xisbiga ucid yuusuf kayse c/laahin oo isagu goobtii xaflada kaga dhawaaqay inuu fashilmay mashruuc xukuumadu ay waday oo nuxurkiisu ahaa khal khal galinta xaflada waxaanu yidhi,
,waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa dhalin yarada ay xukuumadu soo siisay mashruuca ah inay xaflada qasaan oo hada noo sheegay lacagtiina ka soo qaatay xukuumada waxaan leeyahay waad mahadsantahiin ka soo qaata lacagta oo nala sahqeeya waa cashuurtiini,xukuumadana waxaan leeyahay waad fashilanteen halkaasay xaaladiinu maraysaa,
sikastaba ahaatee arintan ayaa ceeb iyo sharaf dhac ku ah haybada dawladnimo iyada oo markii xafladu dhamaatayna la arkaayay baabuur ka tirsan kuwii siday taageerayaasha oo laga jabiyay muraayada hore kuwaas oo ay ku dhaceen dhagaxaan ay soo tuureen dhalinyaro la sheegay inay xukuumadu dib u soo abaabushay waxaana wararka uu goobta ka helay wariye mustafe herer oo isagu ku sugnaa goobta ay tibaaxayaan inay falkan soo abaabushay wasiirada waxbarashadu sam sam cabdi aadan.
mustafe Axmed (herer)
Gobanimonews.com/office
hargaysa/somaliland

Saraakiil Waxbarasho Xaqiiqo raadin ku yimi Ceel af-weyn

Ceel-afweyn(GNA)-Saraakiil ka socda Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa soo gaadhay Degmada Ceel-af-weyn oo Gobolka Sanaag ka tirsan, waana guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Waaxyaha Wasaaradda.

Gudigan waxa ka mid ah, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Agaasimaha waaxda shaqaalaha wasaarada waxbarashada Somaliland, iyo madaxa qaybta dugsiyada sare ee wasaarada.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ugu horeyn tafaasiil kasiiyay warbaahinta ujeedada socdaalkoodani uu daaran yahay, ayaa sheegay inay u socdaan howlo-shaqo.

Mudane Daa'uud Axmed Faarax waxanu yidhi. " Waxaanu ahayn wefti wasaarada waxbarashada ka socday oo ka koobnaa agaasimayaashii wasaarada waxbarashada , een runtiina waxaanu u nimi kormeer guud ahaan waxbarashada gobolka saaag ah ,gaar ahaan Degmada Ceelafweyn ayaanu rabnay inaanu kulano ardaydayda , waalidka , macalimiinta , iyo maamulka degmada".

Isagooo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi" Run ahaantii aadbay arimaha oo dhami u fiican yihiin een waxanuna jecelnahay wixii ka bilaabma maalinta berito ah 30-Nov-2014 inaanu gudo galno hawlahayagii , insha allah waxanuna ku rajo waynahay inay guul noogu dhamaadaan ".

Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha X/Imtixaanaadka Qaranka Daa'uud Axmed Faarax wuxu kaloo intaasi raaciyay " Intii yarayd ee maalintii dhawayd maadaama oo waxbarashadu iyadu tahaybeel is leh ayaanu u nimi inaanu dhamayno maadaamad ardaydii iyo iskuuladii wax saameeyeen " .

Sidoo kale Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee Wasaarada Waxbarashada Cali cabdi ( Gaas) ayaa isaguna dhankiisa fariin u diray Ardayda, waalidiinta iyo guud ahaan bulshada reer Ceelafeyn waxana hadaladiisa ka mid ahaa sida tan " Insha allaahu markaynu soo gabo gabaynana waynu sii kulmi doonaa , Dadweynahana waxaanu u sheegaynaa sidaa Daa'uud Axmed Faaraxba u sheegay inaan ku guulaysan doono , waxan kaloo u sheegayaa Waxbarashadu waxa weeye aayihii Beri ee Ubadka , een madaxdii Berito weeye in dariiqii iyo khaladkii aynu hore usoo marnayna waa waajib ".

Mar kale isagoo hadalka sii wada wuxu carabaabay "markaa sidaa drteed insha allaahu waxaan rajaynaynaa inaanay arimahayagu ku milmin qabyaalada , siyaasada iyo waxlamida ee insha allahu noogu soo dhamaato cidhib wanaagsan iyo guul ".

By A/Rahman Ismail Zaed

Ceelafweyn –Sanaag

.​

 

Haweeney Doofaar diyaarad la raacday oo buuqqii rakaabka dibadeed laga dajiyay

Doofaa-500x281(GNA)Haweeney iyo doofaar ay wadatay ayaa laga dajiyay diyaarad ay leedahay dhirkadda US Airways kadib markii ay buuqeen rakaabkii diyaaradda saarnaa.

Bogga Tv,ga ABC News ayaa lagu baahiyay in rakaabkii la socday diyaaradda US Aiways ay ka biyo diideen inay diyaaradda la raacdo hawwney wadatay doofaar aad u weynaa sidaas waxaa laga soo xigtsy afhayeen shirkadda u hadlay.

Wararku waxay sheegayaan in haweeneyda oo doofaarka u kiraysay kursi gaar ah haddana dadka ugu horeeyay ee ka biyo diiday waxaa ku jira qofkii ugu dhawaa ee ag dhawaa.

Prof Jonathan Skolnik oo ka mid ah barayaasha jaamacadda Massachusetts oo ka mid aheyd rakaabka diyaaradda saarnaa ayaa u sheegtay tv,ga warbixintaan qoray inay aad ula amakaageen markii ay arkeen haweeneyda doofaarka diyaaradda lasoo raacday.

Shaqaalaha diyaaradda ayaa haweeneyda iyo doofaarkii ay wadatayba diyaaradda ka dajiyay sida warbixintaan lagu sheegay.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha US Air ways ayaa warbaahinta u sheegay inay haweeneyda iyo doofaarka ay wadatayda u dajiyeen markii ay buuqeen rakaabkii kale ee diyaaradda saarnaa.

Guri uu lahaa Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland oo si xun Gubtay

waxa degenaa Xaaska Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale..

Hargeysa(GNA)-Khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay Dab ka qabsaday Guriga Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Alle ha naxariistee Cabdiraxmaan Ducaale, kaasoo uu degenaa Xaaskii iyo Caruurtii uu ka baxay Marxuumkaasi.

Gurigan oo kamid ahaa dhismeyaashii hore ee Shaqaalihii bangiga soomaliya, isla markaana ka samaysnaa Shub ah, waxa ku shuf-beelay dhamaan wixii hanti hoos taalay oo isugu jirtay Hu iyo maal.

Ma jiro wax khasaare nafaddeed ah oo ka dhashay Gubashada Gurigan Guddoomiyihii hore ee Bangiga, kaasoo sida ay dad goob-joogeyaal ahi Gobanimonews u sheegeen dadkii hoos-joogay uun laga badbaadiyay, balse wixii hoos-yaalay ku shuf-beeleen.

Dad goob-joogeyaal ah, ayaa sheegay in dabka guriga gubay uu ka kacay mid ka mid ah qolaalka Guriga, balse wax dhaliyay lama sheegin.

Dab-damiska Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa oo u soo gurmaday bakhtiinta Guriga ayaa soo gaadhay goor dambe oo uu shuf-beelay, waxaana lagu guulaystay goor dambe in la bakhtiiyo si aanu dabku ugu sii fidin guryaha kale ee jiiraanka ah.

Waxa uu dhismaha gubtay ka mid ahaa Guryaha dawladda ee ay masuuliyiintii xilalka ka soo qabtay dawladdu degenyihiin, waxaana Guriga siiyay Alle ha naxariista Cabdiraxmaan Ducaale madaxweynihii Geeriyooday ee AHN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

Madaxweynuhu ma wuxuu furay Dugsigii Agoomaha, Mise Schoolkii Caruurta Tijaarta?..

kuwit2Mashruuca Kaamka Waxbarashada Iyo Samafalka KUWAYT ee Maanta Xadhiga laga Jaray Maxay ku kala Duwanyihiin ka DJIBOUTI,

Waxa uu Maanta Xadhiga ka Jaray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Mashruuc ay Dalka KUWAYT Ka hirgalisay Dalalka Somaliland iyo DJIBOUTI, kaasi oo magaciisu yahay Kaamka Waxbarashada Iyo Samafalka ee KUWAYT, kaasi oo Ah runtii Dhisamayaal aad u qurux badan oo ah mid loogu talo galay Agoomaha Labada Dal.

Haddaba haddaynu u gundadegno Bud-Dhiga Mashruucan laga hirgeliyay labadan dale e kala ah DJIBOUTI iyo SOMALILAND, Haddaan ku horeeyo ka dalka Djibouti waa sidan;

Waxa Dalka Djibouti Qaybta Boodhinka Dhigta Arday Dhan Cadad ahaan 2000-Kun Arday oo agoomo ah,

Qaybta Dhayga ah Waxa Gala 3000-Kun Arday, Waxaana Dhaqaale ahaan Loo Siiyaa 100$ Dollar ardaygiiba (bas raac),

Waaxyaha ay uu u qaybsanyay Ka Djiboutina Waxay kala Yihin:


  1. Faarada Ama Nijaarada –Bilaash,

  2. Laydhka Ama Farsamadiisa –Bilaash,

  3. Almuniumka Ama Dhismaha Casriga ah-Bilaash,

  4. Laxaamada –Bilaash.



Haddaba, Walaalayaal sida ka muuqata mashruuca magaciisa oo ah Kaamka Waxbarashada Iyo Samafalka ee KUWAYT inagoo u Daadegeyna Somaliland kan laga hirgaliyey aan isku dayo Faahfaahintiisa Mashruuca inaad wax ka dhugataan waxanu yahay sidan.

Ujeedooyinka Mashruuca

Daryeelka iyo xanaanaynta Agoonta, Waxbarasho ahaan,maciishad ahaan,iyo caafimaad ahaanba,si ay u noqdaan dad wax tar u leh bulshada

In aan soo saarno Aqoonyahano iyo farsamayaqaano iyadoo la eegayo baahidda wadanka iyo horumarinta bulshada

Inuu ka qaybqaato horumarka guud ee Bulshada

 

Qaybaha uu Ka Koobanyahay Kaamku

Dugsiga Sare

Dugsiga Hoose/Dhexe

Dugsiga Farsamadda

Hoyga Agoonta iyo Ardayda kale

Masaajidka

Dhismaha Maamulka

Qaybta Furinka

Haddaba, aynu u Daadegno ardayda Wax ka barata kan caasimada Hargeysa oo isugu jira agoomo iyo caruurta tijaarta oo lacag fara badan laga qaado waana sidan:

 

Somaliland Ama Caasimada Hargeysa Agoomaha Meesha ku Jiraa waa Arday dhan 370- Arday (Saddex Boqol iyo Todobaatan)

Qaybta Barayfadka Gebi ahaan Munaasibada Laguma Soo Hadal Qaadin. Caruurtii Fiiga Laga Qaadayeyna ee Tijaarta Waa La Fasaxay

Qaybaha ay uu u qaybsanyay kan Hargeysa iyo lacagta laga qaado qayb kasta waxay kala yihin:


  1. Faarada Ama Nijaraada –Lacag dhan $50 (Konton Dollar) bishii

  2. Laydhka Ama Farsamadisa – $80 (Sideetan Dollar) bishii

  3. Almuniumka Ama Dhismaha Casriga ah- $120 (Boqol iyo Laabatan Dollar) bishii

  4. Laxaamada – $100 (Boqol Dollar) bishii.



 

Ardayda Ku Jirta Qaybta Barayfadka ah oo tiro ahaan ka Badan Tirada Agoomaha laban-laab una qaysama (dhay iyo boodhin) qayb basas lagu soo qaado iyo qayb boodhinka ku jira oo iyagu seexda sida agoomaha Lagu Magacaabay Mashruucan. Iyadoo kuwaa barayfadka ah ee lacagta laga qaado la qoro maalin walba ,Halka la yidhi Agoomihi Way idinka Buuxsantay .

Qaybta Barayfadka Day School iyo Boodhin Waxaana laga Kala Qaadaa Lacag Dhan.

Ardayga Dhayga ah ee Isagu ka Soo Rawaxa Waxa Bishii Laga Qaadaa Lacag Dhan $70 (Toddobaatan Dollar)

Halka Ardayga Boodhinka ah ee Isagu Seexanaya Waxna Ka cunaya laga Qaado Bishi 160$ (Boqol iyo Lixdan Dollar) Lacagtaasi oo ka Fara Badan Lacagta Ardayda Jaamacadaha laga qaado.

Su’aasha Iswaydiinta lehi waxay tahay Madaxweynuhu Ma School dad gaari leedahay oo ah kii Tijaarta ama dadka Wax haysta ayuu u Furay Mise School ay Agoomaha Somaliland loogu Deeqay ayaa La Furayey.

Madaxweyne Meesha aad maanta Furaysay waa meesha Caruurta Dhigata Saddex Daloolow Laba Dalool waa Caruurta Tijaarta ee Lacagta aan sare ku soo Sheegay laga Qaado Taasi oo aan jaamacadaha Dalka Ardayda Dhigata aan laga Qaadin, Waxaana Lagu Badalay oo La celiyey Caruurtii Agoonta ahayd, iIlaahay Hortina adigaa ka Masuul Ah Caruurtaa Agoonta ah ee la dumiyay Laguna Badalay Kuwii tijaarta. Wax ka Qabashadeedana Adaa Madaxweyne lagaa sugaya sidii Caruurtaa Agoonta ahi u heli lahayd Deeqdaas Waxbarasho ee Ilaahay u soo Diray, Madaxweyne Waxaan si sharaf leh kaaga Codsanaynaa Agoomahaa La Dulmiyey inaad Wax ka Qabo.

Haddaba Akriste Waaxad Oogatan in meeshan Walidiinta bixisay lacagta ee u badkooda Geeyay inay booska ka Qaadeen Dad Agoomo ah Masakina taasi oo Akhiraana ilaahay Waydin doono Dadka Maamulka Gacanta ku haya ee Laacagta ka Dhigayna Waaxay ku Noqonaysa Xaaran ay ifka Qudanayan Taasi Waaxa Markhaati ka ah Maanta oo u Madaxweyne Siillanyo Goob jog u Aha Muunasibada isaguna uu Xadhiga ka jaray inay Faasax siyeen Ardaydi Laacagta aha ee ay Qaybta Maalinlaha ah ugu tala galeen keenena Muunasibada Ardaydi agoonta ahayd.

Tijaarta Waaxan leyahay Caruurtooda meesha geeyey marka meesha saddex meelodow laaba meelod loo Qaybiyo waaxad Qadateen Miyeydan ka Baqayan In Caruurtinu Agoomowdo Haddi Aad Caruurtina Dhisme Qurux Badan la Jeceshina Uu Dhisa Waad u Dhisi Karaysane Kaan Agooma loogu talo Galaye.kuwit

Waxan ku Soo Gaboogabaynaya Walalayal Bal soo eega oo Soo Qimeeya hadi waaxas aan sheegay waax laga waayo aniga aya xaal bixinaya Xukumadana waaxan leyahay baal eega buuga la idin qaybiyey ee meesha yaala meeshana soo koormera oo ruunta soo tabta hadaydanidinkuna ka mid ahayn.

Cabdiraaxim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)

Cabdiraxiim9909@gmail.com

Hargeysa /Somaliland

 

Vision Construction..P5

“A person’s success depends on how he reads out and attends his future roles and synchronizes his internal talent with his profession”.(HendriTanjung).

MEECADIt means that a person who owns a vision is required to choose the best role of his future by constructing his/her vision, for instance: a desire of becoming a teacher, lawyer, economist or any other profession, should synchronize according to the talents that God has given to every individual. Therefore every person should realize his talent first before choosing the right vision and then put the talent according to his interest and selected profession.This is because, talent is the essentialial God Given as a mental power that bears as a key role in order to suit our interest according to the profession we have selected. Other wise, if the talent does not suit the interest of our profession, then it will create some disturbance that tends to lead into unsuitability and unhappiness.

A person who has a hobby of teaching or educating could not be requested to do business. Business and teaching are two different professions that require different talents. Both the professions also have got different characters, skills and orientation. On one hand, business is seeking intellectual and spiritual satisfactions. The main purpose of this explanation is that to manifest a vision and synchronize it with our inner personal talent that could be suitable for our own willingness and hobby to produce satisfaction and high quality of works and satisfaction.

A person who has a vision means that he is aware of the role of his future and it is very important and much needed as direction guidance for our own maximum satisfaction and happiness. Life is for the future and not for the past. This means that the life goes forward and not backward. It is in this respect,that demands to act in a more progressive way and to tend to exist for the future, carries its important role. Have you learnt something from the philosophy of frog behavior? Frog always moves forward and never goes back ward in any condition and situation. Where ever the frog faces a problem that forbids the frog to forward, frog never turns back or stops. Frog prepares to change direction and continues to move forward.

Young generations who have got their own visions for the future should try to manage their present vision, so that for the next 5 to 10 years will be better and aimed. The time that passed has gone, the future challenge is more important to be faced.

The western people are so expert in managing their future, as show in the movie of “The Island” that tells us production of human’s replacement. It has shown how a person by his wealth is able to wish for longer live by putting his replacement, so that one day when he suffers from heart disease, he can replace his heart by another heart or if his kidney is damaged, he can take another kidney. They did this though as they have to pay heavy efforts. This project is being appreciated by all circles of society. They are competing to book their replacement; though human replacement in this movie does not have sense of love and passion, just hunger and thirst.

No doubt, how wonderful is the western’s power of imagination such in the movie to arrange their future. In this era of scientific advancement, a lot is already done for replacement. This also shows, how extreme powerful vision has affected the life of ordinary people in the west. That’s the future magnification which should be predicted and read out from now. Although it’s not hundred percent correct, at least there will be a part which is correct. Awise man says”If you don’t plan your future, other person will manage it”. It means that another person will control your life, or “Keep the world if you don’t want to be kept by the world.

Written by;AbdinasserGurayMe’áad.     Email:noolahabadan@gmail.com

Mob:063/4462703/0659097073

Daawo:Barmaamujka Kunaso Kalsan iyo Raxma-koos

Kalsan iyo koos Daawo Barmaamuj Xiiso badan oo uu Telefishanka KALSANTV ku wareystay Abwaan Axda oo ka mid ah Hal-abuurrada waaweyn ee degen dalka Ingiriiska.

Daawo:

nationally cohesive force is crucial for the future of Somalia'says Chief of the Armed Forces

"Commander in Chief of the Armed Forces, HE The President: The integration of the various existing regional security elements into one, nationally cohesive force is crucial for the future of Somalia"Statement


Mogadishu, November 29, 2014(GNA)-: The integration of regional security forces is a critical element in both the further development of the Somali National Army (SNA) and the achievement of state-building goals, in particular the formation of a federal Somalia.

Vision 2016 and the Somali Compact, adopted by the Federal Government of Somalia in 2013 articulate specific priorities towards ensuring the security, political and development progress of Somalia. The London Security Conference (September 2014) further supported the integration of regional armed forces into the Federal security institutions as one of those priorities.

Concurrently, the FGS aims to ensure a unified national security sector structure and creating increasingly cohesive entities within that structure.
Our existing partnership with Puntland, the emergence of the Interim Juba Administration (IJA), the establishment of the Interim South West Administration (ISWA), and the work of the committee for the formation of the Interim Administration for the Central Regions (IACR) are testament to the FGS’s commitment to a unified, federal Somalia.

The development of a national security force, and in particular the Somali National Army (SNA) must evolve in parallel with the creation of federal states. Formally integrating the various regional security forces is the next step in this evolution.

We recognize and acknowledge the various security forces currently aligned with the emerging states and interim administrations, including, but not limited to, the Puntland Darwish, the Interim Juba Administration Security Forces (IJASF), the forces associated with Interim South West Administration and Ahlu-Sunna Wal Jama’a (ASWJ). The FGS envisages all of these ultimately becoming part of the Somali National Army (SNA).

It is anticipated that the SNA sector divisions will fall in line with federal boundaries to improve coordination of forces and promote stability across Somalia. Progress on technical issues such as boundaries is essential to continue positive momentum towards the integration of our forces.

It is our intention to negotiate and formalise an agreement to this end with the Interim Juba Administration, Interim South West Administration, and Puntland in the aftermath of the High Level Partnership Forum in Copenhagen.

We also intend to begin a similar dialogue with the committee for the formation of the Interim Administration for the Central Regions (IACR). We expect this agreement to be formalized as soon as the IACR is formally established.

The integration of the various existing regional security elements into one, nationally cohesive force is crucial for the future of Somalia. Now is the time to take advantage of the success of Operations Eagle and Indian Ocean that have driven al-Shabaab from their strongholds in the countryside. But the momentum generated following liberation of critical towns and districts from al-Shabaab control must be maintained. To achieve this, we must all commit to the development of a fully representative, meritocratic and accountable professional army.

In line with this statement of intent, the FGS will oversee the urgent development of a concept note and operational plan that will layout the steps necessary to ensure our commitment is realised. Furthermore, the FGS reiterates its determination to implement all resolutions mandated by the United Nation Security Council (UNSC) on children in arm conflicts as part of the ethos of protecting and serving the people of Somalia.

Gobanimonews

Mogadishu Office

 

Saturday, November 29, 2014

Golaha wakiilada somaliland oo ansaxiyay xubnaha cusub ee koomishanka doorashooyinka

Golaha  WakiiladdaHargeysa(GNA).November-29-2014-Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Maanta golaha wakiiladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ayaa sheegay in hawl culus loo igmaday islamarkaana ku shaqaynta Caddaaladda iyo hufnaantu ka go’an tahay.
Siciid Cali Muuse, oo u hadlay Komishanka Doorashada ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan Mudaneyaasha Wakiilada iyo Shirgudoonka “Waxaanu aad ugu mahadcelinaynaa Shir gudoonka Golaha wakiilada iyo Xubnaha golaha oo goor dhawayd na ansixiyay” ayuu yidhi Siciid Cali Muuse.
Wariyaha Caanka ah ee Siciid Cali Muuse oo haatan ka mid ah Komishanku waxa uu sheegay in hawsha loo igmaday tahay mid culus “Waxaa na saaran Hawl culus oo naloo igmaday, oo xil wayn ah.Waxaanu ku dedaalaynaa oo naga go’an inaanu ku shaqayno oo ka hawl galo dalkan Jamhuuriyada Somaliland,hawshaas oo ah midnimo, wada shaqayn iyo tan ugu muhiimsan oo ah Caddaalad, waayo? Haddii aanu Caddaaalad ku shaqayno wax naga xun ma jirayo”
Siciid Cali Muuse, waxa kale oo uu Bulshada Somaliland u soo jeediyay inay la shaqeeyaan Komishanka islamarkaana barbar istaagaan “Shacabka Somaliland, haddii aanay nala shaqayn oo aanay wax nala qaban maaha mid aanu waajibkayaga iyo Shaqadayada gudan karayno” ayuu yidhi Mr Siciid Cali Muuse.
Komishanka Doorashada Somaliland ee cusub ayaa saaka si siman u helay Kalsoonida Golaha wakiilada, iyadoo Mudaneyaasha Wakiilada oo 70 Mudane ahaa 69 mudane codkooda siiyeen halka aanu Gudoomiyuhu codayn.

Guddidan Doorashooyinka ee cusub ayaa mudo xileedkoodu noqonayaa 5 sano, iyagoo xilka kala wareegaya Komishanka hore ee doorashooyinka oo lagu dhaliilay doorashadii 2012-ka ka dhacday Somaliland
mustafe axmed herer
gobaninmonews.com

Eng. Faysal Cali Waraabe: Maxaa Daal la korodhsaday”

Guddoomiyaha UCID oo Niyad ka muujiyay Siyaasadda Somaliland, Siilaanyo-na Shirweyne Qaran ugu baaqay..

faysal niHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda dalku marayo, waxaanu sheegay inay meesha ka baxday dhowrsanaantii Sharciga, dimuquraadiyadii, iyo xoriyatul-qowlkii Shacbigu.

Faysal Cali Waraabe, ayaa iftiimiyay qodobo badan oo uu ku tilmaamay dib u dhacyada u muuqda, sida ku dhaqanka Qabyaalada, waxaanu si cad u sheegay in niyad-jab siyaasaddeed uu dugsanayo.

Waxaanu yidhi “Somaliland Qabiil bay ku noqotay, Maynu Ogaan jirin Komishankaas cid la doortay laakiin,hadda waxaa socota Olole xataa Gudoomiyihii qabiil galay.Asxaabtii baa qabiil gashay, Sharcigii baynu laabnay, waxaynu maraynaa in sidii Reer Miyiga Odayaal ina kala saaraan.Dastuurkii waa jabay, xeerarkii waa la jabiyay Umad aan Rule Of Law(Sharcigu Sarayn) umad ma noqoto.haddaan sharcigu talin waxaynu noqonaynaa Qabaa’il aan sharci ku socon ee xeer jajab ku socda, sidaasna Qaranimadu kuma socoto”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Hadda waxaa muuqata iska daa Hiigsigeenii Qaranimo eh in wixii aynu gacanta ku dhignay ee ahaa Xorriyaddii, Doorashooyinkii, Xorriyaddii Saxaafadda,Dhismihii Hay’addaha, wixii baad moodaa inay hadda baaba’ayaan.dib baa loo socdaa, Dhalinyaradii baa qabyaaladii galay,Salaaddiintii baa qabiilkii ku hadaaqaya,Warbaahintii waxaan reer hebel ahayni ka soo bixin maayaan, waxaad moodaa inaynu nahay Umad Jaah-wareertay oo aan Ujeedo lahayn. Ujeedadii umaddan waa laga tagay, qof walba dantiisa ayuu u Ordayaa,markaa aniga waxaa iga muuqda Niyad jab weyn”ayuu yidhi.

"Waxa nasiib darro ah in komishankii Doorashooyinka beeshii Dhexe Guddoomiyihii ay ku tartamaysaa oo la leeyahay beel heblayo ha la siiyo, marka haddii aynu nahay Ummad aan waxba ka taggayn oo wax kasta qaadanaysa Sideebay Beelihii Darafyadu inoola noolanayaan oo xaata Beeshi dhexe aanay wixii ku heshiis ahayn oo Jilib Jilib ay isku haysataa”

Guddoomiyaha Ucid, ayaa sheegay inay luntay Himiladii iyo Istaraatiijiyadii Qaranimo. “Istaraajiyad qaranimo ma socoto, siyaasad qaranimo ma socoto, waxa socota qof walbaba wuxu heli karo in uu boobo, Qabiil isboobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn, marka Dadkii reer Somaliland way isnaceen way is hiifayaan, beelihii kale ee darafyaduna way ina eegayaan, waxaanay inooga baqayaan inaynu gacmaheena ku burburino”.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay Shir Qaran inuu qabto , waxaanu yidhi “haddaba si arrintaasi looga baxo Madaxweynaha Waxaan ugu baaqay in uu Shir qaran uu Qabto oo aynu is xisaabino oo wixii khaldan la saxo, Maanta Dalkeeni wuxu gallay Xaalad Xun Xafiis Dibadeed oo inoo shaqeynayaa ma jirto."

Guddoomiyaha UCID ayaa sidoo kale, si xooggan u dhaliilay Siyaasadda Arrimaha dibada ee dalka, “ma jiro Xafiis qudha oo dibada ah oo si firinfircoon u shaqeeyaa” ayuu yidhi.

Gobanimonews

Hargeysa Office

 

waxaanu wacaal ka qabnaa xukuumadan sida bakaylaha kolba bur hoosteed galaysa

,xukuumadan kolba sida bakaylaha burka hoos galaysaa hadaanay carqalad galin doorashada koomishanka kalsoonaanu ku qabnaa,.... xogahayaha Waddani ,,...... Uurcade.
hargaysa (GNA).Xoghayaha guud ee xisbiga waddani mudane maxamed c/laahi uurcade ayaa soo dhaweeyay ansixinta ay golaha wakiiladu ansxiyeen koomishanka cusub ee doorashada qaranka somaliland,oo maanta at golaha wakiiladu ansixyeen mr.uurcade oo maanta warbaahibta qaarkood kula hadlay xarunta xisbiga waddani,ayaa waxa uu guul ku tilmaamay talaabada golaha wakiiladu ku ansixiyeen xubnaha cusub ee koomishanka doorashooyinka qaranka.
geesta kalana xogahayaha ayaa walaac ka muujiyay xukuumada madaxweyne siilaanyo taas oo uu ku tilmaamay inay sida bakaylaah kolba bur hoos galayso islamarkaana ay caqabadaynayso doorashada isaga oo arimahaasi ka hadlaayna waxa uu yidhi.
,hadii aanay xukuumadu kolba bur hoostii galin sideedii kalsoonibaanu ka qabnaa koomiishanka cusub laakiin xukuumadu waxaad moodaa inay sidii bakaylaha kolba burka hoosta ka galayso.
dhinaca kalana waxa uu cabaareeyay siyaasiyiinta ka soo horjeeda in wada hadalo lala galo siyaasiga cali khaliif waqxaanu sheegay in cali khaliif yahay nin reer soomaaliland ah, sidoo kale waxa uu si xoogan uga biyo diiday xadhiga ay xukuumada siilaanyo kula kacday hogaanka ururka dhalin yarada Jidaali oo haatan xabsiga ku jira.
mustafe axmed(Herer)
gobanimonews.com/officeuurcade
Hargaysa/somaliland

Guddida Doorashada Somaliland oo la ansixiyey

Hargeysa(GNA)-Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Guddiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland. Fadhiga maanta oo uu Gudoominayey Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayey xubin xubin ugu codeeyeen mudaneyaashu, kaddib markii loo akhriyay khibradooda shaqo iyo waayo-aragnimada todobada xubnood.

69 Mudane oo aanu Guddoomiyuhu ku jirin, ayaa fadhiyay Fadhiga, kuwaasoo tiro isku dhadhow oo 69 iyo 68 ku ansixiyay xubnaha.

Guddida ayaa la magacaabay bishii October, waxaana soo kala xulay Asxaabta Qaranka, Goleyaasha Baarlamanka iyo Madaxtooyada. Waxaana shaqada kala wareegayaan Guddidii hore oo muddo xileedkoodu ku eekaa 29 Bishii October.

Laba ka mid ah Todobada xubnood ee Komishanka cusub ayaa xilal la-taliyeyaal ah ka hayay Xukuumadda ka hor intaan la magacaabin, kuwaasoo geesta kale midkood uu Xisbiga kulmiye Golihiisa dhexe uu ka tirsanaa.

Laakiinse waxaasoo dhan Golaha Wakiilladu may qiimeyn ee waxay ku ansixiyeen baadhis la’aan.

Sidoo kale, waxa Guddida ka mid ah Shukri Xasan oo ah Gabadha Qudha ee Guddidan ku soo baxday “walaahi howl-culus ayaa na hortaala, waxaan illaahay ka rajeynayaa inuu noo fududeeyo”ayay tidhi Shukri Xasan oo markii la ansixiyey kaddib warbaahinta la hadashay.

Xubnaha ayaa muddo xilleedkoodu yahay shan sanadood, waxaan laga sugayaa inay waajahaan dar-dar gelinta howlaha Doorashada kaabiga soo saartay ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka, iyo sidoo kale doorashada Goleyaasha Deegaanka ayaa hadii wakhtigu ku simo ay qabanayaan. Laakiinse waxa horyaalla caqabado badan oo ay ugu weyntahay qabyo tirka Shuruucda Doorashada iyo dejinta hanaanka iswaafajinta Xeerka wali Goleyaasha qabyada ku ah iyo kuwii hore ee doorashooyinka.

Gobanimonews

Hargeysa Office

 

 

Siyaasiyiinta Gobalada bariga S/land ee somaliweyn Aamisani waxay dhib ku hayaan deegaanadooda Cali khaliifna kuwaasuu ka mid yahay…musharax ku xigeenka Ucid.

Siyaasiyiinta Gobalada bariga S/land ee somaliweyn Aamisani waxay dhib ku hayaan deegaanadooda Cali khaliifna kuwaasuu ka mid yahay…musharax ku xigeenka Ucid.
,Xisbiga ucid xukuumadu waxay ka samaysay dacaayado badan waayo waa xisbiga qudha ee looga cabsi qabo inuu ku guulaysto talada dalka,… Dr.C/rashiid xasan mataan,
cabdirashiid-mataanHargaysa(GNA).musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Dr.C/rashiid Xasan mataan ayaa dhaliilay siyaasiyiinta reer Somaliland,ee wali ay ku jirto fikrada Somaliweyne inay dhibaato ku hayaan gobalada ay ka soo jeedaan dhalasho ahaan,waxaanuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u waramaayay Shabakada wararka ee Gobanimonews.com .
Dr. c/rashiida xasan mataan ayaa ugu horayn soo dhaweeyay talaabada ay Golaha wakiiladu ku meel mariyeen Ansixinta Xubnaha koomiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland,isaga oo dhanka kalana u hambalyeeyay koomishanka Cusub ee doorashooyinka qaranka, isaga oo ugu duceeyay in ilaahay u fududeeyo xilka qaranka looga igmaday waxaanu yidhi.
,waxa ilaahay mahadiiya in maata ay inoo qabsoontay arin muhiim ku ah qaranimada iyo geedi socodka dimuquraadiyada,waana arinta ansixinta koomishanka oo mudaba qabyo ku ahaa golaha wakiilada,ilaahay iidankii waxaan rajaynayaa inta u dhimana hawlahoo iyaguna inay qabsadoonaan ilaahay ha idin waafajiyo sida khayrku ku jiro oo ah inay dalkan ku hogaamisaan,doorashoyin xora oo xalaala waan u ducaynaynaa koomishanka cusub.
Dhinaca kale musharax madaxweyne ku xigeen ayaa sheegay in uumaanta uu dhaqaaqay taayirkii doorashadu islamarkaana waxa doorashada ka hadhay uu yahay arimo farsamo sidaa darteena ay ku kalsoon yahiin in doorashadu xiligeedii ku qabsoonto.
Waxa uu sidoo kale ka gaabsaday inuu wax jawaaba ka bixiyo wararka sheegaaya in xoghayahii maaliyada ee xisbiga ucid oo dhawaan iska cashisay xilkii xoghayenimo ee xisbigaasi ay ka baxday xisbiga ucid kuna biirayso xisbiyada kale.
Sidoo kale musharax ku xigeenka ucid Dr.c/rashiid xasan mataan oo ka jawaabaayay su,aal nuxurkeedu ahaa in khilaaf ka dhex jiro xisbiga ucid ayaa kaga jawaabay Eedo uu xukuumada dusha uga tuuray oo ah in xukuumada siilaanyo ay dacaayado aan jirin ka dhex wado xisbiga Ucid,taas oo uu ku sababeeyay in xukuumadu uga baqayso inuu yahay xisbiga kaliya eek u guulaysan kara doorashada madaxtooyada ee sanadka 2015 la filaayo inay dalka ka dhacdo waxaanu yidhi.
,Xisbiga ucid xukuumadu waxay galisay dacaayada ugu badan waayo waa xisbiga qudha ee cabsi laga qabo inay talada dalka ku guulidoonaan isha,alaahu tacaala laakiin waanu iskaga dulqaadaynaynaa,,
Geesta kale Dr,c/rashiid xasan mataan mar la waydiiya aragtida uu ka qabo in wada hadlo lala galo Siyaasiga fashilmay ee Cali khaliif galaydh,isaga oo soo dhaweeyay in lal hadlo waxaanuu sheegay in cali khaliif galaydh uu yahay muwaadin reer Somaliland,islamarkaana uu yahay nin cadhooday oo aanay ahayn in lagu xukumo cadhadiisa taasinay ay tahay waxyaaba ay u wadaan isbadal uu dalkani gaadho,balse waxa uu xusay in siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka soo jeeda gobalada bariga ee wali aaminsan mamda soomaliweyn oo uu ka mid yahay cali khaliif ay dhib ku hayaan deegaanadooda, dadka ku dhaqan Gobalka Soolna ay yahiin dad reer Somaliland,waxaanu yidhi.
,ninkaasi waa muwaadin somalilander nin cadhooday laguma xukumo cadho dadka sool waa dad reer Somaliland, dadban oo reer somalilandna ayaa jooga somaliweyne oo ka jooga gobalada dhexe iyo gobalada bari iyo gobalada galbeedba laakiin barigu mushkilada dhacday waxa weeyaan waa dadka qudha ee dhibaatada ku haya deegaanadoodi,
,qolada gobalada dhexe ka jooga soomaliweyn dhibaato kuma hayaan deegaanadoodii kuwa Awdalna kuma hayaan waa ayaan daro hadii ninkaasi uu halkaa uu ka hawl galay oo siyaasadiisi halkaa noqotay dee inuu deegaankiisi dhibaato ku hayo,Sool waa dad somalilander wixii tabasho ahi waa waxyabaha nagu kalifaaya in aanu dalka isbadal ka samayno.
Si kastaba ahaatee dalka musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga ucid Dr.c/rashiida xasan mataan ayaa ku soo beegmaaya wakhti ay xisbiyada dalku iyo siyaasiyiintuba ku kala qaybsameen in wada hadal lala galo siyaasiga cali khaliif galaydh oo hada isagu talaabooyin colaadeed ka wada gobalada bariga sonmaliland,iyada oo dhawaana uu gudoomiyaha golaha guurtidu xaaraan ku tilmaamay wada hadal ay xukuumadu qaban qaabinayso in loo furo cali khaliif galaydh.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com/office.
Hargaysa/Somaliland.
Email:herersax@gmail.com

Wasiir Cadaani“Kursiga Hanjabaad iyo been laguma fuulo”Daawo

cadaani saxarHargeysa(GNA)-Wasiir-u-Dawlaha Wasaarada Maaliyadda Somalilanad Cismaan Saxar-diid Cadaani, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xildhibaanada Xisbigiisu ku xad-gudbeen masuuliyadda Xilalkka ay Qaranka u hayaan ee ay umadda ugu dhaarteen, kuna jahawareerinayaan shacbiga eedeymaha Cashuurta lagu soo rogay Hay’addaha Warbaahinta oo ay saddex sannadood ka hor Golahooda iyo Wasaaradda maaliyaddu si wada-jir ah u sharciyeeyeen, dhaqan-galna noqotay.

Wasiir Cadaani oo daba socday eedeymo Guddoomiye Cirro iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilladu kala hor-yimaadeen fulinta Cashuur-sanaddeedka Hay’adaha Warbaahinta ay ku soo rogtay Xukuumadda Siilaanyo af iyo labadiisa daan ku sheegay in Baarlamanku ogolaadeen soo dejinta cashuurtaas.

Wasiir-u-duwalaha Maaliyadda oo Waraysi siiyay Warbaahinta Dawladda, ayaa sidoo kale ka waramay muhiimada ay Cashuurtu u leedahay Qaranka iyo cadaadka lacagta sanadkii laga qaadayo Wargeysyada iyo Telefiishanada Maxaliga ah, waxaanu ku tilmaamay Cashuurta Wargeysyada ee sanadlaha ah Afar Boqol oo kun oo lacagta Somalilnd ah (400,000shls), halka Telefishanada uu ku sheegay Kun Dollar oo lacagta Maraykanka ah, ($1000).

Halkan ka Daawo Muuqaal Telefishanka Dawladdu diyaariyay oo Cashuurta loogu ololeynayo:

Iibinta sawirkii laga qaaday Cawrada Gabadha Sakhraantay! Daawo qiso dhab ah

Intuu Daroogo siiyay ayuu Muuqaal ka duubtay Jidhkeeda oo Qaawan, dabaddeedna wuxuu ka iibiyay Saaxiibkii ..Hoos ka Daawo waraysi qiso caqiijib ah oo kaa yaabin doonta xambaarsan

cajiibGabadh Soomaaliyeed oo Dhalinyaro, ayaa si qiiro leh uga warrantay arrin fawaaxish iyo Cadawtinnimo ah oo uu kula kacay Wiil Soomaaliyeed, ka dib markii inta uu daroogo u isticmaalay Sawirro ka qaaday Jidhkeeda oo qaawan, isla markaana Muuqaal Vedio ah ka duubay, ka dibna uu ugu hanjabay haddii aanay oggolaannin in sida uu isagu doono ka yeelo uu baahin doono Muuqaallada uu ka hayo, Taasoo markii ay diidday uu baahiyey, bilaabayna inuu dhalinyarada Suuqyada ka iibiyo.

Gaadhan Soomaaliyeed, ayaa Waraysi ay bixisay ku sheegtay inay dhibaato ka dhan ah Sharafta, Karaamada, dhawrsanaanta Dhaqanka Suubban iyo Diinta Islaamka ee ay ku barbaartay kula kacay Wiilkaasi, isla markaana ay dhibaato kale oo Nafsaani ahi soo food-saartay oo aanay Gurigooda dibedda uga bixin, tan iyo markii uu Suuqyada Wiilasha iyo cid kastaba ugu qaybiyey Muuqaallada uu ka duubay, ka dib markii sida ay sheegtay uu Sharaab ugu daray nooc ka mid ah Daroogada dadka seexisa.
Halkan ka Daawo Waraysiga:

Fadeexadda Shilkii Geerida ee Madaxtooyada iyo Rayidka “Dacar-budhuq”

Dacar, budhuq: Isku-dhacyadii Gaadiid weftiga iyo Shicibka + Gurmad la’aantii Dhaawaca rayidka+geeridii Dhiig-baxa iyo Saylici oo iska moosay Khalad..Hoos ka Daawo

SAYLICI IYO SHLDacar-budhuq(GNA)-mid ka mid ah, ayaa Geeriyooday lix ruux oo shalay gelinkii dambe ku dhaawacmay Shil-gaadhi oo ka dhacay Duleedka Tuulada Dacar-budhuq oo ku taalla jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera, kaasoo ka dhex- dhacay mid ah Gaadiid Kolanyo ah oo la socotay Wefti madaxweyne ku-xigeenka Somaliland hogaaminayay oo ku sii jeeday Magaalada Berbera iyo Baabuur Shicib ah oo Hargeysa ku socday.

Shilka-baabuur oo ka dhacay duleedka/dhinaca Galbeed ee Tuuladda Dacar-budhuq oo Juqraafi ahaan dhacda badhtamaha jidka isku xidha Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, ayaa sida Wargeyska Yool uu u sheegay goob-jooge ku sugnaa bog-cadii shilku ka dhacay, waxa isku dhaca labada gaadhi uu dhaawac culusi kasoo gaadhay saddex kamid ah dadkii la socday Gaadhiga NOHA-da ah oo mid kamid ah yahay Mu’adinkii Masaajidka Tuuladda Dacar-budhuq, oo isagu kasoo raacay Tuuladdaas, darawalka ama Wadihii-gaadhigaas, iyo sidoo kale, qof ka tirsan rakaabka markii hore ee la socday.
Geesta kale, sida goob-jooguhu xusay, waxa dhaawac fududi shilkaas uu kasoo gaadheen saddex ruux oo kamid ah dadkii la socday kolonyada Baabuurta Madaxweyn-ku-xigeenku uu watay, kuwaasoo uu ku jirey Wiil uu dhalay Md. Saylici, waxaana wararku intaa ku dareen in dhaawac Wiilka Madaxweyne-xigeenku dhalay iyo labadii ruux ee kale durbadiiba loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa, kadibna Madaxweyne-xigeenku uu socdaalkiisa iska sii watey, isagoo aan wax gurmad ah u fidin dadka rayidka ah ee waxyeeladu gaadhay.
Dhanka kale, waxa dhaawacyada dadkii kaloo uu ku jirey Mu’adinkii Masaajidka Tuuladda Dacar-budhuq iyo laba qof oo kale, kuwaasoo xaaladooda Caafimaad aad u cuslayd halkii lagaga tegay halkii shilku ka dhacay, kuwaasoo ay markii Wadayaasha gaadiidkii wada-marayey iyo dadweyne kale usoo gurmadeen dib loogu celiyey dhinaca Dacar-budhuq, waxa goob-jooguhu intaa ku daray in qofkii ugu danbeeyey dhaawacii dadkaasi laga soo qaaday Tuuladda Dacar-budhuq Abaara Sideedii-fiidnimo ee Xalay, waqtigaasoo si loogu daaweeyo loo-soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.
Ma jiro waxa war ah oo ku saabsan sababta shilka keentay iyo cida labada dhinac masuuliyada eeda shilka lahayd. Oo ka soo baxay Hay’adaha Nabad-gelyada waddooyinka, lamina garanayo cida waday iyo nooca uu ahaa Gaadhiga Kolanyada Madaxweyne ku-xigeenka ee ka tirsanaa ee ay isku dhaceen baabuurka Shacbiga, wallow ay la socdeen Wiilkiisa Axmed Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo laba Nin oo kale oo dhaawacmay.
Dhinaca kale, war lagu baahiyay Shebekadda Wararka ee Arraweelonews, ayaa lagu sheegay inuu Geeriyooday mid ka mid ah saddexda qof ee la socday Gaadhiga Shicibka ah ee ay isku dhaceen Gaadhiga weftiga madaxweyne ku-xigeenka, waxaanay shebekaddu warkeeda ku xustay in Marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cabdullaahi Yuusuf Ismaiil(Ina Tima-cade) uu dhintay dhaawacii kasoo gaadhay shilka Baabuur, kadib markii uu waayay gurmad iyo gargaar caafimaad, kaasoo abbaaro sagaalkii caweysnimo la keenay Cisbitaalka isaga iyo Nin kale oo ay isku gaadhi ku dhaawacmeen , kaasoo isna magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cumar Xaaji Yuusuf.

dadweynihii Shilkan uga soo gurmaday Tuulada Dacar-budhuq, Wadayaasha gaadiidka wada-marayey,iyo sidoo kale qaraabada iyo dadkii ku soo booqday Dhaawaca iyo dhimashada Shilkaasi dhaliyay Fajac iyo ammakaag ku noqotay qaabka uu Madaxweyne ku-xigeenku u dhaqmay markii shilku dhacay, taasoo dadka qaarkood u fasisheen garasho daro , kuwo kalena inay axmaqnimo ka tahay Madaxweyne ku-xigeenka dalka inuu cidlo kaga dhaqaaqo dad dhibaato ku dhacday oo gurmad nafeed u baahan.
isu-weydiinta dhacdadan, ayaa isugu biyo shubanaysa sababta Madaxweyne-ku-xigeenka ku keliftay inuu dhabbada-cagta saaro, kadib markii uu ogaaday in dhaawaca Wiilkiisa soo gaadhay uu yahay mid fudud, weliba iyada oo xaaladda Caafimaad ee Wiilkiisu sidaa tahay, hadana intuu ku amray mid kamid ah Kolonyadii lasocotay, durbadiiba dib loogu soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa, isagoo aan haba-yaraatee is-dul-taagin ruux qudha oo kamid ah dadkii kale ku dhaawacmay shilkaas.
Ehelada Marxuumka Geeriyooday ayaa sida Gobanimonews ay u xaqiijiyeen dad cisbitaalka ku booqday, aasida Maydka ayey ku xidheen Shuruud ah inuu Madaxweyne ku-xigeenku ka jid-bixiyo ax-maqnimada uu sameeyey, iyagoo u arkay jariimad bino-aadanimada ka baxsan.
SayliciSaylici oo Khaladkii Sababta shilka dusha u saaray Gaadhiga Shicibka
Waxaase Madaxweyne ku-xigeenka oo Jimcihii Maanta Telefishanka Dawladda ka hadlay uu khaladka Shilkaasi dusha u saaray Wadaha baabuurta ay saddexda qof ee shacbiga ahi ku waxyeeloobeen.
Saylici ayaa tacsi u diray ehelada Marxuumka ku geeriyooday Shilka, waxaanu u duceeyay dadka dhaawacmay oo uu Wiilkiisu ku jiro.
Halkan ka Daawo:



Shil kale Nabaad-diino xidhka u ahaa Weftiga Saylici
Geesta kale, weftiga madaxweyne ku-xigeenka oo casar-dheere ka caraabay magaalada Hargeysa, lana sheegay in foolaadka safarkiisu ahaa Burco, ayaa shil sahlan ku galay agagaarka Masaajidka Tabliqiyiinta ee Bariga Hargeysa, kaddib markii ay isku dhaceen Gaadhi lancruiser ah oo qafilan iyo mid ka mid ah Kolanyo Tikniko ah oo la socday.
Isku-dhaca Labadaa Baabuur, ayaa wax khasaaare ah ka dhalan, hase ahaatee khal-khal badan abuurtay, kaddib markii ay qoryo ku qabteen Baabuurkii Tiknikada ay isku dhaceen Ciidanka Ilaalada weftigu.
Shilkan Sahlan oo fajac iyo yaab ku abuuray Dad Shacab ah oo wadada uu ka dhacay marayay, ayaa wariyeyaal ka tirsan Yool oo jidka Marayay, waxa u suurto gashay inay Sawirro ka qaadaan sida wax u dhaceen.
Shilkaasi ayaa u muuqday mid nabaad-diino xidh u ahaa dhacdadan Dacar-budhuq uu kula kulmay.
Gobanimonews and Agencies

Shir gogol-xaadh ah oo Turkiga uga furmaya Somaaliya iyo Somaliland

Dawladdaha Taageera labada dhinac oo cadaadis ku saaray in wadahadaladu sii socdaan...Xog

Xirsi iyo BiixiHargeysa(GNA)-Somaliland ayaa wefti u dirtay Dalka Turkiga si ay uga qayb-galaan Shir loogu gogol-xaadhayo wadahadalada Somaliya oo inay halkaasi dib uga furmaan lagu wado bisha soo socota.

Shirka gogol-xaadhka Wadahadalada ayaa ah heer wasiir, waxaana dhinac walba ka imanaya laba xubnood oo dawladda ah, sida uu Warbaahinta Somaliland u sheegay Wasiirka Madaxtooyada xukuumadda Siilaanyo Xirsi Xaaji Cali oo maanta u dhoofay dalka Turkiga.

Halkan ka Daawo:



Ma jiro wax war ah oo ku saabsan amuurtan oo ka soo baxay dhinaca Dawladda Federaalka, hase ahaatee ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed oo Gobanimonews heshay, ayaa tibaaxaya in Dalka Turkigu labada maamul ee Hargeysa iyo Muqdisho cadaadis ku saaray inay sii wadaan wada hadalada.

Dawladda Norway ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay si buuxda u taageerayso geedi socodka wada-xaajoodka labada dalka, si is-faham loo gaadho. Dalalka taageerada dhaqaale siiya labada dhinac ayaa doonaya inay isku soo dhaweeyaan aaraa’da kala fog ee labada dhan oo ay asal ahaan u qadariyaan Waddan Soomaaliyeed oo Shakhsiyad qudha oo qaanuuniya leh.

Laakiinse marna ajandaha beesha Caalamka iyo marti-geliyeyaasha wada-hadalada laguma xusin in la aqoonsado gooni-isutaaga Somaliland oo ah qadiyad ku timi rabitaan Shacbi oo ka soo gudbay marxalado qalafsan , balse haatan cago curdin ka-baxay ku taagan.

Ma cadda wakhtiga ay furmayaan wadahadalada loo gogol-xaadhayaa iyo inay ka qeyb-geli doonaan hogaamiyeyaasha labada dal, waxaase wajiga hore ee diyaar-garowga inay ka qayb galaan lagu wadaa Wasiirrada Khaarajiga iyo Arrimaha Gudaha ee labada dhinac. Waxaana iminka dalka Turkiga ku sugan Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka sii horeeyay Wasiirka madaxtooyada.

Gobanimonews

Hargeysa Office