Monday, December 22, 2014

War Deg deg ah : Shil Gaadhi oo Ka dhacay Boorama

Boorama(GNA)-Sida ay noo xaqiijiyeen dadkii goob joogga ahaa wadihii baska ayaa dhawac noqday kadib shil ka dhacay caawa BORAMA gaar ahaan waddo marta dhabarka dambe ee Hotel Mana Guest house oo ku yaalla dhinaca woqooyi ee magaalada.



waxa isku dhacay laba baabuur oo mid yahay basaska dadka u kala gura xaafadda Sh. Cali  iyo suuqa, ka kalena yahay tagasida yar yar ee raaxada.



labada baabuur waxa soo gaaray burbur baahsan, waxa kale oo khasaare soo gaaray guri dhinaca bari ka xiga wadada uu shilku ka dhacay oo baabuurka bus-ka ahi burburiyay.



ma jiro war  ah oo kasoo baxay ciidanka waddooyinka illaa hadda,  laakiin markaad la sheekaysato dadka goob joogga ah waxay kuu sheegayaaan in labada baabuur ay is eryanayeen isla markaana ninka taxi-ga wataa si dheel-dheel ah dhinaca dambe uga galay gaariga bus-ka ah taasina sababtay in bus-ku jidka ka baxo oo guriga gudaha u galo, halka taxi-guna uu noqday mid gabi ahaantii rogmada.



IMG_20141221_214226IMG_20141221_213939IMG_20141221_214120



 



 



 



 



 



 



 



 



 



IMG_20141221_213903IMG_20141221_214120



 



 



 



 



 



 



 



 



 



Gobanimonews



Borama office