Thursday, October 31, 2013

Xisbiga Waddani oo Bari iyo Galbeed-ba Xukuumadda Dhaliilo uga soo diray, Dalbadayna in Laamiga Sanaag Damaanad laga bixiyo


Burco(GNA)-Xisbiga Waddani, ayaa eedeymo kala duwan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay, isla markaana jihooyin kala duwan ka weeraray siyaasadda xukuumadda.




Xaflad balaadhan oo garabyada haweenka, dhaliyarada iyo masuuliyiinta xisbiga waddani ee gobolka togdheer ku qabsadeen magaalada burco ayaa waxay soo ku bandhigeen dhaliilaha xukuumadda.




Masuuliyinta xisbiga mucaaradka ah ee wadani ee gobalka togdheer ayaa maanta kulan baaladhan oo ay isugu yimadeen xarunta dhexe ee xisbigaasi ku leyahay burco.waxayna xukumada madaxwayne silanyo ku eedeyeen inay ku guuldaraystay waxyabihii ay bulshadu u dooratay isla markaasna ay xukumadu dano gaar ah ka leedahay dhismaha wadada ceerigaabo.




Munaasibadani oo ahayd mid kulmisay garabada haweenka.dhalinyarad iyo masuuliyinta xisbiga wadani ee gobalka togdheer, waxay kaga jawabeen eed ay xukumadu usoo jeedisay xisbisa wadani isla markaasna ay ku eedaysay inuu xisbigaasi ka soo horjeedo dhismaha wadada cerigabo.




Ugu horaynba waxa munaasibadaasi ka hadlay gudomiyaha xisbiga mucaradka wadani ee gobalka togdheer xuseen kaahin xayd waxaanu shegay in aanu xisbiga waddani marnaba ka soo horjeedin wadada cerigabo balse wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in guddi ka madax banaan xukumada loo saaro dhismaha wadadaasi.




Waxaana ka mid ahaa hadaladisii " ujeedada kulankani maanta waa in gudiyadda haweenka iyo dhalinyaradu ay soo bandhigaan tagerada buuxda ee ay u hayaan xisbiga wadani isla markaasna ay ku garab taagan yihiin go-aan kasta oo ay soo saaraan masuuliyinta sare. Xisbiga waddani hadaanu nahay waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wadanka wax u qabanaysa oo aan turxaan kale ku jirin.xukumada silanyo malaa waxaa la modaa inuu ka soo dhamaday wakhtigii somalidu waxay ku maahmahda meel haddii aad u qubaysato waa laga qubaystaa.gobalkan togdheer qabyooyin badan ayaa jira tusaale wadada oodweye.airport burco haddana maanta xukumadu waxay calanka u taagtay wadada ceerigabo.waxaanu leenahay ha loo saaro guddi madax banan wadadaasi si loola xisaabtamo " ayuu yidhi gudoomiye xuseen kaahin




Dr: c/laahi huruufe oo isna ka mid ah masuuliyinta xisbiga wadani ee gobalka togdheer oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi" waxa iswaydiin leh maadaama silanyo burco ka soo jeeddo muxuu u qabtay dhinacyada cafimaadka.waxbarashad.biyaha.wadooyinka. Burco waad aragtaan wadooyinkii oo dhami way wada burbursan yihiin intii siyaad barre ka qabtay wax danbe lagama qabanin.waxaan leeyahay wax alaale iyo wax uu maanta silanyo gobalka togdheer u qabtay ma jiraan.walalayaal kulmiye wuu inooga daray ayaan aamin-sanahay.kulmiyana taladii waddanku wuu ku guuldaraystay markaasu isagoo waddani ka baqaya uu dacaayad suuqa u galiyo oo uu yidhahdo wadani wuxuu ka soo horjeeda horumarka dalka" ayuu yidhi c/laahi




Guddomiyaha garabka haweenka xisbiga waddani ee gobalka togdheer,haween,dhalinyaro iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantod xukumada ku eedayay inay ku fashilantay shaqadii ay bulshadu u igmatay isla markaasna xisbiga kulmiye looga baahan yahay sidii uu u banayn laha kuraasta uu hayo ee uu ku fashilmay mudadii uu xilka hayay.




Si kastaba ha ahatee munaasibadani baladhan ee ay isugu yimadeen garabada hawenka.dhalinyarada iyo masuuliyinta xisbiga wadani ee gobalka togdheer ayaa kaga jawaabayay eedayn ay xukumadu xisbiga wadani ku eedaysay inuu ka soo horjeedo dhismaha wadada cerigabo.




Geesta kalena, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Mudane Axmed Muumin Seed ayaa maanta si kulul u cambaareeyay xadhiga ay xukuumaddu kula kacday xildhibaanada ay shacabku soo doorteen ee golaha degaanka Gabilay.




Gudoomiye ku xigeenku isaga oo ka hadlaya arrintan waxa uu yidhi “Waxa aan cambaaraynayaa xadhiga ay xukuumaddu kula kacday xildhibaanada golaha degaanka ee Gabilay, waxa aan leeyahay waa talaabo nuqsaan ku ah doorashooyinkii aan galnay iyo dimuqraadiyada somaliland, iyo sharafta xildhibaanka, sideedaba xildhibaanka golaha degaanku waxa uu la mid yahay xuldhibaanka golaha wakiilada ah oo wuxuu leeyahay xasaanad iyo karaamo mana aha in si sahlan loo xidho, waxa kale oo intaas dheer waxa la xidhay ma aha xildhibaano ee waa shacabkii reer Gabilay oo dhan sababta oo ah, xildhibaanadu waxa ay ku fadhiyaan kumanaan cod ah oo lagu soo doortay, sidaasi aawadeed waxa aan xukuumadda leeyahay waa in ay ka laabataa talaabadaas oo ay xildhibaanada xoriyadooda u soo celisaa raaligalinna ka bixisaa”ayuu yidhi.




Mar kale waxa uu gudoomiye ku xigeenku ka dareen celiyay safar ay dhawaan ku yimaadeen Boorama wasiiro ka tirsan xukuumada kaasi oo ku aadanaa dhinaca tahriibta waxana uu yidhi “Waa layaab wasiiro wacyigalin wada oo leh waxa aan dhalinta ka wacyigalinaynaa tahriibta, waxa aan leeyahay wacyigalin laydinkama sugayne wax qabad muuqda oo dhalinta lagu badbaadiyo ayaa laydinka sugayey, waxa ay xukuumaddu gacanta ku haysaa hantidii shacabka, waxa ay ahayd inay samayso shaqo abuur cadaalad ku salaysan, waxana aan aaminsanahay in dadka dhalinta ah ee dalka ka yaacayaa ay ka baxsanayaan Cadaalad darada, eexda iyo qaraabo kiilka xadhkaha soo goostay ee kor u kacay inta ay xukuumadan Kulmiye jirto”ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa.










 



Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com

Warbaahinta oo Hab sharci u Naqdiyay Xeerka Xukuumaddu ku Dabayso. Akhri wax ka bedelka iyo kabista (Xeer No.27/2004)


Guddidii Saxaafaddu U Saartay Ka Soo Talo Biixnta Lifaaqan Qabyada Ah:




Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)




Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)




Saddaam Maxamed Axmed




Barkhad Maxamuud Kaariye




Naqdiga Iyo Falanqaybta Xeerkan Waxa Soo Koobay Saxafiyiinta Kala Ah:




Barkhad Maxamuud Kaariye




Saddaam Maxamed Axmed




Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)




Garyaqaan Muuse Yuusuf Muxumed (Muuse Case)




 




Waxaana Qoray: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)




 




Hargeysa, Somaliland - October 27, 2013




Arar Kooban:




Kadib kulano is daba joog ah oo ay isugu yimaadeen inta badan masuuliyin ka kala socotay warbaahinta madaxa bannaan oo lagu niqaashayay “Wax ka badalka iyo kaabista Golaha wakiiladu ku soo sameeyey xeerkii saxaafadda Somaliland” oo warbaahinta laga talo galiyey in ay soo akhriyaan wixii dood iyo talo bixin ah ee ay ka qabaana ka soo dhiibtaan ayaanu isku daynay in aanu naqdi iyo fal-celin aad u xeel dheer ku soo samayno wax ka badalka iyo kaabista xeerka saxaafadda lagu sameeyey.




Kulamada ay saxaafadda madaxa banaani isugu timid oo lagu saaray gaddida naqdigan iyo fal-celintan soo samaysay ee magacyadoodu sare ku xusan yihiin waxa ay si mutadawacnimo ah isaga xil saareen in ay aad uga soo baarraan degaan hab dhugmo leh oo cilmiyaysana u soo niqaashaan wax ka badalka iyo kaabistan xeerkan lagu sameeyey, maadaama uu yahay xeerkii lagu dhiqi lahaa saxaafadda Somaliland amminta taagan iyo ta mustaqbalba. Muhiimadda ballaadhan ee uu xeerkani saxafiga iyo saxaafadda Somalilandba u leeyahay ayaa nagu khasbay in aanu ka baarraan degno si Fiirro lehna uga niqaashno, si looga gaashaanto hadba wixii dhib ah ee uu leeyahay laguna taageero wixii uu ku wanaagsan yahay (Rag Waa Arrin Keen Ama Aqbal Keen).




Isku day badan oo aanu wakhti ku galinay akhris iyo faham aanu ka qaadanay ayaa aakhirkii keentay in aanu halkan Masuuliyiinta saxaafadda madaxa bannaan iyo guud ahaan suxufiyiinta Somaliland ugu soo bandhigno qoraal kooban oo aanu ka samaynay Fal-celinta iyo Naqdiga aanu u ban baxnay si aanu uga talo galino dhammaan daneeyayaasha (Stakeholders) uu khuseeyo xeerka Saxaafadda Somaliland.




 




 




 




 




 




 




 




 




Hordhac:




Waa Maxay Lifaaqa Wax Ka Badalka Iyo Kaabista Xeerka Saxaafaddu?




-Waa Qabyo-qoraalka (Draft) wax ka badalka iyo kaabista xeerka Saxaafadda Somaliland oo ah xeerkii hore ee saxaafadda Somaliland ee Xeer Nambar 27/2004 (Somaliland Press Law No. 27/2004), waxaana wax ka badal iyo kaabis ku soo sameeyey Guddi-Hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Somaliland.




-Qabyo Qoraalka ahi waxa uu ka kooban yahay Toddoba Qaybkood oo ka kooban 45 Qodob oo qodobkiiba farqado u kala baxayo, halka xeerkii hore ee wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey ka koobnaa 32 Qodob oo kali ah.




-Gole Warbaahineed uu xeerkani Aasaasayaa awoodihiisu waxa ay meesha ka saarayaan jiritaanka warbaahintii madaxa bannaanayd (Private Media) iyo sidoo kale warbaahintii dadku wada lahaa (Public Media) waxaanu dhammaan warbaahintii ka dhigayaa hal warbaahineed oo ah warbaahin Qaran (State Media).




- Xeerkan Qabyo-qoraalka ahi ma kala saarayo noocyadii saxaafadda waxaanu si duuduub ah saxaafadda ula baxay Magaca (Warbaahin Qaran)  




 




Dulucda Naqdigeenan Fal-Celinta Ah:  




Markii aanu muddo badan akhriyeynay, daraasaynay ee aanu wax badan rogrognay, lana akhrinay shuruucda ay xidhiidhka leeyihiin ama uu saamaynta ku leeyahay qabyo qoraalkani, waxa aanu halkan ku soo taxnay qodobo badan oo sida ay u yaallaan aan loo aqbali Karin, qaarkoodna aan la fahmi Karin macno ahaan, halka kuwo kalena ka hor imanaayn shuruucda wadanka u yaalla oo Dastuurka qaranku ugu sarreeyo.




Dulucda Naqdigan Waxa Aanu Ku Soo Ururinay Qodobadan Hoos Ku Xusan:




-Ugu Horrayn, Lifaaqan qabyo-qoraalka ahi gabi ahaanba waxa aan garawsanay in uu yahay Mashruuc sharci oo cusub ee aanu ahayn wax ka badal lagu sameeyey xeerkii saxaafadda Somaliland, Xeer No. 27/2004. Qaabka uu u qoran yahayna u muuqdo mid meelo kala duwan laga soo dheegtay, gaar ahaan dalalka saxaafaddu ku jirto cagta hoosteeda, qaab xumada uu qoraalkiisu u yaallaana muujinayso in lagu sameeyey Turjumid toos ah (Direct Translation) oo luminaysa fahamkii saxda ahaa ee macnihiisa laga qaadan lahaa.




- Intii aanay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha wakiiladu qabyo qoraalkan wax ka badalka iyo kaabista xeerka saxaafadda soo samayn wax talo iyo tusaale ah kalama ay yeelan Saxafiyiintii iyo saxaafaddii Somaliland ee lagu dhiqi lahaa, marka laga tago guddida lifaaqan soo diyaarisay oo ku doodaya in xeerkan wax ka badalkiisu ka dhashay doodo muddo soo taagnaa oo marar hore wax la isaga waydiiyay sida; Aqoon-iswaydaarsi dayrtii 2010 lagu qabtay Huteel Imperial ee Magaalada Hargeysa  iyo aqoon-iswaydaarsi kale oo bishii Jeenaweri 2011 lagu qabtay isla magaalada Hargeysa, waxaanan ogaanay in kulamadaasi aan wax heshiis ah lagu gaadhin ee ay dood adagi ka taagnayd, in badan oo saxaafadda ka mid ahina diidanaydba in wax ka badal lagu sameeyo xeerka saxaafadda (Xeer Number 27/2004).




- Mabaa’diida guud, waajibaadka iyo xuquuqda uu bixinayo lifaaqani ma aha kuwo dani ugu jirto saxafiga iyo saxaafadda Somaliland waxaanan odhan karnaa waa lifaaq aan la jaan-qaadi Karin hannaanka wanaagsan ee loo sameeyo xeerarka saxaafadda dunida xorta ah ee dhawrta xorriyatul qawlka iyo xaqa muwaadinka. Waxa uu xeerkani ka hor imanayaa xuquuqda dastuuriga ah ee xorriyatul qawlka iyo xaqa lahaansho ee muwaadinka Somaliland (Dib ayaynu ka arki doonaa sida uu arrimahan uga hor imanayo)




- Lifaaqani waxa uu ka gaabiyey in uu koobsado arrimo badan oo aasaasiyaad u ahaan lahaa xeer saxaafadeed oo la jaan-qaadi kara dunida casriga ah ee ku dhisan xorriyadda hadalka iyo lahaanshaha saxaafad xor ah, waxa uu taa badalkeeda saxaafadda dusha ka saarayaa arrimo badan oo culays iyo ciqaab u eg oo aan marnama waafaqsanayn dastuurka Somaliland oo damaanad qaaday xaqa muwaadinta ee lahaanshaha xorriyad saxaafadeed iyo xarumo warbaahineed oo xor ah. Lifaaqan qabyo qoraalkani waxa uu ku dhawaad boqolkiiba Toddobaatan iyo in ka badan (70%) yahay mid caqabad ku ah geeddi socodkii madax bannaanida saxaafadda Somaliland ee qarankani ku soo caano maalay oo ka mid ahaa aasaasiyaadkii halka dib u xoraynta.




- Lifaaqani waxa uu yahay mid gabi ahnaaba aan odhan karno waxa loo samaystay in lagu aasaaso Gole Ballaadhan oo awood xad dhaaf ah leh “Golaha Warbaahinta Qaranka”, kaasi oo awoodo u dhigma kuwa Maxkamadaha leh (Tribunal Court) iyo waliba isaga oo isa siiyay awoodda in uu aasaaso Guddida Anshaxa Saxaafadda oo isla xubnaha Golahan ka iman doonta.




- Lifaaqan qabyo qoraalka ah oo ka kooban 45 Qodob, inta ugu badan qodobadiisan laga soo bilaabo qodobka 17aad illaa 30aad Waxa lagaga hadlayaa GOLAHA WARBAAHINTA QARANKA. Waana tallaabada muujinaysa in ujeedada xeerkan loo samaystay tahay cabudhinta saxaafadda iyo baabi’inta xarumaha Saxaafadda.




- Lifaaqan qabyo qoraalka ahi guud ahaan kama wada hadlayo qaybaha kala duwan ee warbaahinta, sida; idaacadaha (Radios), Mareegaha Internetka (Webs, social media, and other online outlets). Balse wuxuu gaar u yahay telefishannada iyo warbaahinta qoraalka ah (Wargeysyo iyo majallado). Haddii  xeerka wax-ka-beddel lagu samaynayo-na, waxay ahayd in uu koobsado dhammaan qaybaha warbaahinta.




 




Aan qodob-qodob isu dul-taagno Waxyaabaha Aanu Saxaafadda Somaliland Xeerkani U Anfacayn Ee Dhibaatada Weyn Ku ah:




-Qodobka 8aad, Xarafkiisa (KH) oo u dhigan sidan;




“[Waxyaabaha Warbaahinta Ka Reebban Waxa Ka Mid Ah] in aanay saaxiibtinimada iyo xidhiidhka dal kale xumaynayn ama wax u dhimayn”




Qodobkani Waxa uu ka hor imanayaa qodobka 5aad ee isla Lifaqan qabyada ah, gaar ahaan xarafkiisa (J) oo odhanaya;    “Waa in qofku ururiyaa warar, macluumaad ama ka war-bixiyaa dhacdo kasta oo dhab ah oo dalka ka dhacda ama caalami ah, iyada oo aan wax tix gelin ah la siin nooca xidhiidhka u dhaxeeya dalka ay wax ka dhaceen iyo Jamhuuriyadda Somaliland.” 




-Qodobka 11aad: Ilaalinta Suxufigu In Uu Khasab Ku Sheego Ilaha Qarsoodiga Ah:




Xarafkiisa (B), Qodobku waxa uu ka hadlayaa Ilaalinta Ilaha Qarsoodiga Ah;




Xarafkiisa B waxa uu leeyahay: “in macluumaadkaasi laga soo qaatay ishaasi aan laga heli Karin ilo kale, raadintoodana laga daalay.




- Qodobka 13aad: Codsi Macluumaad; “Marka la codsanayo macluumaad ama xog, waa in aad qoraal ku codsataa, iyada oo lagu hagaajinayo qofka ama hay’adda aad xogta ka doonayso.




(Qodobkani waxa uu si rasmi ah adhaxda uga jabinayaa helidda wararka isaga oo caqabad weyn ku gudbaya in saxaafaddu hesho ama baahiso warar rasmi ah). 20 illaa 40 maalmood ayuu qofka aad xog ka dalbataa kuugu soo jawaabi karaa ama kugu diidi karaa in uu war ku siiyo. Qodobkan oo ka kooban lix qaybood waxa ay u muuqataa in aanu qaranka iyo saxaafadda toona anfacayn, laalayana hellida macluumaad sugan wakhtiga ku habboon.




- Qodobka 15aad: Ka Reebanayaasha Xaqa Loo Leeyahay Isticmaalka Macluumaad: qodobkani si cad uma qeexayo waxyaabaha uu u yaqaano in ay waxyeelayaan amniga qaranka, ilaalinta qofka iyo xidhiidhka saaxiibadda dibadda.




Qodobka 16aad: Dhawrista Diwaanada Dawladda:




~ Guud ahaanba qodobkani wax xidhiidh ah lama laha xeer saxaafadeed. Lama fahmi karo sababta keentay in halkan lagu soo xardho. Fal-dambiyeedka in la burburiyo diiwaanada aan amarka loo haysan maxaa ka khuseeya saxaafadda iyo saxafiga? Miyaanay muwaadiniinta kale ula sinnayn ciqaabta ka dhalata falkaasi. 




 




Qodobka 17aad: Abuuridda iyo Dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka




Qodobka 17aad Illaa 30aad Waxa Uu Ka Hadlayaa Golahan Iyo Guddida Uu Dhali Doono Ee Anshaxa Saxaafadda




~ Tirada Golahani waa 11 Xubnood (2 wasiirka warfaafinta, 2 Ururada saxaafadda, 2 hantiilayaasha wargeysyada iyo TV-yada, 1 Garyaqaan oo ka iman doona SOLLA, 2 ka iman doona Golaka Wakiilada, 1 Qoraa, 1 Dhaqan-yahan oo ay soo xuleen Golaha Guurtidu). NB: U fiirso afar xubnood oo kali ah ayaa ka iman doona saxaafadda inta kale waxa ay ka iman doonaan xarumo kale?!!!! Sidaa ayay warbaahintu golahan ugu noqonaysaa kuwo laga tiro badan yahay awoodna aan ku lahayn dhexdiisa.




Qodobkaasi 17aad waxa uu ka hadlayaa: Mudada Golahan, Mushaharkooda, Meeqaamkooda Sharciyeed, xilka iyo waajibaadkooda, warbixinaha iyo shirarkooda, maalgelinta, maamulka iyo hawlahooda, diiwaan gelinta shirkadaha, samaynta guddida anshaxa, cabashada guddida ansahaxa ….etc.




NB: (Golahani waa hay’ad sida ay doonto ugu takri falaysa awoodo qayrul sharci ah oo xeerkani siinayo waxaanu meesha ka saarayaa doorkii ay saxaafaddu ku yeelan lahayd in ay iyagu samaystaan guddi anshax oo xeerkooda anshax leh, waxa kale oo uu si rasmi ah u dabrayaa hawsha saxaafaddu qaranka u hayso isaga oo awood u siinaya in ay yeeshaan awood aad u sarraysa oo u dhiganta illaa heer maxkamadeed).




-Golaha xeerkani aasaasayaa waxa lagu ururiyey awoodo ay lahaayeen hay’ado sharci oo kale sida Maxkamadaha, Xeer Ilaalinta guud, Ururada saxaafadda iyo Wasaaradda Warfaafinta.




Qodobka: 20aad: Meeqaamka Sharciyeed Ee Golaha Warbaahinta:




-Farqadda 1aad ee qodobkani waxa ay si cad u sheegaysaa in Golahani wax dacweyn karo lana dacweyn karo taasi oo si aan mugdi ku jirin u muujinaysa in Golahani yahay mid lagu karbaashayo saxaafadda.




- Farqadda 2aad ee Qodobkani waxa ay ka mid tahay awoodaha sharci darrada ah ee Golahan la siiyay ee aanay ahayn in marnaba saxaafaddu aqbasho waxaanay odhanaysaa: “Goluhu waxbuu iibsan karaa, hayn karaa, maamuli karaa kana takhalusi karaa hanti, guurto ama ma guurto ah.




 




Qodobka 21aad: Xilka Iyo Waajibaadka Golaha Warbaahinta:




Waa mid ka mid ah qodobada ugu layaabka badan ee muujinaya sida aanu xeerkani u ahayn mid la jaan qaadi kara saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland, lagana dheehan karo sid uu caqabadda ugu yahay.




~ Farqadda (D) ee qodobkani waxa ay golaha awood u siinaysaa in uu isagu yahay kan saxaafadda iyo saxafiyiinta aqoonsiga siinaya ama diidaya isla markaana xarumaha saxaafadda iyo saxafiyiinta diiwaan gelinaya.




~ farqadda (E) waxa ay Golaha siinaysaa awoodda ah in uu isagu yahay kan xarumaha warbaahinta siinaya ruqsadda ogolaansho ee ay dalka kaga hawl gali karaan. (Waxa Uu Sidaa Ku Qaatay Awooddii Xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka iyo wasaaradda warfaafinta)    




~ Xarafkiisa (F) waxa uu odhanayaa: “Golahani Waxa Uu Kormeerayaa Isla Markaana Ilaalinayaa Meheradaha Ama Ururada Warbaahinta” waxa halkan ka cad in uu si joogto ah faro gelin ugu haynayo xarumaha warbaahinta iyo ururada saxaafadda Somaliland, isaga oo wakhtiga uu doono baadhis ku samaynaya.




~ Xarafkiisa (G) waxa ku cad in Golahani yahay ka muranada ka gar naqaya, muranada dhex mara warbaahinta iyo dadka ka cawda in wax laga qoray, iyo waliba dawladda iyo saxaafadda xaqna u leh in ay iyagu go’aano ka soo saaraan cabashooyinka. (Waa awooddii maxkamadaha xaqa u lahaa in ay arrimahan hab madani ah uga gar naqaan) 




NB: qodobkan waxa ay iska hor imanayaan qodobka 9aad ee isla lifaaqan oo muwaadinta warbaahin ka cabanaya xaq u siinaya in uu maxkamaddaha uga dacwoodo warbaahinta kana dalbado mag-dhaw .




~ Xarafkiisa (i) waxa uu odhanayaa: “Golahani waajibaadkiisu waa hawl kasta oo ay amar u haystaan ama xeerku ka rabo gudashadeeda” (Amarka yaa siinaya?!!! Ma xukuumadda, Ma Baarlamanka, Ma, ma ….?!!!




 




Qodobka 25aad: Maamulka Hawlaha Warbaahinta




~ Qodobkiisa 2aad waxa uu dhigayaa in aanu qofna gudan Karin shaqada suxufinimo illaa ay Golahani ogolaadaan oo ruqsad siiyaan.




Qodobka 26aad: waxa uu Golahan awood u siinayaa in uu hayo diiwaan ay ku qoran yihiin warbaahintu iyaga oo si furan dadweynaha u siinaya xogaha xarumahaasi (tani waxa ay meesha ka saaraysa gaar ahaanshihii xarumaha oo ah mulkiyado ay muwaadiniini leedahay oo aan loo baahnayn in cid kastaa sirteeda ogaato ama fatashto)




 




Qodobka 27aad ee xeerkani waxa uu aasaasayaa Guddi Anshax Saxaafadeed oo isla Golaha Warbaahinta ka iman doona. (Guddidan oo kale waxa xaq u leh in ay samaystaan ururada saxaafadda iyo xarumaha warbaahintu mana aha in cid kale u samayso, waana awoodaha sharci darrada ah ee xeerkani saxaafadda ku baabi’inayo).




Qodobka 29aad: Waxa uu si aad u layaab badan awood u siinaya Golaha Warbaahinta isaga oo xaq u siinaya in ay yihiin Golaha samaynaya Xeer Hoosaadka Anshaxa Saxaafadda (Code of Ethics) (Dhammaanba qodobadan marka aad u fiirsato waxa ay kuu muujinaysaa in ay meesha ka maqan tahay doorkii (Role) ay wax ku abuuran lahaayeen saxaafadda iyo saxafiyiintu sidaana wixii lagu dhaqi lahaa cid kale u diyaarinayso si loogu karbaasho, ama loogu curyaamiyo hawshii ay qaranka u hayeen. 




~ Farqadaha E, F iyo G ee Qodobkan 29aad waxa ay aad u taabanayaan xayaysiisyada ay baahiyaan warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ahi waana kuwo u baahan in saxaafaddu ka dooddo. Arrimahaasi waxa lagu caddayn lahaa xaar hoosaad anshax saxaafadeed oo saxaafaddu samaysato iyaga oo ka soo dheegayanaya heerarka caalamiga ah (international Stander). 




Qodobka 30aad: Go’aanada Guddida




~ Dhammaan Qodobkan muujinaya awoodaha Guddida Warbaahintu waa kuwo aan macquul ahayn. Waxa ay awood buuxda u leeyihiin in ay sida ay doonaan ugu takri falaan awoodaha xeerkani siinayo dhammaan qodobada uu ka kooban yahayna waxa ay  si cad u qeexayaan wixii xukun ah ee ay ridaan in aanay cidna waxba ka badali Karin sidii maxkamad Distoori ah.




Qaybta 6aad Ee Xeerkan Oo Ka Bilaabmaysa Qodobka 31aad oo dhigaya qorshaynta Heerarka/ Heerarka Baahinta (dhammaan firqadihiisu waxa ay gaar u yihiin Telefishanada waana kuwo argagax ku galinaya oo aad odhan karto waxa loo sameeyey sidii dhammaanba jilbaha loogu labi lahaa saxaafadda madaxa bannaan gaar ahaan Telefishanada oo ah qayb muhiim ah oo warbaahinta ka mid ah.




~ Innaga oo wada akhriyi doona, bal aan idiin taxo dhawr qodob oo layaab leh oo aanay marnaba ahayn in la qaataa:




Golahani waxa uu awood u leeyahay in uu hubiyo mawjadaha elektaroonigga ah ee loo adeegsado baahinta (Frequencies)




Isaga oo Golahani Wasaaradda warfaafinta la kaashanaya waxa uu awood u leeyahay in uu dejiyo qorshaynta Mawjadaha iyo qorshayntoodaba.




 




Sub One: waxa ay odhanaysaa: Goluhu isaga oo la tashanaya wasiirka warfaafinta iyo daneeyayaasha muhiimka ah ee kale waa in ay hubiyaan mawjadaha elektoromaatig ee loo adeegsanayo warbaahinta.




Qodobka 32aad: Shuruudaha Ruqsadaha Warbaahinta Gaar Ahaan TV-yada.




~ Golahan ayaa awood u leh ruqsad bixinta isaga oo baadhis ku samayn doona wakhtiga uu doono.




Qodobka 33aad Adeegsiga Ruqsadaha




NB: Arrinta layaabka leh ee qodobkan farqaddiisa 1aad dhigayaa waa in marka xarun warbaahineed ruqsad la siinayo loo tartami karo (Bid Competition) isaga oo u bixin doona ruqsadahaasi hadba sida uu isla garto (Timir Lafbaa ku jirta), waligiin miyaad maqasheen qof bakhaar furan lahaa oo lagu yidhi muwaadiniinta kale ee doonaysa in ay bakhaaro furtaan ayaad la tartamaysaa, oo la idin kala reebayaa!!!!




~ Farqaddiisa 2aad Xarafkiisa (D) waxa uu sheegayaa in ruqsadda loo adeegsan doono bixinteeda in marka hore TV-gu soo gudbiyo jadwalka barnaamijyadiisa!!!.




Xogaha la soo gudbin doono waxa ka mid ah:




Farqaddiisa 2aad xarafkiisa D waxa uu odhanayaa: “Jadwalka barnaamijka iyo haddii la adeegsanayo kaybal ama satellite xogo la xidhiidha janalada la adeegsan doono iyo waliba janalada kale ee iibka ah.




Qodobka 34aad: Qiimeynta Codsiyada Ruqsadaha




~ Farqadda 6aad ee qodobkani waxa uu gabi ahaanba ka hor imanayaa xeerka ururada siyaasadda (Xeer No. 14) waxaanu meesha ka saarayaa in aan ruqsad TV la siin Karin xisbi siyaasi ah ama hay’ad uu leeyahay qof sarkaal sare ka ah xisbi siyaasi ah waxaanu odhanayaa sidan:




“Ruqsadaha waa in aan la siin xisbi siyaasi ah ama hay’ad uu leeyahay qof sarkaal sare ka ah xisbi siyaasi ah”




Hadaba qodobkaasi waxa uu si toos ah uga hor imanayaa xeerkan hoos ku xusan: Xeerka Nidaamka Axsaabta/Ururrada Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2000/2011




Qodobka 8aad Xuquuqda Xisbiyadda Qaranka




Faqrada 1)




1. Xisbiyada Qaranka ee la siiyey shahaadada xisbinimo siyaasadeed, waxay xaq u leeyihiin:




B) Inay si siman u adeegsadaan warbaahinta qaranka, waxayna yeelan karaan Warbaahin u gaar ah marka ay ogolaansho ka helaan hay’adaha ku shaqada leh.”




Qodobka 36aad: Cusboonaysiinta Ruqsadaha:




Arjiga lagu codsanayao cusboonaysiinta ruqsadaha waa in loo maro sida ku cad shuruudaha ruqsadaha iyada oo haddii aanay jirin shuruudahaasi arjiga la soo gudbiyo lix bilood ka hor int aaanu wakhtigu ka dhicin ruqsadda hore.




 NB: wakhtiga ruqsaddu waa muddo saddex sanadood ah.




Ruqsadle waxa uu heli karaa adeeg ruqsad warbaahineed in loo cusboonaysiiyo haddii aanu burin shuruudihii ruqsadda ama ay caddahay in dan guud ku jirto iyada oo la eegayo siyaasadda warbaahinta eek u cad xeerkan




NB: marka uu leeyahay haddi shuruudihii ruqsadda ama ay caddahay in dan guud ku jirto in aan la siin ruqsadda, macnaheedu waxa weeye ciddii doonta ayaa u diidi karta oo sabab uga dhigaya danta guud ee lifaaqani sheegayo iyada oo aanay caddayn dantaa guudi waxa ay tahay.




 




Qodobka 37aad Shuruudaha Guud Ee Liisamada




~ Farqaddiisa 3aad waxa ay dhigaysaa in xaruntii warbaahineed ee Liisan la siiyo ee degdeg hawshooda u bilaabi waaya 6 bilood uu liisanku kaga dhacayo.




Faqrdadda 2aad waxa ay odhanaysaa: u hogaansanaanta dhammaan sida ku cad arjiga codsiga marka lagu daro jadwalka barnaamijyada ayaa shuruud u ah liisanka.




NB: maadaama shuruudaha liisanka lagu bixinayo uu qodobkaasi ku daray in la soo gudbiyo liiska barnaamijyada telefishanka, taasi waa faafreeb maadaama ay guddidu karto in haddii ay barnaamijyo ay saluugi karaan ay ku jiraan jadwalka in ay xaruntaasi warbaahineed laga hor joogsan karo liisanka waana faaf reeb ka horreeya bilawga shaqada waxaanu si toos ah uga hor imanayaa qodobka lixaad ee isla lifaaqan farqaddiisa 1aad oo odhanaysa: wax faafreeb ah laguma samayn karo warbaahinta, cid xukuumadda ka tirsanina ma faafreebi karto ka hor inta aan la daabicin qoraal saxaafadeed. Sidoo kale qodobkani waxa uu noqonayaa cabudhin waxaanu ka hor imanayaa qodobka 32aad farqaddiisa 3aad ee Dastuurka Somaliland oo u dhigan sidan:




3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka aasaasiga ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  lagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya. 




~ Farqadda 5aad ee qodobkani waxa ay odhanaysaa: “Liisanlayasha waxa looga baahan yahay in ay sannad kasta warbixib u soo gudbiyaan Golaha waxqabadkooda, marka lagu daro u hogaansanaanta shuruudaha liisanka”




NB: farqaddani waxa ay jidaynaysaa in hay’ad kasta oo warbaahineed oo liisan ka qaadata golahani ay sannad walba warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqooda u soo gudbiyaan Golahan iyaga oo sharraxaya sida ay ugu dhaqmeen shuruudihii liisanka lagu siiyay, taa macnaheedu waxa ay tahay in golahani leeyahay awood uu tallaabo kaga qaadi karo cidda shuruudahan ka soo bixi wayda. 




 




Qodobka 39aad: Lahaanshaha Aan Loo Baahnayn:




Qof ma yeelan karo si toos ah ama dadban in ka badan hal adeeg qaran oo TV hawada gala




Qofna ma wada yeelan karo adeeg baahineed oo hawada ah iyo wargeys qaran




Qof ma wada yeelan karo si toos ah ama si dadban TV qaran.




Qodobkan dhammaan Farqadihiisan saddexda ahi waa kuwo aan marnaba la aqbali Karin, sharcigana ka hor imanaya, xad gudubna ku ah xorriyadda saxaafadda iyo xaqa mulkiyadda muwaadinka sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobadiisa 31aad iyo 32aad.




QODOBKA 31AAD Ee Dastuurka Qaranka Somaliland waxa uu ka hadlayaa: XORRIYADDA LAHAANSHAHA HANTI GAAR-AHMNEED




1. Qof Kastaa Waxa Uu Xaq U Ieeyahay In Uu Si Gaar Ah U Yeesho Hanti, Taas Oo Ay Shardi Tahay In Uu Ku Helo Waddo Xalaal Ah.




Sidoo kale qodobkani Wuxuu ka hor imanayaa qodobka 17aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha (Universal Declaration of Human rigts - UDHR) oo la saxeexay 10 December 1948, kaas oo sida ku xusan qodobka 10aad (2) ee Dastuurka JSL ay dawladda Somaliland aqoonsatay. Qodobka 17aad ee UDHR waxa uu u dhigan yahay sidan;




1- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti ama uu cid kale la yeesho.




NB: sida ku cad faqradaha 1 iyo 2 ee isla qodobkan waxa ku jira in lifaaqani ku soo celcelinayo (TV iyo Wargeys Qaran)…. Waa Naga Su’aale Muxuu Xeerkan Qaybada Ahi U Yaqaanaa Adeeg Warbaahineed Oo Qaran? !!!!  




 




Qodobka 40aad: Shuruudaha Barnaamijyada Dalka Gudihiisa




Qodobkani waxa uu u baahan yahay tafsiir ama caddayn waxa loola jeedo isaga oo aan faham sax ah siinayn qofka akhriya (Xeerna Waxa Uu Ahaa In Uu Si Cad U Yaallo Oo Aan Mugdi Lahayn Oo Tafsiir Dambe Aan U Baahnayn)




~ Qodobka 43aad: oo ka hadlaya ciqaabo ka dhalanaya lifaaqan fulin la’aantiisa farqaddiisa 5aad oo odhanaysa: waa dambi in lagu shaqeeyo suxufinimo iyada oo aan loo haysan shahaado u fasaxaysa hawsha taasoo liddi ku ah qodobka 25aad farqadda 2aad ama in hantiiluhu shirkaddiisa warbaahineed ka diiwaan gelin waayo golaha taasoo lidi ku ah qodobka 27aad farqadda 1aad, iyada oo lagu ganaaxi karo marka dambi ku cadaado, ganaax aan ka badnayn 10-milyan oo somaliland shilin ah ama la xidho muddo aan ka badnayn laba sano bilood). Sido kale farqadda 5aad ee isla qodobkani waxa ay u dhigan tahay sidan: “waa dembi in la diido in la hir gelin waayo ciqaab ay guddidu cid ku xukuntay taasoo waafaqsan qodobka 32aad farqadda 2aad kaasoo la ciqaabi karo marka dambi ku caddaado lagana qaado ganaax aan ka badnayn 5 milyan oo somaliland shilin ah iyo haddii uu ku guul darraysto in uu bixxiyo ganaaxa in la xidho muddo aan ka badnayn lix bilood).




NB: Faqradda hore ee afraad ee qodobkani waxa uu waajibinayaa ciqaab xadhig ah oo lagu xukumayo wariyaha ama xarunta warbaahineed ee aan ruqsad ku shaqeyn, xadhigan lifaaqu sheegay waxa ku wada taalla laba sano bilood, sidaa darteed ma cadda waxa ay tiradaasi tahay. Ciqaabta uu lifaaqani sheegayna guddida ayaa ku xukumaysa wariyaha ama hay’adda warbaahineed, taa macnaheedu waxa ay tahay in awooddii garsoorka ay yeesheen ee hayd in ay wax ganaaxi karaan waxna ciqaabi karaan.




-Qodobkani waxa uu burinayaa qodobka 97aad farqadda 1aad ee Dastuurka Qaranka Somaliland oo odhanaya: “waxa qaranku yeelanayaa waax garsoor oo hawshoodu tahay u garnaqa ka dhaxeeya dawladda iyo dadka, iyo dadka dhexdooda”. Sidoo kale farqadda 5aad ee qodobkani waxa uu dambiile ku sheegayaa qofka aan u hogaansamin guddidan golaheeda oo ay ku soo rogayaan ciqaab taasina waxa ay si toos ah uga hor imanaysaa qodobka 26aad ee dastuurka qaranka Somaliland faqraddiisa 3aad oo ah: “Eedaysanuhu waa dambi laawe inta aanay maxkamad horteed kaga caddaan dambi”.




Sidaa darteed maadaama qofka amarkooda diida ay ku sheegeen dambiile waxa ay sidaa ku burinayaan qodobkan dastuuriga ah.




 ~ Sidoo kale Qodobkani wuxuu si toos ah uga hor imanayaa qodobka 10aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha (Universal Declaration of Human rigts - UDHR), kaas oo sida ku xusan qodobka 10aad (2) ee Dastuurka JSL ay dawladda Somaliland aqoonsatay oo u dhisan sidan;




“Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in go’aaminta xaqiisa iyo waajibaadka saaran ama xukun-dembiyeed kasta oo ka dhan ah inay si caddaalad ah oo waadix ah ay u dhegaysato maxkamad madax bannaan oo aan dhinac ahayn.”|




Qodobkani waxa uu burinayaa qodobka 89aad ee Dastuurka Qaranka farqaddiisa 1aad xarfkiisa T oo leh: “Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay in uu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.    




 




Gabagabo:




Talooyin Ku Aaddan Saxafiyiinta Iyo Saxaafadda Madaxa Bannaan (Recommendations)




Xarumaha Saxaafadda iyo saxafiyiinta waxa aanu u soo jeedinaynaa in aanay gabi ahaanba xeerkan ogolaan sidaana ku diidaan (Negative Response)




In xeerkii hore ee saxaafadda Somaliland ee gabi ahaanba laga guuray dib loogu noqdo waxa ka dhimana lagu daro kaasina noqdo kan lagu dhaqayo saxaafadda Somaliland.




In saxaafadda Madaxa bannaani Guddi u saarto sidii Xeerkan qabyo qoraalka ah ay ugu celin lahayd ciddii inaga soo talo galisay una sheegaan in ay aragtidoodu tahay in aanu xeerkaasi anfacayn saxaafadda dalka marnabana aanay aqbalayn, sidaana bulshadooda ugu sheegi doonaan.




In aan arrinta xeerkan qabyo qoraalka ah la wadaagno lana socodsiino daneeyayaasha (Stakeholders) saxaafadda, Ururada Bulshada, Kuwa Xuquuqal Insaanka iyo Beesha Caalamka (International Community)




In Fadhigan sharafta leh ee Masuuliyiinta xarumaha saxaafadda iyo saxafiyiintuba ku sugan yihiin go’aan rasmi ah ka soo saaraan lifaaqan aynu halkan ku naqdinay




In Go’aanka aynu qaadan doono qoraal lagu diyaariyo laguna lifaaqo naqdigan iyaga oo labada luuqadood ee Soomaaliga iyo Ingiriisida ku baxa loona kala diro daneeyayaasha saxaafadda




 




 




Wa Billaahi Tawfiiq




 




Bayaan ka soo baxay warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland




 




“Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland kulan ay isugu yimaaddeen maanta oo ay taariikhdu tahay 28/10/2013, waxay dood dheer kaga yeesheen xeer qabyo-qoraal ah oo loogu talo-galay inay ku shaqayso warbaahinta Somaliland, kaas oo ay wadaan guddi-hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha wakiillada, lana qorshaynayo in golaha wakiillada la horgeeyo, iyadoo ay dabada ka riixayso xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Kulankaas waxa lagu naaqishay caqabadaha sharci ee uu leeyahay xeerkan qabyo-qoraalka ahi.




Xeerkani waxa uu ka kooban yahay toddoba qaybkood oo sii qaybsama  45 qodob oo badankoodu dabar iyo caqabad ku yihiin xuquuqda muwaadinka, madax bannaanida iyo xil-gudashada saxaafadda. Xeerkan qabyada ahi waxa uu meesha ka saarayaa jiritaanka warbaahintii madaxa bannaanayd (Private Media) iyo sidoo kale warbaahintii dadku wada lahaa (Public Media), waxaanu dhammaan warbaahintii ka dhigayaa hal warbaahineed oo ah warbaahin dawladeed (State Media).




Markii ay warbaahinta Somaliland oo kaashanaya sharciyaqaanno ay muddo dersayeen xeerkan, waxa u soo baxday in uu xeerkani xambaarsan yahay qoddobo iyo mabaadii’ ka horimanaya tiirarka dimuqraaddiyadda iyo jiritaanka xorriyatul-qawlka. Arrimaha sidoo kale uu xeerkani salka ku hayo ee warbaahinta u soo baxay waxay yihiin;




1- In uu ka soo horjeedo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.




2- In uu liddi ku yahay xeerka saxaafadda ee dhaqan-galka ah ee Xeer No. 27/2004.




3-In uu meesha ka saarayo xaqa asxaabta siyaasaddu u leeyihiin inay yeeshaan warbaahin u gaar ah, sida ku xusan xeerka ururada siyaasadda iyo axsaabta qaranka ee (Xeer No. 14/2011) oo dammaanad qaadaya in axsaabta siyaasaddu yeelan karaan warbaahin.




4- In xeerkani uu ka soo horjeedo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha oo uu aqoonsan yahay fulintiisa dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.




5- In uu dedafaynayo xaqa muwaadinku u leeyahay in uu hanti gaar ah yeesho, sida ku cad dastuurka JSL.




6- In uu aasaasayo hay’ad xukuumi ah oo laalaysa madax bannaanidii warbaahinta, isla markaana hoos geynaysa xukuumadda.




7- In uu jidaynayo in warbaahinta lagu samayn karo faafreeb rasmi ah, isla markaana markii la doono lagala noqon karo ruqsadaha shaqada.




8- In uu xeerkani awooddii garsoorka ku wareejinayo cid gaar ah, taasina ay sahlayso inay ugu takri-falaan awooddaas siday doonaan.




9- In xeerkani bannaynayo in dhammaan warbaahintu ay warbixin sanadeed la xidhiidha hawl-maalmeedkooda shaqo ay horgeeyaan golaha wakiillada, taas oo macnaheedu yahay in warbaahinta laga dhigayo hay’ad dawli ah.




10- In uu xeerkani curyaamin ku samaynayo dhaqaalaha hay’adaha warbaahineed ee dalka.




Ka dib markay warbaahintu aragtay qoddobadaa kor ku xusan iyo in xeerkan laga soo minguuriyay xeer-saxaafadeed loo sameeyay dal shisheeye oo saxaafaddu ku jirto cagta hoosteeda, waxaanu go’aansannay;




-In saxaafadda madaxa bannaan oo isku duubani ay ka soo horjeeddo xeerkan guud ahaantii oo 95% ah dabar iyo cuna-qabatayn warbaahinta madaxa bannaan lagu hoos-geynayo xukuumadda.




-Waxaanu golaha baarlamaanka  Somaliland ugu baaqaynaa inay joojiyaan isku-dayada lagu doonayo in lagu cabudhiyo saxaafadda ee ka hor imanaya sharciyada dalka iyo xeerarka caalamiga ahba.




-Waxaanu madaxweyne Siilaanyo ugu baaqaynaa in aanu hormood ka noqon cabudhinta saxaafadda; ‘Madaxweyne ma waxaad ogoshahay in wasiiradaadu hormood ka noqdaan dhaqan-gelinta xeer laga soo dheegtay dal uu kali-taliye hoggaamiyo oo aanay dimuqraadiyadi ka hirgelin. Mudane madaxweyne, warbaahintii aad shalay u doodaysay, maanta adigu ha sadqayn.’




-Xisbiyada siyaasadeed ee qaranka waxaanu la socodsiinaynaa in sidoo kale uu xeerkani meesha ka saarayo xuquuqo distoori ah oo ay leeyihiin.




-Waxaannu umadda Somaliland, bulshada caalamka iyo daneeyayaasha xorriyatul-qawlka & dimuqraadiyadda u sheegaynaa in lagu soo duulay madax-bannaanidii saxaafadda Somaliland.




 




Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland.”




 




 

Quraanka iyo Dareenka Maqaarka!Akhri qormo Cilmi ah W/Q Siciid Gahayr


Maqaarku waa xubinta ugu ballaadhan ee jidhkeenna ku jirta, waana xubinta ugu soo xigta xagga dusha (oogada) sare xubnaheenna. Waxaanu qabtaa shaqooyin kala duwan oo waxtar u leh noolaha, sidaasna waxa  lagu caddeeyay cilmiga barashada maqaarka ama dubka ee loo yaqaanno “Dermatology”. Shaqooyinka uu qabto waxa ka mid ah:




1. Maqaarku waa gaashaanka jidhkeenna ka celiya in ay soo galaan xayawaannada yar yar ee sababa xanuunnada (pathogens), kuwaas soo u gudbi lahaa gudaha iyaga oo ka imanaya dibadda.




2. Maqaarku waxa uu soo nuugaa Faytamiinka loo yaqaanno “Vitamin D”, oo uu ka soo dabro fallaadhaha cadceedda, oo loo yaqaanno Faytamiinka Ileyska Cadceedda (sun shine vitamin). Waxa uu lagama maarmaan u yahay lafaheena, la’aantiisna waxa dhaca xaalad la yidhaahdo lafo-jilica (Rickets).




3. Maqaarku waxa uu ka qaybqaataa qaboojinta jidhkeennu marka uu kululaado.  Sidoo kale waxa uu door ka ciyaaraa kulaylinta  marka uu qaboobaado ee uu heer-kulka jidhku hoos u dhaco. Guud ahaanna waxa xubin muhiim u ah ka joogtaynta heer-kulka jidhka (Thermo regulation).




4. Maqaarku waxa uu nuugaa qaar ka mid ah fallaadhaha kulkulul ee ay cadceeddu soo dayso loona yaqaan “Ultra Violet Rays” oo sababa kansarka maqaarka ku dhaca, waxyeellona u geysta walxaha hiddaha ee jidhka.




5. Maqaarku waa xubin ka mid ah xubnaha dareen-wadka, waxaana jidhkeenna ku jira dareen-wadayaal saddex nooc ah, kuwaas oo kala ah:




A. Sensory Neurons oo ah dareenka ka qaada maqaarka ee gaadhsiiya maskaxda(brain) ama xangulaha(spinal cord). Dareen-wadayashaa ku jira maqaarku waxa ka mid ah:




    Pacinian Corpuscle oo qaada dareenka cadaadiska.




    Meisseneirs corpuscle oo qaabilsan dareenka taabashada.




    Ruffins end organ oo masuul ka ah dareenka qabawga iyo




    Dareenwadayaal kale oo qaada xanuunka, kulaylka IWM




B.  Motor Neurons oo iyaguna amarrada ka soo qaada maskaxda iyo xangulaha soona gaadhsiiya xubnaha jidhka ee uu maqaarku ka mid yahay iyo




 




C.  Multi Polar Neuron (Inter Neuron) oo laga helo habdhiska dareenwadka ee dhexe, shaqadooduna ay tahay in ay isku xidhaan sensory neuronska iyo motor neuronska.




 




Berigii hore lama ogayn in maqaarku yahay xubin dareen, waxaana loo haystay in maskaxdeennu dareento xanuunka, qabawga, kulaylka IWM, oo aanu dubku haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn.




Laakiin markii la baadhay arrinkan ayaa waxa la ogaaday in maqaarku yahay mid ka mid xubnaha dareenka ee jidhka.




Quraanka kariimka ah ayaa se arrinkaas ka warramay 1400 (kun iyo afar boqol )oo sano ka hor.  Ilaahay isaga oo ka warramaya ciqaabta ehlu naarka uu marsiin doono maalinta Qiyaamaha waxa uu yidhi:




 “Kuwii ka gaaloobay aayaadkayaga waxaanu gelin naarta, mar kasta oo uu gubto haraggooduna(maqaarkooduna) waxaan ku beddelnaa hargo (maqaarro) kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka.  Ilaahayna waa Casiis Xakiim ah”. Aayada 56 ee Suurat An-Nisaa.




Sababta uu Ilaahay u cusboonaysiinayo maqaarrada gaalada mar kasta oo dubkoodi dhammaado, waa in ay dhadhamiyaan cadaabka, waayo haddii diirkoodu dhinto ma damqayo cadaabku, oo maqaarku waa xubinta dhaadaysa cadaabka kulaylkiisa.




Miyaynaan odhan karin Quraanka ayaa 1400 oo sano ka hor sheegay in maqaarku yahay xubin dareen, iyada oo aanu sayniska casriga ahi wali arrinkaas ka ogaanba?   Jawaabtu waa Haa, sababtoo ah,  quraanka waxa soo dejiyay Ilaaha abuuray samooyinka iy dhulka iyo waxa u dhexeeyaba, oo ka cilmi badan cid kasta oo aqoon isu tuhunta.




Masaladan, waxa ay hawlwadeenno ka tirsan hay´ada Islaamiga ah ee Al-Xaramayn uga warrameen dhakhtar u dhashay waddanka Thailand, oo magaciisa la odhan jirey Dr Tejatat Tejasen oo haystay diinta Budiisamka.




Dr Tejatat Tejasen waxa uu Guddoomiye ka ahaa waaxda Anatomyga ee jaamacadda  Chiang Mai University oo ku talla Thailand, horena waxa uu u ahaa hormoodka (Dean) waaxda (faculty)  caafimaadka ee jaamacaddaas.  Digtoorku waxa uu joogay markaas  lala kulmay shirkii 8aad ee caafimaadka ee ka dhaca waddanka Sucuudiga, gaar ahaanna waxa uu  ku sugnaa Jaamacadda King Abdi Aziz.  Markii uu dhaktarku  arkay xogtii quraanka ku sugnayd ee looga warramay waa uu yaabay !!.  Xogtaas oo ahayd in Quraanku sheegay 1400 sano ka hor in maqaarku ka mid yahay xubnaha dareenka. Isaga oo sheegay in uu Quraanka ku raacsan yahay in maqaarku yahay xubin dareen, waxa uu se u qaadan waayay in Kitaabka Alle sii sheegay cilmi dhawaan la daahfuray muddo gaadhaysa 1400 sano ka hor.




Dr Tejajet waxa la weydiiyay su’aal ahayd: “Miyay suurto gal tahay in Nebi Maxamed SCWW uu xogtaas ka helo bani Aadan ama dad?”.  Dr Tejajat Tejasen waxa ku jawaabay “Macquul ma aha in cilmigaas laga helo bani Aadam xilligaas”.  Intaasi markay dhacday waxa uu  codsaday in loo sheego cidda laga helay warbixintan saxda ah 1400 sano ka hor? .  Waxaana loogu jawaabay“xogtan waxa laga helay Ilaahay oo ah Macbuudka dhulka abuuray, haddii xikmad la helana Ilaahay ayaa laga helaa waayo isaga ayaa Xakiim ah, haddii Cilmi la helana isaga ayaa laga helaa oo Caliim ah”.




Professor Tejatat Tejasen waxa uu garwaaqsaday warbixinta waafiga ah ee laga siiyay Ilaahay iyo Quraanka Shariifka ah.  Markii uu waddankiisii Thailand ku laabtay, waxa uu Digtoorku ardaydiisii uga warramay sida uu Quraanku uga hadlay maqaarka iyo mawduucyo kaleba, waxana hadalkiisii ku islaamay shan ka mid ah ardaydiisii !!. Waa Ilaahay mahaddii.




 




Sanad kaddib ayuu Dr Tejatat Tejasen ku soo laabtay dalka Sucuudiga waanu istaagay isaga oo erayadan leh “Saddexdii Sano ee u dambeeyay waxaan xiisaynayay Quraanka oo uu Sheekh Cabdilmajiid Az-Zaydani i siiyay sanadkii u dambeeyay.  Waxaan rumaysanahay in wax kasta oo aan shirkan ka arkay iyo wax kasta oo uu Quraanku qorayba ay run yihiin isla markaana lagu caddayn karo Saynis ahaan. Maxamedna waa Rasuulkii Ilaahay, Quraankan runta ahina waa mid uu Ilaahay ku soo dejiyay Nebi Maxamed.  Ilaahayna waa Abuuraha u qalma inuu wax abuuro.  Imakana waxa la soo gaadhay wakhtigii aan odhan lahaa Laa Ilaaha illa Laah ee aan islaami lahaa”.




Halkii ayuu ku islaamay Dr Tejatat Tejasen oo markii hore haystay diinta Budiisam ka, Waxaanu dhakhtarku caddaymihii quraanka u turjumay luqadda lagaga hadlo waddankiisa Thailand oo ah luqada Thai-ga.  Sidoo kale waxa uu duubay cajalado ka warramaya sida uu Quraanku beri horeba u sii sheegay waxyaabo hadda ku cusub tijaabooyinka casriga ah ee Sayniska.




Ilaahay ayaa mahad leh, Ilaahaas innaga dhigay ummad Islaam ah, oo aan inaga dhigin qaar caabuda sanamyo aan waxtar lahayn, isla markaasna aan ka leexanin jidkii toosnaa ee Islaamnimada.




Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)




saedmgahair@hotmail.com




Maroodi-jeex Schools




Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Dayactirka Laamiga Berbera iyo Hargeysa.Warbixin Mustafe Teacher


Waddooyinku waxay ka mid yihiin Quruxda iyo Astaamah Dawlad kasta iyo Dal walba ugaar ka ah, waxana waddan kasta waddanka uu ka waddooyin wacan yahay lagu tilmamaa inu ka horumarsan yahay dhinacyada Bilicda iyo  Baaxadda inta ba.




Haddaba Waxaan Qormadaydan Saaka si waafiya ugaga hadli doonaa Dedaalada ay xukuumadda Somaliland wakhtigan ugu jirto horumarinta jidadka iyo laamiyada Halbowlaha u ah qaranka oo muddo ku siman 22 sannadood oo qarankani jirey aan helin wax dayactir iyo samayn ah.




Waddooyinka iyo Laamiyada waaweyn ee isku xidha Gobolada iyo degmooyinka Dalku waxay ka mid yihiin waddooyin ay dhiseen Dawladi shisheye, sida ingiriis, China iyo Dalal kale oo addunka ah, kuwaso dhaqaale badan iyo wakhti badan ku bixiyey dhismaha jidadkaas, iyadoo waddamada yaryar ee afrikaanka ah intooda badan ay sidanoo kale waddooyinkooda ugu dhiseen dawlado awood dhaqaale oo badan leh oo ka mid ah dawladaha ugu waaweyn ee caalamka.




Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa Waddanka taladiisa la wareegtay iyadoo aan wax horumar ah ama tallaabo ah laga samayn dhinaca jidadka  waweyn ee dalka isku xidha, waxana jidadki hore u jirey ee waddamada shisheeye iyo dawladihii hore ee SOMALIA dhiseen  ku yimi Burbur xooggan  halka qaarkood baaba’een ba oo isuba bedeleen waddooyin raf ah ama ciid ah.




Waddo xumada iyo burburk jidadku waxay  la kowsanayeen xukuumad kasta oo dalka taladiisa qabata 22kii sanno ee qarankani goonida u taagnaa,  waxayna xukuumaddani noqotay xukuumaddi ugu horeysay ee wax ka qabata awoodeedana isugu geysa dib u soo celinta bilicdii waddooyinka, waxyna bilowday Dhismayaal iyo dayactir is barbar socda oo lagu samaynayo jidadka iyo laamiyada isku xidha Dalka.




29kii June 2013 subax sabti ah 6:00Subaxnimo ayay ahayd markii uu gaadhi gaar ah oo an lahaa oo ah Nooca loo yaqaan NOAH igula dhacay Jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargaysa oo ah xarunti qaranka laga maamulayey ee madaxtooyada dalka iyo xaruntii dhaqaalaha Somaliland, taaso ah waddada ugu socodka iyo dhaqdhaqaaqa badan waddooyinka Somaliland oo dhan.




Waddadaas oo qabta  kumannaan magac, maamuus iyo milgo ku lahaa qaranka iyo bulshda dhexdeedaba isla markasna Baabuurtoodii kula dhaceen, qaarkoodna Daad ku qaadeen jidkaasi, waxana jidkani ahaa jidka ugu jidadka ama waddooyinki hore u jirey ee la isticmaalo, wuxu aha laami aad is odhanayso markaad marayso yaan dib u soo marin, wuxu ahaa laami aad intad dul marayso, hiiftan iyo habaartan ku dul marayso, wuxu ahaa laami adigoo cadhaysn aad ka baxayso ama ka dhammanayso kantaroolka ugu horeeya haddii cashuur lagugu waydiiyo na aad ku ciil baxayso kuwa cashuurta ku weydiiya oo ad arkayso inay baburtoo dhan is haystan , iyagu odhanaya “waanu bixinyna ee waddadan naga hagaaajiya” ciiidanka kantrolka joogana jawaab qancisa qofka may siin jirrin ama waabay ka aamusi jireen, waxana baabuurta Burco,iyo Hargeysa ama Berbera iyo hargeysa isaga kala gooshtaa ku qabeen dhib u badan Burbur gaadhi, dad wax ku noqda iyo silic uu ku maro waddadaas, waxay ahayd waddo aan LAAMI ahayn RAF na ahayn oo nooc alla nooc ad ugu socoto ama ugu xisaabtanto aanad garanayn..




 




Waddadas ayaan dib u mray 100 maalmood kadib wakhtigii shilkasi isoo gaadhay waxana ka muuqday is bedel xooggan oo aad farxad ku soo gelayso hargeysa, is bedelkas waxan ugu imi degmada Dacarbudhuq illaa intii an hargeysa gelayey, waxan ku soo noqday maalmo kooban kadib iyadoo sii dhaafaysa degmada dacarbudhuq oo shaqaalihii iyo qalabki ka shqaynayey ba ku jiraan, waxayna u muuqatay mid sannadkan gudihiisaba afka looga gelinayo magaalada berbera, shaqaalihii iyo ciidamadii kantarolku qof kasta oo ay cashuurta waydiinayeen waxay kaga qaadayeen ereyo ay kaga gar joogeen oo ahaa “waddadan ayaa lagugu dhisayaa socota ee keen sxb” waxaso dhan marka laga yimaado waxa xuskeeda iyo xusuustaada leh waddada ceerigaabo oo iyadu ahayd waddo raf oo buuro iyo dhagax ah, waddadaas oo xukuumadihi dalka soo maray oo dhami u arkayeen inaan dawladda Somaliland dhisi Karin marka la aqoonsado iyado dawlado shisheeye dhisa mooyee, waxa ku dhiiratay wadadaas oo bilowday dhismaheedi iyo qadhaan ururinteedii ba xukuumada madaxweyne Siilanyo.




Wasaaradda Madaxtooyada oo lahoos geeyey hay’addii waddooyinka ayaa si weyn uga shaqaysay waddooyinka muddadii ay gacanta ku haysay hay’addas, waxana qof kasta oo soo mara jidkaas isku xidha Berbera iyo Hargaysa uu aad ugu riyaaqaya sida loo qurxiyey iyo sida aanad uga werwerayn wax shil ah oo kugu yimaada wixii ilaahay qorey mooye, waxanu mrkiiba qofku maskaxdiisa gelinayaa in inta hadhayna xukuumaddu soo gaadhsiinayso oo burbur wixi u dhexeya dacrbudhuq illa berbera na la dhammaystiri doono maadama bilo kooban ay halkaas ku soo gadhay iminkaba.




Gunanadkii Qormadaydan waxan Bulshda ku baraarujin lahaa in la soo arko oo la maro oo laga qaybqaato horumarka  jidadka iyo lamiyada ay xukuumaddani ka bilowday, la iskana ilaliyo in wax wanaagsan iyo wax xunba la hor istago ee wixii dan u ah dalka iyo dadka an la hor istagin ee la bogaadiyo, lagana qaybqaato, masuulka hadba faraha ku haya arrimahaas na lagu ammano, laguna sii dhiirigeliyo,wayo dhiirigelinta iyo bogaadintu waxay qof kasta ku samaysaa saamayn waxayna ku kordhisa dedaal dheeraad ah  oo ka badan intii hore.




Wabilaahi Tawfiiq




Qalinkii :




Mustafe Osman Abdirahman (Mustafe Teacher)




Burco Somaliland




Mustafeteacher@hotmail.com

Kismaayo: Magaallo Madaxweyne Soomaaliyeed Maanta Booqday 23 sanadood ka dib iyo Mushkiladaha horyaala Xasan Sheikh


Xasan Sheikh Maxamuud: Hello Kismaayo?




Kismaayo(GNA)-Saddexdii Maalmood ee ugu dambeeyay ayaa si weyn looga dareemayay imaanshiyaha Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana qaybo ka mid ah magaalada lagu arkayay Boodhadh Sawirkiisu ku yaalo oo la sudhay meelo badan.




Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, booqashadan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo uu madaxweynuhu ku tago magaaladasi iyo markii xilka loo doortay.




Socdaalkan ayaa waxaa madaxweyaha ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha Kismaayo.




 “Wafdiga madaxweynaha si sare ah ayaa loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana uu salaam-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka,” ayuu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada, Inj. C/raxmaan Yariisoow.




Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in madaxwenaha iyo wafdigiisa ay la qaadan doonaan kulammo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horreeyo hoggaaminaya maamulkaas Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).




Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo jidadka ku yaalla bartamasha magaaladaas lagu xardhay sawirka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.




Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira haween, rag iyo waayeel ayaa ka qayb-qaatay soo dhaweynta madaxweynaha kuwaasoo qaarkood garoonka ay ku suganayeen, iyagoo ku dhawaaqayay erayo lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya.




Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliyeed ee Magaaladaasi cago dhiga, inta la xasuusto tan iyo markii ay bur-burtay dawladdii dhexe ee Somaliya sanadkii 1991-kii.




Tan, ayaa ah arrin rejo wanaagsan iyo muuqaal lagu farxo ka bixinaysa horumar lagaga gaadhay dhanka nabadda iyo isusocodka waddanka Somaliya in ka badan 23 sanadood oo xaalad colaad iyo dagaalo sokeeye lagu soo jiray.




Bishii June ee sanadkan ayaa waxa Magaalada ka dhacay Dagaalo lagu hoobtay oo geystay khasaare aad u badan,kuwaasoo ka dhashay khilaafka maamul u samaynta Jubboyinka.




In ka badan 250 qof oo rayid u badan ayaa ku dhintay Dagaaladaasi, waxaana qayb ka ahaa Ciidamada AMISOM ee Gobolada jubboyinka ka hawl-gala, kuwaasoo Ciidanka Kenya ee hawl-galkaasi ku jira loo tirinayo inay laayeen tiradda ugu badan ee dadka shacbiga ah.




Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud , ayaa la filayaa inuu waajaho inta uu joogo Kismaayo Xaaladdaha isbarkan ee Gobolka yaala , sida arinta Maamul u samaynta Jubbooyinka, dhaqdhaqaaqyo dib u heshiisiineed oo Gobolka ka socda iyo arrimo kale.




Inkasta oo socdaalkiisu qayb ka yahay qorshaha nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, hadana xaalada Kismaayo ayaa ah mid aad uga duwan kuwo Goboladda kale ee dalka, waxaana wali qoyan dhiiga shacbigii lagu xasuuqay Magaalada June iyo muranka dhinaca Maamulka.




Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa ku doodaya in hadii booqashada Madaxweyne Sheikh noqoto mid ka salbalaadhan Heshiiskii Addis-ababa lagu soo galay, isla markaana madaxweynuhu dhegeysto dadka, hoosna u daymoodo dhulka iyo muhiimadda gobolka, ay taasi wado cusub u furi doonto Maslaxad lagu soo dhawaado.




Laakiinse dadka qaar ayaa aaminsan in Booqashadiisa oo qudha ay muhiimad weyn u leedahay waddanka oo dhan, muujinaysana dhabar adeyg siyaasadeed iyo inay xasan sheikh ka go’antahay inuu dalka wada maamulo.




Gobanimonews




Kismaayo Office




Email: editor@gobanimonews.com

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka qaaday Agaasime lagu Eedeynayo inuu Hawada Somaliland Iibiyay iyo Sharciyaynta Epassport-ak Somalia


Hargeysa(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Axmed Dalal Faarax.



Axmed Dalaal Faarax, ayaa lagu eedeeyay inuu saxeexay heshiis Maamulka Hawada Somaliland lagu hoos geynayo Dawladda Somaliya, inuu sharciyeeyay in Baasboorka cusub ee Somaliya laga isticmaalo somaliland iyo arrimo kale oo maamul, sida ay Gobanimonews wararka ku heshay.



Hase ahaatee war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada  oo lagu shaaciyay xil ka qaadistiisa, ayaan lagu xusin sabab xilka looga qaaday, inkasta oo madaxweynuhu sheegay inay sababtay baahi khasabtay bedelkiisa.



Warsaxaafadeedkaasina waxa uu dhignaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2129/102013 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada, Mudane, Axmed Dalal Faarax isaga oo madaxweynuhu xilkaasina  u  magacaabay Agaasime cusub.



Madaxweynuhu:



markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;



Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;



Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ah ee JSL;



Markuu La Tashaday:                 Madaxda ay khusayso;



 



Markuu Ku Qancay:                    In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;



Wuxuu go’aansaday



In Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Mudane Axmed Dalal Faarax ee uu Digreetada xilka ka qaaday ku yidhi



 



Mudane.



Waxa aan kugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.



 



Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.



Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.



Waxa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawa

Mujaahid Difaacay Dhaliilo Xukuumadda uga yimi Mudaneyaasha Wakiillada


Burco(GNA)-G/xigeenka Jimciyada Sooyaal Faarax xuseen(Gacan Qoorgaab) ayaa u jawaabay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa,kuwaas oo dhaliil xoogan u jeediyay Xukuumada.




Muj.Gacan, ayaa sheegay inay dawladu wax qabad balaadhan samaysay,loona baahanyahay in lagu garab galo.




''waxaan doonayaa inaan jawaab kooban siiyo Xildhibaanka baarlamaanka ka mid ah ee waliba  afhayeenka Xisbiga wadani  ah ee Buubaa ee aad moodo in uu cayda Axmed Siilaanyo inuu iskuul uga soo baxay,xalay waxa uu lahaa siilaanyo ayaa  ilmada laga biin jiray,waxaan kuu seegayaa ilmona saxaafadi kama di,in waligiina muu ooyin,meel kasta oo uu joogo geesi ku lab buu ahaa oo aan marnaba ciirin”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “waxaan leeyahay beri wax laga yaabaa inaad madaxnimo isu soo taago oo xisbaagaa aad ka tirsantahay aad wax ka noqoto,madaxdan uu caayayaana waa kuwii halgan ka iyo wanaaga dalka u horseeday,siilaanayona madaxwaynanimada oo kaliya qiime kuma laha ee wax badan buu qiimo ku leeyahay mid halgan iyo mid kaleba ,ina Buubaana xataa horumarka ayuu dhaliilayaa,dee markaas wanaagba ma doonayo,waxaan leeyahay daliishaaadu mid dhawrsoon ha noqoto oo mucaaridada ku eeg ee yay noqon mid shakhsi oo ka dhawrso madaxwaynaha qaranka somaliland,oo madaxwaynanimo,halgamaa iyo odaytinimo uga dhawrsanaw.qaranka oo dhan buu hogaamiye u yahay umaduna way ku arkaysaa,oo yaan xisbiyadiina mucaaridka ahi aanay miciin ka dhiganin maag iyo cay waanu aragnay Gudoomiyaha Ucid  Iyo afhayeenka ucid, adigabaa i toogtay iyo xildibaan qabile oo lahaa wasiir,Saxaafaduna qarankay ka mid tahay cidina ku xad gudbi mayso oo dalkuna qawaaniin buu leeyahay saxaafadan la cabudhin maayo oo wadankani cabudhi buu ka xoroobay”ayuu yidhi.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco office




 




 

SL: Wasiir Muhanadka Duulista oo Caashaqay Gaadhi loogu talo-galay Dhismaha Madaarka Berbera, amarna ku bixiyay in lagu soo wareejiyo


Berbera(GNA)-Wasiirka  Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si qaawan u weeraray Gaadiid ay leedahay Shirkadda dhisaysa Madaarka Berbera.




Maxamuud Xaashi ayaa maalin saddexaad amar ku bixiyay in la soo xidho Gaadhi Xaajiyad ah oo iyo mid Lancruiser Land Rover ah, kuwaasoo ka mid ah Gaadiidka loogu talo galay in lagaga shaqeeyo Dhismaha Madaarka Berbera oo ay qadaraastay Shirkad waddani.




Labadan Gaadhi ayaa la sheegay wasiir xaashi inuu damac kaga jiray tan iyo markii ay shirkaddu la soo degtay, isla markaana dhawr jeer uu waydiistay Maamulka Shirkadda in loo bedelo oo uu isagu gaadiid u soo kireeyo Shirkadda.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan wasaaradda Duulistu, wasiirka ayaa laba maalmood ka hor amar ku bixiyay in la soo xidh-xidho labadaa gaadhi iyo darawaliintooda, isagoo aan wax xidhiidh ah kala sameyn Maamulka Shirkadda oo sida la sheegay dalka ka maqan.




Bixinta amarkaasi ayaa la sheegay inuu fuliyay Taliyaha Madaarka Berbera oo ah sarkaal ay wasiirka isku qoys yihiin, waxaana la sheegay in isla markiiba mid ka mid ah labada gaadhi laga qabtay Magaalada Berbera isagoo shaqada ku jira, halka kii kale uu darawalkii waday ku xareeyay xarunta shirkadda ee Berbera.




Inkasta oo sida uu dhigayo Heshiiska Shirkaddu ku gashay qandaraaska Madaarka labadan gaadhi marka hawshu dhamaato lagu wareejinayo wasaaradda, hadana waxa la sheegay inuu wasiir Maxamuud Xaashi sugi kari waayay inta la dhamaystirayo Madaarka, isla markaana doonayo inuu Khasab kula wareego Gaadiidkan oo qayb ka ah Agabka Shirkaddu ugu talo-gashay inay shaqadeeda ku qabsato.




Arintan ayaa muujinaysa Maamul xumadda iyo Macangagnimada Wasiirkan oo hore ugu fashilmay Dhismaha Madaarka Hargeysa, iminkana doonaya inuu khal-khaliyo ka Berbera oo ay meel fiican marayso hawshiisu, si wanaagsana u waddo Shirkadda qadaraastay oo Khubaro Ajaanib ah iyo kuwo Mawaadiniin ahba ka shaqaalaysiisay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Shirkadda Conseng madaarka Dhisaysa, balse waxa la sheegay in talaabada Wasiirku qaaday durba saameyn ku yeelatay hawshii dhismaha Madaarka,  baahidii gaadiidkaasi shirkaddu u soo iibsatayna banaantahay.




Noomay suurto gelin inaanu helno Wasiir Xaashi si aanu wax uga waydiino sababta uu talaabadan u qaaday, balse ilo-wareedyo ku dhadhow ayaa sheegaya in sababta uu arrintan u samaynayaa ay tahay si uu labada Gaadhi mid ka mid ah ula wareego oo uu ugu qaato si gaar ah, taasaana ah waxa ku kalifay inuu xoog kula wareego Gaadhi Qaranku leeyahay oo hawshii loogu talo-galay iyadoo aan lagu dhamaystirin uu u amro in loo soo xidho.




Dhinaca kale, waxa la sheegay in Wasiirka duulista Hawadu maaganyahay in dib loo xidho Madaarka Hargeysa mar kale bilaha soo socda, si uu mar kale qandaraaskii fashilmay mid la mid ah  oo uu ku doodayo in lagu dhamaystirayo dhabaha Diyaaradaha uu u xidhayo Madaarka.




Wali qorshaha lagu xidhayo Madaarka Hargeysa dibada umuu soo wada bixin, balse saraakiil ka tirsan wasaaradiisa ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inuu socdo qorshahaasi, bilaha soo socdana uu ku talo jiro inuu ku dhaqaaqo.




Si kastaba ha ahaatee Musuqmaasuqa iyo Maamul Xumadda Wasiirka Duulista Hawadda ayaa u muuqata mid madaxweyne Siilaanyo ugu hamranayo Qabyaalad cadaan, maadaama uu ka mid yahay shanta Wasiir ee Beeshiisa ka soo jeeda ee ma dambaabeyaasha ah.




Waayo hadii aanay sidaasi ahayn, waxa Madaxweyne Siilaanyo talaabo ka qaadi lahaa xiligii uu ku fashilmay Madaarka Hargeysa ee uu isagu difaacayay  dhaliilaha muuqda ee kaga soo noqday Madaarkii shanta Milyan ee Dollar.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Hambalyo Aroos Wacan


Dhamaan dadka hoos ku qoran waxay  Halkan Hambalyo Diiran uga Diraynaa Dhamantayo Arooska Cabdinasir Xaji Daud Warsame & Marwadiisa Xayaad Mahamed Waber oo Aqal gal koodu ka dhacay magalada Hargeisa .




reerkii lagu Nastee Lagunagadee Lagu badhaadho alle haka dhigo,Aamiin Aamiin Aamiin




 




Dhamaan Reer Xaaji Duud Warsame




 




Dhmaan Reer Axmed Warsame




 




Dhamaan Reer Xaaji Muuse Warsame




 




Dhamaan Reer Cumar Warsame




 




Dhamaan Reer Sh Maxamuud Warsame




 




Dhamaan Reer Xasan Warsame




 




Dhamaan Reer Ibrahim Nageeye




 




Dhamaan Reer Cali Nageeye




Dhamaan Reer Sh Cilmi Mixile Dhamaan Reer khayre Ahmed Dhamaan Reer Xuseen Sicid Xuseen Farah Mahamed Bashiir




Dhamaan waxan leenahay GurkiinU Guur Khayrleh Gurigiinu Guri Nagi Guuloow ka Yeel




Aamiin Aamiin Aamiin

Daawo: Jaamac Shabeel iyo Ibraahim Kacaan oo ku Gacan saydhay Guddoonka Guddida qaban-qabaada shirweynaha kulmiye

Qurbo-jooga somaliland ee Daafaha Caalamka oo Axadda Shir loogu baaqay.Daawo xubnaha martida ku ah


London(GNA)Waxa lagugu marti qaadayaa inaad nagala soo qayb gasho shir ka dhacaya telephoneka maalinta Axada, Bisha November 3deeda.




 Shirka waxa lagaga hadlayaa mashruuca wadada Ceergaabo.




Waxa hoos ku qoran telephone numberka aad soo garaacayso waddankasta, muftaaxa aad ku soo gelayso, iyo wakhtiga aad soo gelayso. Shirka waxa wada qabanaya xafiiska Wakiilka Somaliland ee USA Rashid Garuf, Xafiiska Wakiilka Somaliland ee UK Ali Adan, Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Canada Loula Osman, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Hersi Ali H. Hassan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Bixi Yonis.

Fadlan ka soo qayb gal shirkan muhiimka ah. Telephone numberkan garaac ka dibna muftaaxa geli. Ha illaawin maalinta iyo wakhtiga inaad isku beegto.




 

















































































































Waddanka




Telephoneka




Muftaaxa




  Maalinta




Wakhtiga




Ireland




+353 (0) 1 437 0811




152200#




3-Nov-13




   7:00pm




Germany




+49 (0) 631 2069400




152200#




3-Nov-13




   8:00pm




Netherlands




+31 (0) 20 322 3010




152200#




3-Nov-13




   8:00pm




Italy




+39 (0) 091 804 0070




152200#




3-Nov-13




   8:00pm




Dubai, UAE




+973 1656 8330




152200#




3-Nov-13




  11:00pm




Norway




+47 73 79 03 11




152200#




3-Nov-13




   8:00pm




Denmark




+45 78 77 25 40




152200#




3-Nov-13




   8:00pm




Canada




+1 559-546-1444




152200#




3-Nov-13




   2:00pm




United States




+1 559-546-1401




152200#




3-Nov-13




   2:00pm




France




+33 (0) 1 80 14 06 60




152200#




3-Nov-13




   8:00pm




Sweden




+46 (0) 8 124 107 11




152200#




3-Nov-13




   8:00pm




United Kingdom




+44 (0) 330 606 0192




152200#




3-Nov-13




   7:00pm




 




 




 




 




 





Shirka waxa lagu soo bandhigayaa mashruuca Wadada Ceergaabo, faaiidada ay qaranka iyo gobolkaba u leedahay, kharashka ku baxaya, dhererkeeda, inta meelood ee laga bilaabayo, qurbajooga waxa looga baahan yahan, meesha aad ka heli karto warka mashruucan, & cida aad la soo xidhiidhayso.

Waxa la filayaa inay shirkan ka soo qayb galayaan dad tiradoodu aad u badan tahay. Way adkaanaysaa in su'aalaha si toos ah la isu waydiiyo. Waxa aan kaa codsanaynaa inaad wixii aad su'aal hayso ee khuseeya mashruuca aad ku soo dirto emailkan mission@somaliland.us ama fariin ku dhaafto telephoneka halkan ku qoran 703-745-2199. Suaalahaaga hadii aad soo dirto inta shirka ka horaysa iyo haddii aad soo dirto inta shirku socdo labadaba waa laga jawaabayaa.




Rashid Garuf




Washington DC, USA




mission@somaliland.us




 




Ali Adan




London, UK
contact@somaliland-mission.com




Loula Osman




Ottawa, Canada




somalilandrecognition@yahoo.ca  




 

Xisbiga kulmiye oo ku wacad furay Siilaanyo iyo Saylici iyo Guddida Qaban-qaabada shirweynaha oo 2 Garab u kala jabay


“Jaamac Shabeel iyo Ibraahim Kacaan oo Caawa Fiidkii Beenaaleyaal ku tilmaamay Garabka Samaale ee Guddoonka doortay iyo muranka oo meel adag durba maraya”Akhri Dardaarankii Siilaanyo iyo saylici iyo sida wax u dhaceen.




Hargeysa (GNA)- muran ayaa durba ka dhex bilaamay xisbiga Kulmiye maalmo yar ka dib markii la magacaabay Guddida qaban-qaabada shirweynaha xisbigaasi oo dhan 27 xubnood , layskuna raacay Kordhinta Guddida fulinta Xisbiga oo 42 qof lagu daray , isla markaana la shaaciyay tiradda Ergada shirweynaha oo 801 xubnood lagu sheegay.




Guddida qaban-qaabada shirweynaha xisbiga ayaa u kala jabay laba kooxood oo dhan walba ujeeddo iyo dano u khaas ah qaar ka mid ah raga ku tartamaya hogaanka xisbiga, taasoo gaadhay in Maanta garab ka mid ah labada dhinac doortaan Guddoon cusub oo kooxda kale ka soo horjeedo.




“Waxaan idiin sheegayaa gudoomiye’yaashaas ay doorteen inay tahay sharci darro,fadhigii ugu horeeyay ee gudidani muu qabsoomin wali,waxa u dhinayd cidii abuurtay iyaga oo gudiga fulinta ahayd inay u soo samayso xeer hoosaadkii ay ku shaqayn lahaayeen ee uu ku jiray qaab dhismeedkoodu,ma gudoomiye kaliyaata ayay yaalanayaan ma gudoomiye iyo ku xigeen ayay yeelanayaan, ma gudoomiye iyo xoghaye ayay yeelanayaan,ma gudiyo ayaa loo sii kala ja’jabinayaa iyada oo laga fikiraayo hawsha hor taala ee gudidu qabnayso,ayay ahayd inay gudida fulintu fadhiisato oo ay ka fikirto qaab dhismeedkoodu sida uu noqonaayo, qaab dhismeed ayay iska samaysteen aanay awood u lahayn oo sida aan warbaahinta ku arkaayay afartan xubnood ee ay magacaabeen wax allaale iyo waxay sharciyad ku fadhidaa ma jirto, gudida fulintaana xilkaas iska lahayd,xilkii gudida fulintana way maroorsadeen iyaga oo aan awood u lahayn.”sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha ee Xisbiga kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Shabeel) oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadlay Hargeysa.




Geesta kale   Xildhibaan Ibraahim Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada shirweynaha sadexaad ee xisbiga KULMIYE, ahna garabka ka soo horjeeda Kooxda Maanta hogaanka cusub dooratay ayaa sharaxay sidii ay hawsha ku bilaabeen.




 “Waxaan ka tirsanahay gudida qaban-qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye,waxaanu isku nimi anaga oo ah 17 xubnood oo xubnihii qaban qaabada ah,anaga oo isugu nimi hoolka Cali Maarshaal markii aanu isla eegnay waxa la yidhi aynu doorano odayga inuugu weyn da’ahaan,markii aanu is eegnayna waxa ay noqotay inaan anigu noqday ninka ugu da’da weyn sidiibaan ku ogalaaday inaan gudoomiyo ilaa inta la gaadhayo doorashada. waxaan markiiba halkii ka cadeeyay mar hadaan noqday gudoomiyahii kumeel-gaadhaka ahaa in lay doortaana way iga dhimatay,in aan cod bixiyo hadii aan lays leekaan iyaduna way iga dhimatay,markaas sida dawgu yahay ayaan idinku wadi doonaa,sidaas ayaanu ku balanay,waxaanu isla eegnay oo aanu ku balanay in aanu bari isku nimaadno (maanta),sidii baan shirkii ku xidhay.”ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen Hargeysa.




Xubnahan ka daba hadlay garabka doortay Guddoonka ayaa hogaanka xisbiga ugu baaqay inay wax ka qabtaan arrintan “Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka xisbiga anigoo ah gudoomiyahii golaha dhexe inay si dhaqso ah wax uga qabtaan arrintan oo arrinka dib loogu soo dabaalo majarihii sharciga ahaa,waayo sharci daradu waxaan fawdo iyo wareer ahayn oo ay keenaysaa ma jirto,xilkaasna in dariiqii sharciga ahaa dib loogu soo dabaalo kalsoonidiina ay dib ugu abuuraan ummada,hawshaasi waxay u taalaa hoggaanka xisbiga iyo gudigooda fulinta,”ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cigge oo shir jaraa’id ka hadlay.




Garabka wax doortay ayaa Guddoomiye u doortay Abubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeen Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale, halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.




Fadhiga lagu doortay xubnahan hogaanka guddida qaban qaabada Shirweynaha oo ay ka soo qayab galeen shan iyo toban Xubnood waxa guddoominayay xubinta ugu da’da weynayd oo ah Yuusuf Guruje.




Sida muuqata labadan garab ee guddida qabanqaabada xisbigu waxay la kala safanyihiin Guddoomiyaha Ku-meel gaadhka ah ee xisbiga Muuse Biixi  Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo labadooduba hada cadeystay loolanka ay ugu jiraan hogaanka xisbiga ee shirweynaha ka soo bixi doona, isla markaana talaabo kasta oo la qaadayo tartankoodu saameyn ku yeelanayo.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hogaanka xisbiga ee hada iyo guddida fulinta toona, hase ahaatee murankan durba hadheeyay Guddida loo xilsaaray hawsha shirweynaha xisbiga, ayaa ah mid sawir cad ka bixinaysa natiijada shir xisbigu qabsado iyo culayska siyaasadeed ee dur hoganaya.




Kala qaybsanaanta Guddida ayaa sidoo kale god ku ridaysa faan iyo fariimo dar-daaran ah oo madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu laba maalmood ka hor madaxtooyada dhexdeeda ugu gudbiyeen Guddida fulinta iyo guddida qaban-qaabada.




“Xisbiga kulmiye waa Xisbigii Dawladda, waa xisbiga maanta qaranka Masuuliyadiisa haya, waa xisbi Taariikhda uu talada ku hayntay leh, waa Xisbi midnimadiisa iyo wada shaqayntiisu ay tahay mid la wada ogsoonyahay, waxaana maanta inagu waajib ah inaynu hayno oo xoojino xilkaa Umaddu ina wada saartay”sidaasi waxa yidhi Madaxweyne Axmed Maxamuud (Siilaanyo), oo madaxtooyada ku qaabilay labada guddi ee xisbiga laba cisho ka hor.




Madaxweyne Axmed Siilaanyo,isagoo saaxiibadiisa Kulmiye uga digaya Hagar-daamada ay la doonayaan cadowgu xisbigooda, isla markaana u midhaaminaya kuwa jecel inuu shirweynaha xisbigu guul-daraysto waxa uu sheegay “dad badan oo cadow ah oo aan jecleyn in shirkeena iyo hawshaa aynu hayno guuli ka soo baxdo ayaa loo baahanyahay inaynu u muujino inay runtu tahay inaynu nahay Xisbi wada jira, xisbi wada shaqeeya iyo dawladdiisa oo meel ka soo wada jeeda” – “ waxaan diyaar u ahay hadii aan ahay madaxweynihii qaranka inaanu gacan buuxda ka bixino wax allaale wixii hawl ah ee nagala soo gudboonaada ee isku soo dhaweyn iyo wada shaqayn ah, waxaanan Ilaahay inooga baryayaa inaynu guul ku gaadhno meesha ay doonayno”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.




Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga kulmiye looga baahanyahay, muujinta masraxad siyaasadeed oo ku dayasho laga dhaxlo, isla markaana uu jeexo dariiq ay asxaabta kaga daydaan.




 “Xisbiga kulmiye hadii aynu nahay waxaa laynooga baahanyahay inaynu xisbinimadeena muujino, inaynu shuruucda dalka kuwa dhawra ee lagu daydo aynu noqono, maadaama aynu  xisbul xaakimkii aynu nahay, oo kuwon xisbimada lagaga daydo aynu noqono, kuwo qabyaalada ka fogaada aynu noqono”.




Inkasta oo ay labada hogaamiye ee dalku sidan kula dardaarmeen Kulmiye, waxa muuqata inaan dhego jalaq loo siin wixii la faray, waxaana la saadaalinayaa in talaabada ugu horaysa ee guddidu saameyn ku yeelato wada shaqayntooda mustaqbalka, taasoo hadii ay dhacdo horseedi karta faashil ku yimaada shirweynaha xisbiga.




Waxaana khasab ah in madaxweyne siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu mar kale soo faro geliyaan hawlaha qabanqaabada shirweynaha, maadaama oo hogaanka manjaraha u haya xisbiga awood kale oo loolan kula jirtaa xisbiga u dhex fadhido.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 




 

UNICEF oo Dhisme weyn looga Dhisay Hargeysa iyo Saylici oo Xadhiga ka jaray. Daawo Sawrro


Hargeysa(GNA)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray dhismaha xarunta hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta waxbarashada caruurta ee magaceeda loo soo gaabiyo UNICEF taasi oo laga yagleelay caasimada Somaliland ee Hargaysa.




Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo furay xaruuntaasi kana hadlay ayaa uga mahad celiyay hay’adda Unicef adeegyada horumarineed ee ay ka gaystaan guud-ahaan Somaliland.




Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici)  Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, ayaa ka waramay mashaariicaha kala duwan ee ay hay’adda unicef ka fulisay Somaliland, kuwaasoo isugu jira Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo adeegyo kale ee aasaasiga ah.




Madaxweyne ku-xigeenka ayaa gebegabadii ugu  baaqay guud ahaan hay’daha qaramada midoobay in ay sii libin-laabaan deeqaha ay siiyaan Somaliland, si kor loogu qaado adeegyada kala duwan ee ay ka saacidaan.




Wasiirka qorshaynta qaranka somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay daboolka ka qaaday in uu goob-joog ahaa maalintii la dhagax-dhigay, kuan faraxsanyahay dhameystirkiisa.




Sarkaal u hadlay UNICEF SIKANDER oo ka hadlay xafladaasi ayaa ayaa sheegay in somaliland shaqadooda ay ka bilaabeen sanadkii 1972 kii, ilaa hadana ay wadaan.




Xubno ka mid ah Golaha wasiirrada xukuumadda ayaa munaasibadaasi goob-joog ka ahaa, waxaanay soo dhaweeyeen Dhismaha cusub ee UNICEF ka dhisatay caasimada dalka.




Hay’adda UNICEF, ayaa hore u degemayd Guri ku yaala xaafada Shacabka oo ah Dhismeyaashii hore, waxaanay kan cusub kaga maarmaysaa cidhiidhi dhanka xafiisyada ah oo ka haystay dhismaha hore.




Waxay ka mid tahay tiro Hay’ada UN-ka ka mid ah oo fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa, waxaanay Hay’adan labadii sanadood ee ugu dambeeyay muran ka dhexeeyay xubno ka mid ah Shaqaalaheeda , gaar ahaan kuwo Ilaalada ah oo ay aakhirkii qaarkood shaqada uga eriday amar diido ay ku diideen in lagu daro ama lagu wareejiyo Hay’addo gaar loo leeyahay oo qandaraas ku qaadatay Amaanka xarumaha Hay’adaha Ajaanibka ah.  




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Socdaalkii dheeraa ee gobannimada (1) .(Long Walk to Freedom) Xusuusqorka Nelson Mandela Turjumid: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”


(GNA) Kolka laga reebo noloshayda, adaygga jidh ahaaneed, iyo ku abtirsiga qoyska reer suldaan ee dadka Thembu, deeqda keliya ee aan dhalashadaydii aabbahay ka helay waa magaca Rolihlahla. Afka Xhosa magacaa macnihiisa dhabta ahi waxaa weeye ”Laanta geedka ka soo jebi”, laakiin sida caadi ahaan loo la jeedo waxaa loo turjumi karaa ”Qalqaalli”. Ma rumaysni magacu in uu wax ku yeesho aayaha qofka, mana qabo aabbahay in uu sii saadinayay mustaqbalkayga, ha yeeshee xigtadayda iyo asxaabtaydu sannadihii dambe magacayga ayay u sababeeyeen wixii aan maayad kiciyay ee dhan walba u fuulay.




 




Magacayga kaa ka caansan ee ingiriisida ama masiixiga ahi iiga ma horrayn maalintii dugsiga la i qoray, laakiin taasi waa sheekadii oo aan ka hordhacay.




 




Wax aan ku dhashay Mvezo, 18 Julaay 1918, tuulo yar oo saaran webiga Mbashe duleedkana u ah Umata oo ah magaalamadaxda gobolka Transkei.  Guga dhalashadaydu wax uu ku astaysan yahay dhammaadkii Dagaalkii Kowaad, iyo sidoo kale dillaacii cudurkii weynaa ee malyuumaadka qof dunida oo dhan ku halligay. Sidoo kale waa sannadkii ay ergada ururka African National Congress, ANC, martida u ahayd shirkii nabadda ee magaalada Versailles si ay u soo muujiyaan dareenka kacdoonsan ee dadka afrikaanka ah ee Koonfur Afrika. Ha ahaatee tuuladayda Mvezo wax ay ahayd meel fog, meel ka durugsan xarumaha dhacdooyinka waaweyn, meel noloshu isaga socoto si u dhow sidii ay boqollaal sannadood soo ahayd.




 




Gobolka Transkei wax uu 1300 km bari ka xigaa magaalada Cape Town iyo 900 km koonfurta Johannesburg, inta u dhexaysa webiga Kei iyo soohdinta gobolka Natal, ama inta u dhexaysa buuraleyda Drakbergen dhanka waqooyi iyo dheegagga buluugga ah ee Badweynta Hindiya dhanka bari. Waa dhul barwaaqo ah oo ka kooban haaro, dooxooyin ugbaad ah, iyo kumannaan webiyo, togag iyo durdurro ah oo dhulka cagaar ka dhiga xitaa jiilaalka. Gobolka Transkei hore wax uu ahaan jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada Koonfur Afrika, wax uuna ku fadhiyaa dhul la’eg dalka Iswisirland, waxaana ku dhaqan saddex malyuun iyo badh ruux oo ah daka Xhosa iyo tiro aad iyo aad u yar oo ah reer Basotho iyo caddaan. Dhulkaasi waa dalka reer Thembu, oo ah cid ka tirsan tolweynaha Xhosa ee aan qudhaydu mid jilibyadiisa ka mid ah ka dhashay.




 




Aabbahay wax uu ahaa nin dheer oo madow oo joog toosan oo muuq wanaagsan, tilmaamahaas oo aan isu sheego in aan ka hiddaystay. Food cad buu lahaa, kolkii aan yaraana foodda ayaan dambas marsan jiray si aan isaga ugu ekaado. Aad buu u miigganaa, barbaarinta carruurtiisana sarwaanta uga ma tudhi jirin. Waxa kale oo uu lahaa go’aan adayg mintidnimo ah taas oo nasiibxumo aan ka dhaxlay.




 




Aabbahay marmar waxaa loo magacaabay raysalwasaaraha dadka Thembu horraantii 1900-nadii xilligii uu talada saldanaddayada hayay Sabata aabbihii Dalindyebo, iyo xilligii kaa wiilkiisa Jongilizwe uu talinayay. Magacaabiddaasi ma ahayn wax dhab ah waayo xil magacaas lihi maba jirin, ha yeeshee hawshii uu hayay uun baa ahayd wax taa u dhigma. Aabbahay wax uu ahaa nin magac iyo maamuus leh oo labadaa suldaanba lataliye u ahaa, socdaallada ayuuna u raaci jiray, caadi ahaanna garabkooda ayuu taagnaan jiray kulannadooda iyo maamulkoodaba. Waxa kale oo uu awood la aqoonsan yahay ku lahaa taariikhda reer Xhosa, taas ayaana ka mid ahayd sababaha keenay in uu noqdo lataliye si weyn loo qiimeeyo. Xiisaha aan taariikhda u hayaa yaraan ayuu igu abuurmay, aabbahay ayaana igu dhiirriyay. Isagu in kasta oo aanu wax qori aqoon waxna akhriyi aqoon haddana waxaa u faaftay in uu yahay codkar dhegaystayaashiisa soo jiita isaga oo isla marka uu dadka madaddaalinyo waxna baraya.




 




Aabbahay wax uu lahaa afar ooryood. Ta saddexaad oo ahayd Nosekeni Fanny, waa hooyaday oo ahayd ina Nkedama oo u dhashay tolka Xhosa ee amaMpemvu kana tirsan Aqalka Sare. Afarta afoodba: marwada kowaad, marwada sare (hooyaday), marwada bidix iyo iqadi – ama marwada kaydka ah – mid waliba wax ay lahayd kraal. Kraal waa meel caadi ahaan ka kooban xeryo xoolaad, beero la fasho iyo mid ama dhawr aqal oo caw lagu waabay. Kraal-ladaasi dhawr kiiloomitir ayay isu jirjireen aabbahayna wuu isaga gooshi jiray. Socodkaa ayay ugu dhasheen saddex iyo toban qof, afar wiil iyo sagaal gabdhood. Aniga ayaa curad u ahaa bahda Aqalka Weyn uguna yaraa afarta wiil. Saddex hablood ayaannu isku bah ahayn. In kasta oo Mlahlwa ahaa wiilasha ka noogu weyn haddana Daligqili oo ahaa bahda Aqalka Kowaad ayaa aabbahay ka dhaxlay caaqilnimada. Wiilashayadii aniga mooyee imika waa ay wada mootan yihiin, waana ay iga wada waaweynaayeen igana magac sarreeyeen.




 




Aniga oo weli cayddi ah ayuu aabbahay la kulmay khilaaf uu madaxnimadii Mveza ku waayay taas oo ina tusaysa abuurtiisa aan qudhaydu ka hiddaystay. Runtii waxa aan si buuxda u odhanayaa waxa qofka dabcigiisa qaabeeyaa hiddaysiga ma aha ee waa barbaarinta. Aabbahay wax uu lahaa han weyn iyo jacayl aan liicin oo uu u hayo xaqsoorka, dabeecaddaas oo aan qudhaydu isku arko. Aabbahay oo kolka xilligaa loo eego hodan iyo madaxba ahaa, hantidii iyo madaxnimadiiba waa uu waayay. Dhulkiisii iyo xoolihii noolaa intii badnayd waa laga qaaday, sidaas ayuuna ku waayay dakhligii ka soo geli jiray. Noloshaa cidhiidhiga noqotay darteed hooyaday wax ay u guurtay Qunu oo ahayd tuulo tan ka sii yara weyn oo dhanka waqooyi ka xigta Mvezo halkaas oo ay ka helaysay caawimada saaxiibbada iyo xigtada. Qunu wax aannu kaga noolayn nolol tii hore ka liidata waa se tuuladaa u dhow magaalada Umtata meesha aan ku qaatay guyaashii carruurnimadayda ugu farxadda badnaa, halkaas ayaanan ka hayaa xusuusahaygii ugu horreeyay.




 




Tuulada Qunu wax ay ku taallay dooxo dhuuban oo cawsku qariyay togna dhex maro oo buur cagaarani ku meersan tahay. Waxaa degganaa dhawr boqol oo qof oo keliya oo ku noolaa mutullayaal, guryo u eg kuwa shinnida oo derbiyadu dhoobo yihiin, tiirna badhtanka ka qotomo oo saqaf caws ah hayo. Sagxadda aqalladu wax ay ahayd fudad dundumo oo la burburiyo oo ah ciidda ay qudhaanjadu dhulka ka soo qoddo inteeda sare ee adag, taas oo si ay u simanto faantada lo’da joogto loogu malaaso. Dabka gudaha lagu shito qiiqiisu wax uu ka bixi jiray saqafka, meesha qudha ee furanina wax ay ahayd irrid gaaban. Guryahaa mutullayaasha ahi badiyaaba wax ay u yaalleen kooxkoox la mid ah xaafado ka yara durugsan beeraha galleyda. Waddooyin ma ay jirin aan ahayn dhabbooyin cawska dhex mara oo cagaha carruurta iyo haweenka wada kabaha la ku samaysmay.




 




Haweenka iyo carruurtu wax ay xidhan jireen qaydad dhoobo lagu midabeeyay, cidda qudha ee tuulada oo dhan dhar casri ah xidhan jirtayna waa dhawrka qof ee masiixiga ah. Lo’da, idaha, riyaha iyo farduhu wax ay wada daaqi jireen daaqsin la wada lahaa. Dhulka Qunu u dhowi haba yaraatee wax dhir ah ma lahayn kolka laga reebo tumbul geed caleemeed ah oo ku taallay kur tuulada ka dambaysa. In yar mooyee dhulka dawladda ayaa lahayd. Berigaa dadka afrikaanka ahi dhul ma ay yeelan karayn aan ahayn in ay kiraystaan oo sannadiiba mar dawladda kirada siiyaan. Agagaarka waxaa ku yaallay laba dugi hoose, suuq ganacsi iyo haan weyn oo ay ku jireen wax xoolaha lagaga dilo dulinka iyo cudurrada. Galley, hadhuudh, digir iyo qajaarka waaweyn ayaa u badnaa waxa aannu cunno, mana aha in aannu raashinka jaadkaas ah gooni u jeclayn dadka ayaan se wax dhaama goyn karayn. Qoysaska yara ladan ee tuuladu intaa wax ay ku darsan jireen shaah, bun iyo sonkor, ha yeeshee dadka kale intooda badan taasi wax ay la ahayd raaxo ka fog oo aan dhaqaalahoodu gaadhsiin karin.




 




Biyaha wax lagu beerto, wax lagu karsado ama wax lagu maydho waxaa baaldiyo lagaga soo dhaansan jiray togagga iyo balliyada. Taasi wax ay ka mid ahayd hawlaha dumarka, laakiin Qunu ugu horreynba wax ay ahayd tuulo haween iyo carruureed waayo ragga badankoodu sannadka intiisa badan wax ay ku maqnaan jireen xoogsi ay ka hayeen magaalooyin fogfog, ama beero ku yaallay dhulal durdurgan, amaba godadka macdanta ee Randbergen, duudda weyn ee buurta dahabka laga qodo iyo soohdinta koonfureed ee Johannesberg. Ugu badnaan sannadkiiba laba jeer ayay raggaasi iman jireen, wax ayna badanaa u soo noqon jireen waraabinta beerahooda. Goynta beeraha iyo dhilidda waxaa loo dayn jiray dumarka iyo carruurta. Cid wax qorta ama akhridaa tuulada aad ayay ugu yarayd, haddiiba ay jirtay, waxbarasho dugsina dadka badankoodu maba ay aqoon.




 




Hooyaday wax ay Qunu maamuli jirtay saddex guri oo inta aan xusuusto ay ka buuxi jireen ilmo dhashay iyo carruurta xigaalku. Run ahaantii ma xusuusto intii aan yaraa aniga oo keli noqday. Dhaqanka afrikaanka carruurta ay dhaleen habaryaraha, abtiyada, eeddooyinka iyo adeerradu waxaa loo arkaa walaalahaa ee loo ma yaqaan ilmo adeer ama ilmo abti. Annagu xigtadayada u ma ka la soocno sida caddaanka. Ma naqaan wax la yidhaahdo ”half brother” iyo ”half sister”. Hooyaday walaasheed waa hooyaday, adeerkay wiilkiisu waa walaalkay, walaalkay ilmihiisuna waa inankayga ama inantayda.




 




Saddexda aqal ee hooyaday mid waxaa loogu dhaqmi jiray kijin ahaan, midna hurdada, midna alaab dhigashada. Aqalka aannu seexan jirnay ma oollin wax sariiro, kuraas ama miisas ah oo la mid ah alaabada reer galbeedka. Qadiifado ayaannu ku seexan jirnay dhulkana waannu fadhiisan jirnay. Barkimo wax la yidhaahdo waxaa iigu horraysay kolkii aan imid Mqhekezweni. Hooyo cuntada wax ay ku karin jirtay dheri bir ah oo leh saddex rukun oo dhardhaarro u ah iyo dab laga shido aqalka badhtankiisa amaba debeddiisa. Wax aannu cunno oo dhan annaga ayaa beeran jirnay ama samaysan jirnay. Hooyaday iyada ayaa galleyda noo beeri jirtay oo soo goyn jirtay. Kolka xasiiddu adkaato ee engegto ayaa la goyn jiray oo kiishash ama bakaar lagu kaydin jiray. Habab ka la duwan ayay haweenku galleyda u karin jireen. Wax ay ku ridqi jireen laba dhagax dabadeed budada roodhi ka dubin jireen, ama iyada oo aan la budayn ayay karin jireen oo inta ay gadhoodh ku daraan ka dhigi jireen ”umphothulo” ama ”umngqusho” (shuuro ama jidhiidh digir lagu dhex kariyay). Galleydu marmar waa ay nagu yarayd caanaha lo’da iyo kuwa riyaha ayaa se goor walba durdur ahaa.




 




Ilaa markii aan aad u yaraa waqtiga firaaqada wax aan tegi jiray meel aan wiilasha kale ku la ciyaari jiray ku lana diriri jiray. Wiil guriga fadhiya oo hooyadii uun tafta haysta waxaa loo arkayay liite. Habeenkana isla wiilashaas ayaan cuntadayda iyo bustahayga wax ka siin jiray. Shan jir ka ma aan weynayn kolkii aan noqday xoolajir oo aan adhiga iyo waylaha raacay. Sidaas ayuu igu galay jacaylka yaabka leh ee ay dadka Xhosa xoolahooda u hayaan, xoolahaas oo aan u ahayn uun cad iyo caano, ama hodantinnimo keliya, ee u ah wax Eebbe ku karaameeyay iyo asaaska liibaantooda ruuxiga ah. Halkaa ayaan sidoo kale ku bartay in aan shimbiruhu iyaga oo duulaya shimbiralaaye ku laayo, in aan malabka jabsado, in aan midhaha gurto oo quwaaxa qoto, in aan lo’da caanaha oo diirran afka kaga nuugo, in aan iliilaha calcalyada ah ee qabow ku dabbaasho, oo kalluunka dabto aniga oo adeegsanaya xadhig iyo taar. Wax aan isbaray habka dagaalka aniga oo ku tababaranaya ulo dhumuc leh – taas oo aad muhiim ugu ah wiilasha reer miyiga ah ee dadkayaga – wax aanan xariif ku noqday habka nabarka loogu gabbado ee haddana dhinaca kale tummaatida looga keeno iyada oo isla markaa cadawga la iska hayo intaana lugaha dhaqso looga shaqaysiinayo. Berigaas ayuu igu abuurmay jacaylka aan u qabo bananka furan, quruxda fudud ee dabeecadda iyo muuqaalka fidsan ee dunida.




 




Haddii aannu wiilasha nahay badanaa cidna u ma aannu baahnayn. Wax aannu ku dheeli jirnay alaabo aannu annagu samaysannay. Dhoobada ayaannu xoolo iyo shimbiro ka samaysan jirnay. Laamo ayaannu gaadhi-faras ka samaysan jirnay. Gegida ciyaartana waxaa noo ahayd dabeecadda aannu dhex joogno. Kuraha Qunu ku hareeraysani wax ay lahaayeen gebiyo siman oo siiban oo aannu ka dhigannay meelo aannu kor iyo hoos ugu ciyaarro.  Dhagxaanta siibsiiban inta aannu ku fadhiisanno ayaannu gebiyada hoos isugu soo dayn jirnay. Sidaas ayaannu ku wadi jirnay ilaa dabadu na wada xanuunto oo aannu xitaa fadhiisan kari wayno. Fuullimaadka wax aan ku bartay waylaha oo kolka aad intaas oo jeer ka dhacdo aad xeeladdeeda baranayso. Maalin wax aan cashar lama’illaawaan ah ka bartay dameer baxdow ah. Wax aannu isu bedbeddalaynnay fuulista dameerkaa, dabadeed kolkii kalkaygii la soo gaadhay ee aan fuulay dameerkii orod ayuu cagaha wax ka dayay oo sogsog noo dhowayd i la dhex galay. Inta uu madaxa foororiyay ayuu i la biqleeyay si uu isaga kay rido, waanan ka dhacay oo sogsogtii baa wejiga iga diiratay saaxiibbadayna waan ku hor fadeexadoobay. Dadka reer Afrika isla sida reer Aasiya wax ay lee yihiin dareen fog oo ku saabsan sharafta qofka, ama wax ay shiinuhu u yaqaannaan “wejiga”. Imika haddaba saaxiibbaday waxaa igaga dhacday weji xumo. In kasta oo wax aan ka dhacay uu dameer uun ahaa wax aan bartay dhadhanka xanuunka qofka la bahdilo sida ay u arxandaran tahay isla markaa ay tahay wax aan loo baahnayn. Taa darteed aniga oo kuray ah ayaan bartay qofka aannu is’haynno in aan ka guulaysto aniga oo aan milgaha iyo maamuska ka qaadin.




 




Badanaa wiilashu gooni ayay u ciyaari jireen, waa se ay dhici jirtay in aannu hablahayaga u oggolaanno in ay na la ciyaaraan. Ciyaaraha ay wiilasha iyo gabdhuhu wada dheelaan waxaa ka mid ahayd dhuumaalaysi iyo beratan, wax aan se ugu jeclaa dheel la yidhaahdo “khetha” oo macnaheedu yahay dooro-ka-aad-jeclaato. Ma ahayn ciyaar habaysan oo la sii qorsheeyo ee wax ay nagu dhalan jirtay uun kolka aannu koox hablo ah hareeraynno dabadeed ku khasabno mid waliba in ay doorato wiilka ay ka hesho. Xeerka ciyaartaasi wax uu dhigayay in doorashada gabadha la xaqdhawro oo ka ay doorato ee nasiibka lihi meesha u socoto u sii gelbiyo. Gabdhuhu aad ayay u maskax badnaayeen – aad ayayna nooga fariidsanaayeen annaga wiilasha ah ee madax buurrada ah – waana ay ka wada tashan jireen sida ay noo ka la dooranayaan, iyaga oo la bixi jiray ka noogu foolxun dabadeed inta uu guriga u sii gelbinayo ayay caajis ku dili jireen.




 




Ciyaarta ay wiilashu ugu jeclaayeen waxaa la odhan jiray “thinti” waana ta ciyaaraha oo dhan ugu eg dagaalka. Laba qori oo gool ahaan ah ayaannu dhulka ka qotomin jirray in isu jirta ilaa soddon mitir. Dabadeed inta aannu laba kooxood oo isla’eg isu qaybinno ayaannu qoryo ku tuuri jinyay qoriga kooxda kale si uu u dhaco. Koox waliba goolkeeda ayay difaacdaa oo qoriga ay qolada kale ku tuurtay dib u soo qaadataa. Markii aannu yara weynaannay wax aannu qaban jirnay tartan ciyaartaas ah oo aannu la yeelanno wiilasha tuulooyinka kale ee deriska na la ah, kooxdaa noogu wanaagsanaatana aad baa loo weynayn jiray waana loo dabbaaldegi jiray sidii saraakiil dagaal weyn ku soo guulaysatay.




 




Kolka aannu ciyaarta dhammaysanno wax aan aadi jiray karaal-ka hooyaday oo ay hooyo cunto diyaarin ku foogan tahay. Aabbe wax uu nooga sheekayn jiray dagaallo caan ahaa iyo geesiyadii dadka Xhosa, hooyana wax ay si yaab leh noogu meerin jirtay qisooyin taariikho hore, sheeko xariiro iyo sheeko xayawaan awow ka awow soo taxnaa. Sheeko xariirooyinkaasi wax ay nafaqayn jireen khayaaligayaga carruurnimo caadi ahaanna waxaa ku jiray farriimo anshax oo muhiim ah. Wax aan xusuusan ahay mid sheekooyinkaa ka mid ahayd kuna saabsanayd nin socdaal ah oo la kulmay islaan gabowday oo labada indhood xabbajo iyo qudhun dabooleen. Ninkii socdaalka ahaa ayay kaalmo wayddiisatay, isaguna inta uu wejiga ka dadbay ayuu iska dhaafay. Nin kale ayaa dabadeed meeshii soo maray oo ay isagana ka codsatay in uu indhaha u maydho. In kasta oo ay ahayd qudhun iyo yalaalugo haddana sidii ay wayddiisatay ayuu u yeelay. Dabadeed si mucjiso ah ayay indhaheedii u qolof dhacsadeen wax ayna noqotay gabadh dhallinyar oo qurux badan. Ninkii baa dabeed guursaday oo ku barwaaqoobay kuna badhaadhay. Waa sheeko yar laakiin dhambaalkeedu weligii wuu jiraa: falka gobannimada leh iyo deeqsinnimadu abaalgudkooda waa ay helaan, laakiin ma ogaan karro sida abaalgudkaasi ku imanayo.




 




Sida carruurta dadka Xhosa oo dhan wax aan wax ku bartay fiirada. Waxaa na looga fadhiyay mar walba in aannu dadkayaga kale ku dayanno oo isu ekaysiinno, mana ahayn in aannu hadal soo celinno. Markii kowaad ee aan guri caddaan booqday waan la yaabay waxa ay carruurtu waalidkood su’aal wayddiinayaan – iyo sida joogtada ah ee ay waalidku diyaarka ugu yihiin in ay u jawaabaan. Xaggayaga wayddiimaha waxaa loo arkaa madaxwareerin, waayeelkuna wax ay wax iswayddiiyaan uun haddii ay lamahuraan tahay.




 




Noloshayda, sida dadkayga kale oo dhanba, waxaa qaabeeyay caadooyin iyo waajibaad dhaqameedyo joogto ah, iyo wax xaaraan ah oo aan la soo hadalqaadin. Sidaas ayay noloshayadu u dhisnayd bilaw ilaa dhammaad, weligeedna wayddiin laga ma keeno. Raggu wax ay ku wada joogeen waddadii dhaqanka ee aabbayaashood bixiyeen, dumarkuna wax ay ku nool yihiin isla noloshii hooyooyinkood. Iyada oo aan cidina wax ii sheegin ayaan la falgalay xeerarka adadag ee xidhiidhka ragga iyo dumarka. Wax aan bartay ninku in aanu geli karin aqal ay dhowaan haweenay ku ummushay, iyo gabadha la soo guursadaa in aanay geli karin kraal-ka gurigeeda ilaa horta loo sameeyo xaflad dhaqameed weyn oo aad looga shaqeeyay. Wax aan kale oo bartay awowyadii dhintay oo la xusi waayaa in ay qofka u keento ayaandarro iyo guuldarro nololeed. Qofka awowyada caayaa waxa qudha ee uu dembigaa kaga toobad keeni karaa waa in uu u tago geedagooyaha ama odayga tolka ugu da weyn kaas oo la xidhiidhi yaqaanna maytida una gudbin kara qofka dembaabay cabashadiisa. Arrimahaas oo dhami aniga wax ay ii ahaayeen wax dabiici ah.




 




 




Socdaalkii dheeraa ee gobannimada (2) .(Long Walk to Freedom)




 




Xusuusqorka Nelson Mandela   Turjumid: ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd




 




Yaraantii dhif bay igu ahayd in aan dad caddaan ah ku arko Qunu. Dabcan qaaddigu caddaan buu ahaa, sidoo kale waa ay dhici jirtay caddaan socdaal ah iyo bilays socoto ahi in ay na maraan. Nimankaa cadcadi aniga wax ay i la ahaayeen ilaahyo, waanan dareensanaa in lagu la dhaqmo baqdin iyo weynayn isku jira. Laakiin jiritankoodu noloshayda wax saamayn ah ku ma lahayn, weligayna si ahaantooda uga ma fekerin, iyo noolahaa yaabka leh ee meelahaa ka muuqmuuqdaa xidhiidhka ay dadkayga la lee yihiin.




 




Iskudhacyada qabyaaladeed ee qudha ee tuuladayada Qunu ka jiray wax uu ka dhexeeyay qoladayada Xhosa iyo dad aad u yar oo qolada la yidhaahdo amaMfengu tuulada ka degganaa. Dadka amaMfengu bariga gobolka Cape ayay soo degeen  iyaga oo ka soo qaxay ciidammadii Shakas Zulu xilliga loo yaqaan amaMfecane, oo ah xilligii dagaallada iyo barakacyada waaweyn una dhexeeyay 1820 iyo 1840, dagaalladaas oo ay huriyeen Shakas iyada oo la isku dayayo in la abuuro dawlad Zulu ah ciidammadooduna doonayeen in ay jebiyaan dadyowga kale oo dhan oo awooddooda hoos keenaan. Qolada amaMfengu asal ahaan ku ma ay hadli jirin afkayaga Xhosa, wax ay se ka soo qaxeen amaMfecane, wax aana lagu dirqiyay in ay qabtaan shaqooyinka liita ee aan afrikaanka kale qaban. Caddaanka ayay uga adeegi jireen beeraha iyo shirkadaha, taas oo ay Xhosaha dhulka deggani aad u yasayeen. Laakiin amaMfecane wax ay ahaayeen dad hawlkar ah, xidhiidhkii ay caddaanka la yeesheenna wax ay ka heleen tacliin iyo horumar ay ku dhaamaan afrikaanka kale ee dhulka dega badankooda.




 




Berigii aan yaraa qoladaa amaMfengu ayaa ugu mudnayd degmadayada yar, iyaga ayaana noqon jiray wadaaddada, bilayska, barayaasha, hawlwadeennada dawladda iyo turjubaannada. Iyaga ayaana ugu horreeyay cid masiixiyowda oo guryo wanaagsan dhisata, waana ay ka nolol wanaagsanaayeen Xhosaha. Wax ay xaqiijiyeen aragtidii ay dadka masiixiyadda faafiyaan hirgeliyeen ee ahayd “masiixinnimadu waa ilbaxnimo ilbaxnimaduna waa masiixinnimo”. Berigaa aan sheegayo amaMfengu weli dhaqankaa waa lagu colaadin jiray, maanta se kolka aan dib u eego wax aan odhan lahaa wax ay ahayd hinaase qoladaa loo hayo ee ma ahayn iskudhac tolal dhex yaallay. Loollankaa qabyaaladeed ee aan yaraantii arkayay waxyeello weyn ma lahayn. Xilligaa ii ma ay muuqan oo xitaa ma aan malayn karayn dagaalladii ba’naa ee ay beri dambe caddaanku tolalka ka dhex hurin doonaan.




 




Aabbahay weligii qoladiisa ku ma raacin xumaanta loo arko dadka amaMfengu, laba nin oo walaalo ah oo amaMfengu ah ayuuna saaxiib la ahaa, George Mbekela iyo Ben Mbekela. Walaalahaa ilma Mbekela Qunu wax ay ka ahaayeen niman aan caadi ahayn: wax ay ahaayeen mutacallimiin masiixi ah. George oo ahaa labada ka weyni wax uu ahaa bare hawlgab ah, Ben isaguna bilays. Nimankaa walaalaha ahi in kasta oo ay isku dayeen aabbahay in ay masiixi ka dhigaan isaga taasi waa ay geli wayday. Wax uuna ilaashaday diintiisii oo ahayd Ruuxda Weyn ee Xhosa, Qamata, ilaahii awowyadiis. Runtii aabbahay wax uuba ahaa wadaad aan rasmi ahayn, wax uuna maamuli jiray xuska diineed oo lagu qalo riyo iyo waylo, wax uuna kale oo qabanqaabin jiray xaflad dhaqameedyada la xidhiidha beerista, goynta beeraha, dhalashada ilmaha, arooska, daahfurka waxqabadka iyo aaska. U ma uu baahnayn aqoonsi wadaadnimadiisa ku saabsan waayo dhaqan diineedka reer Xhosa ayaa ku dhisan midnimada jiritaanka oo dhan, wax la sheegi karana ku ma ka la duwana waxa ruuxiga ah iyo waxa aduun, waxa muuqda iyo waxa dahsooni.




 




In kasta oo aanay diinta ilma Mbekela aabbahay weligeed saamayn hooyaday waa ay ka heshay oo masiixiyad bay noqotay. Magaceeda Fanny sidiisaba waa magac masiixi oo kiniisadda looga bixiyay. Aniga qudhaydu in aan masiixiyoobo oo ku biiro Kiniisadda Methodist ama Wesleyan, sidii berigaa la odhan jiray, iyo xitaa in dugsiga la igu daro, waxaa sabab u ahaa ilma Mbekela. Labadaa nin kolka aan ciyaarayo ama adhiga la joogo badanaa waa ay i eegi jireen oo i la hadli jireen. Maalin buu George Mbekela hooyaday booqasho ugu yimid. “Wiilkaagu waa yar garasho badan”, ayuu ku yidhi. “Waa in uu dugsiga dhigtaa.” Hooyaday waxba ma ay odhan. Qoyskayaga qof qudh ahi dugsi ma dhigan sidaa darteed fikradda Mbekela hooyo wax ay ku ahayd kediso. Laakiin taladii wax ay u sii gudbisay aabbahay kaas oo waxbarasho la’aantiisa darteed – ama taa awaadeed – go’aan degdeg ah ku gaadhay in inankiisa ugu yari dugsiga galo.




 




Dhismaha dugsigu wax uu ahaa qol keliya oo leh saqafka dhismaha reer galbeedka, wax uuna ku yaallay kolka Qunu la joogo buurta shishadeeda. Toddoba jir baan ahaa oo maalintii aan waxbarashada bilaabi lahaa tii ka horreysay aabbe inta uu gooni ii la baxay ayuu ii sheegay marka aan dugsiga joogo in aan si wanaagsan u lebbisto. Awel, sida wiilasha kale ee Quni oo dhan, go aan garbaha ka soo rogay ayaan dhexda ka guntan jiray. Imika se aabbe mid surwaalladiisa ka mid ah ayuu inta uu labada law ka gooyay i yidhi gasho, waanan gashaday, dhererna wuu i le’ekaaday in kasta oo uu dhexda iiga weynaaday. Dabadeed xadhig buu aabbe surwaalkii dhexda iigu giijiyay. Shaki la’aan muuqaygu qosol buu lahaa weligay se ma aan yeelan maro aan uga faan badnaa surwaalkaa jilbaha ka go’an ee aabbahay.




 




Cishadii kowaad ee dugsiga arday walba waxaa magac ingiriisi ah u bixisay macallimaddii oo ahayd miss Mdingane, wax ayna noo sheegtay maanta ka dib in aannu magacaa iskuulka kaga xaadiraynno. Sidaas ayaa berigaa dadka madow ee dhulka oo dhan caado u ahayd, shaki la’aanna waa arrin la xidhiidhay awoodda dhinaca ingriisida oo qudha ah ee barbaarintayada. Waxbarashadaydu wax ay ahayd Biritish taas oo fikradaha, dhaqanka iyo hay’adaha dawladda ee wada Biritishka ah sarrayntooda toos loo aqoonsanayo. Dhaqan afrikaan wax la yidhaahdo iyo wax la mid ahi sidoodaba meesha ma jirin.




 




Faca aan ka midka ahay dadka dhaladka ah – iyo xitaa facan imika jooga – caadi ahaan qof waliba wax uu lee yahay magac ingiriisi ah iyo sidoo kale magac afrikaan. Bilawgii sababtu wax ay ahayd caddaanka oo ay ku adkayd ku dhawaaqidda magaca afrikaanka amaba aanay doonayn in ay ku dhawaaqaan, iyo iyaga oo isla markaa magaca caynkaas ah u arkayay yawnnimo [cawaannimo]. Maalintaa ayay miss Mdingane ii sheegtay magacayga cusubi in uu yahay Nelson. Waxaa laga yaabaa in uu yahay magac wax la wadaaga Lord Nelson, sarkaal badeedkii weynaa ee Biriteyn u dhashay, waa se malahayga uun.




 




Fiid aan sagaal jir ahaa baan dareemay mashaqo weyn oo gurigayaga ka jirta. Aabbahay waxaa u caado ahayd in uu afartiisa xaas kaltiris u la joogo, bahdayadana wax uu na la noolaan jiray bil walba toddobaad qiyaastii. Dabadeed maanta wuu noo yimid. Laakiin ma ahayn imaatin caadi ah ee wax uu noo iman lahaa maalmo ka dib. Wax aan ku la kulmay aqalka hooyo, isaga oo inta uu iska la bixiyay dhabarka u jiifa, oo si aan xad lahayn u qufacaya. In kasta oo aan sidaa u yaraa haddana waan garan karayay aabbe in uu dhowaan dunidan ka tegayo oo u yimid in uu karaal-ka hooyo ku dhinto. Kolley wax uu qaaday cudurrada sambabbada ku dhaca, laakiin cudurkiisu wax uu ahaa cidina ma sheegin waayo aabbahay weligiiba noloshiisa dhakhtar u ma tagin. Dhawr cisho ayuu aqalka dhex yaallay isaga oo aan dhawaaq iyo dhaqaaq lahayn, ilaa habeenkii dambe ay xaaladdiisu ka sii dartay. Waxaa wada hayay hooyo iyo ta ugu yar afooyinka aabbahay, Nodayimani, oo noo timid, isla cawayskaa ayuu goor dambe u yeedhay Nodayimani oo ku yidhi: “Naa i sii buurigaygii.” Hooyo iyo Nodayimani wadatashi gaaban ka dib wax ay isla garteen in aanay caqligal ahayn in ay isaga oo sidaa ah buuri siiyaan. Waxa uu se ku adkaystay in ay siiyaan, ugu dambaynna Nodayimani beebkii ayay u cabbaysay oo u shidday dabadeed siisay. Aabbana beebkiisii ayuu iska cabbay wuuna ku degay. Ilaa muddo saacad ah ayuu cabbayay dabadeed wuu dhintay, iyada oo beebkii afka ugu jiro.




 




Ma xusuusni weligay in aan la kulmay murugo taa ka weyn, wax aan se xusuustaa in aan dareemay cidloobid. In kasta oo ay hooyo ii ahayd asaaska nolosha haddana aabbe ayaa ahaa aqoonsiga qofnimadayda. Geeridiisu noloshayda wax ay ku lahayd isbeddello aan natiijadooda la malayn karin. Muddo yar oo aannu tacsi ku jirnay ka dib hooyo wax ay ii sheegtay in aan Qunu ka tegayo. Ma aan wayddiin sababta iyo meesha aan u kacayo midnaba.




 




Aroor hore ayaan alaabtaydii yarayd xidhxidhay oo aannu u socdaallay galbeed iyo degaankayga cusub. Murugadii geerida aabbahay ayaaba ka fududayd ta aan ka qaaday dhulkan aan ka tegayay. Ma aan aqoon meel aan ahayn Qunu, taas oo aan u jeclaa sida aan soohdinta lahayn ee ilmo waliba u jecel yahay meesha uu ku garaadsado. Intii aanay tuuladu buurta gadaasheeda igaga libdhin dib ayaan ugu jeestay oo u eegay si aan islahaa waa markii kuugu dambaysay. Waxaa ii sii muuqday aqalladii yaryaraa iyo dadkii oo hawl maalmeeddoodii iska wata; toggii aan ku dabbaalan jiray ee wiilasha kale ku la ciyaari jiray; beerihii galleyda iyo burcooyinkii doogganaa ee ay ugaadha xasilloon iyo xaynta idaha ahi daaqayeen. Wax aan maskaxda ka arkay wiilashii saaxiibbaday ahaa oo shimbiraha yaryar debedda ka ugaadhsanaya, oo lo’da caanaha diirran afka kaga maalaya oo harada toggu ku shubmo farxad ugu boodboodaya. Wax ay se ugu horrayn iyo ugu dambayn eegamdaydu ku raagaysay saddexdaa aqal ee yaryar ee aan ku soo qaatay jacaylka iyo xannaanada hooyaday. Saddexdaa aqal ayay liibaantaydii oo dhami ka buuxdaa, iyo sidoo kale noloshaydii oo dhami, waanan ka xumaaday in aanan soo wada dhunkan intii aanan ka soo dhaqaaqin. Ma aan rumaysan karayn mustaqbalka aan imika ku sii jeedaa si walba oo uu u fogaado in lagu dhererin karo noloshaa aan ka tegayay.




 




Annaga oo aamusan ayaannu lugaynnay ilaa qunyar qunyar gabbalku u dhacay. Laakiin jacaylka aamusan ee hooyo iyo ilmaheedu weligii kelinnimo ma yeesho. Aniga iyo hooyo sidayadaba aad u ma aannu wada hadli jirin, loo maba baahnayn. Weligay jacaylkeeda shaki iga ma gelin weligayna caawimadeeda joogtada ah madow iga ma gelin. Waxa uu ahaa socdaal daal badan, iyo waddooyin dhaadheer oo dhagax iyo uskag ah, oo haaro la fuulayo oo laga degayo, oo tuulooyin badan la dhaafayo, laakiin ma aannu hakan. Gabbal gaabkii ayaannu soo gaadhnay godan yar oo ay ku taallo tuulo dhiri ku meersan tahay, badhtankeedana uu ku yaal aqal weyn oo qurux badan oo ka sarreeya wax wal oo aan ilaa maalintaa arkay kaas oo aan eegmadiisa ku ashqaraaray. Dhismayaashu wax ay ka koobnaayeen laba afar-gees u dhisan iyo toddoba mutulle oo qurux badan aadna uga weyn kuwii aan hore u arkay oo dhan, giddigoodna wax ay ka dhisnaayeen dhagax cad oo indhadaraandar leh oo iftiinka qorraxda sii dhacaysa soo celinaya. Waxaa ku hor yaallay beer-guriyeed weyn iyo beer galley ay geedo gurmago’an ahi ku qaydan yihiin. Aqalka gadaashiisana waxaa ku taallay beer-guriyeed kale oo tii hore ka sii weyn oo lagu bilay dhir tufaax, beer khudradeed, ubax iyo xidh sogsog ah. Meel aad ugu dhow waxaa qotontay kiniisad aad u cad.




 




Laba geed oo halka aqalka weyn laga soo galo ku yaalla waxaa hoos fadhiyay labaataneeyo oday oo guurti qabiil ah. Dhismayaasha hareerahooda waxaa dhulka barwaaqada ah si xasilloon u daaqayay ilaa konton sac iyo malaha ilaa saddex boqol oo ido ah. Wax waliba qurux miidhan bay ahaayeen oo si wacan baa looga shaqeeyay wax ayna maskaxdu ka qaadanaysay hodantinnimo iyo sarrayn aad uga weyn wax walba oo khayaaligu i tusi lahaa. Wax uu ahaa Qasriga Weyn ee Mqhekezweni, caasimadda kumeelgaadhka ah ee Thembuland, guriga boqortooyada ee suldaan Jongintaba Dalinbyebo, suldaanka dadka Thembu.




 




Aniga oo weli taagan oo waxan oo qurux ah liqi kari la ayuu baabuur xiimayaa kadinka galbeed ka soo galay raggii geedka hoos fadhiyayna degdeg ayay u kaceen. Koofiyadaha ayay iska wada qaadeen oo kor u wada taageen iyaga oo ku dhawaaqaya “Bayete a-a-a, Jongintaba! (Jongintaba ha noolaado!), taas oo ahayd bariidada dadka Xhosa ee boqorradooda. Baabuurkii (oo aan beri dambe bartay gaadhigaa haybadda badan in la yidhaahdo V8) waxaa ka soo degay nin gaaban oo kuusan oo suudh bilic leh gashan oo aan isku kalsoonidiisa iyo madaxtaaggiisa ka garan karayay in uu yahay nin caadaystay in uu awood adeegsado. Magaciisa wuu ku bannaanaa waayo Jongintaba macnihiisa dhabta ahi waa “Kii buurta eegayay”, wax uuna ahaa nin leh haybad weyn oo ay indhaha oo dhami ku jeedeen. Wax uu lahaa midab madow iyo weji garasho ka muuqato, raggii geedka ka hoos kacay ayuuna isaga oo aan islurayn gacanqaaday, kuwaas oo aan dib ka ogaaday in ay ahaayeen Maxkamadda Sare ee dalka Thembu. Ninkaas ayaa ahaa taliyaha, isaga ayaana masuul iga noqon doona oo i korin doona tobanka sannadood ee soo socda.




 




Isla ilbidhiqsigaa aan arkay Jongintaba iyo qasrigiisa ayaan dareemay sidii aan ahay geed yar oo xididdada iyo laamahaba dhulka looga rujiyay oo lagu dhex tuuray duufaan aanu sinaba isaga caabbiyi karin. Waxa i gashay qaddarin aad u weyn iyo haddana jahawareer. Maanta ka hor weligay ka ma aan fekerin wax aan ahayn dantayda, mana aan yeelan hiyi ka sarreeya in aan dhergo iyo in aan ku adkaado dagaalka ciyaarta ah. Maskaxdayda ku ma jirin wax la yidhaahdo lacag, dabaqad, abaalmarin, ama awood. Mar qudha ayay duni cusubi isu kay furtay. Weligeedba carruurta guryaha saboolka ah ka timaaddaa haddii ay si degdeg ah nolol hodan ah u galaan waxaa jiita dhaldhalaalka badan ee nolosha. Aniguna taa ka ma aan duwanayn. Wax aan is arkay iyada oo wixii aan fikir haystay oo dhan iyo wixii aan ilaalin jiray oo dhami iga sii baxayaan. Seeskii aan awelba adkayn ee ay waalidkay wax iiga dul dhiseen durba wuu liicliicay. Ilbidhiqsigaa ayaan istusay suurtagalnimada in ay noloshu ii la diyaar tahay wax ka badan ciyaartii u tababarashada dagaalka.




 




Socdaalkii dheeraa ee gobannimada (3) . Xusuusqorka Nelson Mandela




(Long Walk to Freedom)  Turjumid: ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd




 




Gadaal ayaan ka ogaaday dhimashadii aabbahay ka dib boqor Jongintaba in uu isu xilqaamay korintayda. Wax uu ii la dhaqmi doonaa isla sida uu carruurtiisa u la dhaqmo, wax aanan heli doonaa wanaag walba oo ay helaan. Hooyaday wax ay taa ka tidhaahdaa ma jirin. Deeqsinnimada sidaas ah ee boqorka la ma diidi karo xitaa haddii ay i tebayso, raalli ayayna ka ahayd korinta wanaagsan ee aan boqorka ka helayo halkii ay iyadu i korin lahayd. Boqorku ma uu illaawin sababtii uu madaxnimada ku helay in aabbahay lahaa.




 




 




Hooyo maalin ama laba ayay na la sii joogtay Mqhekezweni dabadeed Qunu ayay ku noqotay. Isa sagootigayagu wax kacdoon nafsadeed ah ma lahayn. Wax waano iyo talooyin ah i ma ay siin, i mana dhunkan. Wax aan maleeyay in aanay doonayn marka ay iga tegayso in aan dareemo in ay i tuurtay sababtaas ayayna isu dejinaysay oo isu xilqaamaysay. Waan ogaa aabbahay in uu jeclaan lahaa in aan waxbarto oo dunida meel ka galo taas oo aanan ka heleen Qunu. Eegmadeeda jacaylku ku dhan yahay ayaa ahaa deeqsinnimada, naxariista iyo taageerada aan u baahnaa, kolkii ay dhaqaaqdayna inta ay igu soo jeesatay ayay tidhi: ”Uqinisufokotho kwedini - hooyo madaxa kor u qaad!” Carruurta sideedaba lagu ma yaqaan dareen nafsdadeed oo fog, gaar ahaan haddii ay ku shuqlan yihiin wax ku cusub oo xiiso leh. Markaa xitaa iyada oo hooyaday gacalisaday ahna saaxiibkaygii kowaad iga tegayso madaxayga waxaa ka buuxay raaxooyinka badan ee aan gurigan cusub ka helay. Maxaan madaxa kor ugu qaadayaa? Durba wax aan gashanaa dhar cusub oo qurux badan oo barbaariyahayga cusubi ii soo iibiyay.




 




Markiiba wax aan ku milmay nolol maalmeeddii Mqhekezweni. Ilmuhu degdeg buu nolosha u la qabsadaa, ama weligiiba la ma qabsado – aniguna Qasriga Weyn wax aan uga mid noqday sidii aan isaga ku koray. Wax ay ii ahayd sidii janno samada la iiga soo dejiyay, wax waliba aad ayay u wacnaayeen, hawl maalmeeddii Qunu xiisaha darrayd Mqhekezweni wax ay ii noqotay wax aan ku raaxaysto. Marka aanan dugsiga jirin beerta ayaan wax ka fali jiray, ama waddooyinka ayaan gaadiidka iyo iyo xoolaha ka la hagi jiray. Fardaha ayaan fuuli jiray, shimbiraha ayaanan shimbiralaaye ku layn jiray, oo wax aan raadsan jiray wiilal aan la feedhtamo, kolkolna cawayska ayaan hablaha reer Thembu heesahooda macaan iyo sacabkooda ku ciyaari jiray. In kasta oo aan tebay Qunu iyo hooyadayba haddana dunidaa cusub ayaa i wada liqday.




 




Wax aan galay dugsi fasal qudha ka kooban oo qasriga u dhow halkaas oo aan ka dhigtay ingiriisida, afka Xhosaha, taariikhda iyo juqraafiga. Ingiriisida wax aannu ka baran jirnay buugga waxbarashada Chamber, layliyadana wax aannu kaga shaqayn jirnay sabuurado yaryar. Macallimiintayada mudane Fadana iyo kolkii dambe Giqwa si gooni ah ayay aniga ii danayn jireen. Waxbarashada waan ku wanaagsanaa, wax ayna ahayd mintidnimadayda ee ma ahayn maskax badni. Nadaam wanaaggayga qofeed waxa sii xoojisay eeddo Phathiwe oo qasriga ku noolayd oo habeen walba layliyada iga kormeeri jirtay.




 




Mqhekezweni wax ay saldhig u ahayd Kiniisadda Methodist aad ayayna uga casrisanayd Qunu oo uga reer galbeedsanayd. Dadka halkani wax ay xidhan jireen dhar casri ah. Raggu wax ay gashan jireen suudh haweenkuna dhar asturan oo la mid ah ka borotestaanka diinta faafiya: googgarad weyn oo dheer, toob qoorta jooga, garbasaar weyn oo garbaha ka rogan iyo masar si qurxoon madaxa loogu duubo.




 




Haddii ay nolosha Mqhekezweni ku wareegaysay boqorka, anigana noloshayda yari wax ay ku wareegaysay labadiisa carruur ah: Justice, oo ahaa wiilkiisa qudha lehna dhaxaltooyada qasriga, iyo Nomafu oo iyaduna ahayd inanta boqorka. Iyaga ayaan la noolaa waxaana la ii la dhaqmi jiray isla sidooda oo aan in yarna ka duwanayn. Isku cunto ayaannu cuni jirnay, dhar isku mid ah ayaannu gashan jirnay, oo isku hawl ayaannuna qaban jirnay. Kol dambe waxaa nagu soo biiray Nxeko oo ahaa walaal ka weyn kan dhaxaltooyada leh oo la yidhaahdo Sabata. Afartayadaas ayaa u ekayn boqortooyo dhan. Boqorka iyo marwadiisa No.England wax ay ii barbaariyeen sida ilmahooda. Waa ay iga welweli jireen, waana ay i tilmaami jireen oo haddii aan gefo i edbin jireen, intaas oo dhanna wax ay igu la dhaqmi jireen kalgacal weyn iyo xaqsoor. Jongintaba waa uu adadkaa weligay se shaki iga ma gelin in uu i jecel yahay. Wax ay iigu yeedhi jireen naanaystayda ah Tatomkhulu, oo macnaheedu yahay awowe. Wax ay sheegi jireen kolka ay arrini aad iiga dhab tahay in aan u ekaado oday gaboobay.




 




Justice oo afar sano iga weynaa ayaa ii noqday halyeyga kowaad aabbahay ka dib isaga ayaanan wax walba kaga dayan jiray. Kolkii aan halkan imidba isagu wax uu ku jiray Clarkebury oo ahaa dugsi boodhin ah oo boqol kiiloomitir u jira Mqhekezweni. Wax uu ahaa wiil dheer, qurxoon oo jidhkiisu dhisan yahay aadna ugu wanaagsan isboortiga oroddada, cricket-ka, rugby-da iyo kubbaddacagta. Waxa uu ahaa nin mar kasta faraxsan oo horusocod ah, nin u dhashay jilaannimo oo dadka ku ashqaraariya heeso macaan kagana yaabiya kolka uu qaabciyaarayo. Sida caadiga ah dumar badan baa ka heli jiray – waxaa se jiray dad yar oo ku dhaliili jiray in uu yahay nin aan xishoon oo shabeelnaagood ah. Aniga iyo Justice in kasta oo aannu wax badan ku ka la duwanayn haddana wax aannu noqonnay saaxiibbo isku dheer. Isagu wax uu ahaa dadka waxqabadka leh halka aan anigu ahaa dadka hoos isugu mashquulsan; mar walba wuu faraxsanaa halka aan anigu sidii nin weyn u dhaqmi jiray. Isaga wax waliba waa u fududaayeen anigu se wax kasta dadaal baan gelin jiray. Wax aan u arkay wax wal oo ay tahay nin da’yari in uu ahaado in uu ahaa sidaas oo aan aad u jeclaan lahaa in aan noqdo.




 




Maalin walba guriga boqorka ayaan hawlo ka la duwan gucle ku galaabixi jiray, ta iigu xiiso badanina wax ay ahayd kaawiyadaynta suudhadhkiisa, taas oo ahayd shaqo aan aad ugu faanayay. Wax uu lahaa ilaa lix suudh oo jaadka reer galbeedka ah, saacado badan ayayna igu qaadan jirtay in aan saraawiishiisa si qurux badan u kaawidayeeyo.




 




Labada mabda ee noloshayda Mqhezweni xukumayay waxa ay ahaayeen boqortooyada iyo kiniisadda. Labada dhaqan ayaa ku wada jiray gaashaanbuur xaaraan ah, in kasta oo aanan berigaa sinaba u garanayn labadu in ay col isu ahaayeen. Masiixinnimadu aniga nadaam diineed ii ma ahayn wax aan se u arkayay awood diineed oo uu nin qudha ahi lee yahay: baadderi Matyolo. Qofnimadiisa xooggani wax ay tusaale buuxa u ahayd wax wal oo masiixiyadda lagu jeclaanayo. Sida boqorka ayuu caan u ahaa loona jeclaa, isla markaa xaqiiqada ah in uu isagu boqorka kaga sarreeyo arrimaha diinta la xidhiidhaa qaddarin weyn ayay ii gelisay. Laakiin kiniisaddu if iyo aakhiro isku si ayay uga shaqaynaysay, wax alla waxa ay madowga Koonfur Afrika horumar gaadheenna wax aan u arkay wax ku yimid dadaalka dadka diinta masiixiga u shaqeeya. Iskuullada kiniisadda ayay wax ku soo barteen dhammaan dadka xafiisyada ka shaqeeya, turjubaannada iyo bilayskuba, kuwaas oo berigaa matalayay nolosha sare ee ay ahayd dadka afrikaanka ahi in ay u halgamaan.




 




Baadderi Matyolo wax uu ahaa nin laf weyn oo da kontonaad ku jira, wax uuna lahaa cod qoto iyo xoog leh oo ku habboonaa in uu wax ku wacdiyo iyo in uu ku heesaba. Kolka uu wax ka wacdiyayo kiniisadda yar ee cidhifka galbeed kaga taalla Mqhekezweni qolku yar ee kiniisaddu had iyo goor wuu buux dhaafi jiray. Dhawaaqa ah ”Hosianna” ayaa isu bixi jiray iyaga oo dumarkuna hoostiisa jilbajooga oo ka tuugaya in uu u duceeyo. Kolkii aan Qasriga imid qisooyinkii ugu horreeyay ee aan maqlay wax ay ahayd baadderigu in uu dhulka ka eryay jin halis ahaa iyada oo hubka keliya ee uu adeegsaday ahaa Baybalka iyo toosh. Sheekadaasi in aanay maangal ahayn iyo in ay isburini ku jirto midnaba berigaa ma aan garan karayn. Tacaaliinta Mehtodist ee uu Matyolo wax ku wacdiyi jiray wax ay ku milnayd diin dhaqameeddii afrikaanka. Halkaa Eebbe wax uu ahaa mid xikmad badan oo awooddiisu buuxdo oo haddana aarguta oo cidda falxumooto ciqaab mariya.




 




Qunu intii aan joogay mar qudha ayaan weligay kiniisad tegay, waana markii masiixiyadda la iigu waqlalay. Xaggayga taasi wax ay iska ahayd arrin aan hooyaday darteed u sameeyay laakiin aan wax macne ah oo kale ii lahayn. Laakiin Mqhekezweni diintu wax ay ka mid ahayd dhaqan maalmeedka, Axad kastana boqorka iyo marwadiisa ayaan kiniisadda u raaci jiray. Boqorku qiimi weyn buu diinta siin jiray. Run ahaantii maalinta qudha ee uu si xanuun badan ii garaacay waa maalin Axad ahayd oo aan ka baaqday tegista kiniisadda aniga oo wiilasha tuulada noo dhow dagaal ugu maqnaa. Wax uu ahaa gef aanan dib u samayn.




 




Taasi ma ahayn ganaaxa qudha ee aan ka la kulmay gef aan baadderiga ka galay. Galab baan beerta baadderi Matyolo inta aan u dhuuntay xasiid ka soo goostay oo inta aan dubtay halkii ku cunay. Gabadh yar baa se i aragtay aniga oo galleydii cunaya markiibana baadderigii ayay u sheegtay halkan aan joogo. Warkiina degdeg buu u fiday oo xitaa wax uu gaadhay marwadii boqorka. Fiidkii – iyada oo sugaysa salaaddii maqrib oo ahayd cibaado maalinle ah – ayay dembigaa iga la hadashay, wax ayna igu canaanatay in aan cuntadii ka qaatay miskiin danyar ah oo diinta u adeegaya iyo in aan qoyska ceeb u soo jiiday. Wax ay ii sheegtay in ay hubto waxa xadka iga gudbiyay in uu yahay sheyddaan. Dabadeed wax aan dareemay baqdin iyo ceeb isku jira – wax aan ka baqay in xagga samada la iga ciqaabo wax aanan ka khajilay sida aan u jebiyay kalsoonida qoyskii i korinayay.




 




Boqorku qaddarinta uu guud ahaanba dadka ku lee yahay madowga iyo caddaankaba, iyo awoodda muuqata ee adag ee uu lee yahay darteed, boqortooyada wax aan u arkayay udubdhexaadka ay nolosha kale oo dhami ku wareegayso. Awoodda hawlaha boqorka iyo saamayntooda ayaa noloshayada Mqhekezweni oo dhan si walba u xukumaysay, iyada ayaana ahayd agabka ugu waxtarsan qof wal oo doonaya in uu helo awood iyo meeqaan.




 




Fikirkayga ku saabsan hoggaaminta markii dambe waxaa saamayn weyn ku yeeshay waxyaalihii aan ku arkay boqorka iyo hawlwadeenka qasrigiisa. Wax aan u fiirsaday oo wax ka bartay kulannadii tolka ee sida joogtada ah loogu qaban jiray qasriga. Kulannadaa marnaba la ma sii qorshayn jirin ee waxaa la isugu iman jiray uun hadba kolka ay danto keento. Kulannadaa waxaa lagaga doodi jiray dhibaatooyinka la wadaago sida abaarta, cudurrada faafa, soo xulista xoolaha la loogayo, tallaabooyinka siyaasadeed ee qaaddigu amro, ama xeerarka cusub ee dawladdu soo saarto. Qof wal oo qoomiyadda Thembu ahi xaq buu u lahaa in uu ka soo qaybgalo – dad aad u badan baana iman jiray, lug iyo farasba.




 




Markaas oo kale boqorka waxaa ku xeernaan jiray dadka boqortooyada u shaqeeya oo ka koobnaa lataliyayaal sarsare sida gole baarlammaan iyo guddi maxkamadeed. Wax ay ahaayeen rag garasho leh oo maskaxda ku wada haya aqoontii taariikhda iyo caadooyinka tolka hadalkoodana aad baa looga dambayn jiray.




 




Caaqilladaa iyo madaxdaa kaleba boqorka ayaa u diri jiray warqado uu kulanka ugu yeedhayo, in yar ka dibna Qasriga Weyn waxaa soo degi jiray dad badan oo marti iyo socoto ah oo ka yimid idil ahaan dalka Thembu. Martidaasi wax ay isugu soo ururi jireen guriga boqorka barxad ku hortaalla, wax uuna boqorku kulanka ku furi jiray mahadnaq uu u jeediyo dhammaan dadka ka soo qabygalay imaatinkooda, wax uuna u sheegi jiray sababta uu isugu yeedhay. Markaa ka dib juuq dambe ma uu odhan jirin ilaa shirku gabagabo ku dhowaado.




 




Qof walba oo in uu wax yidhaahdo u baahani wuu hadli jiray. Wax ay ahayd dimuqraaddiyad ta ugu wanaagsan. Waa laga yaabaa in ay jirtay kalasarrayn ka muuqata sida hadalka loogu ka la horreynayo, laakiin qof waliba xaq buu u lahaa tiisa in uu yidhaahdo: boqor iyo shicib, dagaalyahan iyo dhakhtar, dukaanle iyo beerato, hantiile iyo adeege. Dadku inta ay doonaan ayay hadli jireen iyada oo aan laga dhex gelin, kulankuna wax uu socon jiray saacado badan. Ismaamulka sidaas ah waxaa asaas u ahaa ragga oo dhami in ay xor u yihiin in ay aragtidooda sheegtaan iyo in la yahay muwaaddiniin siman. (Nasiibxumo haweenka waxaa loo arkayay muwaaddiniin dabaqadda labaad ah).




 




Maalinnimada waxaa la keeni jiray cunto aad u badan had iyo goorna caloosha ayaa igu xanuuni jirtay waxa aan cunto cunay iyo khudbadaha isdabajoogga ah. Waxa ii muuqatay dadka khudbadaynaya qaarkood in ay u hadlaan si ka la daadsan oo aad mooddo weligood in aanay ujeeddada ku biyadhacayn. Waxaa kale oo ii muuqatay qaar kale in ay si qumman u hadlaan, oo si xoog leh kuugu qanciyaan hadal urursan oo sababaysan. Waxaa ii muuqatay in ay jiraan dad hadalka u adeegsada dareen kicin iyo luqad xamaasadaysan si ay dhegaystaha u saameeyaan, iyo kuwo kale oo u hadla si deggan oo caqliyaysan iskana ilaaliya in ay dadka dhiigga dhaqaajiyaan.




 




Bilawgii waan la yaabay sida adag – aan waxba loo la hadhayn – ee ay dadka hadlayaa boqorka u dhaliilayaan. Ma ahayn nin ka sarreeya in la canaanan karo – taa iskaba daaye waxaa muuqatay in ay isaga tahay meesha dhaliisha badankeedu ku dhacaysaa. In kasta oo aan weerarku arxan lahayn haddana si wacan ayuu u dhegaysan jiray, isaga oo aan isdifaacin ama aan wax dareen ah muujin.




 




Sidaas ayay kulammadu u socon jireen ilaa la gaadho go’aan la isku raacsan yahay. In heshiis la gaadho iyo in aan shirku weligii dhammaan mid uun bay ahayd. In aan waxba lagu heshiin qudheedu wax ay ahayd heshiis, in arrinka dib loogu dhigo xilli iyo duruuf xal ku habboon. Dimuqraadiyaddu wax ay ahayd in ragga oo dhan la dhegaysto iyo in go’aanka dadka oo dhami yeeshaan. In ay aqlabiyaddu talisaa wax ay ahayd wax nagu cusub. Tirada badani marnaba ma ay muquunin karayn inta laga badan yahay. Boqorku wax uu mar kale hadli jiray oo qudha kolka shirku gunaanad yahay ee qorraxdu sii dhacayso. Ujeedkiisu markaa waa in uu soo koobo wixii la yidhi oo dhan iyo in uu isu soo ururiyo aragtiyhii ka la duwanaa. Haddii ay suurtoobi waydo in go’aan la isku raaco, kulan dambe ayaa la qaban jiray. Ugu dambayn kolka shirku gabagabo ku dhow yahay waxaa kici jiray heesaa iyo gabyaa soo bandhiga ammaanta boqorradii hore ama ammaan iyo xifaale ku jeeda madaxda meesha joogta halkaas oo dadka oo dhan, oo boqorku ugu horreeyaa, qosol ka wareegi jireen.




 




Intii aan anigu hoggaamiyaha noqday weligay waxa aan raaci jiray mabaadiidii hoggaamineed ee aan kolkii kowaad ku soo arkay Qasriga Weyn ee boqorka. Weligay wax aan isku dayi jiray in aan dhegaysto dhammaan dadka doodda ka qaybgelayaa waxa ay odhanayaan inta aanan tayda soo bandhigin. Taa darteed marar badan aragtidaydu wax ay noqon jirtay wixii meesha laga wada yidhi oo aan isu soo koobay. Goor walba wax aan isxusuusin jiray xaqiiqo muran la’aan ah oo ku saabsan hoggaaminta, taas oo aan markii kowaad boqorka ka maqlay. Wax uu yidhi: hoggaamiye waa xoolajire. Xoolaha wuu ka dambeeyaa oo kuwa ugu dheereeya ayuu u daayaa in ay hor yaacaan inta kalena waa ay daba yaacdaa iyada oo aan neef qudha ahi dareemin in dabada laga wado.




 




Mqhekezweni ayuu ku baraarugay xiisahayga ku saabsan taariikhda Afrika. Awal wax aan maqli jiray uun qisooyinka la xidhiidha halyeyadii reer Xhosa, laakiin Qasriga Weyn wax aan ku bartay halyeyada kale ee Afrika, ragga ay ka midka yihiin Sekhukhune oo boqor u wada ahaan jiray cidaha Bapedi, Moshoeshoe oo ahaa boqorkii Basotho, boqorkii Zulu ee Dingane iyo kuwo kale sida Bambatha, Hintsa iyo Makana, Montshiwa iyo Kgama. Waxaa ka sheekayn jiray boqorrada iyo lataliyayaashooda Qasriga Weyn u iman jiray in ay dadka is khilaafsan dhexdhexaadiyaan iyo in ay arrimo caddaaladeed ka garnaqaan. In kasta oo aanay ahayn qareenno [habka casriga ah] garta ayay isla eegi jireen dabadeed xukumi jireen.  Maalmaha qaar hawsha markiiba waa ay dhammayn jireen dabadeed inta ay wada fadhiistaan ayay taariikhaha ka sheekayn jireen. Agtooda ayaan fadhiisan jiray aniga oo aan juuq lahayn, waanan dhegaysan jiray. Wax ay ku hadli jireen lahjad aanan weligay hore u maqal. Hadalkoodu wax uu lahaa qaab diyaarsan iyo hab sare, wax ay u hadli jireen si deggan oo ka fiirsi leh, codadka afkayga u gaarka ahna wax ay u yeeli jireen dherer iyo xallad.




 




Bilawgii waa ay i eryi jireen iyaga oo odhan jireen waad yar tahay oo in aad dhegaysato ma aha. Muddo ka dib waa ay ii yeedhan jireen oo dab ama biyo ii diran jireen ama dumarku in ay shaah u keenaan ii fari jireen. Sidaa darteed bilihii hore oo dhan wax aan aad ugu shuqlanaa in aan iyaga wax u geegeeyo si aan isla markaa hadalkooda u la socdo. Qunyar qunyar ayay dabadeed u oggolaadeen in aan la joogo, markaas ayayna ii bilaabatay in aan maqlo iyada oo laga sheekaynayo geesiyadii Afrika ee la halgamay gumaysiga. Taas ayaa shidaal u noqotay fikirkayga ku saabsan dagaalyahannadii Afrika qiimigooda.




 




Boqorradaa matali jiray golaha guurtida tolalka ka ugu da weyn ee qisooyinkii hore ka sheekaya wax uu ahaa Zwelibhangile Joyi, oo ka dhashay bahda weyn ee boqor Ngubengcukas. Tatu Joyi gabow inta uu ka qabo liidadka madmadow ee haragga wejigiisu wax ay u soo laallaadeen sidii maro ka lulata. Qunyar ayuu taariikhda uga sheekayn jiray waxaana badanaa ka ka la goyn jiray qufac xoog leh oo marmar ku dirqiyi jiray in uu daqiiqado dhan aamuso. Joyi waxa uu ahaa qofka ugu awoodda badan haynta taariikhda reer Thembu inteeda badan sababta oo ah qudhiisa ayaa wax badan u soo joogay.




 




Haddaba boqor Joyi waxaa ka soo daadan jirtay taariikhda tobannaan iyo tobannaan sannadood marka uu ka sheekaynayo Impi, ama dagaalyahannadii ciidanka boqor Ngangelizwe markii ay la dirirayeen Ingiriiska. Kolka uu ka sheekaynayo goob dagaal, jab iyo guulba, jilitaan ayuu ku muujin jiray warankiisa ayuuna gani jiray. Waxa uu ka sheekayn jiray halyeynimadii boqor Ngangelizwe, deeqsinnimadiisii iyo debecsanidiisii.




 




Sheekooyinka boqor Joyi ku ma ay koobnayn tolka Thembu oo qudha. Markii kowaad ee aan dhegaystay isaga oo ka sheekaynaya dagaalyahan aan xitaa reer Xhosa ahayn sababta waan iswayddiiyay. Wax aan la mid ahaa sidii wiil yar oo caabuda ciyaaryahanka xiddigga ah ee kubbada cagta degmadiisa oo aan dan ka lahayn xiddigga aan isaga waxba la wadaagin ee xulka qaranka u ciyaara. Wax badani ka ma dambayn markii ay weynida taariikhda Afrika i gashay iyo halyeyadu wixii ay u soo halgameen, aniga oo aan qabiil u eegin. Boqor Joyi wax uu cadho ku la dhici jiray ninka cad oo uu u arkayay in uu si qorshaysan u ka la daadiyay tolka Xhosa oo laba walaalo ah ka la qaybiyay. Ninka cadi wax uu reer Thembu gashaday boqorkooda dhabta ahi in uu yahay boqoradda weyn ee cad ee badaha ka shishaysa oo ay iyadu u taliso. Laakiin boqoraddaa weyn ee cadi dadka madow u ma ay soo kordhin wax aan ahayn ayaandarro iyo wacadfur, haddii ay boqorad tahayna waa mid hoog iyo baas ah. Sheekooyinka dagaallada ee boqor Joyi iyo eedaha uu Ingiriiska u jeedinayay wax ay igu abuureen ciil ah in na la khatalay, iyo xaqaygii dabiiciga ahaa la iga fara maroojiyay.




 




Boqor Joyi wax uu yidhi dadka afrikaanku xaalad nabadeed ayay iskaga noolaayeen jeer ay “abelungu” ama dadka cadi badda dhankeeda kale ka soo degeen iyaga oo sita hubka dhaca. Waxaa jirtay, ayuu yidhi, mar ay dadka Thembu, Pondo, Xhosa iyo Zulu ahaayeen ilmo aabbe wada dhalay una wada noolaayeen sida walaalaha. Ninka cad baa ka la tuuray, ayuu yidhi, “abantu”, walaalnimadii tolalkaa. Ninka cadi dhul buu gaajo u la hamuumayay ninka madowina dhulka wax uu u la qaybsaday isla sidii uu hawda iyo biyaha u la qaybsaday. Dadku dhulka ma yeelan karo. Ninka cadi dhulka wax uu u qaatay sida ninku u qaato faras nin kale.




 




Weli markaa ma aan ogayn taariikhda dhabta ah ee dalkayagu in aanay ahayn ta lagu qoray buugaagta waxbarashada ee Ingiriiska ee ku dacwiyaysa Koonfur Afrika in ay dhalatay maalintii uu Jan van Riebeeck ka soo degay Qoorriga Yididdiilada Wacan (The Cape of Good Hope) sannadkii 1652. Boqor Joyi ayaa i garansiiyay taariikhda dadyowga Baantu in ay ka soo bilaabatay meel aad woqooyi u xigta, dhul leh harooyin banan iyo dooxooyin cagaaran dabadeed aannu kumanaan sano qunyar qunyar ugu soo siqnay koonfurta, ilaa aannu soo gaadhnay cidhifkan ugu koonfureeya qaaraddan weyn. Gadaal ayaan se ka ogaaday taariikhaynta boqor Joyi ee Afrika ku saabsani in aanay run wada ahayn, gaar ahaan wixii ka dambeeyay 1652.




 




Magaalada Mqhekezweni wax aan dareemay si la mid ah wiil miyi oo magaalo weyn yimid. Mqhekezweni aad bay uga ilbaxsanayd Qunu taas oo ay dadkeedu aad uga badowsanaayeen dadka Mqhekezweni. Boqorku wuu i la necbaa in aan booqdo Qunu waayo wax uu rumaysnaa in aan dad xun ka soo baranayo degmadayadaa. Mararkii aan tegay wax aan dareemay hooyaday in boqorku igu soo ballamiyay, waayo markiiba wax ay i wayddiin jirtay cidda aan la soo ciyaaray. Marar badan se boqorka ayaa hooyaday iyo walaalahay cid u diray oo Qasriga iigu keenay halkii aan anigu u tegi lahaa.




 




Bilawgii kolkii aan imid Mqhekezweni kuwa i la faca ahi wax ay ii arkayeen in aan ahay sacsac reer miyi ah oo aan sinaba u la qabsan karayn nolosha quruxda badan ee Qasriga taalla, aniguna sida nin yar lagu yaqaan wax walba wax aan u sameeyay in aan la qabsado oo si wacan u ilbaxo. Maalin bay kiniisadda ishaydu qabatay gabadh dhallinyar oo qurxoon taas oo noqotay mid ka mid ah hablaha baadderi Matyolo. Waxaa lagu magacaabi jiray Winnie, in ay debedda ii raacdo ayaanan u soo jeediyay waana ay iga yeeshay. Iyadu waa ay iga heshay, laakiin maMpondo oo ahayd walaasheeda weyn ayaa ii aragtay in aan ahay wax aan naf lahayn oo lunsan, wax ayna u sheegtay in aan ahay bahal dibjir ah oo aan u qalmin ina baadderi Matyolo. Si ay walaasheeda yar ugu caddayso in aan ahay qof badow ah ayay hadhimo igu soortay gurigooda. Ilaa markaa wax aan cuntada u cuni jiray sidii ay caadadayadu ahayd, mana aannu aqoon mindi iyo fargeeto. Kolkii aannu miiskii qadada ee qoyskooda hareeraha ka fadhiisannay tii sheyddaamadda ahayd wax ay ii soo taagtay saxan aan garbo yaryar oo digaag mooyee wax kale saarrayn. Garbahaa yaryar ee digaaggana hilibkoodu ma jilicsanayn ee wuu adkaa oo la ma goosan karayn.




 




Inta aan u fiirsaday sida ay dadka kale dhib yari mindiyaha iyo fargeetooyinka wax ugu cunayaan, ayaan aniguna kuwaygii qunyar soo qaatay, dadkii baan hoosta ka yara eegay dabadeed isku dayay in aan garbahaygii yaryraa ku goosto. Horta saxanka ayaan ku yara dhex riixriixay aniga oo rajaynaya bal in wax uun iskood uga soo go’aan. Intaa wax aan isku dayayaa in aan saxanka ku cadaadiyo si aan u goosto, laakiin dhan kale ayuun buu garabkii yaraa iiga siibtaa oo aan saxanka guntiisa mindada ku dhuftaa. Cabbaar baan dadaalkaa waday ilaa aan arkay inantii weynayd oo igu dhoollacaddaynaysa oo haddana walaasheed eegaysa iyada oo indhaha ka leh “maxaan ku lahaa”. Waan dagaallamay oo dagaallamay oo dhidid la qoyay, laakiin ma aan doonayn jabkayga in aan qirto, sidaa darteed iyada oo talo igu caddaatay ayaan garabkii yaraa faraha ku soo qaatay. Maalintaa hilib badan oo digaag ma aan cunin.




 




Ka dib inantii weynayd walaasheed wax ay ku tidhi “noloshaadii oo dhan waad tuurtay haddii aad wiil ambad ah jeclaato”, laakiin nasiib wanaag yartu dheg u ma ay jalaqsiin….