Hadalkan ayuu sheegay shalay gelinkii dambe xilli uu wariyeyaasha kula hadlayay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tegay Dalka Djibouti oo ay kulan ku yeesheen wufuud ka socda dhanka Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayay ayaa soo dhaweeyey qodobadii ka soo baxay Shirka Djibouti, waxaannu wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo arrinta ka hadlay si gaar ah farta ugu fiiqay in qodobka ugu muhiimsan war-murtiyeedka shirka laga soo saaray uu yahay qodobka ka hadlay in wajiga xigga kan ee wada-hadalada looga hadlo arrimaha Masiirka bulshooyinka khuseeya.
[caption id="attachment_91471" align="alignleft" width="300"]
Hoos ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xasan-dhegeyso.mp3"][/audio]
Hadalkan Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u muuqda mid dhabarka uu kaga toogtay Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnihii ay ku kulmeen dalka Djibouti oo markii ay Maanta ka soo dageen Magaalada Hargeysa wariyeyaasha u sheegay inay rejo wanaagsan ka qabaan in gooni-isutaaga Somaliland ka midho dhalo wada-xaajoodkan.
Weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo war kooban Warbaahinta ku siiyay madaarka Hargeysa, ayaa ku doodday in heshiiskii ka soo baxay shirka Djibouti wax badan ka bedelayo kala fogaanshiyihii u dhexeeyay labada dhan, madaxweyneyaashuna qalinka ku duugeen.
Hoos ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codadka-Madaxweynaha-iyo-Wasiirka-Arrimaha-Dibeda-JSL.mp3"][/audio]
Asxaabta Siyaasadda Somaliland ayaa shaki weyn ka muujinaya hadalada iskhilaafsan ee ka soo yeedhaya hogaamiyeyaasha labada dal ee Axadii ku keliyeysta Shirka saddex geesoodka ah ee uu marti geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com