Wafdigan oo ujeedada ay u imanayaan Boorama lagu tilmaamay mid salka ku haysa xiisada gobolka Awdal ka oogan ayaa waxa ilo wareedyo ka agdhawi ay sheegayaan inay Boorama dib ugu soo celinayaan dhalinyaro xidh-xidhan oo ay ku jiraan xildhibaano ka tirsan golaha degaanka ee degmada Boorama, kuwaas laga keeno doono xabsiga dhexe ee Mandheera oo dhawaan lagu xidhay.
Dhinaca kale Ilo wareedyada u dhuun daloola dhinaca xukuumada ayaa waxa ay sheegayaa in gabi ahaanba ciidamada RRU-da iyo SPU-da ah ee tiknikada wata ee ku sugan gudaha Boorama lagu amray inay ka baxaan magaalada Boorama isla markaana ku laabtaan xarumahoodii oo ku yaala Magaalada Hargaysa.
Ilowareedyadu waxa ay intan ku darayaan in talaabooyinkan ay xukuumadu dhinaceeda ka qaaday ay ugu talo galsan tahay inay ku qabojiso xiisada ka oogan gobolka, iyada oo mudada ay wasiiradani joogaan Boorama la filayo inay wada hadalo la yeeshaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ee ay taladu ka go’do.
Lama oga waxa ay xaqiiqdu ku dambaynayso, balse waxa laga war sugayaa waxa ka soo bixi doona imaatinka wafdiga wasiirada ah iyo kulamada ay Boorama ku qabsan doonaan
Gobanimonews