Sunday, December 21, 2014

wasaarada waxbarashada oo ganaftay warbixintiii gudida wakiilada

,Hadii anaga been nalaga sheegay waxa kalna waa wax aan sal iyo raadtoona lahayn.. masuuliyiinta wasaarada waxbarashada.
Hargaysa(GNA).Masuuliyiinta u Sareeya Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee somaliland Ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo ay ku qabatay Magaalada hargaysa,waxa ay Kaga jawaabeen Musuq-maasuqa Gudida Hantida iyo Daryeelka ee golaha wakiilada Wasaaradooda ku edeyeen.

wasiirka waxbarashada ayaa sheegtay in Gudidan Uga Fadhido In ay soo bandhigaan Musuq-maasuqa ay Baahiyeen,waxaana ay Cadaysay In aanay wasaaradeedu Lugu ku lahayn.
Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ayaa iyaguna Been ku tilmaamay Musuq Maasuqa lagu edeeyay.

wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan oo ugu Horayn Munaasibada ka hadashay ayaa sheegtay.

"Halkan waxaanu ku sheegaynaa Isuduwa kasta oo gobol Noo Jooga
Mushaharkiisa Marka uu qaato waxa u dheeraad ah 300 Oo dollar Todoba Gobola Shanta kale ee soo hadhayna waxaanu siinaa 200 oo dollar,qaarna gadiid ayaanu u iibinaa Aan ku jirin Miisaaniyada,Diyaarna waxaanu u nahay oonu Waliba Codsaynaa in Gudida Wax baadhay nootimaado Musuq-maasuqa ay sheegaysana Keento Ayaa laga rabaa.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada somaliland Samsam Cabdi Aadan oo hadalkeeda siiwadata ayaa waxa ay tidhi.

“Kalsooni Ayaanu Halkanku fadhinaa Dhamaan Wasaaradii waxbarashada oo dhan,Markaas Gudida Hantida qaranka waxaanu ka codsanaynaa Miis Saxaafaduna u dhantay Noogu yimadaan waxan ay soo bandhigeena Badka soo dhigaan,Dhamaan isuduwayaashi Halkan waakua Fadhiya Cid ay Arkeen Majirto Gudiduna waxa ay sheegtay in ay ku Dulman yihiin Gobolada ay joogaan Anaga wasaarada waxbarashao ahaana Waxaanu siinaa Kab Dhaqaale ay isku Kafayn Karaan Gawaadhi Ayaanu siinaa Lakiin Anagu Halkaanu iska lahayn Shahaado Sharaf Ayaa laydin Siinayaa Hadii Layidhi Musuq-maasuqa Ayaad Samayseen Cadayn Ayaanu Rabnaa.

Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Saree e somaliland Maxamed Cali Ibraahim ayaa isna Sheegay in Wasaarada waxbarashada somaliland ku Talaabsata Horumar Buuxa oo La taaban Karo,Musuq-maasuqa lagu edeeyayna Aanay Waxba Ka jirin.

“Lakiin Qaab Ayaa jira Loo baadho Hadii Musuq-maasuq Jiro,Lakiin Hadii ay Wax soo Helaan In ay Nasoo Maraan Maanay Ahayn,Xaq ayay u leeyihiin iyaga Ayaa umada Matala Xildhibaanadu,Waxaanu nahay Wasaarada Kaliya ee Shaqaalaheeda goboladu Xoog u shaqeeyaan,waxaanu siinaa Awood buuxa oo Ay ku madax Banaan yihiin Lakiin Musuq-maasuqa La sheegayo Anaga Maaha Ayaan u malaynayaa,wasaaradu iyo Shaqaalaheeda jooga Goob kasta way iska war hayaan waana ay isku xidhan yihiin,Mushaharka Shaqaalaha waxaanu bixinaa bisha Labaatankeeda Cid waxan sheegaysaa waxaan leeyahay Noo kaalaya.

Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta ee wasaarada Waxbarashada somaliland Fatxiya Ayaa soo bandhigta Mushaharka ay qataan isuduwayaashu Goboladu,Gunooyinka Ay siiyaan iyo Gadiidka ay u iibiyeen waxaana ay Been iyo waxaan La qaadan Karin ku tilmaamatay Musuq-maasuqa ay Gudida Hantida ee golaha wakiilada wasaaradooda ku edeyeen waxaana ay tidhi.

“Wasaarada waxbarashadu runtii waata Lacagta ugu Badan qaadata,Hadana waxaanu Siinaa Shaqaalaha wasaarada u shaqeeya ee kala jooga Gobolada dalka oo dhan,Lacagaha ugu badan waxaanu Ku Horumarinaa dhismayaasha Jaamacaddaha dalka Inta ugu badan weeyaan,waxa soo hadha oo dhan waxaanu ku wadnaa wasaarada wax cidi lunsan Karto iyo wax cidi Meel dhigan karto Maaha,Gobol Kasta waxaanu u dirnaa waaran Marka La Leeyahay Gobolada waxba masiiyaan yaan la iska Hadlin Ayaanu leenahay ee wax sax ah aya la keenaa.

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo hadalkeeda siiwadata ayaa waxa ay tidhi.

“Anagu Manihin Wasaaradaha Kharashka ka reeba isuduwayaasha Gobolada Jooga,waxaanu dhamaan Gobolada oo dhan u dirnaa Biyah,Laydhka,Xafladaha,Shidaalka,Markaas Cid Leh Waxba Masiisaan Maanu Aragno,wax kasta oo Mashruuc ah oo soo gala wasaarada waxbarashad waxbaanu ka siinaa Gobolada Dhamaantood,Lakiin waxaan qurux Badnayn Waxaan Run ahayn in laga siidaayo warbaahinta,Hadii ay Macaa Baahi ku soo arkaan Gobolada Dalka in ay Anaga Nasoo Maraan Ayaa waajib Ah.

Guddoomiyaha Gobolka Laas-caanood iyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ayaa iyaguna Beeniyay in ay Gudida is Arkeen waxaana ay shegeen in ay wasaarada waxbarashada Kaalin Laxaadleh ka qaadato Markasta Baahiya ka taagan Gobolada Somaliland oo dhan.

Si kastaba Ha Ahaatee Wasaarada waxbarashada somaliland Ayaa Maanta Sheegtay inaanay Musuq-maasuq Jirin guddoomiyayaasha Gobolada Siiyaan Markasta Lacagaha Mushaharkooda ah Iyo Lacago guno Ah, iyaga oo si xoogana u ganafay warbixintii gudida golaha wakiilada somaliland, ee ilaalinta hantida qaranka oo iyagu shalay ku daray liiska musuq maasuqa dalka ka jira.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com.office

Hargaysa/somaliland