Saturday, December 20, 2014
Siilaanyo iyo Xasan Sheikh oo u dhoofay Djibouti
Hargeysa(GNA)-Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Somaliland, ayaa maanta u dhoofay Waddanka Djibouti.
Labada hogaamiye ayaa ka kala dhoofay Hargeysa iyo Muqdisho, waxaanay ka wada qayb-gelayaan Shir lagu sii ambo qaadayo wadahadaladii u dhexeeyay labada dhinac oo Dalka Djibouti doorkan Marti-gelinayo.
Ma cadda Ajendaha qodobada looga hadlayo Shirkan oo ah wajigii saddexaad ee heer madaxweyne ay labada dal u kulmaan.
Somaliland oo sanadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay madaxbanaanideedii kala soo laabatay Dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, ayaa ku dooddaysa inaan gooni-isutaageedu gor-gortan geli Karin.
Geesta kale Dawladda Federaalka ah ee uu Madaxda ka yahay Xasan Sheikh, ayaa mowqif ahaan ku adkaysanaysa inay midnimada Soomaaliya ay tahay muqadas.
Lama oga in qodobkan lagu soo qaadi doono Shirkan madaxda labada dal ku kulmayaan oo ah kii ugu horeeyay ee lagu qabto Qaarada Afrika. Waxaanu shirkani kaga duwanyahay kuwii hore, waxa marti gelinaya mid ka mid ah Shantii gobol ee ay gumaysteyaashii Reer Yurub u kala qaybiyeen dhulka Soomaalida.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com