[caption id="attachment_93027" align="alignleft" width="300"]
Isagoo ka hadlayay maanta Munaasibad ka dhacday Magaalada Hargeysa , waxa Guddoomiye Biixi biyo-diid ka muujiyay, sida ay Xukuumaddu ugu heelantahay wada-hadalada u dhexeeya Soomaliya iyo hagar-daamooyinka iyo hanfarka uga imanaya hogaamiyeyaasha Dawladda Federaalka ah qadiyada Somaliland.
Waxaanu hadalkiisu daba socday dhaarintii Reysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu ku dooday Guddoomiyaha Kulmiye inuu ku dhaaranayay Dastuur aan waafaqsanayn xaqiiqada Soomaaliya ka jirta “Reysal-wasaaraha Soomaaliya wuxuu shalay ku dhaaranayay inuu Daacad u noqon doono Dalka iyo Dastuurka”. “ waxaan la yaabay Dastuurka uu ku dhaaranayo waxa ku qoran midnimada dalka soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland waa muqadas, waxaanse leeyahay isaga iyo Kaa dhaarinayayba waxay isu sheegayaan been”ayuu yidhi Muuse Biixi.
Muuse Biix oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ nimanka sidaas ina leh inagu waxaynu leenahay aynu wada hadalno oo aynu isu ogolaano inaynu nahay labada dal oo walaalo ah. Halkan wada hadal, wada-hadal ayaa la leeyahaye waxaan aaminsanahay in wada-hadal lala yeelano karo markay dalkooda hagaajistaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Haddaba, hadalka guddoomiye Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya xilli Xukuumaddu todobaadkan heshiis hor leh kula saxeexatay Dalka Djibouti, dawladda Federaalka ah, taasoo uu madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay guul siyaasadeed oo laga gaadhay shirka wadahadalada labada dal ee Stanbul ilaa Djibouti isaga guuray.
Waxaanay hadalada ka soo yeedhay labada Masuuliyiin ee Isku xisbiga ahi muujinayaan inaanay isku mowqif iyo isku mabda’ toona ahayn Xukuumadda uu hogaamiye Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com