Sunday, December 21, 2014

Suldaan Wabar iyo Maayirkii hore ee Boorama oo Far-yaro bidix ka baxay

Siyaasaddii Uur-tabashada, Soo degista Salaadiinta, Safarkii Saylici iyo sirta saamo-tumashada



Boorama(GNA)- Xubno ka mid ah Salaadiinta Gobolka Awdal, ayaa daboolka ka qaaday inaanay fikir ahaan iyo mabda’ ahaan toona ku raacsanayn qadiyada uu ka hadlay Suldaan Abubakar Wabar oo ka mid ahaa Golaha Dhaqanka ee Gobolka oo dhawaan ku dhawaaqay go’aan ku lidi ah gooni-isutaaga Somaliland.



Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Magaalada Boorama,  ayaa waxay salaadiintu ku caddeeyeen inay gef iyo go’aan Madhalays ah u arkaan Jabhadaynta uu Suldaan Wabar ku dhawaaqay, kuna maqanyahay, iyagoo dhinac kale iska taagay dhawaaqyadii ka soo yeedhay  aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta Gobolka ka soo jeedda oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, intii buuqa go’aanka  Suldaanka ka dhashay ka taagnaa gobolka.



Salaadiintan oo ay xubno ka ahaayeen, Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyo Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ah hormuudka dhaqanka Awdal, ayaa waxa hadalka ka soo yeedhay meesha ka saaray culayskii siyaasaddeed iyo walaacii dhanka nabad-gelyada ee laga cabsi qabay inay ku sii raagaan Gobolka, kaddib markii ay isugu markhaati fireen sheikh iyo shariifba dadka gobolku, jiritaanka arrinta tabashada beesha ee uu Suldaanka Fallaagoobay ka hadlay.



Haddaba, inkasta oo uu dejinta xiisaddansafar ugu tegay gobolka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Sayli, isla markaana ka sekow hadalka Madaxdhaqameedydan wali uu guux badan iyo dareen ka jiro gudaha Magaalada Boorama, hadana sida ay  wararka Wargeyska Yool helay ee ku saabsan xaalladan Gobolka sheegayaan,  go’aanka ka cusub ee Sulaadiinta ka soo baxay, ayaa ka dambeeyay kaddib markii ay ku guul-daraysteen inay soo qabtaan ama fariin nabad-gelyo iyo mid toobad celin ah ka keenaan Suldaanka Abubakar Wabar oo markii uu ka dhawaajiyay mowqifkiisa Somalilad-diidnimada Duurka galay, walina ku maqan.shidee



Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal,  quus kala soo laabteen raacdayntii Suldaan Wabar iyo Taageerayaashiisa jab-hadaynta miciinka biday, kaasoo  ay dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ka baadi-goobayeen Deegaamada lagu tuhunsanyahay inuu kula dhuumaalaysanayo kooxdiisa, gaar ahaan  deegaamada Galbeedka awdal ee xuduudka Itoobiya ku teedsan. Waxana la sheegay in Suldaanka laga soo waayay meelihii loo filayay.



Geesta kale, Maayirkii hore ee Degmada Boorama Cabdiraxmaan Shidde Bille oo isna bishii hore dhamaadkeedii magaalada Boorama lagu xidhay, kaddib markii Xukuumaddu ku eeddeysay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo nabad-gelyo daro ah oo aan si cad loo beyaamin, ayaa la sheegay inuu  ku biiray Siyaasiyiinta iyo ashkhaasta magaca iyo Maamuska ku leh Gobolka ee mabda’a Suldaan wabar ku falaagoobay.



Cabdiraxmaan Shidde Bille, Maayirkii hore ee Boorama, ayaa la sheegay in kaddib markii lix maalmood ka hor xoriyadiisa dib loogu soo celiyay, uu  laba farood dhexdooda ka baxay,loona malaynayaa inuu ku biiray Kooxda Suldaan Wabar ee la waayay jaan iyo cidhib meel ay ku dambeeyeen.



Warar kala duwan oo Wargeyska yool ka helay dad xogogaal ah  iyo siyaasiyiin dhamaantood ku sugan Magaalada  Boorama, ayaa tibaaxaya in  la tuhunsanyahay inay Suldaan Wabar iyo Maleeshiyadiisu u talaabeen oo ku suganyihiin meel ka baxsan Xadka Somaliland oo ah talowga Itoobiya, wallow dawladda Itoobiya todobaadkii hore war ka soo baxay iska fogaysay marti-gelinta koox lid ku ah nabad-gelyada Somaliland.



Si kastaba ha ahaatee wararka hoose ee laga helayo Magaalada Boorama waxay intaasi ku darayan in heer kulka ama xaasaasiyadda ka dhalatay go’aankii  Suldaan Wabar ee shaqaaqada huriyey aad u shiiqday labadan maalmood ee u dambeeyay, kaddib markii war iyo wacaal-ba laga waayay isagii dabka shiday, isla markaana Salaadiinta gobolka oo  markii hore arrinta ka gaabsadayna dhabar-jabin ku sameeyeen mowqifka adag ee uu qaatay, wakhti daayacii kolkii gor-gortan dhankiisa laga waayay.



Waxa kale oo warku intaasi ku darayaa inuu wali  Gobolka joogo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo la filayo inuu Maanta ilaa Berri ku soo laabto caasimada, si xilka ku-simaha Madaxweyneha eeo Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnihii kale ee Qasriga Maamuli jiray Safarka kaga maqan-yihiin.



Sidaasoo ay tahay, Saylici ayaa la sheegay in tegitaankiisii Boorama aanu saameyn badan ku yeellan dejinta xaaladii kacsanayd, isla markaana aan ku guulaysan daaweynta xumad-wareerka tabashada ka dhashay ee  mashaqada  ammaan-daro Gobolka ka hurisay, taasoo ay ilaa hada u xidh-xidhanyihiin 22  ruux oo ay ku jiraan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama.



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com