Saturday, August 31, 2013

SL:Musharaxa UCID oo Baarlamanka ku canaantay Sharci la’aanta Maalgashiga Caalamiga ah, Baaqna u diray Xukuumadda


 




Hargeysa (GNA)8-31-2013-Murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Jamaal Cali Xuseen ayaa Baarlamaanka Somaliland ku canaantay inay xaga danbe marsadeen Xeerkii Maalgashatadda Caalamiga ah u ogalaanlahaa inay dalka ganacsi ka abuuraan taaso sida uu sheegay hadii la helilahaa Xeerkaasi dhalinyarta iyo dalkuba shaqo abuur badan ka hirgalilahaa.




Md Jamaal Cali Xuseen ayaa mar uu ka  hadlaayay Xaflad ay todobaadkii hore qabteen ururka Wadaniga ah ee HAFAYOKO sheegay in loo baahan yahay in Xukuumadda Somaliland dabada ka riixdo soo bixitaanka Xeerka  Maalgashiga Caalamiga ah u ogolaanaaya inay dalka maalgashi ku samaysan karaan oo mudo aad u dheer golaha Wakiiladda horyaal.waxana uu sido kale sheegay in loo baahan yahay in si dhaqaalaha loo kordhiyo Xukuumaddu la timaado figrad fiican oo dhaqaalahu ku kordhi karo.




Murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Jamaal Cali Xuseen  oo arimahaasi ka hadlaayayna waxa uu yidhi“Shaqa abuuristu waata inoogu wanaagsan oo hadii aad eegto maanta waxa Tahriibta joojinka karaa waa dhaqaalaha oo la kordhiyo,waayo  dhaqaalaha la kordhinayaana waxa uu ku imankara waa in Figrad fiican uun lala yimaado sidii loo kordhinlahaa,waxa aan ku raacsanahay Wasiirka in dhaqaalahu uu ka iman karo dhaqaalaha madaxa banana ee aanu ka iman Karin uu ka dawliga ah,laakiin waxa looga baahan yahay inay Xukuuumaddu la timaado sidii uu ku hore marilahaa dhaqaalaha madaxabanaani inay la timaado weeyaan oo hawlo badan ayaa inoo yaala oo waxa loo baahan yahay in layska kaashaddo sidii dhaqaalaha loo kobcinlahaa iyado loo dhan yahay dhanka dawladda iyo qaybaha dhaqaalaha madaxa banaaniba”




Jamaal Cali Xuseen oo golaha Baarlamaanka ku dhaliiyay inay la seexdeen Xeerkii Maalgashadayaasha Caalamiga ah u ogolaanlahaa inay dalka ganacsi ka abuuraan waxa uu yidhi  “Si dhaqaale loo abuuro waxa loo baahan yahay in la sameeyo Sharciyadii ay ku imanlahaayeen Maalgashadayaasha Caalamiga ahi,waana mid aad u muhiim ah oo imika hadii aad eegto  dawladda oo kaliya maahe Barlamaanka laftiisa ayaa loo baahan yahay in uu doorkiisii Ciyaaro,sidii wadanka Shaqo abuuris loogu samaynlahaa oo mararka qaar waxa aad arkaysa in waxyaabo badani inaga dhiman yihiin”




Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu intaasi raaciyay“Xeerkii Maalgelintu waa inaga qabyo oo Baarlamaanka ayuu yaala oo dadkii Maalgashadayaasha Caalamiga ahaa marka ay doonayaan inay waxqabtaan waxa ay ku odhanayaan waxa aanu doonaynaa in aanu eegno Xeerkiina Maalgashiga,hadii Xeerkii Maalgalintu qabyo yahay waxa weeyaan sidee Shaqo abuuris loo samaynayaa oo waxa weeyaan mararka qaar inaga lafteenii ayaa lugta iskaga joogsanayna weeyaan oo aad moodo in aynaan u baahnayn in aynu hawlahii hore u wadno,taasina waa hawl baarlamaanka u taala,dawladdana waxa aan ka codsanayaa inay dabada ka riixaan si Xeerkaasi baarlamaanka yaala uu uga soo baxo”




 




Wariye Mr Hudle




Shabachudle@gmail.com




Gobonimonews@gmail.com/Head office/Hargeysa Somaliland

Guddoomiye Cirro oo Difaacday labadiisa Xil iyo Nuxurka qod


Hargeysa(GNA)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay inaan wax dood ahi ka taagnayn labada xil e uu isku hayo ee Gudoomiyaha Wakiiladda iyo Xisbiga Waddani.




 Gudoomiye Cirro oo Maanta  la hadlay BBC-da ayaa sidoo  kale  faah faahin ka b ixiyey xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiga Kulmiye ee muxaafidka ah,   waxaanu  sheegay in xisbigaasi iyo xukuumadiisa  ka dhaxayo xidhiidh wada shaqayneeda .




waxaanu yidhi   “arinta labada xil ee aan isku hayo maaha mid hada taagan oo waa laga wada war qabay, waxaana jirtay in xildhibaano ka mida golaha wakiiladu ay soo hadal qaadeen arinta la xidhiidha labada xi lee aan isku hayo balse waxaanu isla af garanay inaanay labada xi lee aan hayaa u oolin golaha balse golaha wakiiladu uu ka hadlo arimaha hor yaala wakhti xaadirkan, xisbiga Kulmiye iyo xukuumadana wax naga dhaxeeyaa ma jirto oo aan ahayn wada shaqayntayada” ayuu yidhi gudoomiyaha Cirro.




 




Sidoo kale guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland waxa uu carabka ku dhuftay in qodobada lagaga hadlay shirkii albaabadu u xidhnaayeen ee sadexdii maalmood ee u danbeeyey ka socday xarunta golaha lagaga hadlay sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa shaqooyin isla markaana looga hor tagi lahaa tahriibka waxaanu  yidhi “golaha wakiiladu waxa si aada uga dooday in shirkaduhu sameeyaan mashaariic shaqo abuur ah  si dhalinyarada uga fogaato tahriibka, xukuumada iyo shacbiguna  la dagaalamaan shabakadaha  dhalinyarada tahriibiya, mudanayaasha goluhuna waxa uu isla af gartay inuu shaqo abuurka is barbar taago”. Ayuu yidhi gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.




Warkan ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland Mudane Cirro, ayaa daba socda hadal hayn maalmahan laysla dhexmarayay oo sheegaysay in Mudaneyaal Golaha wakiiladda ka tirsan ,kana mid ah xisbiga kulmiye ku hawlanyihiin in Mooshin ka dhan  ah ay wadaan.




Mooshinkaasoo la filayay in lagu soo qaado kana dhex muuqdo natiijada kulamo saddex maalmood socday oo Goluhu albaabada isu xidhay, ayaa qodobada laga soo saaray waxa qaarkood laga dhadhsanyayaa in waxoogaa caddaadis ah la saaray Shir-guddoonka golaha, waxaana ku jira qodob odhanaya waa in la tayeeyo Maamulka Golaha.




Waana qodobka Tafsiirka u baahan ee ka soo baxay kulamadii xanqarsiga ku dhamaaday.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Somaliland oo Kumanaan qoys oo Baro-kacayaal ah Guryo u dhisaysa


Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Sanadkan gudihiisa Guryo u dhisayso in ku dhow laba Kun oo qoys oo ka mid ah Dadka Baro-kacayaasha ah ee ku kala nool Magaalooyinka Somaliland, kuwaasoo sidii hoy loogu dhisi lahaa ay ka caawinayaan Hay’ado Caalamiya iyo qaar ka mid ah Wadamada dhinaca horumarinta ka saacida.




800 oo ka mid ah Guryahan, ayaa laga dhisayaa Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Magaalada Burco 200, Laascaanood-na 200 Guri, halka 150 kalena loo dhisayo Bulshada Baro-kacayaasha ah ee ku dhaqanka Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.




Sidaasina waxa sheegay Wasiirka Dib u dejinta Axmed Cabdi Casood oo maanta khudbad ka jeediyay Aqalka Mudaneyaasha Golaha wakiiladda oo u fadhiyay ansixinta Xubno ka mid ah golaha wasiirrada ee cusub, waxaanu yidhi “ wasaaraddu hawlaha ugu badan ee ay hada gacanta ku haysaa waxa weeye dib u dejinta,qaxoontiyada iyo joojinta tahriibta, waxaanu sanadkan g dhisaynaa 800 oo Guri oo loogu talo-galay Barakacayaasha Hargeysa, 200 oo kuwa Burco loo dhisayo, 200 oo Laascaanood laga dhisayo iyo 150 Boorama ah, waxaanan rajeynayaa hadii aanu dhul u helno dad kale oo baro-kacayaal  oo waddanka degen inaanu intan in ka badan oo kale dhisno”.




Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya  wakhti Kumanaan  qoys oo ku baro  kacay gudaha dalku u baahanyihiin Daryeel nololeed oo Hoygu ugu horeeyo iyo in loo sameeyo goobaha adeega Bulshada, sida xarumo Caafimaad, waxbarasho, biyo nadiif ah, Garoomo dhalinayaradu ku ciyaarto, saldhigyo Bilays iyo goobaha kale ee aasaasig ah.




Waxaanay barokacayaashaasi badankoodu ku degenyihiin Kamam ku yaala Magaalooyinka waaweyn , sida Caasimada Hargeysa oo ay ku nool yihiin Xaafado cusub oo dhawaan la dejiyey oo  aan lahayn dhamaan adeegyadan aasaasiga ah.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Xildh. Indho-indho: Puntland iyo Khaatumo ma soo weerari karaan Somaliland oo iyagiibaa Xabad isku haysta ee yeynaan mideyn”.






Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Cabdiqaadir indho-indho oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida ee ka soo jeeda Gobolka Sool , ayaa meesha ka saaray suurto-galnimada Weerar Maamuladda Puntland iyo Khaatumo si wada jir ah ugu soo qaadaan Somaliland.




Hadalka Xildhibaanka ayaa ka dambeeyay Warar laysla dhexmarayay, Warbaahinta Somaliland-na si weyn u qaadaa dhigaysay Maanta ilaa shalay oo sheegaya inay labada dhinaca Magaalada taleex ee Gobolka Sool ku diyaarinayaan Dagaal ka dhan ah Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool.




Xildhibaan indho-indho ayaa sheegaya in Maamulka Puntland iyo Khaatumo isku haystaan Raashin Mucaawimo ah oo dhawaan laga soo dejiyay Dekedda Berbera, ka dib markii laga celiyay Xeebta Boosaaso oo la doonayay in looga soo dejiyo deegaamo ka tirsan Puntland iyo Somaliland oo Bisha Cas ee Turkigu soo dirtay, balse xildhibaanku sheegay in dano siyaasadeed laga lahaa.




“Puntland iyo Khaatumo waxay isku haystaan Raashinkii Dekedda Berbera laga soo dejiyay ee Madaxweyne ku-xigeenku Taleex u diray, raashinkaasoo anigu aan u arko a mid siyaasad laga leeyahay, waxa la geeyay Taleex, dabadeed kiibay isku haystaan, yaynaan inagu mideyn dad iyagu isheysta “ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku “waayo waxaan sidaa u leeyahay weerar ay inagu soo qaadaan iska daaye iyagaa isdilaya oo Khaatumona Boocame fadhidaa, Puntland Taleex, markaa iyagu markay soo kala adkaadaan ayaynu inagu la ciyaari doonaaye, iminka iyagiibaaba is-dilaya, markaa anigu uma arko in la yidhaahdo weerarbay nagu soo qaadayaan”ayuu yidhi.




Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shirre ayaa maalintii shanaad ku sugan Magaalada Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool, waxaana kulamo uu halkaasi ka wato ka dhashay dareemo dhinaca Somaliland ah oo si weyn looga hadal hayo Gobolka Sool iyo deegaamada kale ee dalka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Aqoonbaa Talisoo Ardaa-ardaagii Laga Gudub!


Hargeysa(GNA)31,Aug.-Tan iyo maalintii lagu dhawaaqay Somaliland wuxuu Qarankani ku tallaabsanayay maalinba talaabo horumarineed oo ay ku tallaabsanayeen hadba masuuliyiinta xilka Qaranka Haysaa.waxaa xusid mudan in maanta Qaranka Somaliland uu marayo meel lagu faano oo uu Qarankani gaadhay.




Maanta waxaa ka mid  ah hay,addaha tallaabo lagu diirsao hogaankoodu qaaday Baanka Somaliland oo gutay waajibaadkii Qaran ee uu ummadda uga masuulka ahaa,waxaana uu maanta ku talaabsaday guushii ugu waynayd ee uu gaadho waligii,waxaa maanta shilink Somaliland lagu qaataa oo uu ka hirgalay deegaanadda bariga fog ee Somaliland waxaanay tallaabadaasi ku timi dedaalka iyo hawl karninada Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo ah Aqoonyahan Banker waayo arag ah oo ka soo shaqeeyay baanan caalami ah isla markaana ka gaadhay derajada ugu sarraysa ee ah gudoomiye baan,wuxuu gaadhsiiyay deegaanadda Bari ee dalka waxaanay maanta ka socotaa shilinka Somaliland  magaalooyinka Dhahar,Badhan, Laas-qoray iyo dhamaan deegaamadda goboladda Sanaag iyo Badhan,iyo Sool waana tallaabo horumarineed oo uu ku tallaabsaday Gudoomiye Cabdi Dirir Cabdi oo horsed u noqday in shiinka Somaliland uu gaadho dhamaan goboladda dalka gaar ahaan deegaamadda bariga fog ee Somaliland.




Waa markii ugu horaysay ee shilinka Somaliland laga hir galiyo laguna qaato magaalooyinka Badhan,Dhahar iyo Laas-qoray waxaanay ku gaadhay maamuka Cabdi Dirir Cabdi ee hogaanka u haya Baanka Somaliland,tan iyo maalintuu xilka Baanka la wareegay ee gudoomiyaha Baanka loo magacaabayna wuxuu ku talaabsaday.




1.Illaalinka qiimaha shilinka Somaliland iyo xakamaynta sicir bararka.




2.bedelaadda lacagtii giimbaarta ahayd ee magaaladda Burco oo ragaadisay ganacsiga dalka gaar ahaan ganacsiga magaaladda Burco.




3.gaadhsiinta shilinka Somaliland ee goboladda Bari sida Dhahar,Badhan,Laas-qoray iyo deegaamadda hoos taga.




4. ka hor tagga iyo la dagaalanka in ay dalka soo gasho nooc kastaba ha ahaatee  in aan dadka lagu dhicin ee laga ilaaliyo.




5.qorshaha ilaalinta dhaqaalaha dalka oo aan marnaba hoos u dhicin taasoo uu masuuliyadeeda leeyahay gudoomiyaha Baanka Somalilad Cabdi Dirir Cabdi oo aqoonteeda leh.




5.qiimaynta iyo xaqiiqo raadinta xilligan uu baanku ugu jiro sidii loo dabar goyn lahaa hadhaaga lacag soomaaliga wali laga qaato deegaano ka mid ah baeriga Somaliland oo ay ugu horrayso gobolka Sanaag taasoo uu gudoomiye Cabdi Dirir u diray xubno khuburo ah oo daraasad ku soo sameeya sidii hawshaa loo gali lahaa lacag Soomaaliga hadhaaga ahna loo dabar jari lahaa.




Haddaba waxay ahayd in lagu ammaano wax qabadka muuqda ee uu qabtay Cabdi Dirir Cabdi ee uu ku tallaabsaday Baanka Somaliland intii uu mayalka u hayay,waxaase la yaab noqotay in maalhanba ay saxaafadda qaarkeed ku soo baxayeen qoraallo lagu dhaliilayo Gudoomiye Dirir kuwaas oo u muuqda in ay ka dambeeyaan shaqsiyaad isku abaabulay hab qabiil oo ka xun  wax qabadka gudoomiyaha Baanka Somaliland,waxaana marag ma doon ah in ay  shaqsiyaadkaasi yihiin xubno aan arkayn wax qabadka wanaagsan ee uu ku tallaabsaday gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi,waxaana taasi ay bulshada Somaliland tusaysaa in ay wali jiraan shaqsiyaad aan ka korin Qabyaalad iyo Ardaa-ardaa oo haddii aanu masuulku qoladooda ahayn wax qabad kasta oo wanaagsan oo uu ku tallaabsado u arkaya xumaan isla markaana ku cambaaraynaya tallaabo kasta oo uu dhanka wanaagga u qaado.




Haddaba shaqsiyaadka sidaas ah waxaa haboon in ay ka waantoobaan wax ka sheega masuul Qaran oo xilkiisii gutay isla markaana mudnaa in loo hambalyeeyo,waxaanad Mooddaa in ay jiraan koox isku xidhan oo loo qaadan karo in ay ku jiraan qaar ka mid ah shaqaalaha Baanka oo ay hayb isku raaceen duulaan qabiil-na ku hayaan Gudoomiyaha Baanka Somaliland, laakiin waxay halmaansan yihiin in uu masuulkaasi yahay nin ka soo baxay xilkiisii oo ay ummaddu marag uga tahay .




Waxaa maanta la wada ogsoon yahay halka uu marayo sarifkii Dolarku oo uu gaadhay 6300 halka Dolar oo aanu gaadhin muddo tobanaan sano ah waana dedaalka iyo hawl karnimadda gudoomiyaha Baanka Somaliland oo hadh iyo habeenba heegan ugu jira ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland iyo la dagaalanka sicir bararka oo aynu ognahay hadduu sare u koco sida uu saamaynta ugu yeelanayo nolosha dadka iyo dalka.




Haddaba waa yaab e xubnahan habka qabiil isku bahaystay ee wax ka qorayay Gudoomiye Cabdi Dirir Cabdi ma waxay doonayaan  ma waxay ka cadhoodeen la dagaalanka sicir bararka iyo ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland.




Waa yaabe ma waxay ku macaashi lahaayeen sicir ararka oo ay u dudayaan isla markaana waxay diidan yihiin in la ilaaliyo dadka Somaliland hantidooda oo waxay doonayaan in ay dhacaan oo ay sarrif barar ku macaashaan.




Hadday sidaa tahay arrintoodu waxaa habboon in ay ogaadaan in aanay taasi u hir galayn oo Qaranka Somaliland Xukuumaddiisu u taagan tahay ilaalinta shacabkeeda Baanka Somaliland-na uga masuul yahay ilaalinta qiimaha lagata Dalka iyo dhawrista hantida dadka in aan faalso iyo sicir barar midna lagu dhicin waana hawsha Gudoomiyaha Baanka Somaliland  Cabdi Dirir Cabdi.




Waxaa haddaba  la gudboon kooxdaa habka qabiil isku bahaysatay ee wax ka qoraysa masuul gutay waajibaadkii Qaran ee loo igmaday




Maanta aqoonbaa   Talisoo Ardaa-ardaagii laga gudub ee dadkiina dhinac a raaca kana kora hebel xil Qaran gudanaya wax ka sheega beelaysan.




 




 

SL:Raxan Wasiirro ah oo loo Ansixiyay Xilalka loo magacaabay iyo Cukuse oo Cadeeyay Doorkiisa Maamul ee Telefishanka Qaranka


Hargeysa(GNA)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Ansixiyay xubno ka mid ah Wasiirro uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Magacaabay.




Wasiirrada Arrimaha Dibada, Warfaafinta iyo Dhaqanka, Dib u dejinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xidhiidhka Golaayasha, Wasiir u dawlada Madaxtooyada, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Maal-gashig, Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Qaranka iyo Wasiir ku-xigeenka Gaashaan-dhiga, ayaa Maanta Golaha horyimi si loogu ansixiyo Xilalka cusub ee loo magacaabay.




Wasiirradan oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, Dib u dejinta Axmed Cabdi Casood, iyo xubnaha wasiir ku xigeenadda ah ee kor ku xusan, ayaa ka hor intaanay mudaneyaashu cod u qaadin Golaha ka horjeediyay Khudbaddo koob-kooban oo ay ka waramayaan waxyaabaha u qorsheysan iyo waxay ilaa hada qabteen, muddadii ay wasaaradaha loo magcaabay joogeen.




Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, oo halkaasi hadal ka jeediyay, ayaa Mudaneyaasha u sheegay in uu doonayo in kor loo qaado Hanaanka ay ku socdaan Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya oo ku dooday in Miisaankooda kor loo qaadayo, lagana soo qayb-geliyo Mujtamaca Caalamka ee arrimaha Somaliland daneeya.




Sidoo Kale Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo mudaneyaasha hadal ka hor-jeediyay, ayaa sheegay inuu Maamulo dhamaan waaxyaha Wasaradda, sida Telefishanka Qaranka, Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan, Wakaalada Wararka ee Dawlada, qaybta Online-ka wasaaradda, kuwaasoo dhamaantood hoos yimaada Waaxda Warfaafinta, halka uu dhinaca kale tilmaamay in Waaxda Dhaqanka oo fanka iyo Fanaaniintu ku jiraana wasaarada ka tirsanyihiin.




“Telefishanka Qaranka Somaliland anigaa Maamula,waxaanu ka mid yahay Hay’adaha Warbaahinta Qaranku leeyahay, waxaanan doonayaa in mudada aamn xilka hayo Walaaleeyo oo meel isugu keeno Warbaahinta Dawlada iyo ta Madaxbanaan, anigoo ah Wasiirka qudha ee Fahansan shaqada uu hayo ee loo magacaabay”ayuu yidhi.




Dhamaantood Warbixinta goluhu ka dhegeystay ayaa cod aqlabiyad ah lagu Ansixiyay ,waxaana fadhiga golaha ku sugnaa 50 Mudane, kuwaasoo tiro isku dhadhow ku ansixiyay Wasiirradan.




Halkan Guji siday Codayntu dhacday:




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

SL:Golaha Wakiiladda oo Shaaciyay Natiijo laga sugayay Kulamo Albabaadu xidhnaayeen oo ay todobaadkii hore yeesheen


Hargeysa(GNA)-Golaha Wakiiladda ayaa Maanta Warsaxaafadeed ka soo saaray kulamo Al-baabadu u xidhnaayeen oo muddo saddex maalmood ah u socday todobaadkii hore.




Warsaxaafadeedkan oo ka kooban 8 qodob oo ka mid ah waxyaabihii Kulamadaasi lagaga wada hadlay,ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee Goluhu ku sheegay wax aka mid ah in Mudaneyaashu isku raaceen in la xisaabtan dhab ah xukuumadda lagu sameeyo, lana tayeeyo Maamulka Golaha.




Nuqul ka mid ah Qoraalka Mudaneyaasha Golaha wakiiladda oo Gobanimonews heshay, ayaa sidoo kale lagu xusay baaqyo goluhu ka soo saaray Shaqaaqadii ka dhacday Deegaanka Gowso-weyne, Shaqo la’aanta, Tahriibta iyo qodobo kale oo muhiim ah.




Waxaanu Warsaxaafadeedkani u dhignaa sidan:- Golaha Wakiilada JSL




 




WAR SAXAAFADEED




Golaha Wakiilada JSL oo ah Golaha sharci dejinta 1aad, ahna golihii ugu horeeyey ee shacbigu soo doortay waxa uu yeeshay saddex fadhi oo xidhan maalimihii Axadda , Isniinta iyo salaasada ee ku taariikheysnaa  25 ilaa 27 August 2013.




 Fadhiga xidhan  ee mudanayaasha dodo dhaadheer  ka yeesheen




 Xaalada Guud ee amni iyo nabadgelyo ee Jamhuuriyadda Somaliland .




Waxay u jeediyeen baaq nabad gelyo beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex  martay degmeda oog, waxay tacsi u direen dadkii ku geeriyooday  , kuwii dhaawacmayna waxay eebbe uga baryeen inuu caafimaad degdeg ah siiyo.




Waxay kale oo ay shacbiga  Somaliland  ugu baaqeen inay ilaashadeen nabadgelyada, wada noolaashada iyo wadajirka geesna uga soo wada jeestaan cadawga Somaliland.




 




Arrimaha dhallinyarada , shaqo la,aanta iyo tahriibta.




Waxa goluhu ugu baaqay dhallinyarada Somaliland inay dalkooda hooyo aaminaan




Waxa Goluhu ugu baaqay xukuumadda , shirkadaha  iyo  ganacsatada waaweyna Inay sameeyaan mashaariic shaqo loogu abuurayo dhallinyarada




Waxa Goluhu u soo jeediyey xukuumadda iyo shacbiba si adag loola dhagaalamo shabakadaha dembiilayaasha  ah eek u foogan ama ku hawlan tahriibinta dhallinyarada




Waxa Goluhu isla qaatay inay qayb muhiim ah ka noqdaan wacyi gelinta dhallinyarada ee tahriibta.




 




Maadaama sidaan ka war qabno khasaare badan oo naf iyo malaba lihi ka dhasho dooxyada xili roobaad kasta  gaar ahaan dooxyada kuwa u dhaxeeya Hargeysa iyo Berebera, waxa goluhu ugu baaqay deeq bixiyayaasha iyo xukuumadda in loo qorsheeyo dhismo biirjyo (bridges).




 




Waxa Goluhu xukuumadda u soo jeediyey iyada oo fulinaysa ku dhaqanka dastuurka ay Golaha Wakiilada  u soo gudbiso heshiiyada ay gasho.




 




Isaga oo fulinaya wajibkiisa dastuuriga ah, waxa Goluhu soo jeediyey in la xoojiyo dab galka Xukuumada.




 




Maciishada iyo sicir bararka.




Iyada oo heerka shaqo la,aanta shacbiga Somaliland aad u sareeyo, sanadihii ugu dambeeyeyna macashiidu kor u kacaysay sicir barar joogta ahina jiray, waxa Goluhu baaqa u jeediyey xukuumadda JSL inay qaado talaabooyin lagu xakameynayo sicir bararka iyo ascaarta ama qiimaha badeecadaha




Sidoo kalena waxay ganacsatada JSL u soo jeediyeen inay u naxariistaan shacbiga Somaliland ee danyarta ah  ee maciishadu ku sii adkaaneyso.




 




Waxa kale oo mudanyaashu dood adag ka yeesheen




 Wanaajinta iyo tayeynta maamulka Golaha.




 




Xoojinta  Xil gudashada mudanyaasha   iyo ilaalinta saacadaha shaqada




Dardar gelinta shaqada guddi hoosaayadda Golaha




Dhamaystirka shuruucda qabyada ah ee Golaha taal




 




Mudanyaasha Goluhu waxay u soo jeediyeen ciidaanmka amaanka iyo hey,adda dawladda inay dhawraan dhawrsanaanta  iyo maamuuska dastuurku siiyey mudanyaasha baarlamaanka JSL .




 




 




 




Allaa Mahad Leh




 




Hargeysa, 31st August.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email:editor@gobanimonews.com




 




 




 




 




 

Foosiya Yuusuf:Dawlada shiinaha waxaanu ku Heshiinay inay dib u dhis ku sameeyaan jidka isku Xidha Burco ilaa Muqdisho”.


[caption id="attachment_29526" align="alignleft" width="275"] Foosiya Y. Aadan: Kenya waxaanu u haynaa Abaal weyn ee yaan nalaga dhex Faa’idaysan”.[/caption]Muqdisho(GNA)-Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliya Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam, ayaa sheegtay inay dowladda China la soo saxiixatay heshiis dhinacyo badan taabanaya , kaasoo ay qeyb yihiin dib u dhiska wadada xidhiidhisa Magaalooyinka Burco, Gaalkacyo iyo Muqdisho, garoonka weyn ee Stadiom Muqdisho,Isbitaalka Banaadir, Tiyaatarka iyo goobo kale.




Sidan waxay sheegtay ka dib markii ay Maanta ka soo laabatay Safar muddo ka badan hal todobaad oo ay ku joogtay wadanka China iyada iyo wafdi ay hogaamineysay oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mahdi Maxamuud Cali iyo Wasiir kuxigeenka howlaha guud ,dib u dhiska ,gaadiidka badda,dekedaha iyo tamarta Nadiifa Maxamed Cismaan.




Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan, oo Shir jaraa’id ku qabatay Madaarka Diyaaradaha ee Aden Abdulle ee Muqdisho oo lagu soo dhaweeyay, ayaa sidoo kale sheegtay inay dawlado badan oo ay dad Somali ahi ku xidh-xidhanyihiin kala hadashay sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda dadka somalida  ah.




“Wasaaradeydu waxa ay ku howlan tahay, kalana hadashay dowlaha ay ku xiran yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed , sida Maldives , Seychelles , Kenya , Ethiopia, Yemen , Libya ,India iyo wadamo kale ,si loo siiyo xuquuqdooda sharci , lana suura-geliyo siideysmadooda, waxaa naga go’aan ah ilaalinta sumcadda iyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ee dibadda ku nool”ayay tidhi Marwo Foosiya.




Dowladaha Soomaaliya iyo China ayaa waxa ka dhaxeeya xidhiidh soo jireen ah oo soo taxnaa muddo 1000 sano ah , iyadoo Soomaaliya ay uga horeysay wadamada bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la sameeya China ,iyadoo la xasuusan yahay in Soomaaliya ay u ololeysay ,una codeysay China si ay u hesho xubinimada joogtada ee golaha amniga .

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda  somaliya intii ay ku sugnayd waddanka Shiinaha waxay halkaasi kula kulantay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare kuxigeenka China Wang Yang , Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi, madax ka socoto dawlada Qadar oo booqasho dalkaasi ku joogay  iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe ee Shiinaha.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com






 

SLN: Garsoorayaasha Maxkamadduhu Khatarbay kala kulmaan Kiisaska Argagixisadda iyo Budhcad-badeeda, waxaanay u Baahanyihiin Askar Ilaalisa"


Hargeysa(GNA)-Kaaliyaha sare ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Gobolka Marood-jeex Xasan Aadan ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya arimaha Garsoorka, gaar ahaan dacwad oogayaasha Xeer-ilaalintu khatar amni kala kulmaan hawshooda, taasoo kaga timaada Kiisaska Xaasaasiga ah ee ay gacanta ku hayaan.




Xasan Aadan, ayaa intaasi ku daray in baylahda amni ee haysata ka sekow, aanay haysan waxyaabo badan oo daruuri u ah fulinta shaqada Garsoorka iyo adeegyada Cadaaladda.




“Xafiiska xeer ilaaliyaha gobolku shaqada uu ummada u qabtaa waa mid ballaadhan. Runtii waxaan odhan karaa waa shaqada ugu xasaasisan ee qof bani-aadam ahi ka shaqayn karo. Mararka qaarkood xeer ilaaliyaha kiiska aanu u dhiibnay isaga dhibaato ayaa ka hortimaada, isaga laftigiisa ayay dhibaato ku tahay. Xeer ilaaliyihii kiiska loo igmaday ciidan ilaaliya ma laha, argagixiso ayaa loo keenayaa, halis ayuu ku gelayaa. Argagixisadii uu galay hadhow sida uu kaga lug baxayaa? isagu waa kaligii, cid ilaalinaysa iyo cid ay dawladdu ugu talo gashay ma jirto. Ma jirto gaadiid ay dawladdu ugu talo gashay oo ay ku rawaxaan shaqaaluhu. Dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi Karin weeye dhibaatooyinka uu xafiiskani ku qabo shaqada uu hayo.”




Kaaliye Sare Xasan Aadan waxa kale oo uu intaa ku daray “kiisaska ugu badan ee wakhtiyadan danbe dalka ka dhacaa waa kufsiga, waxa aynu ka tagnay caqiidadii,Diinteenii, dhaqankeenii iyo hidihii wanaagsanaa ee ay soo mareen awoowayaasheen.”




Xasan Aadan waxa kale oo uu yidhi “Xeer illaaliyaha iyo garsooruhu  iyagaa ka musuul ah kiiska ama dacwadaha ay qaadayaan waa shaqadoodii oo iyagaa laga rabaa markaa hadii uu kiiskaa wax madmadow ahi ka soo baxo waa uu  joojinayaa  garsoorahu oo waxa uu uu odhanayaa xeer ilaalintay waad ku fashilantay dacwadaa, kiiskaasi hadii uu sax noqdana sidaas ayaa lagu qaadayaa”. “Sideedaba bahada cadaaladdu iyagay dawladu u dhiibatay oo ay wakiil ugu dhigatay fulinta waxa alaale iyo wixii kiis iyo dacwadba ka dhaca dalka inay qaadaan Garsoorahuna  ma baqi karo Xeer Illaalintuna ma baqi karto shaqadooda.”ayuu yidhi.




Waxaanu sheegay isagoo Kiisaska ka waramaya “Runtii sidaad la socotaan waxa jira kiisas badan oo  xaas xaasi ah kuwaas oo  khatar ku ah nolosha garsoorka ama Xeer ilaaliyaha qaadaya dacwadahaasi isla-markaasina u baahan in si gaar ah looga warhayo ammaankooda iyo nabad galyadooda marka ay qaadayaan noocyada kiisaska kala ah sida, Al Shabaabka, Alqaacidada,Argagixisada iyo Budhcad badeeda  kuwaas oo runtii ah kiisaska ugu badan ee ay qaadaan ama ay fuliyaan Maxkamadaha wadankeenu.” Ayuu yidhi Kaaliyaha sare ee xeer ilaaliyaha Gobolka Maroodi-jeex.




 waxaanu intaa ku daray “markaa waxa loo baahanyahay  garsoorka ama Xeer ilaaliyaha dacwadaasi qaadaya inay ciidamadda amaanka ka helaan ilaalin dheeraad ah si loo sugo amnigooda,maxaa yeelay?, marka ay xukumaan qaar ka mid ah xubnahaasi aynu soo sheegnay waxa dhacda in saaxiibadii kale ee qoladii la xumumay marka ay maqlaan in la xidhay ay hanjabaad iyo hadidaad kala duwan ay la kulmaan  garsoorihii ama xeer ilaaliyihii,fuliyey xukunka kuwaas oo loo soo mariyo fariimo kale duwan,sida,Messages,Email.ka,Fax ka Mobileka ama mid si dhaba loo soo abaaraba.




 “Waxaas oo dhibaato ah ee haysta hadana bahada cadaaladu maaha kuwo u habranaya hanjabaadaha iyo caga juglaynta lagu hayo oo waxa ka wayn danta uu ummadda iyo cadaaladooda u hayo oo ku kalifay inuu wax kasta u adkaysto”.




Xeer Ilaaliyahan oo u Waramay Wargeyska Dawlada Todobaadkii tegay, waxa uu soo jeediyay in laga saacido ilaalinta amaankooda dadka ku foogan hawlaha Garsoorka “ hadaba inta wasiirrada iyo Agaasimayaal aan gar qaadin loo dirayo Ciidanka, waxaan qabaa in Garsoorku yahay cida kaliya ee mudan ama xaq u leh in loo sameeyo askar illaalo ah, halka aad arkayso agaasime iyo wasiir intaas oo askari ay ilaalinayaan, markaa maxaa u diiday dawladdu in ay kuwan u samayso askar ilaalisa?”.




Axmed Macalin




Wargeyska Dawan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Sheeko Gaaban: Meel Xil Leh! w/q, Ibraahin Hawd


Aad ayuu u jeclaan lahaa in uu helo cid uu la sii rafiiqo, hirarka dadka ah ee ilaa shalay hortiisa qulqulayay qof soomaaliyeed ka ma uu dhex helin. Wuu hubaa soomaaliga ugu horreeya ee uu la kulmi doono ama la kulmi waayi doonaa in uu yahay mid sidiisa tahriib ah. Cidhifyada dunida waxaa wareegaysa soomaali qaxooti ah. Dhulkii soomaalida waa la xanuunjiyay dabadeed inta uu gadooday ayuu ubadkiisii debedda u soo qubay.
Dhammaadka bisha Julaay oo ah maalin kulul ayuu taagan yahay magaalo ka mid ah kuwa Yurubta Bari ugu xiga galbeed. Waxa uu madaxa ku hayaa Yurubta Galbeed oo Jarmal ugu sokeeyo. Socdaal dheer oo dhuumasho iyo halis badan ka dib jeerka soohdinta Jarmalka la gaadho si aan laguu qaban waa in aad habeennimo lugaysaa ilaa afartan kiiloomitir oo dhuumaalaysi ah, adiga oo sii dhex maraya tuulooyin iyo beeraley wada ilaalo ah. Ujeeddaduna waa in aad inta aad awooddo ka fogaataa soohdimaha dalalka la garan karo in aad ka soo gashay ee lagugu celin karo. Sidaas ayuu u og yahay. Socdaalkaas lugta ah waxaa loo baahdaa rafiiq waayo wax waliba waa ay kugu dhici karaan: waa lagu qaban karaa oo xabsi gumeed lagugu illaawi karaa, ama dad shisheeyaha neceb baa ku heli kara. Tallaabo walba oo aad qaaddaa waa khatar iskeed u taagan. Waa sidaas muddada la jibaaxayo dhulalka carabta iyo Yurubta Bari. Waa tabtaas ilaa aad gasho Yurubta Galbeed, Waqooyiga Ameerika, Ustaraaliya ama Niyuusilaan.
Xarunta tareennada uu ilaa shalay dhex wareegayay ayuu goor barqo ah ka arkay laba qof oo markaas soo degay. Aad ayuu ugu farxay. Waxaa jirta soomaali dadka kale lagu qaldi karo, labadani se waa dhalad meel fog laga garanayo. Waa nin iyo gabadh dhallinyaro ah oo qiyaastii isaga la da ah. Waa dhawr iyo labaatan jirro. Isaga ayaa ka ilhorreeyay bariidadana kaga horreeyay. Sidii uu ugu farxay si la mid ah ayay ugu farxeen.
Markii la isbariidiyay, iswaraysi hordhac ahna la isdhaafsaday, waxaa la tegay oo shaah lala fadhiistay maqaaxi xarunta gudaheeda ku taal. Isagu waxa uu u sheegtay Liibaan, iyaguna waxa ay u ka la sheegteen Guuleed iyo Isir. ”Isir” ayuu Liibaan aad u dhadhansaday, waxa uuna sheegay in ay tahay weligii markii labaad ee uu magacaas maqlo. Durba waxa ay iska heleen wehelnimo iyo xasillooni. Durba kaftanka iyo sheekadu waa darandoorri sidii dad awalba wada socday. Qofka soomaaliga ahi noole aan soomaali ahayn wehelnimo ka ma helo dhabna uguma nefiso, haddana isla soomaaligaas ayuu eedaa. Inta la iskaashado in la eg ayaa la isku jabaa.
Liibaan saaxiibbadiisa cusub waxa uu wayddiiyay halka ay ka yimaaddeen iyo meesha ay iskaga soo lugdareen. Iyaguna waxa ay u sheegeen imikadan in ay ka soo degeen dayuurad Dimishiq ka soo qaadday, ayna isku barteen meel ay soomaalida socotada ahi telefoonnada ka dirato kuna taal xaafad lagu magacaabo Masaakin Barsa. Runtii meeshu waxa ay ahayd timajare sabool ah, soomaalida ayaa se telefoonkiisa lacag ku waashay ilaa uu shaqadii kaleba faraha ka qaaday. Guuleed ayaa yidhi: ”Laba cisho ayaan Isir Dimishiq kaga soo horreeyay. Iyadu Nayroobi ayay soo martay, anigu se Sacuudiga oo aan cimro ku soo galay ayaan bil iyo dheeraad joogay. Adiguna?”
”Shalay barqadii ayaan ka imid Qaahira halkaas oo laba aannu wada soconnay la igaga reebay. Shan bilood baan halkaas ku caddillaa, shantaas biloodna mar waxaa la iga soo qabtay Gegida Dayuuradaha New York, marna aniga oo Ingiriiska ku socda ayaa la igu qabtay Gegida Qaahira. Labadii jeerba baasaboorradii aan sitay oo ahaa kuwo aan iibsaday waa ay iga gubteen. In aynu kulanno ayaa qorrayd. Ilaa shalay dad baan raadinayay cid idinka horraysana ma aan arag”, ayuu yidhi Liibaan.
”Haa, tallaabada ayaa qorrayd. Alla annaguba maxaannu jeclayn in aannu cid hello”, ayay Isir u celisay.
Cabbaar ayay ka sii hadleen dhulalkii ay soo mareen iyo waxyaalihii ay la soo kulmeen. Waxa ay kale oo ka sheekaysteen inta baasaboor ee ay soo adeegsadeen. Imika saddexdooduba waxa ay sitaan baasaboorro qalaad oo been-abuur ah. Waxa ay isla qireen mar haddii halkan la joogo meesha ugu dhow ee lagu tibbadaa in ay tahay Jarmalka.
Guuleed waa nin dhuuban oo dherer xigeen ah oo maarriin ah oo weji qoran oo indho godgodan oo af yar oo timo humbulan. Surwaalka iyo shaadhka iyo kabaha wada magarka ah ee dubkiisa u eg ee uu gashan yahay ma bilic liitaan. Waxa uu u muuqdaa qof furfuran laakiin hadal badan. Wixii laga hadlayaba waxa uu isku dayayaa in uu afhayeen ka ahaado. Isir qudheedu waa qof furfuran oo isku kalsoon. Sidii uu burburka bulsho u dhacay haweenku xijaab ayay sharka kaga dhuunteen, iyadu se goono kubabka joogta iyo funaanad dumar ayeay xidhan tahay, timahana iyada oo sida muuqata ku faanaysa ayay sida sayn fardood ciyaarsiinaysaa. Wejiga qoran ee waydda ahi waxa uu u dheellitiran yahay jidhka intiisa kale ee dhumucda yar. Diifta socdaalka ee korkeeda cawlan ka muuqan lahayd waxaa qarisay niyadsamida ay qabto.
Liibaan waxa uu sitaa khariidad yar oo ay ku qeexan tahay soohdinta Jarmalku, barta uu ka gelin doono ee ay soomaali badani ka gashay. Waa khariidad la isla wada yaqaan, waana waxa ugu horreeya ee lagu talagalo marka halkan la soo gaadho. Waa tub caan ah oo aad looga gudbo, tuulo tuulo iyo geed geed ayaana la isula yaqaan. Sidaas darteed markii uu ogaaday Isir iyo Guuleed qudhoodu in ay isla khariidaddiisa sitaan la ma uu yaabin.




Gabbalgaabkii ayay xambaarteen sadddex boorso oo ay ku gurteen cuntooyin qasacadaysan iyo caagag biyo ah. Dabadeed tuulada soohdinta ugu dhow ayay qorraxdhac isku beegeen iyaga oo bas kaga degay. Fiid cilcillawgii ayay ka boodboodeen taar soohdinta ku dhereran kaas oo ilaa saddex mitir dhulka ka sarreeya. Bartan laga boodayo qudheeda waa lagu soo talagalay oo waa bar caan ah. Ilaa Qaahira iyo Dimishiq iyo Yurubta Bari oo dhan meeshaas yar waa laga yaqaan. Guuleed oo ugu hor booday ayaa dhanka kale ka qabtay Isir oo uu Liibaan soo badhitaaray. Dabadeed waxa ay ku taagnaayeen ciidda Jarmalka oo ugu sokaysa dunida lagu nabadgalo laguna noolaado. Shalay ayay ahayd maalintii uu dhulkani ahaa meesha ugu daran dunida ee aadamiga lagu gubo, lagu gumaado laguna gumeeyo, maantana waa bartilmaameedda badbaadada iyo nabadda. Ummaduhu dabci xun iyo mid san ma ka la laha, taariikhdana waxaa dhala xaalado iyo dhacdooyin gaar ah.
Waddo dheer oo labada dal isaga gudubta ayay yaaceen oo yaaceen oo yaaceen. Waa dhul bannaan oo wada beero ah, aqallo iyo dhir teelteel ah ayaa hareeraha ka muuqmuuqda. Haddii uu baabuur ka hor yimaaddo ama ka daba yimaaddo meel fog ayay ilayskiisa ka arkayaan dabadeed inta aanuu soo gaadhin ayay dhinac u boodayaan oo biyadhaca waddada beerka dhigayaan. Cid walba oo imika iyo halkan ku aragtaa waa u cadow, sidaas darteed waa in ay sida dabaysha u qarsoomaan una dheereeyaan. Sidaas ayay u ordayeen muddo afar saacadood ah. Dabadeed iyaga oo ay ahayd in ay saacad kale sii yaacaan ayaa Isir cag laga qabtay. Kab ayaa boqonta ka goysay oo ay ka dhaqaaqi wayday. Kabta ku ma socon karto, haddii ay iska bixisana ilkaha sheydaan ee laamiga ka soo wada fiiqan ku ma dhaqaaqi karto. Inta ay waddada dacalkeeda biyashubka ah ku hakadeen ayay nabarkii balastar ku dhejiyeen faashadna ku duubeen, kabtiina waxa ay ka jeexeen bartii nabarka ku beegnayd. Laakiin markii ay dhaqaaqday xanuunkii wax badani iska ma beddelin.
Cabbaar ayay si walba isugu dayday in ay sii socoto, dabadeed waa ay niyad xumaatay oo waxa ay bilawday in ay ooydo. Iyaga oo aan weli gaadhin halkii qorshuhu ahaa in ay maanta hadhgalaan ayuu waagu ku dillaacay. Markaas waa in ay waddada ka fogaadaan oo meel manta oo dhan qarin karta ku dhuuntaan. Waxa ay galeen taago yar oo dhir badan oo jiq ah oo qiyaastii waddada saddex boqol oo mitir u jirta. Geed weyn oo hadoodilan ayay jirridda u galeen. Halkaas ayay ku gataatidhaceen.
Markii ay labadii nin hurdo u daateen Isir waxaa lagu soo tuuray xummad ka dhalatay boqontii ay kabtu ka goysay, waxa ayna ku seleleen waliilkeeda. Awel nabarka ayaa xanuunayay imika se qandhadu jidhka oo dhan ayay ku faaftay. Laba xabbadood oo kiniinka xumadda ah ayay liqday muddo gaaban ayayna ku ladnaatay, laakiin haddana waa lagu soo kacay. Iyaga oo daallan laakiin gabadha isu xilqaamaya ayay toostooseen oo si walba ugu laabqaboojiyeen. Liibaan ayaa kacay oo dooggii jilicsanaan ee gogosha u ekaa ee ay ku galgalanaysay dhinac fadhiistay oo gacanta kaga salaaxay madaxa, dhabarka iyo dusha oo dhan.
“Isir, walaal gacaliso, waad ladnaan doontaaye istiil oo adkayso.”
“Allaay! Allaay! Alla walaal miyaan idin dhibi lahaa haddii aan adkaysan karayo? Sidee bay u dhici kartaa meel yar oo ay kabi iga goysay in aan waxaas oo xanuun ah ka la kulmo?!”
“Kiniin kale in aad imika liqdo u ma baahnid, laakiin haddii aad raashin fiican cunto jidhkaagu wuu adkaysan karayaaye cunto kale aan kuu diyaariyo.”
“Maya, maya walaal, waad mahadsan tahay, sow anigii goor dhowayd wax cunay miyaan afkaba saari karayaa. Idinku iska yara seexda caawana waynu guuraynaynaaye.”
Marka ay sidaas lee dahay ooyi mayso waxaa se ka qubanaysa illin kulul oo si walba oo ay isaga tirto haddana dhabanka hooraysa. Runtii qalad ayay samaysaye waxaa wacnayd isla judhii ay kabtu goysay in ay sheegto oo xal loo raadiyo, laakiin in badan ayay ku soconaysay oo u adkaysanaysay sidaas darteed nabarku wuu waynaaday.
Weli dhinaceeda ayuu Liibaan fadhiyaa oo gacanta dusha ka marmarinayaa. Runtii gacanta uu marinayo waxa ay ka helaysaa naxariis xumadda ka yara dhimaysa. Werwer badan waxa ay ka qabaan haddii ay sidan sii ahaato in ay caawa guurayn kari waayaan. Inta aanay sahaydu ka go’in waa in ay gaadhaan meel soohdinta ka fog oo aan lagu qabanayn haddii lagu qabtana aan Yurubta Bari lagu celinayn.




Maalinta gelinkii dambe Isir nabarkii waa ay ka ladnaatay, waana ay ka furtay faashaddii iyo balastarkii waayo waxa ay u aragtay sidaasi in ay bogsasho dhow dahay. Runtii markii ay laba xabbadood oo kale oo kiniin ah liqday xanuunkii wuu daayay. Waxa ay se isku raaceen caawa haddii ay socdaalaan in ay damqanayso sidaas darteed ay habeen iyo maalin kale iska sii joogaan.
Isir iyo Liibaan xidhiidhkii jidh ahaaneed ee dhex maray markii ay xummadaysnayd waxaa ka dhashay isu dhowaansho iyo gacaltooyo weyn. Markii ay ladnaatay sidii ayay iska sii wadeen oo waxa ay noqdeen sidii laba qof oo awelba xidhiidh gaar ahi ka dhexeeyay. Run ahaantii dareenka wanaagsan ee isu galay waxa uu la soo bilawday kulankoodii shalay, laakiin ma ay helin fursad ay dhab isugu gudbiyaan. Indhahooda iyo erayadooda isu nugul waxaa ka dambeeya qalbiyadooda isu godlan. Iyaga oo aan afka waxba isaga sheegan ayay labadooda nafood isoggolaadeen oo isku darsameen. Imika kalgacalkoodu waa kaas oodaha jabsaday. Intaa waa ay isdhundhunkanayaan oo isku duuban yihiin. Labaduba aad ayay xaalladdooda cusub raalli uga yihiin. Ninkii ku saddexda ahaaba waa ay illaaween.
Guuleed arrintaas isha ayuu ku hayaa, wuuna ka xun yahay. Waxa uu ka xun yahay Isir oo ay isaga wada socdeen sida boobka ah ee uu ninka kale ku soo dhex galay. Hinaase madhan ha ka ahaato, damqasho jacayl oo qudhiisa Isir ugu jirta ha ka ahaato, amaba xil uu si uun isu saaray ha ka ahaatee, waxa uu isu dhigayaa gabadha in uu isagu masuul ka yahay. Kollayba se waxa uu ka xun yahay sida aanay labada qof isaga u xushmaynayn ee ay hortiisa afka iyo gacmaha isugula jiraan. Dhawr jeer ayuu ku yidhi hadallo nuxurku ahaa falkoodu in uu yahay dhaqanxumo. “Yurub maba aydaan dhex gelin dhaqankooda durba ma dabaysha ayaad ka qaadateen?” ayaa ka canaantiisa ka mid ahayd. Hadallada caynkaas ah in kasta oo aanay iyagu waxba ka soo qaadin isaga daqiiqad walba ta ka dambaysa ayuu xanaaqu kaga sii darayaa. Mar ay Isir ka yara tagtay waxa uu cod xajiin leh ku yidhi:
”Liibaan, sow qalad ma aha Isir in aad u la dhaqanto sidii naag aad qabto?”
”Waar nin yahow, naag aad qabto lahaane dad waaweyn baannu nahaye naga dhex bax.”
”Hadalkaas qudhiisu waa dhaqanxumo kale. Isir aniga ayay i la socotaa oo masuul ka ah, waana in aad sidaas u garataa.”
”Isir kulama socoto ee waa ay innala wada socotaa. Waxa aynnu nahay saddex qof oo waaweyn oo wada socda, mana xukuntid, sida aannu u wada dhaqmaynana shaqo ku ma lihid.”
”Nin yahow, sida aad u hadlaysid iyo sida aad u dhaqmaysid midkoodna ma hagaagsana. Waad og tahay gabadha reerkoodu in ay aniga igu og yihiin, sharafteeda iyo nolosheedana xil baa iga saaran ilaa aan dad igaga xil leh ku simo. Sidaas waa in aad wax u aragtaa.”
”Isir masuul ka ma tihid, sida aan og ahayna cid kuu soo xilsaartay ma jirto ee sidii laba qof oo xor ah baad u soo rafiiqdeen. In aanu isjeclaanno iyo in aannu isguursanno iyo in aannu danahayga ka tashannana adigu in aad soo gashid xaq u ma lihid.”
”Jacayl iyo guur iyo dano? Waar nin yahow si wacan ii maqal, waad gardaran tahay, mar dambena Isir agteeda kugu ma arki karo.”
”Maxaad samaynaysaa haddii aad igu aragto?”
”Anigu sidaas baan ku idhi, dooni maayo mar dambe agteeda in aan kugu arko.”
”Adeer xumaan baad u dan lee dahaye aynu ka la nabadgallo.”
”Aynu ka la nabadgallo laakiin mar dambe gabadhaas faraha ha la gelin.”
Hadalkaas u dambeeya waxaa maqashay Isir oo Guuleed dhabarkiisa ka timid, waana ay la yaabtay sida ay labada nin arrintu uga ribbatay. ’Mar dambe gabadhaas faraha ha la gelin’ ayay maskaxdeedu sii dhadhansatay.
”Maxaad isku haysataan?”
”Ninkani ma masuul buu kaa yahay mise laba qof oo waaweyn oo rafiiq ah baad ahaydeen?” ayuu Liibaan wayddiiyay.
”Adeer aniga cid iga masuul ah iyo cid aan u baahan ahay toonna ma jirtee, maxaad isku haysataan?”
”U sheeg haddaba isaga intaas.”
”Waxa ay ii sheegayso iyo wax aan adiga kaala hadlayo oo dambe ma jiraane, hadalka intii aan ku idhi ku jar, haddii kale xumaanta aad iga raadinayso waad helaysaa.”
”Waa adiga ka xumaanta raadinaya ee iga helayaa”, ayuu Liibaan u celiyay.
”Nacallaa idinka iyo aabbihiinba ku yaalle nagala aamusa nacnacda! Waar adiga yaa masuul iiga kaa dhigay? Haddii aynu wada soconnay miyaad i iibsatay? Maxaa kaa galay aniga iyo cid kale waxa naga dhexeeya?”
”Qof aan waxba isku falayn haddii aad tahay sidaas u hadal, haddii kale inta aad i la socoto ninkaas agtiisa kugu ma arki karo”, ayuu yidhi Guuleed oo istaagay oo aan xanaaq dartii dhaqdhaqaaqa jidhkiisa maamuli karini.
”Adeer aniga iyo wax isku faliddayda afka ha la gaadhine, waad naga gardaran tahaye meel joog.”
Intaas markii ay tidhi ayay dhan kale u dhaqaaqday Liibaan ayaana raacay. Markii ay tallaabooyin dhawr ah wada qaadeen ayuu Guuleed oo sida dabaysha u duulayaa ka soo daba booday oo qacdii uu Liibaan soo jeestay feedh ku daldalay. Markii ay feedhadh badan isdhaafsadeen, oo durba Liibaan afka dhiig ka soo qubtay, ayay isgaleen oo si xoog leh Guuleed dhulka loogu legday. Liibaan oo sarreeya ayay Isir aad u jiidday, isaguna isma u sii adkayn ee wuu kacay. Dabadeed haddana Guuleed oo inta uu dhakhso dhulka uga soo booday isa soo maqiiqaya ayay isku duubtay oo ku barooratay. Inta ay Guuleed la rafanayso Liibaan meel durugsan ayuu ka soo hanjabayaa laakiin weerar ma soo aha. Sidii ayay ku ka la joogsadeen iyaga oo isleh: ”Waa haddii aad maanta noolaato!” iyo ”Adigu waa haddii aad noolaato!”
Meeshii awel la wada fadhiyay oo Guuleed dul warwareegayo ayay Isir alaabteedii iyo tii Liibaan ka soo ururisay, waxa ayna labadoodu tageen meel halkaas konton tallaabo u jirta. Liibaan bishin baa dillaacday oo aad u barartay, fool iyo dhool xanuunaya ayuuna liilliijinayaa. Wax weyn isma ay yeelin labadoodaba se nabarro muuqda ayaa gaadhay. Ha ahaatee waxaa ku ka la dhacday cadaawad daran, waxa ayna gaadheen heer aan ka soo noqosho lahayn.




Waa maalintii labaad ee ay halkan joogaan. Waxaa la sii baxnaaninayaan Isir oo aad u ladnaatay. Sidii ayuu Guuleed gooni u yahay labada qof ee kalena xidhiidh toos ah la ma leh. Xalay in uu keligii guurayn doono ayay labada kale ka fekerayeen, sidaas ayaanay jeclaayeen, laakiin ma uu yeelin. Waa ay la yaabeen haddii aanu waxba ku darsanayn sababta uu isaga tegi waayay.
Ambabbax la’aanta Guuleed waxa ay Liibaan ku ridday dhiillo weyn. Waxa uu rumaysan yahay, Isirna u sheegay, ninkaasi in uu la damacsan yahay dil taasina ay tahay sababta uu xalay u tegi waayay. Waxa uu kale oo Isir u sheegay in uu ku arkay qaare uu doonayo in uu dilkaas ku fuliyo. Laakiin waxaas iyadu ka ma ay rumaysan. Dhawr jeer ayay u tagtay oo isku dayday in ay u caqliceliso kana dhaadhiciso run ahaantii in aanu iyada masuul ka ahayn, waxa uu Liibaan u la dirirsan yahayna ay tahay gardarro. Marar kale waxa ay isku dayday in ay isu maslaxdo oo ay wixii dhacay ka heshiiyaan. Laakiin isagu ciil ayuu jiq la yahay oo waxaas u ma jeedo. Iyada qudheeda waxa uu u qabaa xanaaq aan ka yarayn ka uu Liibaan u qabo.
Imika waa maalinweyn qorraxdu kululaatay. Guuleed halkiisii ayuu joogaa oo geed aan weynayn dhabarka ugu tiirsan yahay wargeysna akhrisanayaa. Isir waa ay ka kacday halkii ay iyada iyo Liibaan joogeen, waxa ayna u dhaqaaqday dhan gooni ah. Wax yar ka dib ayuu Liibaan isaguna kacay oo dhaqaaqay, waxa uuna gadaal u waydaartay ninkii kale oo weli jirriddii ku tiirsan. Guuleed ninka dhaafay jaqaftiisa ayuu sii dhegaystay oo sii dhegaystay, markii ay jaantiisu go’dayna si nefis leh ayuu isu ka la bixiyay, oo inta uu fadhigii hagaajistay wargeyskiina dhinac isaga leexiyay indhaha isku qabsaday oo nasasho galay.
Liibaan runtii maba uu fogaan ee meel aan durugsanayn ayuu ka soo eegayay. Markii uu Guuleed isdhigtay ayuu isaga oo aad u sanqadh tiranaya oo faraha fooddooda ku soconaya soo gaatamay. Gacanta waxa uu ku sitaa suun maas ah oo surwaalka ugu xidhnaa kaas oo uu soo furay. Waxa uu soo gaatamaba kii oo sidii geedka ugu tiirsan indhahana isku haysta oo baraadla ayuu gadaal kaga yimid. Suunkii ayuu si feejigan oo aan la dareemi karin dhuunta kaga beegay oo inta uu labada dacal labada gacmood ku ka la qabtay si xoog leh oo degdeg ah ugu soo dhuftay oo ku ceejiyay oo jirriddii qadaadka ugu takhlay. Kii la qabtay markii uu firig firig xoog leh bilaabay ayuu isaguna culayskiisa oo dhan jirridda geedka gadaal kaga soo tiiriyay suunkana dhuunta kaga sii giijiyay. Xoogga uu suunka ugu hayo iyo xoogga lidka ku ah ee uu ka kale isku dayayo in uu kaga baxo dartood waxa ay ku dhow dahay in ay qoortu ka la go’do ama suunku ka la go’o. Waxaa se qunyar qunyar u go’day rafashadii ninka la hayay, waayo naftii ayaa ka aguugtay.
Isaga oo huba ninku in uu mayd yahay ayuu haddana cabbaar kale sii hayay. Goor dambe ayuu dareemay dhaqdhaqaaq la’aan iyo aamus buuxa. Mar kaas ayuu ku baraarugay waxa uu hayaa in uu yahay mayd goor hore tawafay. Mar kii uu sii daayay ee maydkii dhanka midig u dhacay afkana cawska gashaday ayuu ku soo wareegay oo isdul taagay.
Muddo laba iyo saddex daqiiqadood u dhexaysa markii uu sidii qof falan maydka dul gaafwareegayay oo uusan waxba ku tashan waxbana ka tashan ayay Isir labaatan tallaabo ka soo dhawaaqday.
”Ma og tihiin waxa aan soo arkay? Wax aan soo arkay geed dhan oo tufaax ah oo hoobaan la ciirciiraya. Waa tufaax aan weli wada bislaan waa se la cuni karaa. Bal kaalaya soo arka quruxdiisa.”
Indho dhagaraysan ayuu ku eegay, la ma se uu hadlin ilaa ay soo gaadhay.
”Kaasi muxuu sidaas u la jiifaa?” ayay tidhi iyada oo dhiillaysan xaggii uu ninku jiifayna u sii socota.
Dhagarqabuhu gabadhii ayuu ku booday oo soo qabtay oo damcay in uu dhan kale u jiido, laakiin xoog ayay iskaga furfurtay oo maydkii ku dul habsatay oo madaxa qabatay oo wejigiisa keeda ku beegtay, waxa ayna aragtay weji aad mooddo jabad laga guuray iyo indho la moodo dab la bakhtiiyay. Inta ay bidix iyo midig u yara rogrogtay ayay dhulka ku tuurtay oo baroor ka wareegtay orodna isa sii daysay. Liibaan inta uu ka daba cararay ayuu soo qabtay oo isku duubay oo giddigeed laabta gashaday labada gacmood iyo jidhkiisa oo dhanna ku wada daboolay. Iyada oo oohin iyo hiinraag ku dhow in ay neefqabatowdo ayay rafanaysaa oo xagxaganaysaa oo isku dayaysaa in ay iska furfurto.
”I sii daa… i sii daa… i sii da… gacantu ku go’daye i sii daa! Alla ba’ayeey! Alla hoogayoo ba’ayeey…!
Isagu oo ka baqaya qayladeeda in loo soo raaco ayuu isku sii cadaadiyay oo jidhkiisa iyo keeda oo isku duuban oo mid isku noqday oo wada socda xoog ku fadhiisiyay.
”Gacaliso, isaga ayaa gardarrada lahaa, waxa uuna doonayay in uu i dilo ee i saamax! Sow ma ogid? Waxa aan ku tusayaa qaaraha uu u diyaarsaday in uu madaxa igu ka la jeexo. Gacaliso macaan, i rumayso. Waan ku tusayaa qoriga uu doonayay in uu madaxa igala dhaco oo nafta igaga qaado. In aan isdhigto ayuu i la sugayay. In aan dhinto miyaad jeclaan lahayd? Maya dheh! Ma aan doonayn in aan dilo, laakiin haddii uu i dili lahaa sow in aan isbadbaadiyo ma aha? Haa dheh! Run ii sheeg gacaliso, miyaad jeclaan lahayd in uu i dilo? Cid ogi ma jirto, cid ogaanaysaana ma jirto, innaguna waa aynu illaawaynaa. Gacaliso u ma aan jeedin in aan wax dilo… weligay igama ay suurtawdeen in aan qof dilo… garan maayo waxa igu dhacay… sheydaan baa iga sayidcaleeyay… i saamax… wax walba waan kuu samaynayaa ee adiguna ii dembidhaaf… i sii fursad aynu si deggan ugu fekerro… imika wixii dhacayba dhacee ha ka fekerin …”
Intaas iyadu waxa ay waddaa oohintii iyo hiinraaggii iyo firigfirigtii, waxa ayna ku soo celcelinaysaa ereyo dirqi kaga soo baxaya oo cay iyo habaar iyo hiif iyo haaraan ah oo aan hadalkiisa wax xidhiidh ah la lahayn. Waxa ay sidaa ahaataba muddo dheer ka dib waxaa la gaadhay goortii ay iskeed u aamusi lahayd. Sidii qof duumo ka soo kacday ayaa daal iyo tamar darro la dul saaray. Meeshii uu isagu khasabka ku fadhiisiyay oo boqol tallaabo u jirta bartii shilku ka dhacay ayay iska hawaartaa oo madaxa lawyada ku haysaa. Cabbaar dambe oo uu qudhiisu halkaas la sii fadhiyay iyaga oo aan wax hadal ah isdhaafsan.
Halka ay joogaan waxaa u dhow geed aad u weyn oo dhulka daadsan oo qallalan. Laamuhu waa ay ka la daateen laakiin jirridda aadka u weyn ee qolof dhacsatay weli waa ay is-haysataa hal mitir ayayna dhulka ka kacsan tahay. Inta uu maydkii fadhiisiyay oo labada gacmood gadaal kilkillooyinka ka soo geliyay oo laabta kaga soo qabtay ayuu jiiday. Sidii uu u jiidayay ayuu isaga oo xiiqsan oo dhididaya soo gaadhsiiyay jirriddii geedka dhacay. Inta uu maydkii dhigay ayuu jirridda hoosteeda xashiishkii ka guray oo aad u banneeyay ilaa uu dhulkii oo mudhuxsani soo baxay. Halkaas waxa uu ka sameeyay huluul madow oo ay jirriddu dusha kaga daboolan tahay. Dabadeed maydkii ayuu meeshii ku cadaadiyay ilaa uu wada qarsoomay. Qashinkii uu awel ka soo qufay ayuu dusha kaga awday una ekaysiiyay dhul caadi ah. Boorsadii dhabarka ee uu ninku ka dhintayna inta uu biyihii iyo cuntadii ka la baxay ayuu isla halkaas ku awday. Alaabtii ayuu soo qaaday oo halkii ay joogeen keenay. Markaas qorraxdu liiqa ayay dhigtay. Nabarkii Isir oo imika iska ladnaaday ayay mar kale balastar iyo faashad ku duubeen. Markii shaacu yara madoobaadayna waxa ay u kaceen socdaalkii qabyada ahaa.
Habeenka labaad in kasta oo aanay Isir cagtii wax xanuun ah ka qabin haddana sidii habeenhore u dheerayn maayaan. Run ahaantii waa ay jiitamayaan, mana wada hadlayaan, inta badanna Liibaan ayaa dhawr tallaabo horreeya. Biyihiina waa ka dhammaadeen oo waa ay harraadeen. Dhulka ay marayaan ee waddada hareeraha ka xigaa waa beero waaweyn oo ay miranayso lo badan oo silig ku dayran yahay. Mar mar waxa ay ag marayaan ama dhex marayaan aqallo laga seexday, qof iyo laba ayayna ishoodu ku dhacaysaa, laakiin danayn maayaan oo sidii wax aan muuqanayn ayay isaga socdaan. Waa ay dhacday mar in ay ka shakiyeen qof daaqad ka soo eegay, cabbaar ka dibna waxaa ka daba yimid baabuur, dabadeed sidii caadada ahayd waxa ay isku tureen biyadhaca waddada. Baabuurkii inta uu dhaafay ayuu haddana soo noqday oo halkii ay dhabbacnaayeen cabbaar ku dul hakaday. Waxa ay qoondaysteen in la qabtay, laakiin babuurkii laba jeer oo kale inta uu hore iyo gadaal meeshii ay jiifeen warwareegay ayuu iska tegay, iyaguna socodkoodii ayay sii wateen.
Waabberigii ayay galeen magaalo yar oo ay in tareenka ka raacaan u qorshaysnayd. Waa shantii aroornimo oo durbaba iftiin dharaar ah ayay noqotay, laakiin weli magaalada waa laga hurdaa oo meel furani ma jirto. Barta tareenka laga raaco ayay isku qariyeen iyaga oo daallan oo harraaddan oo baqaya.
Duhurnimadii xarunta ay tareenka kaga degeen quruxdeeda aad ayay u la yaabeen iyaga oo aan haddana wada hadlin. Juuq ay u celiso waxaa ugu dambaysay shalay markii ay mashaqadu dhacday. Intii ka dambaysay haddii uu la hadlo u ma ay jawaabayn. Tareenka dadkii la saarraa ma ay ka la garanayn in ay yihiin laba qof oo wada socda iyo in kale. Xitaa cuntada gooni gooni ayay u ka la dalbanayeen. Waxa uu se rajo ka qabaa in ay qunyar qunyar u cadhaburburi doonto, oo marka ay naxdinta iyo argaggaxu ka baxaan caadi noqon doonto. Sidaas darteed aamuska waxa uu uga dhigayaa dhaymo iyo baanasho.
Imika markii ay halkan quruxda badan tareenka kaga degeen ee ay rajadoodu aad u wanaagsanaatay haddana weli waxa ay u eg yihiin laba qof oo aan wada socon. Dareenkeedu wuu ka maqan yahay jidhkeeduna aad ayuu uga fog yahay. Mar keliya indhahoodu isku dhici maayaan. Taasi isaga imika waxa ay ku ridday niyadxumo iyo welwel. Wixii dhacay isaga waxaa kaga xanuun badan dareenkeeda ka sii jeeda iyo qalbigeeda ka sii socda iyo jidhkeeda ka sii durkaya. Haddana weli waxa uu isku sasabayaa in ay bogsan doonto wax walibana caadi noqon doonaan. Waxa uu raadinayaa oo heli la yahay erayo habboon oo uu ku dhayo. Nafta waxa uu u sheegayaa in ay yihiin lammaane la isu qoray oo awelba la isla soo doontay oo aan sinaba isu waayi karin. Qaddarkii in aad kulantaan sii qoray ayaa go’aamiyay in aad mustaqbal la wadaagtid, ayuu isku maaweelinayaa. Ka ma fekeri karo, mana rabo in uu ka fekero, in ay nacday oo aamuska iyo siijeedka kaga dhabayn doonto.
Markii ay halkan tareenka kaga degeen oo ay xarunta tareennada dhex socdeen ayuu galay dukaan macmacaanka iyo cabbitaanka lagu iibyo, waxa uuna ka soo qaaday laba dhuub oo shokolaato ah iyo laba daasadood oo cabbitaan ah. Iyadu intii uu dukaanka ku maqnaa waxa ay ku sugaysay halkii uu kaga dhaqaaqay. Isaga oo cabbitaan iyo shokolaato sida markii uu u yimid toos ayay ugu soo wada jeesatay oo indhaha indhaha ugu beegtay. Waa markii koowaad ilaa shalay ee ay indhahoodu isku dhacaan. Wejigeedu kii uu yaqaannay ma aha. Sideedaba waa qof cusub. Labadeeda indhood illin goor aan fogayn ka lismi doonta ayaa ku godlan. Isaga oo dareenkeeda malayn kari la ayuu alaabtii qaybteeda u taagay. Ka ma ay guddoomin ee waxa ay ku la hadashay cod bisil oo go’aan adag oo arxandaran oo aanu moodayn in ay qof dumar ahi yeelan karto. Waxa ay ku tidhi:
”Oday, i maqal, qof wanaagsan baan kuu qaatay, waanan ku jeclaaday, bahal baad se noqotay. Imikana, halkan dhanka aan u dhaqaaqo mooyee dhanka kale uga dhaqaaq. Eray keliya haddii aad iga daba keento, ama tallaabo keliya iga soo daba qaaddo, ama aan indho dambe ku saaro, askariga ugu dhow ayaan u sheegayaa in aad nin dishay.”
Intaas markii ay tidhi isaga oo aan hadal haleelin ayay si daallan oo cagajiid ah haddana haladayg leh u dhaqaaqday, durbadiibana waxa ay dhex gashay badweyntii dadka ahayd ee caddayd. Timaheedii madoobaa oo badda cad sii dhex muquuraya ayuu sii eegay oo sii eegay oo sii eegay ilaa ay libidhay.
Kursi u dhowaa ayuu si culus ugu fadhiistay. Fadhi lagu ma sheegi karo ee waxaa la dhihi karaa kursiga wuu ku dul dhacay. Daqiiqad gudaheed ayuu wax walba ku fekeray. Waxa uu ku fekeray in uu ka daba ordo oo isku duubo oo sii dayn waayo wax walba oo dhaca. Waxa uu kale oo ku fekeray in uu tareenka xiimaya isu dhigo. Waxa uu se kale oo ku fekeray in uu sidii nin rag ah adkaysto. Waxaas oo dhan waxaa ku haysa qof uu saddex cisho oo eedaad ah yaqaannay!
Dhawaaqyo ah magaceeda iyo codkeeda oo aan ka la go’ayn haddana aan ka la miirmayn ayaa maqalkiisa buuxiyay. Hummaagyo ah muuqeeda iyo kulankoodii iyo intii ay wada joogeen iyo markii isugu dambaysay iyo sawirro kale oo iyada ku wada saabsan ayaa dhaayihiisa hor marmaray. Maskaxdiisa muggeedii waxaa buuxdhaafisay xusuusteeda. Wax walba oo kale waa ay ka tirmeen. Hareerihiisa waxa ka dhacaya ku ma baraarugsana. Waxbaba ma jiraan aan ahayn naftiisa dhamacda ku solmaysa iyo buuqa waalan ee madaxiisa ka dhex baxaya. Goorta iyo meesha uu joogaba xaqiiqadoodii waa ay ka luntay. Ma oga goobta iyo goorta uu joogo.
Cabbaar ayuu jidhkiisu kursiga iska dul saarraa. Dabadeed cabbitaankii iyo shokolaatadii uu labada gacmood ku hayay ayuu yara eegay isaga oo aad mooddo in uu la yaabban yahay waxa ay yihiin iyo waxa gacanta u geliyay. Haddana alaabtii oo dhan ayuu kolaygii dhiniciisa qotomay ku wada maguujiyay. Wax baa dhulka u dhacay dan se ka ma gelin.
Sidii bahal waalan ayuu kacaa-fadhiistay oo iska daba wareegay. Dabadeed dhankii ay Isir aadday u dhaqaaqay, oo haddana sidii qof maandoorsan inta uu yara hakaday dib u soo noqday oo dhanka kale afka saaray. Meel cayiman oo uu ku socdo garan maayo. Waxa uu dareemayaa dawakh iyo yalaalugo sidii qof madaxa dakhar weyni ka gaadhay.
Markii uu in yar sii luuday ayay koox bilays ahi weerareen. Laba askari oo xoog waaweyn ayaa iyaga oo aan la hadlin hareeraha ka galay oo labadiisa gacmood xoog u qabtay oo dhabarka ugu laabay, oo inta ay qadaadka qabteen madaxa hoos u foororiyay. Boorsadii ayay ka qaadeen oo baadheen, jeebabkiisana waxa ay ka soo saareen warqado dhawr ah, baasabboor iyo lacag yar. Dabadeed iyaga oo weli labaddible u haya madaxuna hoos u foororo ayay dudduuceen. Waxa ay ku rideen baabuur u taagnaa meel aan ka durugsanayn, wayna la dhaqaaqeen iyaga oo fooniye ku hadlaya. Waxa ay ku hadlayeen afkooda, isagana mar qudha af kale kulama ay hadlin. Mar haddii aanu afkooda eray qudha ka fahmayn waxaa la moodaa in ay naftooda la duryamayaan. Hadalku qiimi ma leh haddii aan la isku afgaranayn, ka ma na duwana dhawaaq ka yeedhay qalfoof meel yaalla oo ay dabayshu afuuftay.
Xaaladdan cusub ee askartu waxa ay dareenkiisa ku soo kordhisay ma qeexi karo. Ma hubo sideedaba in ay wax ku soo kordhisay iyo in kale. Waxa uu se hubaa in uu jaranjaro nacdaleed sallaammadeeda hoos uga sii degayo. Waxa uu qirsan yahay aayihiisii oo dhami in uu dalluun madow ku sii hoobanayo; aayihiisii uu qaaradaha uga soo gudbay ee badaha iyo buuraha u soo jibaaxay, iyo lamadegaannada iyo kaymaha. Waxa uu arkay iyada oo ay wax waliba noqdeen sidii uu ku riyoonayay beddelkeeda, waxa uuna ka fekerayaa sida wanaagsan ee ay wax waliba noqon kari lahaayeen.
Horta wixii kugu dhacay maxay ahaayeen? Labadii ruux ma balaayo lagula soo doontay ayay ahaayeen? Ma dhab baa mise waa riyo in aad nin dishay? Sidee ayay u dhici kartaa in aad qof dhan qudha ka jartay? Iyadiina meeday? Qoftii dhammayd ee kaa midka ahayd imika miyaydaan waxba isu ahayn? Ma ka dhab buu ahaa hadalkii ay lahayd: ” Eray keliya haddii aad iga daba keento, ama tallaabo keliya iga soo daba qaaddo, ama aan indho dambe ku saaro, askariga ugu dhow ayaan u sheegayaa in aad nin dishay.”? Nacdal baa ku taal dunida iyo waxa saaran oo dhan iyo iyada iyo adigaba!
Imika wuu isdhiibay; waxa uu isu dhiibay qaddarka. Qacdii ay bilaysku qabteen madaxiisii ay hoos u foororiyeen mar dambe kor wuu u qaadi kari waayay. Laakiin markii saldhigga bilayska la geeyay eedda loo haystaa maba ay noqon dhagartii dhiigga ahayd ee uu ku tashaday. Waxaa lagu qalday nin la ugaadhsanayay oo magaalada maandooriye ku iibiya. Markii dembi lagu waayayna waxa uu dalbaday magangelyadii uu awelba dhulkan u yimid.
Laba bilood ka dib, goor galab ah oo ay qorraxda bisha sebtambar oo diirrani dunida koolkoolinayso, kuraas taal meel debed ah oo cosob leh ayuu Liibaan la fadhiyaa koox soomaali ah. Waa xarun lagu hayo dadka waddanka soo magangala inta aan degganaansho la siin ama dib loo dhoofin. Waa dad karantiin ah sidii ay qabaan cudurrada faafa. Mid ka mid ah aqallada dhawrka ah ee meesha ka dhisan waxaa ka soo baxday gabadh soomaaliyeed oo dhallinyar. Waxa ay ku beegan tahay Liibaan wejigiisa, malahana waxa uu ahaa ninkii kowaad ee arkay. Qorraxda indhaha ka cawartay iyo khajilaad ay ka qaadday ragga meesha fadhiya dartood eegmada toos ugulama ay dhiirran, si durugsan ayayna isu barbarisay.
Isagu markii uu gabadha arkay ka dib qorraxdu u ma aha tii ay ahayd, qudhiisuna ma aha kii uu ahaa. Waxba wixii hore ma aha. Mar keliya ayay dunida oo dhami noqotay duni kale. Dhawr ilbidhiqsi gudahood ayay wixii farxad iyo filanwaa jiray qalbigiisa ku kulmeen. Kun waydinood iyo kun xusuusood oo xanuunka iyo xiisaha ka la daran ayaa ku wada dhashay. Ma dhab baa in ay Isir tahay? Haba ahaatee waa Isirtee? Ma tii aad maalin kulanteen mise tii aad maalin ka la dhaqaaqdeen?
Markii ay dhabarka jeedisay ayuu degdeg uga daba kacay. Tobaneeyo tallaabo markii uu u jiray ayuu magaceeda ugu yeedhay. Dhakhso ayay u soo jalleecday iyada oo hubta in uu yahay mid ka mid ah kuwii ay soo dhaaftay. Markii ay garatayna muddo dherer la eg inta u dhexaysa bilawga iyo dhammaadka dunida ayay is’hor taagnaayeen iyaga oo isku dhaygagsan. Midba ka kale waxa uu u rumaysan la yahay sidii noole yaab leh oo kaga soo baxay meel aan laga filan karin. Goor dambe ayay tallaabadii u dhexaysay xaggiisa u soo qaadday, waxa ayna laabtiisa ugu tiirsatay si qunyar ah oo aad mooddo in ay damqasho iska dhawrayso ama isaga ka dhawrayso; si qunyar ah oo haddana culus oo aad mooddo in aanay weligeed ka toosi doonin. Ilbidhiqsigaa ayaa indhaheeda la keenay maydkii ay isla ogaayeen.




 




Ibraahin Yuusuf Axmec “Hawd”
ibraahinhawd@hotmail.com
www.ibraahinhawd.com




 




 

Baarlamaanka UK oo qaadacay weerar lagu qaado Siiriya


London (GNA)Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo xalay kalfadhi aan caadi ahayn isugu yimid ayaa cod u qaaday qorshaha Xukuumada Raysalwasaare David Cameron ee ku aadan duulaan lagu qaado dowlada Siiriya.




Baarlamaanka Ingiriiska ayaa si weyn ugu kala qeybsamay in UK ay ka qeyb qaadato duulaan lagu qaado Bashaar Al Assad, iyadoo codka intii badnaa uu raacay dhanka xildhibaanada kasoo horjeeda qorshihii militari ee Raysalwasaare Cameron.




272 Xildhibaan ayaa taageeray in UK ka qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah xukuumada Bahsaar Al Assad, halka 285 Xildhibaan ay qaadaceen in wax kaalin ah uu wadanka Ingiriiska ku yeesho dagaalka ka socda dalka Siiriya.
Arrintan ayaa waji gabax ku noqotay Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron si weyn ugu ololeenayey in duulaan militari lagu qaado dalka Siiriya, kadib xasuuqii sunta Kimikalka.




David Cameron oo isagu codsaday in xildhibaanada kalfadhigan aan caadiga ahayn isugu yimaadaan, ayaa sheegay inuu ka xun yahay natiijada codbixintii Baarlamaanka oo uu sheegay inay meesha ka saarayso in dowlada Ingiriiska ay ka qeyb qaadato hawlgalada militari ee ka dhan ah xukuumada Siiriya.




Diyaariye;C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com




 

Shirkadda Telesom Oo Casho Sharaf Ku Maamuustay Ciyaaryahano ka socda Dalka Djabouti oo Hargeysa Marti ku ahaa


Hargeysa (GNA) - Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa casho sharaf ku maamuustay Xalay Naadi kubadda Kolayga  dalka Djabouti ka socda oo booqasho Ciyaareed ku jooga Magaalada Hargeysa ee Caasimada somaliland.




 Ciyaaryahanadan oo maalmihii ugu dambeeyay booqasho ku joogay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay kulamo ciyaareed la yeesheen kooxaha Gaashaan iyo Asluubta ee ka dhisan somaliland.




Xafladan casho sharafta ah oo ka dhacday Hoteel Ambasador ee Magaaladda Hargeysa ayaa ka sokow masuuliyiinta Shirkadda Telesom Casuumadda fidisay, waxa iyaguna ka soo qayb galay Wasiirka Ciyaaraha, Wasiir Ku Xigeenka Cadaaladda, Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo masuuliyiin kale.




 Cabdirashiid Caydiid oo kamida bahda Ciyaaraha Somaliland ayaa sheegay shirkadda Telesom inay  qaadatay kaalintii ugu weynayd ee soo dhaweynta ciyaartooyda reer Jabouti “koobkii dahabiga ahaa waxaa qaadatay shirkadda Telesom oo aynu caawa halkan [Ambassador Hotel] u fadhino casho sharaftii ay u samaysay sagootiska kooxda reer Jabouti ee walaaleheen ah”ayuu yidhi Mr Caydiid.




 




Madaxa Iibka iyo Suuq-geynta ee Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Mustafe Maxamed Cabdi (Darbo) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ciyaaryahanadda Ku ciyaaraya Magaca Caasimadda Djabouti oo booqasho ku joogay Magaaladda Hargeysa.




 Maxamed Waxa uu si aad ah ugu nuux-nuuxsaday in ay shirkadoodu dedaalka ugu badan geliso sidii ay ciyaaraha Somaliland ula jaanqaadi lahaayeen caalamka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ninka ciyaartooyga ahi waxa uu sitaa calankii dalkiisa iyo karaamadii dadkiisa waxaanan looga baahayahay inuu ilaaliyo akhlaaqda iyo dhaqanka dalkiisa iyo dadkiisa”




Waxa kale oo uu intaasi ku daray in shirkadda Telesom oo ka mid ah hormuudka Isgaadhsiinta Casriga ahi ay ka go’an tahay sidii ay isu barbar taagi lahayd dhalinyarada reer Somaliland.




 Gudoomiyaha kooxda kubadda koleyga xulka reer Jabouti Mr Caamir oo isaguna ka hadlay madasha xafladdan  lagu maamusayey sagootiskooda waxa uu sheegay inay Somaliland kala kulmeen soo dhaweyn iyo qaabilaad wanaagsan oo Aanay markii hore ka filanayn waasida uu hadalka u dhigay e inay Hargeysa kala kulmidoonaan ayna ku faraxsan yihiin inay tartan ciyaareed  ugu  yimaadaan walaalohooda reer Somaliland “runtii Somaliland waxaanu kala kulanay soo dhaweyn iyo qaabilaad Aanaan markii horey filanayn waanan ku faraxsanahay inanau tartan ciyaareed saaxiibtinimo ah ugu nimaadno walaalahayaga reer Somaliland” ayuu yidhi Mr Caamir.




 Maxamed Xasan Cabdillaahi oo ah gudoomiyaha xidhiidhka kubadda koleyga Somaliland oo madasha ka hadlay waxa uu isaguna amaanay kooxda walaalohood ah ee reer Jabouti ee masaafaha dheer u soo jaray inay ciyaar saaxiibtinimo ah ugu yimaadaan dhiggooda reer Hargeysa waxaanu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay is dhexgalka bulshada reer Somaliland iyo reer Jabouti iyada oo loo marayo tartamada noocan oo kale ah oo Aan hada uun ku ekaan balse la qabto xiliyada soo socda kuwo noocan oo kale ah.




“annagu hadaanu nahay xidhiidhka kubadda koleyga Somaliland waanu ku faraxsanahay rartankan nadhexmaray annaga iyo walaalahayaga reer Jabouti waxaanay qayb ka qaadanasyaa si dhexgalka bulshooyinka ku kala dhaqan labada dalk ee walaalaha ah waanan soo dhaweynaynaa in la qabto marar kale tartamada noocan oo kale ah” ayuu yidhi gudoomiyaha xidhiidhka kubadda koleyga reer Somaliland Mr Xasan.




Wasiir ku kigeenka wasaaradda cadaaladda Sheekh Cismaan Nuur oo kahadlay xaflada loo samaynayey sagootiska kooxda ciyaartooyda ka ay isku dalka ka soo jeedaan waxa uu sheegay inaanay kooxdu marti ku ahayn Hargeysa balse ay ugu yimdeen dadkoodii sii daganaa hadii ay kuwa reer Hargeysa jabouti tagaanna sidookale Aanay ku noqonayn marti “kooxdu marti kuma aha Hargeysa waxaanay u yimideen dadkoodii iyo dalkoodii kua reer Hargeysana hadii ay Jabouti tagaan iyana marti ku noqon maayaan Jabouti balse ee waxay u tagayaan uun dadkoodii” ayuu yidhi Sheekh Cismaan Nuur.




 Waxaanu intaa ku daray “dee dadka reer Jabouti maanigaa Hargeysa keenay iyagaa yimide  kuwa reer Hargeysana maanigaa Jabouti geeyey dee iyagaa tagay oo Ilaahaybaa dhigay? ugu dambayntii waxaa madasha xafladda casho sharafta ah ee ay shirkadda isgaadhsiinta caalamiga ah ee Telesom ku maamuustay sagootinta kooxda xulka kubadda koleyga ee Jabouti City Basked Boll ka hadlay wasiirka ciyaaraha Cali Siciid Rayagl waxaanu ka warramay ahamiyadda ay leedahay qabashada tartamada noocan oo kale ahi iyo kaalinta ay had iyo jeerba ku leedahay shirkadda Telesom badhitaaridda ciyaaraha Somalialnd.




Dhanka kalana waxa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweyntii ay markii hore u sameeyeen kooxda reer Jabouti iyo tan ay hadda ku sagootinayaan kooxda walaalahood ah,Mr Raygal waa uu sheegay inuu isagu ka wasiir ahaan la safnaa kooxda reer Jabouti oo safar dheer u soo galay inay guuleystaan balse laga guuleystay ?anigu dee waanigii markii laydinka badiyeyba idiin sheegay oo idinkaan idinla jiray balse nasiibkaa idinka hiiliyey waxaanan jeclaa inaad idinku badisaan”. ayuu yidhi Cali Siciid Raygal.




Mr Raygal waxa uu si balaadhan ugu mahad celiyey shirkadda Telesom oo uu sheegay inay  uga soo baxday ciyaaraha dhirkadihii kale ee ganacsiga oo dhan taas oo ay markhraati u tahay sida ay shirkaddu had iyo jeerba garabka iyo gaashaankaba ugu tahay suurto galinta qabsoomidda ciyaaraha ?dalka waxaa ka jira shirkado farabadan oo ganacsato ah basle shirkadda Telesom waxay noqotay saaxiibka kaliya ee had iyo jeerba is barbar taaga wasaaraddayada iyo fududaynta xiyaaraha noocan oo kale ah” ayuu yidhi wasiirka ciyaaraha Cali Siciid Raygal




 Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Haweeney Culeys iska Dhintay Oo Dhimasho Qarka u Saaran.


(GNA) Haweenay Mareykanka u dhalatay ayaa ilaa waagii ay yareeyd waxaa ay ka caban jirtey culeyska jidhkeeda ku siibadanaya, balse culeyskaasi ayaa waxaa uu kalifay in uu xidho artei-yadii dhiigga waxaana haweeneydu ay dalbatay in ay marto qaliinka loo yaqaan Gastric Surgery.




Tracey McLaughin ayaa dhaqaatiirtu intii aaney qaliinkaa ku sameynin waxa ay uga digeen in ay dhimasho ku iman karto, sabatoo ah dadka qaliinkan mara oo badankood islamarkiiba u geeriyooda




Tracey waxaa markii ay martay qaliinka Gastric Paypass  hoos uga dhacay culeyskii badnaa ee ay muddo badan la cuuryaantay, hase yeeshee Tracy oo 51 jir ah ayaa guusha kadib waxaa joogsan waayey hoos u dhicii hilibkeeda, ciladan ayaa dhaqaatiirtu sheegi waayeen waxaana laga cabsi qabaa in ay u geeriyooto. Waxaa jidhkeeda uu la tiicayaa sii yaraansho hilibka ah, lama oga waxa weli daba taagan in xitaa miisaan yar ay hesho kadib waqtiga qaliinka.




 




Haweeneydaan ayaa sariir saaran haatan, jidhkeedu in uu hoos u dhaco mooyee waa uu waa uu soo kaban la yahay miisaankeediidii,




 Tracey oo  jirkeeda oo culeyskii ka dhacay owgiis. Dhaqaatiirta ayaa aaminsan in xuubka caloosheedu uu khatar galay iyada oo aanu  howshii loogu talo galay aanu qabaneeynin, oo aanu  dheefshiideeynin cuntada.




Haweeneydan oo imika sariir saaran ayaa waxa ay cuntaa cuntada qofka buuran  sida Bacon Sandwiches-ka, Cuntada qaadashada loogu talo galay ee Shiinaha iyo Buskutka buurida sababa. macluul ayaan u dhiman nayaa” ayey ku calaacashay. Tracey ayaa macdantii loogu talo galay in ay jidhkeeda gaadho aan gaadheynin halkaa oo wixii ay cunto aaney jirkeeda galeynin tan iyo intii ay qaliinka culeys dhimista isku sameysay.




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com

PL: Isimadda SSC oo diiday Ansixinta Musharixiinta Baarlamanka loo xulanayo iyo Faroole oo la soo toosay Tabasho Saarid uu la Daahay


Doorashada Baarlamanka Puntland ma laga yaabaa inay marto Dariiqii  tii Deegaamadu martay?




Garoowe(GNA)-Doorashada Baarlamanka Puntland ayaa inay fashilanto qarka u saran, ka dib markii saddex meelood oo meel ka mid ah xubnaha Baarlamanka Beelaha ay ka soo jeedaan diideen inay ansixiyaan musharixiinta isu soo taagay.




Tani waxay ka dambeysay Go’aan beelahaasi ka gaadheen ka sii mid noqoshadda Maamulka Faroole oo ay Saluug dabada dheeraaday iyo tabashooyin waxba laga qaban waayay ka tirsanayaan,taasoo ay ugu weyntahay Saami qaybsiga Maamulka oo ay ku doodayaan inay beel qudhi iska foodh yeeshay,  sidaasi darteedna ay doonayaan inay Deegaamadooda ka madaxbanaaneeyaan dawlad Goboleedka Puntland.




 Madaxdhaqameedyada Goboladda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, ayaa ku gacan-saydhay inay ansixiyaan Musharixiinta Golayaasha Baarlamanka isu soo taagay, ee ay soo xusheen Beelahoodu, waxaana baarlamanka kaga jiray Beelahaasi tiro ku dhaw 20 Xildhibaan, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Isimaddu.




Baarlamanka Puntland ayaa lagu soo xulanayaa nidaamka Beelaysiga ahaa ee lagu soo doortay kuwii hore, waxaana musharixiinta ansixinaya Isimada Beelaha , iyadoo beel kasta looga baahan hal Mudane.




Geesta kale, Deegaamada Puntland ,waxa ka socda qaban-qaabada Shir la sheegay in Kooxaha Mucaaridka ku ah Faroole abaabulayaan, kaasoo loogu magac daray dib u heshiisiinta iyo samato-bixinta Puntland.




Waxaana shirkaasi ku hawlan qaban-qaabadiisa Ururo  Mucaarid ah oo ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin miisaan weyn ku leh Puntland oo uu ka mid tahay Madaxweynihii hore ee Puntland  General Cadde Muuse.




Sidaasoo ay tahay Maamulka Madaxweyne Faroole waxa uu ku taamayaa sidii uu u qancin lahaa Bulshada goboladaasi ku dhaqan, taasoo qayb ka ah Joogitaanka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Cabdisamad Cali ee Degmada Taleex oo xarun u ahayd Maamulka Khaatumo markii la aasaasay sanad ka hor.




Qaadacaadda Doorashada Baarlamaanka ee Beelahan, ayaa laga cabsi qabaa inay meesha ka saarto qabsoomida Doorashadaasi xulashada ku dhisan, waxaana hadii ay taasi dhacdo imanaysa walaac hor leh oo ku saabsan Mustaqbalka Maamulka puntland, ka dib markii bishii ay fashilantay Doorashadii Deegaamadu.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com

Friday, August 30, 2013

Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Khudbad ka jeediyay Shirka Melbourne


Melbourne, Australia (GNA) – Waxa weli si habsami leh u socda shirweynihi caalamiga ahaa ee loo yaqaaney AfricaDownUnder Conference, ee ka socda magaalada Perth ee galbeedka dalweynaha Australia. Hadaba waxa maanta shirkaas qudbad dheer oo dhaxal gal ah isla markaasna taariikhi ah ka jeediyey wasiirka macdanta iyo khayraadka ee Jamhuuriyada Somaliland. mudane Xuseen Cabdi Ducaale. The right honorable Hussein Abdi Duale, The Minister of Energy and Minerals of the Republic of Somaliland.




Wasiirku uu qudbadaas ka hor jeediyey in ka badan 2500 oo ergooyin ah ama loo yaqaano Delegates oo ka soo qayb galayaal ah. Waxa kale oo goobta ku sugnaa 45 Wasiir oo ka soo jeeda qaarada Africa oo ay ugu horeyso amaba ay hogaaminaysay wasiirada macdanta iyo khayraadka ee dalka Koonfur Africa. marwo Susan Shabangu…The Hon. Minister for Mineral Resources. Republic of South Africa. Hadaba wasiirka ayaa kulan dheer la qaatay wasiirkan jamhuuriyada koonfur Africa oo ay ka wada hadleen arimo badan oo quseeya dhanka macdanta Waxa kale oo ay isla soo qaadeen shirweynaha caalamiga ah ee lagaga hadlaayo macdanta iyo khayraadka ee ka qabsoomi doona wadanka koonfur Africa shirweynahaas oo loo yaqaano. INDABA Mining Exploration Conference. South Africa. Shirkaas oo ah mid wasiirka lagu soo casuumay isla markaasna uu qudbad ka jeedin doono




Waxa dhanka kale maanta wasiirka macdanta iyo khayraadka ee Somaliland mudane Xuseen Cabdi Ducaale waraysi la yeeshay telefeeshin laga leeyahay dalkan Ustareeliya (Australia) oo loo yaqaano SKY TV oo si toos ah ugu tebinaayey dhamaan dalkan Australia oo idil. Waxa hadaba qudbadaas wasiirka ka dib wasiir Xuseen Cabdi Ducaale uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay shirkado laga leeyahay dalkan Australia oo danaynaaya in ay Somaliland soo booqdaan intaanay ku dhiiran in ay heshiish la galaan dawlada Somaliland.




Waxa dhanka kale wasiir Xussen Cabdi Ducaale uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxdii ka soo qayb gashay shirweynahan caalamiga ah ee loo yaqaano AfricaDownUnder kuwaasoo kala ahaa wasiiro ka soo kala jeeda qaarada Afrika sida wasiirka dalka Angola…H.E. Manuel Francisco Queiroz. The Minister of Mining, Republic of Angola. Iyo wasiiraka macdanta ee dalka Nigeeriya. H.E. Musa Mohammed Sada. The Minister for Mines and Steel Development. Republic of Nigeria. Waxa kale oo wasiirku uu kulan dheer la qaatay wasiirka macdanta iyo khayraadka ee dalka Koongo (Congo) The Hon. Pierre Obe. Minister of Mines and Geology. Republic of Congo.

Xulka Jarmalka Ee Isreebreebka World Cupka Loo La Magacaabay, Gotze Iyo Schweinsteiger Oo Ku Soo Laabtay.


Germany ayaa waxa war fiican u noqday inay ku soo laabteen xulka ciyaartoyda Mario Gotze iyo Bastian Schweinsteiger kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee ay bisha soo soocta la ciyaarayaan Austria iyo Faroe Islands.




Labada ciyaaryahan ee Bayern Munich ayaa ku biiray xulka 24ka ciyaaryahan ee xoogan ka kooban oo uu ku jiro Toni Kroos oo isna sidoo kale dhaawac ka soo laabtay.




Dhanka kale xiddiga garabka uga ciyaara Bayer Leverkusen Sidney Sam iyo weeraryahanka Borussia Monchengladbach Max Kruse ayaa labadoodaba lagu soo daray xulka, laakiin Ilkay Gundogan, Marcel Jansen iyo Lukas Podolksi ayaa dhamaantood dhaawac kaga maqan.




Germanay ayaa haatan hogaanka u heysa Group C isreebreebka Koobka Adduunka Qaarada Yurub, waxaana ay shan dhibcood oo nadiif ah ka sareeyaan xulalka Austraia, Sweden iyo Republic of Ireland.




 




 




Xulka Jarmalka Ee La Magacaabay:




 



























































































































Name

Club

Goolhaye:

 

Rene Adler

Hamburg

Manuel Neuer

Bayern Munich

Ron-Robert Zieler

Hannover

Daafac:

 

Jerome Boateng

Bayern

Benedikt Howedes

Schalke

Mats Hummels

Dortmund

Philipp Lahm

Bayern

Per Mertesacker

Arsenal

Marcel Schmelzer

Dortmund

Khad Dhexe:

 

Lars Bender

Leverkusen

Sven Bender

Dortmund

Julian Draxler

Schalke

Mario Gotze

Bayern

Sami Khedira

Real Madrid

Toni Kroos

Bayern

Thomas Muller

Bayern

Mesut Ozil

Real Madrid

Marco Reus

Dortmund

Sidney Sam

Leverkusen

Andre Schurrle

Chelsea

Bastian Schweinsteiger

Bayern

Weerar:

 

Mario Gomez

Fiorentina

Miroslav Klose

Lazio

Max Kruse

Gladbach

Seddex Xiddig Oo Chelsea Ah Oo Laga Saaray Xulka Spain Ee Maanta La Magacaabay.


Seddex ciyaaryahan oo Chelsea u ciyaarta Cesar Azpilicueta, Juan Mata iyo Fernando Torres ayaa laga saaray xulka Spain ee uu magaacabay maanta tababare Vicente del Bosque.




Xulka difaacanaya Koobka Adduunka iyo kan Yurub ayaa kulan isreebreebka Koobka Adduunka ah ciyaaraya bisha soo socota, iyagoo wajihi doona Finland jimcaha soo socota ka hor ita aysan u safrin Geneva halkaasoo ay kulan saaxiibtinimo kula ciyaari doonaan xulka Chile.




Tababaraha Blues Jose Mourinho ayaan si joogta ah u isticmaalin seddexdaan ciyaaryahan ee laga soo tagay xagaagan, laakiin tababare Del Bosque ayaa sheegtay in sababta aysan aheyn inaysan ciyaarin balse uu siyaabo kale ku qiimeeyay.




 




 




Tababaraha xulka Spain ayaa u soo yeeray labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ee Atletico Madrid Mario Suarez iyo Koke, halka daafaca Real Sociedad Inigo Martinez isna uu buuxinayo booska uu ganaax kaga maqan yahay Gerard Pique kulanka isreebreebka adduunka.




Waxaa xulka dhaawac kaga maqan Xabi Alonso iyo Javi Martinez, halka saxiixyada cusub ee Man City Jesus Nevas iyo Alvaro Negredo ay boos ka heleen si la mid ah saaxiibkooda kooxda David Silva.




Xulka Spain Ee La Magacaabay:



















































































































Goolhaye:

 

Iker Casillas

 Real Madrid

Victor Valdes

 Barcelona

Pepe Reina

 Napoli

Daafac:

 

Nacho Monreal

Arsenal

Alvaro Arbeloa

Real Madrid

Raul Albiol

Napoli

Sergio Ramos

Real Madrid

Inigo Martinez

Real Sociedad

Jordi Alba

Barcelona

Khad Dhexe

 

Jesus Navas

Manchester City

Santi Cazorla

Arsenal

Koke

Atletico madrid

Sergio Busquets

Barcelona

Mario Suarez

Atletico Madrid

Xavi Hernandez

Barcelona

Andres Iniesta

Barcelona

David Silva

Manchester City

Isco

Real Madrid

Cesc Fabregas

Barcelona

Weerar:

 

David Villa

Atletico Madrid

Alvaro Negredo

Manchester City

Roberto Soldado

Tottenham

Pedro

Barcelona

Man United Oo Ku Hungowday Saxiixa Ander Herrera, Athletic Bilbao Oo Xaqiijisay.


Madaxweyne Jose Urrutia ayaa xaqiijiyay inay dalab ka heleen Manchester United oo ku aadan saxiixa Andre Herrera laakiin Athletic Bilbao aysan dooneynin inay iska iibiso ciyaaryahanka.




Warar soo baxayay maanta ayaa sheegayay in dalab 30 milyan euro ay Manchestet United ka gudbisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee 24 jirka ah.




Si kastaba, madaxweynaha kooxda reer Basque ayaa sheegay inaysan wadaxaajood ka geli doonin dalab ka yar 36 milyan euro oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.




“Waxaan dalab rasmi ah u helnay Ander Herrera, dalabkaas xalay ayuu na soo gaaray.” ayuu Urrutia u sheegay suxufiyiinta.




 




 




“Inkastoo aan arintaan xaqiijin karno, hadana yoolkeena ma ahan inaan lacag sameyno laakiin waa inaan ceshano ciyaartoydeena.




“Cidii dooneysa inay jabiso qandaraaska waa inay soo bandhigaan inay doonayaan inay baxaan, laakiin taasi ma ahan kiiska Ander.




“Muhim ma ahan inaysan gaarin heerka lacag ee lagu burburin karo qandaraaska Ander. Hadii ay taas dhaco, islamarkaana ciyaaryahanka uu doonayo inuu baxo markaas ayaan ka wada hadli doonaa.




“Weli lama aanan hadlin ciyaaryahanka. Waxaan sheegnay inaanan la xaajoon doonin Manchester United.”

Taariikh Nololeedkii Dr. Martin Luther King Oo Ahaa Geesi U Kacay Madowga Maraykanka.


Dr. Martin Luther King wax uu ahaa Geesi u kacay dadka Madaw ee Maraykanka ah, Dr. King waxa uu ku dhashay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia sanadku markuu ahaa 1929kii.
Waxa uu noqday wadaad diinta Masiixiga ah oo maamula kaniisad la yidhaahdo Dexter Avenue Church oo ku taalay Montgomery ee gobolka Alabama ka dib markii uu dhamaystay Kuliyadda Moorehouse halkaas oo uu ka qaatay shahaado jaamacadeed sanadkii 1948. Sidaas oo kale aabihii iyo awowgiis waxay ahaayeen hogaamiyeyaal diimeed kuna xeel dheeraa diinta Masiixiga.
Dr. Martin oo ahaa nin waxbarashada aad u jecel aaminsanaa in ay maalin maalmaha ka mid ah waxbarashadiisu anfici doonta ayaa waxbarashadiisii ka sii watay kuliyad diineed la odhan jiray Crozer Theological Seminary halkaas oo lagu abaalmariyey shahaadada kuliyadaas sanadkii 1951kii. Dr. King kuma joogsan halkaas ee wuxuu sii watay waxbarashadiisii, wuxuuna ka qalin jabiyey Jaamacadda Boston sanadkii 1955tii, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada qiimaha leh ee loo yaqaano Ph.D.
Sanadkii 1954 ayaa dacwad ay qaaday Maxkamadda sare ee Maraykanku ayiday ama aqbashay cabasho uu soo gudbiyey Mr. Brown oo ahaa nin madow ah isla markaana ka soo horjeestay sharciyada Koonfurta ee kala soocayey arday cadaanka ah iyo kuwa madowga. Go’aankaasi waxay maxkamaddu sheegtay in kala sooca ardaydu uu ka soo horjeedo dastuurka dalka Maraykanka, isla markaana ay sharci daro tahay in ardayda la kala sooco. Arintani waxay keentay arimo aad u badan; waa mide, waxay rajo gelisay dadka madowga ahaa, waa mida labaade, waxay ka xanaajisay dadkii cadaanka ahaa ee ka faani jiray in ay dhexgalaan dadka madawga ah ee yasi jiray . Arintani waxay rajo ku abuurtay Dr. King.
Sanadkii 1955, qof dumar ah oo la odhan jiray Rosa Parks ayaa diiday in ay kursi Bus uga kacdo nin cadaan ah, waxayna arintani dhalisay dhaqdhaqaaq xoriyad raadis ah oo ay bilaabeen dadkii la adoonsan jiray. Arintan oo aad u xiiso badnayd ayaa Dr. King loo doortay qaadacaad lagu sameynayey basaska magaalada Montgomery.
Qaadacaadu waxay jiitameysay mudo hal sano ah inkasta oo qaadacaadu ahayd mid nabad ah oo aan wax dagaal ah la galin. Qaadacaadani waxay ku qasabtay maamulka magaalada ay in ay wax ka bedelaan qaabkii basaska ayna ku dhawaaqaan in dadku dhamaan u siman yahay basaska isla markaana aysan jirin cid gooni wax loogu ogolaanayo.
Arintan oo gebi ahaanba u dhacday si nabad ah ayaa Dr. King u soo jiiday in uu magac weyn ka kasbado dadka doonayey in ay ka xoroobaan midab-takoorka. Dr. King wuxuu qaadacaas uga hadlay buugiisii la odhan jiray u halganka xoriyadda (strive toward freedom) kaas oo uu ku soo bandhigay fikradiisii ahayd in mudaharaad nabad ah lagu gaadhi karo xoriyad buuxda. Dr. King wuxuu aaminsanaa in aan gacan ka hadal waxba lagu xalin karin, balse mudaharaad nabad ah uu yahay wadada isbedel lagu sameyn karo.
Dr. King wuxuu dib ugu laabtay magaaladaAtlanta sanadkii 1959, ka dib markuu ku guuleystay qaadacaadii basaska ee Montgomery. Dr. King markii uu ku laabtay Atlanta, waxaa loo doortay inuu hogaamiyo urur la odhan jiray Southern Christian Leadership Conference oo laba sano ka hor laga aasaasay New Orleans, waxaa kale oo loo doortay in uu aabihiis oo markaas ahaa madaxa kaniisadda Ebenezer Baptist Church ku xigeen u noqdo.
Bilowgii 1960-kii, Dr. King wuxuu qabanqaabiyey mudaharaadyo aad u badnaa oo hadheeyey Koonfurta Maraykanka. Mudaharaadyadani waxay ahaayeen kuwa nabad ah una badnaa fadhi dadku ay fadhiisanayaan meel fagaare ah isla markaana aamusayaan. Sanadkii 1963, waxaa dhacday in Police-ka magaalada Birmingham ee Gobolka Alabama ay go’aansadeen in ay mudaharaad xoog ku kala kaxeeyaan iyagoo isticmaalaya Ay (dogs),
booyadaha dabka damiya oo biyo aad xoog badan tuuraya iyo budhadh. Dhacdadan ka dib, Dr. King wuxuu doonay in xabsiga loo taxaabo si arintu u sii weynaato. Dr. King xabsiga ayaa loo taxaabay. Intii uu xidhnaa, wuxuu qoray waraaq ka koobnayd 20 bog looguna magac daray « Warqad ka timid Xabsiga Birmingham (a letter from Birmingham Jail ).
Mudaharaadkii Birmingham ka dib, August 28, 1963 Dr. King wuxuu hogaamiyey mudaharaadkii weynaa ee Washington kaas oo ay ka qayb galeen dad ka badan 20,000 isla markaana dalbanayey shaqo iyo xoriyad. Halkaan ayey ahayd halkii Dr. MLK uu ka akhriyey qudbaddiisii caanka ahayd ee la magac baxday waxaan ku riyoonayaa “I have a dream” iyo ugu dambeyn xor ah (free at last) taas oo noqotay mid kicisay dhiigga dadka xoriyad-doonka ahaa.
Sanadkii 1964, Dr. Waxaa la gudoonsiiyey bilad sharafta loo yaqaan Noble Peace Prize. Isla sanadkaas, waxaa la mamnuucay midab-takoorka iyo kala-sooca dadka. Arintani aad ayey u qancisay Dr. King, wuxuu qabanqaabiyey mudaharaadkii Selma (Alabama), St. Augustana (Florida) iyo socodkii dheeraa laga soo bilaabay Selma laguna yimid Montgomery sanadkii 1963dii.
Bilowgii 1966, wuxuu u soo wareegay dhinaca Waqooyiga Maraykanka isaga oo ka bilaabay meelaha dadka madow degenaayeen ee magaalada Chicago. Sanadkii xigay, wuxuu ka hadlay isu soo bax ka dhacay New York kaas oo uu ku diidanaa dagaalkii Vietnam iyo in aanay banaanayn in Maraykanku lug ku lahaado dagaalkaas. Halkaas waxa ka bilaabmay dhaqdhaqaaqii gacan-ka-hadalka ahaa ee madowga (black power movement).
Dhaqdhaqaaqan ayaa xal u arkay in ay haboon tahay in dagaal iyo gacan ka hadal la bilaabo, taas oo keentay iska hor imaad ka dhacay magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Detroit, Chicago, Cincinnati, iyo Newark.
Hadaba si uu uga hortago gacan-ka-hadalka, sanadkii 1968 Dr. King wuxuu bilaabay olole cusub la magac baxay Ololihii Dadka Saboolka ah (Poor People’s Campaign), taasoo uu ku muujinayey in halgankiisu ku saleysan yahay mudaharaad nabad ah ee aanu gacan-ka-hadal shaqo ku lahayn. Xiligii gu’ga ee isla sanadkan, Dr.King waxaa lagu
casuumay in uu ka hadlo mudaharaad ay qabanqaabiyeen shaqaalaha nadaafadda ee Tennessee.
Halkaas ayaa lagu dilay Dr. King iyada oo xabad lala beegsaday isaga oo taagan hoteelkii uu degenaa ee magaalada Memphis. Aaskiisii oo dhacay 4tii Abriil 1968, waxaa ka soo qayb galay dad ka badan 60,000 oo murugo aad u ba’ani wejigooda ka muuqato. Dr. King, waxaa lagu aasay Atlanta (Georgia).
Sanadkii 1973, ayaa Gobolka Illinois bilaabay u dabaaldegga dhalashadii Dr. King. Gobolo badan ayaa ku dayday Illinois. Toban sano, ka dib, madaxweynihii Mareykanka ee la odhan jiray Ronald Reagan ayaa saxiixay in dhamaan dalka looga debaaldeggo dhalashadii Dr. King, oo loo aqoonsaday maalintaas in ay tahay Fasax Federaal ah.
Laga soo bilaabo Janaayo 20, 1986 waxaa dalka Maraykanka looga debaaldeggaa dhalashada Dr. King.
Taariikhda iyo Noloshii Dr. King, halkan laguma soo koobi karo, balse waxaan filayaa in dad badani ka faa'iidaystaan fikrad-na ka helaan taariikhdii Dr. King.
 




 

Dhalista ILmaha 1aad oo dhibaato badan ka dhex dhalisa qoysaska somalida qurbaha.


Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday laguna sameeyay dalka ingiriiska




ayaa lagu sheegay in dhibaato xoog leh ay ka dhex jirto lamaanayaasha is




qaba ee guud ahaan yurub ku nool, ha noqdaan kuwa u dhashay ama kuwa soo




galooti ah.




Dhibkaan oo baaxadiisa laga dareemo dhamaan yurub ayaana la sheegay in




40% qoysaska Yurub ee isku cusub ay ka siman yihiin mushkiladaan soo noq




noqotay.




Dhibka iyo dagaalka lamaanaha ayaa daraasada lagu sheegay in xowligiisu




uu bilowdo marka haweeneydu ay dhasho cunuga koowaad, taasoo sababta




isku dhac joogta ah iyo dood aan dhamaan dagaalkuna uusan ka marneyn.




Sababaha ugu weyn oo la isugu dhaco ayey daraasadani tibaaxday inay




tahay waalidiintan oo ku cusub waayaha waalidnimada isla markaana aan ka




heysa wax qibrad ah, arinta koowaad ee dagaalka iyo khilaafka dhalisa




ayaana ah sida cunuga yar looga bedeli lahaa xafaayada kaadida iyo




saxarada looga ilaaliyo.




Aaabayaasha ayey daraasadu sheegtay inay ka faanaan amaba ay dhibsadaan




bedelista xafaayada, halka hooyooyinku ay ku cadaadiyaan ayagoo dhahaya:




ma aniga unbaa dhalay cunuga oo mar walba saxarada in aan ka meyro/dhaqo




waajib tahay?




 




Tani ayaana ugu danbeyn keenta dood iyo buuq la sheegay inuu maalin




kasto taagan yahay.




Ugu danbeyna daraasadan ayaa si weyn u taabaneysa qowmiyada Soomaalida




ee qurbaha ku nool, ayadoo aad moodo in daraasadan lagu saleeyay wadciga




saxda ah ee ka dhex taagan Soomaalida guurkoodu isku cusub yahay,




kuwaasoo aalaaba khilaafkoodu ka bilowdo sida loo heyn lahaa caruurta




dhalata, iyo waliba sida loo qeybsan lahaa qarashka lagu helo caruurta




waa hadii ay yihiin waalidiin ceyr qaata.