Xoghayahii Faadumo Siciid oo sida oo kale hadalkeeda sii wadata ayaa waxaa ay faah faahin ka bixisay u jeedka safarkeeda ay dalka dibadiisa ugu maqnayd,waxaana ay si xooga xukuumada Somaliland ay ugu canaanatay habacsanaan ay sheegtay in ay k muuqato Siyaasada arrimaha dibada ee dalka,waxaana ay carabka ku dhufatay in meel kasta oo la tago Somaliland laga aamin san yahay oo qudha in ay tahay maamul gobaleed,iyada oo sida oo kalena wasiirada xukuumada Siilaanyo ku eedaysay in marka ay shirar ka qayb galayaan ay kaliya kaga qayb galaan iyaga oo matalaaya in ay Somaliland ay tahay maamul gobaleed ka tirsan waxii layskuo dhan jiray Somaliya.
“Safarkaygii qaatay Labada bilood,waxaa ku soo maray dalka Turkiga iyo Kuwayta,dalka Turkiga laba siyaabood-ba waan u tagay.In aan soo arko xaalada ay ku sugan yihiin dhalinyarada dalkaas wax ka barata,maanta ka maynu war-warneen caruurta halkaas wax ku barata haday Somaliland,Turkiga ku leedahay safaarad.Waxaan lasoo qaatay shir waxaanan usoo jeediyay talooyin.Meel kasta oo aan safarkayga ku marayey waxa lay lahaa anagu dooni mayno Inuu khilaaf Soo kala dhex Galo madaxda dalka”Ayey tidhi Faadumo Siciid.
Faadumo Siciid Oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay tidhi.“Ta-aad iyo aadka caalamku uga xumaaday waxa weeyaan saxaafadan la xidh-xidhaayo,cabudhinta bulshada lagu hayo ee waxa loo xidh-xidhayo aan La garanayn,dhalinyaradii joogtay caalamkuna waxa ay leeyihiin maxaanu dalkii ku noqonaa hadii uu xadhig nagaga horeeyo.Markaan dalka barigii hore ka baxo waxa la odhan jiray Somaliland waa dal nabad ah maantana anaga oo dukhsi ka yar ayaanu dalka ku soo Noqonay”.
Dhinaca kale Faadumo Siciid waxa ay ka hadashay Siyaasada arrimaha dibada Somaliland oo ay sheegtay in Kaalintii beesha caalamka Somaliland ka Aaminsanayd Ay gabtay.
“Somaliland dalka dibadiisa waxa ay ka tahay maamul goboleed ninkii hadlayaaba ha hadlee, Somaliland dibada waa ka maamul goboleed ka tirsan dawlada Somaliya.Anaga ayaa xaqiiqada soo taabanay soona aragnay sida uu xaalku yahay,wasiiradeenuna Iyaga ayaa ugu wacan,markastana dhex fadhiista shirarka Somaliya”
Dhinaca kale Xildhibaan Baar Siciid iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay si aada ay Faadumo Siciid ay ugu soo dhawaynayaan Xisbiga WADDANI,waxaana ay tilmaameen in ay rajaynayaan in Faadumo Siciid ay kaalin muhiim ah ay ka ciyaari doonto xisbiga WADDANI.