Waxa weftiga u bilaabmay wada-hadalo u dhexeeya dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheikh oo dawladda Djibouti marti-gelinayso.
War rasmiya wali kama soo bixin nuxurka wada hadalada labada dhinac.
War ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo si heer caalami ah loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, iyada oo ay garoonka Miyaaraha ku soo dhaweeyeen Raysal Wasaaraha Dawlada Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo hogaaminaaya Xubno ka mida Dawlada Jabuuti oo u badan wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf, waxa kale oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey garoonka Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti Mudane Maxamed Xirsi qalinle.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo Dawlada Jabuuti kala kulmay soo dhawayn aad u qiimo badan ayaa Salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka dirsan Ciidamada Dawlada Jabuuti oo ku sugnaa Madaarka Jabuuti ee Caalamiga ah, iyada oo Madaxweynaha loo gelbiyey dhinaca Hotel Palce Kempinski ama Kambiisi, oo qadar daqiiqado ah ka dib uu ku soo boqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Somaliland Mudane Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, boqoshadaasi oo ahayd is xaal waraysi ay labada madaxweyne kulan saacad ku dhawaad ah wada yeesheen.
Waxa la filayaa in saacadaha soo socda ay dhacaan kulamo iyo martiqaadyo dhawr ahi oo madaxweynuhu la yeelan doono madax kala duwan kuwaasi oo aanu idin soo tebin doono insha allaa.”
Waxa kale oo Qoraalkan lagu sheegay Magcyada Xubnaha kala duwan ee ka midka ah Weftiga Madaxweynaha Somaliland ku tegay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaasoo ay ku jiraan Weriyeyaal kala duwan. Waxay Magacyadoodu u dhignaayeen Sidatan:-
Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde
Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan
Wasiirka Beeraha Prof. Geedoole
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir
Gudoomiye ku xigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax
Gudoomiye ku xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali
Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali
Xildhibaan Nacnac
Xildhibaan Kijaandhe
Protocol ku xigeenka Madaxtooyada Caydaruus Mahdi Xaashi
12 Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Naasir Yuusuf Daahir
Gudoomiye ku xigeenka Dawan Cumar Maxamed Faarax
Gudoomiyaha Wargeyska Somalilandtoday, Muniir Axmed Cige
Gudoomiyaha Wargeyska Waaheen, Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.”
Wariyaha Gobanimonews ee Dalka Djibouti, ayaa waxa uu ku waramayaa in saacadaha soo socda wufuudda labada dhinac yeellan doonaan kulamo foolka fool ah oo uu marti gelinayo madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne iyo wufuudda ay hogaaminayaan ayaa ku degay Hudheelka Kambeesi ee caasimada Jibuuti.
Dadka soomaalida ah ayaa isha si weyn ugu haya natiijada shirkan laysugu keenay dhinacyada soomaalida ee markii ugu horaysay ka qabsoomay dalka Djibouti.