Saturday, December 20, 2014
Wasiir Cukuse Oo Jaaliyadda Somaliland Ee Faransiiska Ku Dhaqani Si Weyn U Soo Dhaweeyeen Xalaadda Dalkana Uga Waramay
“Waxaynu Somalida Kale Dheer Nahay Madaxweyne Ruugcadaaya Siyaasi La Da’ah Oo La Khibrad Ahi Jirin Iyo Guurtidda Oo Marka Aynu Murano Ina Kala Saara “
Wasiirka (Gobanimonews)-19-12-2014-Warfaafinta Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliiland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa si aan loo kala hadhin loogu soo dhaweeyey Magaaladda Oishi ee dalka Fransiiska, waxana salkaasi oo ay ku so odhaweeyeen Safiirka Somaliland dalkaasi u fadhiya Cali Ismaaciil Xasan Jaaliyadda Somaliland ee Fransiiska oo tiro badan iyo Xubno kale.
Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa si weyn ugu mahad naqay sida weyne ay u qaabileen Jaaliyadda Somaliland ee dalka Fransiiska iyada oo uu sido kale uga xog waramay xaaladda dalku maraayo isaga oo sido kale Jaaliyadda u sheegay inay madaxweyne Siillaanyo iyo golaha guurtidda Somaliland yihiin labada ay Somaliland dheer tahay Somalida kale waxa kale oo uga waramay Jaaliyadda horumarka Saxaafadda Somaliland ay ku talaabsatay iyo heerarkii kala duwanaa ee ay warbaahinta dalka soo martay mudadii 4-ta madaxweyne dalka xilalka madaxweynimo ka soo qabteen.
Wasiirka Warfaafinta Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliiland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo arimahaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “Marka hore aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinayaa sida sharafta leh ee dalkan aad iigu soo dhaweyseen idinka oo ah Jaaliyaddii Somaliland ee dalk Faransiiska ku dhaqnaa, dadka waxaynu dheer nahay Siillaanyo iyo guurtidda oo waxaynu dheer nahay madaxweyne ruug cadaayaa oo waxaynu dheer nahay Siyaasi la da’ah oo la khibrad ah, waxaynu dheer nahay Somalida kale Siyaasi u soo samray dalkan oo waxaynu dheer nahay hogaamiye maalintii geedka lagu riday ilaa maanta oo midhihiisi la goosanaayo soo taagna maalin walbana geedka intii uu tarikaraayey taray, waxaynu dheer nahay guurti marka aynu murano in kala saarta”
Md Cukuse oo hadalkisia sii wata waxa uu yidhi “Waxaynu dheer nahay Saxaafad wanaagsan waana markii u horeysa ee aan saxaafadda amaano, laakiin saxaafaddaasi waan amaanayaa marka aan qurbaha joogo oo waan idiin sheegayaaye saxaafaddeenu ma wada xuma oo saxaafaddeenu way la koreysaa oo imika inta yar ee aad dareenteena waxa weeyaan berigii madaxweynihii Madaxweynihii Cabdiraxmaan Axmed Aw Cali uu joogay ALLE ha u naxariiste 2-ba sanno ayey ahey oo labada sannadood 80 meeyo Saxaafaddi intay sameysmeen ayuu dalku ahaa mid qorigu sareeyo oo wuxu ahaa dal aanay dawladnimadu istaagin oo dhaqaale jirin oo markiiba way baabeen,dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa jiray wargeysyadii Jamhuuriyadda iyo Haatuf oo kaliye waxa soo raaciyey Somaliland Space Channel Tv oo hargeysa oo kaliya ku koobnaa,dawladdii Daahir Riyaale Kaahin Ilaahay haka raali ahaado madaxweynahaasina saxaafaddu wakhtigiisii way koreen oo waxay soo gaadheen Jaraa’id oo Tv-yaduna 2 ilaa 3 ayay ahaayeen oo marka kuwa afka Somaliga ku hadla ee Somaliland-na waabay yaraayeen”
Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo si qoto dheer faahfaahin uga bixinaayey Saxaafadda Somaliland iyo maanta halka ay mareyso waxa uu yidhi “Maanta halkan aad qabyaaladda iyo maqalkeeda ka dareemeysaan halkan muranka aad markiiba guryihiina idinka oo jooga ka dareemeysaan, idinka oo dhulka Sodoneeyada Kun ee Kiilomitir u dhexeeyaan jooga uu warku Kunka badood ka soo talaabayo waxa weeyaan saxaafaddii ayey tiradoodi bada tahay oo dhawr iyo Toban Wargeys ayaa ka soo baxa Hargeysa oo 8-Tv ayaa maalin kasta hadlaaya oo subax kasta dad uu ka hadliyo deydayaaya waxa intaasi dheer dhawr Kun oo Wepsite,marka kuwaasi oo dhawn ayaa muranka xambaaraya oo badnida ay bateen ayaad moodeysa inay qabyaaladii badatay oo waxba ka may badanin ee awala Marfishyada ayey ku koobneyd imikana Tv-yadii ayey gashay iyo Wepsites-kii kolka wax weyn maaha ee dunidii ayaa marfish kaliye noqotay ee aad haw dhibsanina oo dhibaatadoodu maaha mid dalka guddihiisa ka jirta oo sida idinku ugu damqaataan walaahi in laydinka na xariisto (Shaaliyaddaha Qurbajooga Somaliland) xaq ayaad u leedihiin , Alxamdulilaa awal hore saxaafadda xeerar aanu ku dhaqna may jirin hadase waxaanu sameynay xeer aanu isla wada ogol yahay oo hore iyo xeer nidaamiye aanu ay iyagu sameysteen kuwaasi oo bari hore inta la sameeyey aanu imika dib u nooleynay oo xeerarkaasi ayaanu imika aanu dooneyna inay wax bedelaan dawladdana xil ayaa ka saaran aqoontooda inay wax badan ku kordhiso waananu dadaleynaa oo waxa aanu qaban doono ayey wax noqon doonta”
Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil
Abdiwali1991@gmail.com
Gobanimonews/Hargeysa Head Office/Somaliland