Sunday, December 21, 2014
Fikradaha Akhristeyaasha ee Shirka Soomaalida uga furmay Djibouti
Boqolaalka qof oo Mareegaha Bulshadu ku xidhiidho fikradoodaha kaga dhiibtay shirka uga furmay dawladdaha Somaliland iyo Soomaaliya dalka Djbabuuti ee uu marti-geliyay Madaxweynaha dalkaasi, ayaa dareenno kala duwan ka bixiyay waxa laga fili karo shirkaasi iyo ajandaha looga hadlayo.
Dadka aaraa’da ka dhiibto arrintan ayaa isugu jira qaar taageersan iyo kuwo dhaliilaya intaba, waxaana muuqata inay fikradahoodu u kala janjeedhaan aragtiyaha ay kala wataan hogaamiyeyaasha labada waddan ee markii ugu horaysay ku kulmaya waddan Soomaaliyeed, iyagoo kala metelaya laba dawladdood oo ka dhisan Dhulka Soomaalida.
Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah fikirradihii ay dadku ku dhiibteen Barta Facebook-ga 14-kii saacadood ee laga soo gudbay, kuwaasoo aan u soo miin-guurinay sidii ay dadku soo qoreen.
Xaaxi-Hotel Hargeisa waa wax sahlan, Qaybsigga Golaha wasiiradda Mogadishu, ayay ku Xidhay Dawladeena, hadii kalle ka mid Noqoshadda Maamul Gobleed 4aad ama 5aad ee Somaliya cusub ayaan dib u Dhigaynaa ayay ku Hanjabeen (Dalka Turkiga ayay u Dacwoodeen) Wasiiradeena Dibadda iyo Madaxtooyadda. (Somalilander).
Abubakar Maxamud somaliya. iyo. jabuuti. La garaye. ee. somalilnld. xagee. Kasocotaa “
Khadra Ciidangale “Abubakar Maxamud - Somaliland wa gobal somalia ka mid ah ee maankaga iyo maskaxdaada u sheeg”
Axmed Siciid Ismaaciil ·”Waa wax fiican in lala kulmo oo lagala hadlo ciday wax kaaga xedhantahay”
Cabdisalan Cabdulle Cali waan ku faraxsanahay ilaahey isu soo dhawaanshiyo iyo midnimo ha dhex dhigo inshaalah
Xuseen Dantihaye ·Waa guul u soo hoyeytay Sadexda Dal ee Walaalaha ah waa Jabuuti, Somaliland iyo Somaliya haddii maanta lawada gartay jaarnimadii iyo walaalnimadii.
Genaral Mahamed Buurane Waxba kasoo bixi maayaan waayo waxay kala taagan yihiin labo meelood oo aad u kala fog, gooni isku taag iyo midnimo qodobadii yar yarka ahaa ee ay horey ugu heshiiyeena waxba kama hir galin
Fareh Abdu Mohammed · Waa qosol iyo qalbi is-khilaafsan iyo munaafaqad, walla-weynna ninka aaminaa isagaa quus ah, waayo waa nimanka ku maah-maaha "Afow yeelkaa uurowna Allaa ku og".
Axmed Qayaad. aslaamu calaykum dhamaan akhyarta ku kulma gobtan wa salamantihin hadan isku dayo su aasha ah sidaad uragtaa kulanka madaxweynayasha labada dal ee dj waxan odhan karaa kama duwana kuwii hore ee turkiga iyo meelihii kale kadhici jiray ku darsoo heshisyadii lasheegi jiray sida xafiiska hawada diyaraha mee maxaa weli loo dhaafi waayey xidhidhka ganacsiga budhcad badeedka, argagixisada maxaa looga hadli waayey afartaa sano iyo badhkaa qadiyada labada dal kala taganyihiin kana k udar kuwii hore.
La soco kuwo kale oo xiiso badan, kuna soo biir...