[caption id="attachment_103411" align="alignleft" width="300"]Xasan Sheikh oo Siilaanyo Garabka taabtay, sawirrka [/caption]Hargeysa(GNA)-Wada-hadalo toos ah ayaa uga furmay Magaalada Djibouti wufuud ay kala hogaaminaayan Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya.
Wufuud ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo Somaliya ka socda iyo Madaxweyne Siilanyo oo ka socda Somaliland ayaa kulanku uga furmay Hudheelka Kambiisi ee Caasimada Jibouti.
Kulankan ayaa daba socday Shirarkii hore uga dhacay Turkiga iyo Ingiriiska ee dhex maray labada dhinac.
Inkastoonay labada dhinac si rasmiya u qeexin waxyaabaha ay ka wada hadlayaan, hadana marka la eego qorshihii bilowga ee beesha Caalamku ka shaqaysay, waxa labada dhinac ka wada hadlayaan nooca uu noqon doono xidhiidhkooda Mustaqbalku. “kala go’ ama Midnimo”, loogama hadlin Shirarkii hore, laakiinse waxa lagu soo qaaday wada shaqayn, isku soo dhawaanshiyo iyo qaybsiga dhaqaalaha.
Dadka ka faallooda arrimaha Siyaasadda, ayaa sheegaya shirkani ka muhiimsanyahay kuwii hore ee ka dhici jiray dalalka dibada.
Hada adigu akhriste sidaad u aragtaa, maxaase ka sii bixi kara...
Ka dhiibo aragtidaada
Email: editor@gobanimonews.com / GOBANIMO NEWS AGENCY@FACEBOOK/ BARTA https://twitter.com/