Boorama(GNA)- Weftigii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland hogaaminayay ee Boorama ku sugnaa ayaa ku soo laabtay Caasimada Hargeysa, kaddib markii ay xumad jebin ku soo mudeen Xiisaddii muddada ka loosnayd Gobolka Awdal.
Weftiga ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Boorama kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada, gobolka, laakiinse kuma aysan guulaysan dib u soo xero gelinta Suldaanka iyo siyaasiyiinta Gobolka u dhashay ee falaagoobay iyo in gabi ahaanba meesha laga saaro tashuushkii siyaasaddeed ee jiray.
Weftiga ayaa intii aanay ka soo ambo bixin Boorama Warbaahinta la hadlay, waxaanay ku dooddeen in la dejiyay xiisaddii rabshadaha dhalisay ee Gobolka ka dhacday.
Halkan ka Daawo: