Monday, December 1, 2014

Waa sidee Xaalada Magaaalada Boorama, Mudaharaadkii kaddib?Daawo

Borama(GNA)-Muda haraad balaadhan ayaa saaka subax ka dhacay magalaada boorama ee xarunta gobolka awdal mudaharaadkan ayaa waxa lagaga soo horjeeday xadhiga maayirkii hore  ee magaalada borama c/raxmaan shide bile kaasi oo habeenkii xalay ahaa ay ciidamada bilasyka magaaladu gurigiisa kala baxeen sida ay noo xaqiijisay marwada maayirkii hore ee magaalada c/raxmaan shide bile marwo kaltuun waxayna sheegtay in ciidamadu guriga ay usoo daateen si sharciga baal marsana ay u baadheen guriga.

Mudaharaadkani saaka gabi ahaanba gilgilay magaalada ayaa waxa ka qayb qaadanayay ardayda dugsiyada kala duwan ee magaalada,dhalinyaro,haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan borama

Dibad baxan oo ahaa mid rabshado watay ayaa waxa dhalinyaradu badhtamaha magaalada ku gubeen taayaro iyadoo geesta kale adeegsanayay dhagaxaan ay iska waabinayeen ciidamada bilayska oo xabad nool-nool u adeegsanayay shacabka mudaharaadayay

ilaa hada ma jirto wax khasaaro oo ka dhashay mudaharaadkaasi balse waxa jira wariyayaal ka hawlgalayay qaar ka mid ah tvyada afka soomliga ku hadla oo xabsiga loo taxaabay sida wariye cabdicasiis ibraahin cabdilaahi. Oo ahaa wakiilka tvga universal u jooga magaalada borama sidoo kalena ka hawl galayay shabakada wararka ee borama news iyo wariye maxamed cabdi muuse oo ka hawl galayay bulsho tv borama

Geesta kale asaxaabta mucaaridka ee gobolada awdal iyo salal ayaa dhankooda ka hadlay mudaraadkani saaka gilgilay borama.

Mar aanu isku daynay inaan wax ka waydiino masuuliyiinta gobolka awdal iyo laamaha amaanka ee gobolka ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dibadbaxan.

Isku soo wada duuboo ciidamada bilayska Somaliland ayaa alaaba caadaystay inay xabado noolnool u adeegsadaan shacabka marka uu mudaharaad dhaco . xalada magaalada ayaa wakhtigan xaadirka ah mid degan walaw ciidamadu ay wali gaaf wareegayaan magaalada.

https://www.youtube.com/watch?v=N51hm75Gc5g&list=UUngJrupQS1-E3MHcyELmSlw

BY: