Siddeed sanadood kaddib waxa muuqata inuu Eng. Siciid ku guulaystay Kicinta Diyaarada “Samo laguma daalo”hoos ka Daawo Muuqaal
[caption id="attachment_102339" align="alignleft" width="300"] Diyaarada Helicopter ah oo hargeysa lagu sameeyay[/caption]
Hargeysa(GNA)-Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka loo eekaysiiyey, ayaa markii ugu horaysay Taariikhda uu wiil dhalinyaro ah oo Hargeysa degeni uu hindisay inuu sameeyo, waanu ku guulaystay xidhistii Mishiinada iyo qaybaha kale ee Muhiimka ah.
Diyaaradan gacan ku samayska ah oo ay iska kaashadeen farsamo yaqaaniin xirfadoodu gaadhsiisay curashada hindisahan, shaqadeeduna ka socoto guri ku yaalla Xaafada Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaanay hadal haynteedu ku cusbayn dhegaha Bulshada, ama markii la istaadhay oo qudha, balse dad qaar dhowr jeer oo hore ay warbaahinta ka arkeen.
Hase ahaatee waxa maanta la tijaabiyay oo cusub , diyaaradii oo la istaadhay, Guuxaysa, Marawaxaduhu wareegayaan iyo qaab dhismeedkeeda oo ah mid boqolkiiba lixdan la dhameeyay “Muddo sideed sanadood ah ayay igu qaadatay inaan heerkan soo gaadhsiiyo, walina wax badanbaa dhiman Inshaalaahna waxaan rajeynayaa inaan fikirkan ku guulaysto”sidaasi waxa Koox Wariyeyaal ah oo la socday saraakiil dawladda ka tirsan oo booqday goobta Diyaaradan lagu samaynayo u sheegay Eng. Siciid Cabdi Jiidhe oo ah Ninka sameeyay Diyaarada.
Eng. Siciid ayaa intaasi ku daray “maanta waxaan tijaabinay xidhistii Marawaxadaha iyo mishiinka, waanan ku guulaysanay” ayuu yidhi Siciid oo geesta kale si weyn ugu mahad-naqay bahda Warbaahinta iyo cid kasta oo gacan ku siisay ama ku dhiiri gelisay howshan “ma jirto cid wali toos uga qayb qaadatay runtii, waxaanse xususanayaa horaantii sanadkii 2009-kii wasiirka Duulista markuu ahaa Cali Waran-cadde oo ka qayb qaatay. Waxa kale oo aanan marna ilaawi doonin Unuga Waddaniyada Somaliland oo runtii dhiiri gelin wayn igu siiyey Ikhtiraacan, una rajeynayo inay noqdaan dadka ay magacooda ku soo bixi doonto” ayuu yidhi Siciid Jiidhe.
Eng. Siciid ayaa ka sekow shaqada samaynta Diyaarada waxa u dheer Buug uu magaciisa ku sheegay “samo laguma daalo” oo uu ku uruuriyay xusuus qor ku saabsan sidii uu shaqada ku bilaabay, cidii gacanta ku siisay iyo dhamaan maraaxilkii kala duwanaa ee ay howshu la soo martay.
Waxaanu ugu dambeyn hadal kooban oo uu saxaafadda siiyay ku beyaamiyay inaanu ka caajisi doonin dhamaystirka hal-abuurnimo ee uu marxaladan soo gaadhsiiyey, taasoo ah meel runtii midho-dhal ku dhow.
Maareeyaha Telefishanka Dawladda Khadar Cali Gaas oo ka mid ahaa Kooxda booqday bogcada Diyaarada lagaga shaqaynayo , ayaa si weyn u soo dhaweeyay hal-abuurnimada miisaanka leh ee Wiilkan dhalinyarada ah, waxaanu Mujtamaca reer Somaliland ugu baaqay in lala garab-istaago Maal-gelin dhaqaale iyo mid maskaxeedba qofba intii uu awoodo.
“waxaan u soo jeedinayaa dadka reer Somaliland ee Maal-qabeenada ah in Ninkan dhalinyarada ah la maal-geliyo oo lagu dhiiri geliyo waxa wanaagsan ee uu qabtay. Waxa kale oo aan bulshada leeyahay waa inaad ku dayataan ooh al-abuurnimo samaysaan dadka qofba wuxuunbuu ku wanaagsanyahaye”ayuu yidhi Khadar Cali Gaas.
Halkan ka Daawo:
Ka faa’idaysiga Aqoonta Cilmiga la barto ah iyo tan Xirfadaha gacanta iyo horumarka dhaqan-dhaqaale, dawladnimo iyo nabad-gelyada dalka ka jirta ayaa sabab u ah inay qaar ka mid ah Dhalinyaradii hana-qaaday markii dhidibada loo taagay Somaliland, keenaan Hindiseyaal ay noloshooda iyo Mustaqbalka waddankooda ugu heelanyihiin, taasoo qaarkood geyeysiisay inay Ikhtiraacaan samaynta waxyaabo aan dalka hore loogu farsamayn jirin, sida wershada Diyaaradan lagu samaynayo oo kale.