Xal siyaasaddeed ma loo waayay Gobollada SSC ee xabbada lagu hayo..?
halkay ku dambeysay Tabashadii reer Awdal..?
xadhigu ma xeelad-baa mise waa Xukunkii Siyaad Barre?
Xaggay wax ka eegayaan Siyaasiyiinteenu?Warbixin Xiise badan
Hargeysa(GNA)- inkasta oo uu muuqdo horumar dhaqaale iyo mid bulsho lagu talaabsaday shantii sannadood ee ugu dambeeyay, kaddib waxoogaa saamayn ah oo ay degnaanshiyaha caadiga ah ku yeesheen qul-qulatooyinkii sahlanaa ee ka dhashay xumaddii Doorashada Madaxtinimada ee muddo dhaaftay sanadkii 2008 ilaa 2010, waxa muuqata in hoos u dhac weyni ku yimi hanaanka siyaasaddeed iyo higsigii Mujtamaca, oo ay hadheeyeen Khilaafyo aan dhamaad lahayn, Musuqmaasuq, baahay, eex Qabiil iyo hab-dhaqano laga bartay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay aad ugu yaryihiin ashkhaasta waayo aragnimada maamulka dawliga ah ka aradan.
Tani waxay quluubta Shacbiga iyo hogaamiyeyaasha Siyaasada ku abuurtay rajo beel iyo niyad jab aan caadi ahayn oo gaadhay heer ay banaanka u soo baxaan lahjado badan oo aanay dadku wakhtigii hore isku odhan jirin iyo qalafsanaan maamul oo aan looga baran xukuumadihii hore dalka u soo xukumayey.
Qabiil Qaran Difaacaya, Qof loo takooro qadiyad qabiil oo siyaasadda la xidhiidha iyo in hogaamiyaha dalku uu noqdo mid loo arko Reer ama deegaan, iskuna soofeeyo Beelaha kale, in Shaqooyinka dawladda iyo fursadaha ganacsi ama maal-gashi noqdaan kuwo aan loo sinayn oo ay cid gaar ahi hormuud ka noqoto muddo dhowr sanadood ku siman iyo arrimo kale oo ka baxsan hab-dhaqanka dawladnimada oo kuwan la mid ah oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu dhaqanto, ayaad moodaa inay lumiyeen hankii Shacbiga jamhuuriyada Somaliland. Waxaana muuqata inay meesha ka sii baxayaan is-aaminaadii Qaranimo iyo bulsho ee meesha hoos laga soo unkay.
Wel-wel ayaa loo qabaa inay Dastuurka iyo Qawaaniinta ka farcamay noqdaan kuwo umadda u dhexeeya oo lagu dhaqmo, sababtoo ay tahay? Waxa jira is-faham la’aan, wada jaan-qaadis la’aan, tabashooyin siyaasaddeed, kuwo dhaqaale, xad-gudubyo lala beegsanayo Ashkhaas loo bar-tilmaameedsanayo ujeedooyin khaas ah, xadhig aan dallo lahayn oo loo geysanayo dadka Dawladda dhaliila, Saxaafadda iyo cid kasta oo madaxa kor u taagta, kuwaasoo dhamaantood ah talaabooyin ka hor-imanaya Dastuurkadalka ee loogu codeeyay in loo simanyahay.
Waxa kale oo jira bixin Qandaraasyo aad u balaadhan oo si khaldan ama eex qabiil lagu bixiyey, kuwo cid lagu siiyey dano siyaasaddeed oo xukuumaddu ka leedahay dadka loo loogay iyo dhowrsanaan la’aan Masuuliyiinta xilalka haysa caado u noqotay.
Waxa intaasi dheer oo aan la hilmaami Karin, inay dhamaan Ilaha Dhaqaalaha, sida Mashaariicda dalka ka socda ee ay xataa kuwa caalamiga ahi ku jiraan, Deeqaha mucaawimada ah iyo Ilaha kale ee Dakhli ka soo baxo ay gacanta u galeen dad aan wax door ah ku lahayn Dawladda, xilalna aan ka ahayn oo dusha ka qaatay Dilaal iyo Malaal aanay dariiqna uga soo wareegin. Sidoo kale waxa door maamul ku leh Hay’addaha Dawladda dhowr qof oo ka mid ah Qoyska Madaxweynaha oo aan Digreeto lagu magacaabin, kuwaasoo aynu ka xusi karno Marwada madaxweynaha oo todobaadkan Xisbiga talada haya uga Ololeynaysay Gobolka Gabiley.
Dareenka Siyaasiyiinta
Laba Siyaasi oo Saaxada miisaan weyn ku leh ayaa si rasmiya daboolka uga qaaday in xaaladda dalku marxalad adag madaxa la gashay, loona baahanyahay in dib looga tashado aayaha iyo Mustaqbalka Dalnimo ee Somaliland, oo ay tilmaameen inaanay sii waareyn, dibna ugu noqonayaan halkii laga soo unkay meel ka sii liidata.
Labadan siyaasaddeed ee waaweyni, waxay isugu markhaati fureen inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Manjaro habaabisay Yoolkii dawladnimo iyo dariiqii loo jeexay dhismaha Dalka, meeshana ay ka saartay wada-lahaanshiyihii Qaranka iyo ku-dhaqanka Dastuurka.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo horaantii todobaadkan Warbaahinta la hadlay , ayaa walaac xooggan ka muujiyay Mugdiga saaran Mustaqbalka waddanka iyo sida wax u socdaan, waxaanu sheegay inay meesha ka baxeen dhowrsanaantii Sharciga, dimuquraadiyadii, iyo xoriyatul-qowlkii Shacbiga iyo Saxaafadda.
Faysal Cali Waraabe, ayaa iftiimiyay qodobo badan oo uu ku tilmaamay dib u dhacyada u muuqda, kuwaasoo xudun u ah qallooca maamul ee sababay dhibaatooyinka aan dhamaadka lahayn ee dhismaha Qaranka Xagal-daaciyey.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Dalada Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Muj. Xasan Guure Jaamac, Shir-jaraa’id oo uu saxaafadda u qabtay ku beyaamiyay hadimooyin is-huwan, habacsanaan iyo Cadaalad-darro uu sheegay inay Sal iyo baar u raacday dhismaha Dawladnimo ee waddanka, waxaanu si gaar ah uga hadlay tabashooyinka Beelaha Darafyada iyo hab-dhaqanka Kali-talisnimo ee dib u bilaabmay iyo arrimo kale oo badan.
Ugu horayn Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka waramaya Xaalada dalka ayaa waxa uu yidhi “Somaliland Qabiil bay ku noqotay, sidaasna Qaranimadu kuma soconyo”.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “qof walba dantiisa ayuu u Ordayaa,markaa aniga waxaa iga muuqda Niyad jab weyn”ayuu yidhi.
“Waxa nasiib darro ah in komishankii Doorashooyinka beeshii Dhexe Guddoomiyihii ay ku tartamaysaa oo la leeyahay beel heblayo ha la siiyo, marka haddii aynu nahay Ummad aan waxba ka taggayn oo wax kasta qaadanaysa Sideebay Beelihii Darafyadu inoola noolanayaan oo xaata Beeshi dhexe aanay wixii ku heshiis ahayn oo Jilib Jilib ay isku haysataa”
Guddoomiyaha Ucid, ayaa sheegay inay luntay Himiladii iyo Istaraatiijiyadii Qaranimo. “Istaraajiyad qaranimo ma socoto, siyaasad qaranimo ma socoto, marka Dadkii reer Somaliland way isnaceen, beelihii kale ee darafyaduna waxay ka baqayaan in Beesha dhexe gacmaheeda ay ku burburto Somaliland”.
Faysal Cali Waraabe, waxa uu madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay Shir Qaran inuu qabto , waxaanu yidhi “haddaba si arrintaasi looga baxo Madaxweynaha Waxaan ugu baaqay in uu Shir qaran uu Qabto oo aynu is xisaabino oo wixii khaldan la saxo, Maanta Dalkeeni wuxu gallay Xaalad Xun Xafiis Dibadeed oo inoo shaqeynayaa ma jirto.”
Geesta kale, Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa isna si la mid ah qaabkan uu Faysal Cali Waraabe uga hadlay waayaha Dalka iyo dhaliilay halka waajahayaan Mustaqbalka Dawladnimo iyo dalnimo ee Somaliland, hadii aan isbedel buuxa iyo wada-tashi Qaran Dib loogu noqon, oo aan wax ka bedel iyo kaabis lagu samayn Dastuurka, lana dheeli-tirin Saami-qaybsiga Goleyaasha Qaranka.
Xasan Guure, ayaa si cad farta ugu fiiqay inuu dib u soo laabtay Nidaamkii Maamul ee Keli-tasnimadii Siyaad Barre, kaasoo uu tilmaamay in hogaanka Dalku uu had dib boodhka uga tumay.
Waxaanu Guddoomiyaha Madashu farta ku fiiqay in dib u curashada hab-maamulkii Siyaad Barre waddanka solansiisay xaalad adag oo uu sawir kooban ka bixiyay, taasoo ah hantaaqo iyo hadimo la markaday markii uu kulmiye talada la wareegay.. “Xaalada Dalku aad iyo aad ayey u adag tahay Dastuurka qabyaa ku jirtaa iyo Dhaqano aynu ka soo dhaxalnay Maamuladii kala dambeeyey ee Somaliya, gaar ahaan dhaxalkii aynu ka soo qaadanay Maxamed Siyaad Barrihii ugu dambeeyey, oo ahaa keligii taliye, iyo dawladda oo keligeed waxa ay doonto yeesha, ayaad mooda inay dib inoogu soo noqotay, awoodihii iyo saddexdii dhadhaar ee uu dalka ku dhisnaa isku milmeen”.
Xasan Guure Jaamac, ayaa sidoo kale ka hadlay xadhiga aan qiilka lahayn ee lagula kacayo dadka rayidka ah iyo Saxaafadda, taasoo buu yidhi markii loo baahdo la fulin karo, isagoo ka dalbaday xukuuamdda in si shuruud la’aan ah lagu soo daayo dadkaasi.
Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Gure Jaamac, ayaa dhinaca kale ka hadlay siyaasadda Qalafsan ee ay dawladdu kula dhaqanto bulshada ku dhaqan Gobollada Bariga iyo tabashada Gobollada Awdal. “Waxa aynu ognahay Gobolada Barri inay yihiin goob dagaal, ilaa hadda xal Siyaasadeed looma hayo, cidina cid ma qasbi karto, ee waxa ay u baahan tahay xal siyaaseed in lagu xaliyo. Waxaynu ognahay Gobolada Galbeedka oo ay iyana jiraan tabashooyin badan. Waxna ilaa hada aan laga qaban, markaas cidii Somaliland wada dhisatay waxa muuqata in cid gaar ahi gacanta wixii ku haysato”
Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in aragtidii Beesha Caalamku ka qabtay Somaliland ay shiiqday, kaddib markii la arkay xagal-daaca Siyaasaddeed iyo Maamul ee ku habsaday, iyo sida loogu tuntay Shuruucdii iyo Qaawaaniintii aasaasiga u ahayd dhismaha Dalka.
Waxa kale oo uu sheegay Muj. Guure in wer-wer badan ka qabo Mustaqbalka Somaliland, isagoo xusay in isbedel la sameeyaa aanu ahayn Madaxweyne la bedelo balse oo loo baahanyahay isbedel wax ka qabta dhibaatooyinka jira. “waa markii ugu horeeysay ee xuquuq insaanka Somaliland lagu soo hadal qaado Golaha Amaanka, waxay markaas Somaliland u baahan tahay isbedel, isbedelkuna maaha in Madaxweyne, Madaxweyne bedelo, ee waa nidaamka la saxaa”. Ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi raaciyay “Qabiil ayeynu wax ku dhisnay, waxa isku yimid Barri, Galbeed iyo dhexda, waxa isku yimid Isaaq, Samaroon, Ciise iyo Harti, oo haddii aynu inteenii kala shakinay, in halkeedi aynu ku soo celino, oo wixii inaga qabyo ah dhameeyno miyaanay ahayn, waxaana qabnaa haddii aanu nahay Madasha inay Umaddu isku timaado, oo wixii jira ee dhiba la dhameeyo”.
Dooc loo dhanyahay
Maaha markii ugu horaysay ee ay Ashkhaas door weyn ku leh Xayndaabka Siyaasadu walaac sidan u xooggan ka bixiyaan arrimaha dalka iyo duruufaha dag ee la waajahayo, waxaase muuqata inay xukuumadda Siilaanyo si cad isaga dhego-tirayso dhawaaqyadan kagan ee ka soo yeedhaya hogaamiyeyaasha Mucaaridka iyo dad Indheer-garadka ah ee dalka.
” Markaan eego qaabkan hada wax u socdaan waa khalad, waxaanan u arkaa inay dib inoo celinayso hadaan wax laga bedelin, qabyaalada la joojin, dadka layska xidhayo aan la joojin”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Waayeelka faro ku tiriska ah ee ka nool dadkii Maamulka Dawladnimo ku kacaamay wakhtigii xoriyad qaadashada kaddib, markii ay midoobeen Gobollada Somaliland iyo Koonfurta Soomaliya, 1960-kii , kaasoo inaanu magaciisa soo xigano aanu uga cudur-daaranay xaasaasiyada xaalada awgeed.
Kaal iyo Kala-dheeri
Wer-werka ay qabaan Siyaasiyiinta iyo waayo-aragu ee uu hogaanka ugu sareeya dalku iska dhego-marayo, ayaa ah dareen ay wada qabaan Siyaasiyiinta Mucaaridka iyo inta badan dadka iminka dibada ka jooga xayndaabka Siyaasadu, taasoo marka la miisaamo saamayn taban ku reebaysa dhegaha Bulshada rayidka ah.
mana muuqato inay inay xukuumaddu la iman doonto wax ka qabasho ficil ah oo ay jawaabayso dhaliilaha loo jeedinayo, isuna aragto inaan wax ka khaldani jirin ee ay wax kasta ku saxsantahay, kuna xad-fantahay loolan iyo iska caabin afka ah oo arrimaha qaar ka hadalkooda ay u isticmaalayso ashkhaas ka mid ah shacabka oo Indho-adayga Siyaasiga ah Dhalad u ah, kuwaasoo laaluush lagu siiyo inay dawladda difaacaan.
Waxa kale oo xusid mudan inay kaaf iyo kala-dheeri badani jirto, heerka khilaafaadka iyo talaabooyinka guracan ee rayidka lagu cadaadinayaana horseedi karaan qarax ku yimaada caabuqa maamul ee haatan jira, kaasoo Xukuumadda khaladaadka la saarayaa ay dusha ka turqayso xirfad ku dhisanayn, halka hadii ay daaweyntiisa ka shaqaynayso ay horta dhirin-dhirin isha nabarka hoosta ka caabuqsan.
by: Saleeban Kalshaale
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad1986@hotmail.com/ editor@gobanimonews.com