Monday, December 1, 2014

Sir culus: Istaraatiijiyada Mustaqbalka lagu mideynayo Somaliland iyo Soomaaliya

Maxaa Shirar la qaybsaday Q2-aad

[caption id="attachment_102324" align="alignleft" width="300"]SOMALILAND IYO SOMALIA Somaliland iyo Soomaaliya Mustaqbalka ma ku heshiin doonaan midnimo[/caption]

Akhristeyaal, waxaanu qormadan idiinku soo gudbin doonaa Qaybtii labaad ee Daraasad lagu  sar-gooyey Istaraatiijiyad la doonayo in Mustaqbalka lagu mideeyo Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo aanu qaybtii koowaad  idiin soo gudbinay axadii todobaadkii hore, Ciwaankeeduna ahaa (Maxaa siro la qaybsaday…. siraad laysu wada shiday!!).

Qaybtii hore ee Daraasad-istaraatijiyadeedkan, ayaa waxaynu ku soo bandhigay lix qodob ama lix qaab oo sida qorsheeyay ay u midoobi karaan Labada Dal, kuwaasoo ah nidaamyo hore loogu soo tijaabiyay dalal ka mid ah Caalamka oo lagu mideeyay, tusaalena waxa loogu soo qaaday dalalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, Midowgii Dawladda Federaalka Ciraaq, Serbia-Montenegro , Argentina, Masar iyo Suudaan (1982), Midowga Benelux Union, Midowga Yurub iyo Beesha Bariga Afrika.

Waxa kale oo aanu idin xusuusinaynaa, in Daraasadan ay fulinteeda gacan-weyn ka geysteen dalalka sida weyn uga taageera Somaliland Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka, iyadoo bar-bilowga hindisaheedu uu dhiiri-gelin badan ka helay Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee wali socda.

Hadaba qaybtan labaad ee Daraasada uu Wargeyska Yool, waxay tacliiq iyo lafo-gur ku samaynaysaa Dastuurrrada labada Dal iyo qaabka loo waafajin karo istaraatiijiyada Midnimada. Waxaanay iftiiminaysaa qabyada ku jira Dastuurradaasi, iyadoo si cad farta ugu fiiqaysa inay si fudud isu-waafaqi karaan, isla markaana lagu yagleeli karo Dawlad Soomaaliyeed oo leh Shakhsiyad qaanuuni ah.

Qaybtan waxa waxa kale oo ay daraaseyneysaa qoraallada sharciyeed ee hadda jira iyo kuwii horey u jirey ee Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland, waxaanay aqoonsaneysaa habab suuragal ah oo ay dhigayaan qoraallada oo keeni karana in la is-waafajiyo danaha iyo fi- kradaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa kale oo ay qaybtani si fur-furan u qaadaa-dhigaysaa qaab-dhismeedka dawlad-goboleedyada, Dawladdaha hoose, doorashooyinka iyo Baarlamaanada ay isaga midka yihiin labada dawladdood ee ay ku talisay inay dib u midoowbaan, “waa Somaliland iyo Soomaaliyee”.

Waxaanay ku bilaabmaysaa sidan:-“Soo ururinta iyo daraaseynta qaababka iminka jira waxaa ay abuureysaa meel wax laga bilaabo, waxaanay gacan ka geysan kartaa aqoonsashada meelo si ka taabo- galsan sida hadda xidhiidhku yahay ,la isugu waafajin karo danaha siyaasadeed. Daraaseynta noocan ah waxaa ay sidoo kale gacan ka geysaneysaa in la ogaado waxyaabaha ay isaga mid yihiin iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin qoraallada/shuruucda, taas oo wax ka tari karta aqoonsashada meelaha la wada daneynayo iyo in ay faahfaahin ka bixiso muhiimadda ay leedahay in is-waafajin-siyaasadeed lagu sameeyo dhammaan heerarka dowladeed ee kala duwan. “ayaa lagu yidhi hor-dhac qaybtan ee daraasada.

Daraaseyntan qaababka hadda jira (iyo kuwi hore) waxaa ay baareysaa qodobbada ku jira afarta dokumen- ti/qoraal ee soo socda: Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah (2012);

Dastuurka Dawlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya (2012); - Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland (2001); iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960). Qaybtan waxaa ay soo bandhigeysaa qodobbo gaar ah oo la xiriira is-waafajin siyaasadeed ee ku jirta mid kasta oo ka mid ah qoraalladan (dokumentiyadan), oo loo qabanqaabiyey lixda ‘dhinac’.

In kasta oo Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah (2012) uu weli yahay mid ku-meelgaar ah, waxaa lafaguristan loogu soo darey waa in lagu muujiyo sida qodobbadu ay qabyo ahaan u shaqeyn karaan. Lafaguristan is-barbar- dhigga ah waxaa loo qaabeeyey in ay gacan ka geysato wada-hadallo kale oo laga yeesho dastuur abadi ah.

Si gaar ah, daraaseyntan waxaa ay keeneysaa in ay: ▪ Caddeyso waxyaabaha ay isaga dhow yihiin iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Dastuurka Feder- aalka ee Ku-meelgaarka ah iyo Dastuurkii 1960kii (eeg Tusayaasha 1 ilaa 6); ▪ Muujiso sida qodobbada ku jirta Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah loola xiriirin karo qaababka hadda ka jira Somaliland iyo Puntland; iyo in ay: ▪ Aqoonsato (soo ogaato) meelo ay ka jiraan fursado is-waajin siyaasadeed (eeg Qaybta 4.2 Fursadaha iyo Culeysyada) iyo sidoo kale casharada laga bartey waayo-aragnimadii laga dhaxley hirgelinta (eeg Qaybta 4.1 Waxyaabaha ay tahay in la tixgeliyo marka la sameynayo fursadaha/ikhtiyaarrada). In kasta oo Dastuurkii 1960kii uusan haatan dhaqangal ahayn, haddana falanqeeyeyaasha ayaa badanaa tixraa- ca oo soo xigta dokumentigaa si uu u hago qaababka wax loo dhisayo mustaqbalka.

Dastuurkii 1960 waxaa uu sidoo kale dad siinaya taariikhda koboca xidhiidhka a Soomaaliya iyo Somaliland.

3.1.1 Qaab-dhismeedka siyaasadeed iyo awood/xukun baahinta

Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah (2012)

Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah waxaa uu dhigayaa in Soomaaliya ay tahay Dal/Qaran Feder- aal ah. Awood-baahinta si faahfaahsan loogama hadlin; qoraalku dastuurka keliya si kooban ayaa uu u sharax ayaa sida ay mas’uuliyadaha u kala qaybsanayaan heerarka dowladeed ee kala duwan.

Bishii Luuliyo 2013ka baarlamaanku waxaa uu ansaxiyey hindise sharci Xeerka Dowladaha Hoose kaas oo bilaabaya in uu qeexo mas’uuliyadaha xukuumadaha gobollada iyo degmooyinka, haseyeeshee ilaa bishii Disembar 2013 hindisahaasi weli looma saxiixin si uu sharci u noqdo.3

3 Xeerka Dowladaha Hoose (Luuliyo 2013) (Som.).

10

4 DASTUURKA FEDERAALKA KU-MEELGAARKA AH, Agoosto 1, 2012 (Som.) qod. 48(1). 5 Ibid. Qodobka 48(2). 6 Ibid. Qodobka 49. 7 Ibid. Qodobka 54. 8 Ibid. 9 Ibid. Qodobbada 50 iyo 125. 10 DASTUURKA DOWLAD-GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA, Disembar 2009 (Som.) qod. 4(3). 11 Ibid. Qodobbada 120, 121, 123. 12 Ibid. Qodobka 120(4) iyo (5). 13 Dowladda Puntland, Sharci Lr. 7 ee soo baxay 23 Agoosto 2006 ayaa tilmaamaya maamulka iyo golayaasha Degmooyinka. Sharcigu waxaa uu dhigayaa sida ay u wada tac mulaya golayaasha degmooyinka Wadaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland.

Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah waxaa uu dhigayaa laba heer dowladeed:

heerka dowladda feder- aalka ah iyo heerka “dowladaha xubinta ka ah federaalka.”

4 Dowlad xubin ka ah federaalka waxaa dhisaya laba gobol ama tiro ka badan oo gobollada hadda jira ah; gobollada aan dowlad-goboleed ku biirin waxaa maamu- leysa dowladda federaalka ah muddo ilaa laba sano ah ama ilaa ay gobollo kale ku biirayaan si ay u noqdaan dowlad-goboleed.

5 Golaha Shacabka ayaa go’aaminaya tirada iyo xuduudaha dowladaha xubinta ka noqonaya federaalka.

6 Hindisaha Sharci ee Dowladaha Hoose ee bishii Luuliyo 2013 kama-hadlayo arrimaha la xiriira dowladaha Xubinta ka ah Federaalka. Arrimaha dibadda, difaaca qaranka, muwaadinnimada iyo socdaalka, iyo siyaasadda lacagta waa mas’uuliyado ay leedahay dowladda federaalka.

7 Awoodaha kuwaan ka soo harey “waxaa ka wada xaajoonaya kana wada heshiinaya dowladda federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah federaalka.”

8 Tiro mabaa’dii ah oo la xiriira awood-baahinta arrimaha maaliyadda ayaa ku jira Dastuurka Federaalka Ku- meelgaarka ah, si ay u hagaan wada-tacaamulka heerarka dowladeed ee kala duwan, kuwaa oo ku baaqaya (1) in kheyraadka loo qaybsado si caddaalad ah, iyo (2) in mas’uuliyadda dakhli-ururinta iyo mas’uuliyado kale in la siiyo heerka dowladeed ee sida ugu waxtarka badan u fulin kara.

9 Dastuurka Dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya (2012) Dastuurka Dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya (“Dastuurka Puntland”) waxaa uu qeexayaa in Puntland ay qayb ka tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

10 Dastuurku waxaa uu si kooban u sheegayaa maam- ulka dowladeed iyo qodobbo kale oo ka hadlaya Puntland oo keliya. Dastuurka Puntland waxaa uu awoodaha maamul ka qaadayaa dowlad-goboleedka waxaa uu geynayaa gobol- lada iyo degmooyinka Puntland, isaga oo dhigaya in guddoomiye gobol loo magacaabayo gobollada iyo golay- aal degmo oo si toos ah loo soo dooranayo.

11 Degmo kasta waxaa ay leedahay wax xoogaa madax-bannaani dhaqaale iyo mid maamul ah, sida uu si guud uga Hadleyo Qodobka 125aad ee Dastuurka Puntland, laakiin sida gaar ahaan loo qaybinayo awoodaha iyo waajibaadyada waxaa go’aaminaya sharci.

12 In kasta oo shuruuc badan ay ka hadlayaan baahinta adeeg-bixinta, haddana shuruucdan waa ay ku guul-darreysteen in ay caddeeyaan sida ay mas’uuliyadaha u qaybsanayaan heerarka maamul ee dowlad-goboleedka, gobolka, iyo degmada.

13 Ar- rintani waxaa ay keentey in xeerarka dhaqanka iyo qaab-dhismeedka qabaa’ilka badanaa lagu saleeyo maam- ulka iyo adeeg-bixinta heer degaan.

14 Adeegyada waxaa badanaa bixiya bulshada rayidka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha caalamiga ah.

Intaa marka laga soo tago, waxaa jira in aad ay u kala duwan yihin bixinta adeegyada bulshada ee gobollada iyo degmooyinka Puntland gudaheeda, taasina ay sababtey kaabayaal la’aan iyo miisaaniyad-yaraan.

15 Degmooyinku kama sinna ilaha dakhliga, taas oo saameyn ku yeelatey adeeg-bixinta. Degmooyinka ayaa Dowladda Puntland ay u kala qaybisey saddex darajo oo kala ah: ‘A’, ‘B’, iyo ‘C’. degmooyinka darajooyinka A iyo B badi- doodu waa ay kaga wanaagsan yihiin bixinta adeegyada iyaga oo ururin kara dakhli ay ku bixiyaan adeegyadaas marka laga soo tago lacagaha ay dowladdu siiso.

Degmooyinka darajada C ma laha dakhli degaan oo kaas oo kale ah sidaa daraaddeedna waxaa ay la kacaa-kufaaan in ay bixiyaan adeegyo la mid ah kuwa degmooyinka darajooyinka A iyo B.

16 Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland (2001)

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland (“Dastuurka Somaliland”) waxaa uu dhulka Somaliland u aqoonsanayaa qaran madax-bannaan, oo leh siyaadadiisa, goonina isaga taagey Soomaaliya inteeda kale laga soo bilaabo sanadkii 1991.

17 Kuma jiraan qodobbo ka hadlaya xiriir qaab-dhismeed (maamul) kala dhexeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya, marka laga reebo in uu muujinayo/sheegayo madax-bannaanida Somaliland. Dastuurka Somaliland waxaa uu dhisayaa maamul dowladeed saddex heer ah. Dowladda dhexe oo kor ka maamuleysa guud ahaan dhulka Somaliland, oo u kala qaybsan gobollo ay maamulaan golayaal gobol. Gobollada waxaa ay u kala qaybsan yihiin degmooyin, ay maamulaan golayaal degmo. Golayaasha gobol iyo kuwa degmo waxa ay leeyihiin mas’uuliyado kooban; golayaasha waxaa ay dejin karaan oo keliya xeer-hoosaadyo (by-laws)

18 mana laha awoodo siyaasad-dejin.19 Waajibaadka golayaasha degmooyinka waxaa waajibinaya sharci.

20 Iyada oo looga dan leeyahay isku-filnaanshaha adeeg-bixinta, ayaa dastuurku waxaa uu dowladaha gobollada iyo degmooyinka u oggolaanayaa in ay cashuuro toos u soo rogaan.21 Degmooyinka baaxadda weyn ee xooggan (ay Dowladda Somaliland ku magacowdo degmooyinka darajada ‘A’) waxaa si wanaagsan u bari-taara dakhli cashuureed waxaana ay si hufan u abuureen dakhli ku filan bixinta kharashaadka hawlahooda shaqo ayna ku bixin karaan qaar ka mid ah adeegyada dadweynaha.

22 Taas beddelkeeda, degmooyinka ay kartidoodu yar tahay (oo Dowladda Somaliland ay ku tilmaanto degmooyinka darajooyinka ‘B’, ‘C’, iyo ‘D’) ay la kacaa-kufayaan in ay soo qaadaan dakhli ugu filan bixinta kharashaadka hawlahooda, taas oo muujineysa in ay haystaan culeysyo la mid ah kuwa haysta degmooyinka Puntland.

23 Lacagaha dowladaha heerarka kala duwan ay isa siiyaan kuma guuleysan in ay buuxiyaan farqiga dakhli ee u dhexeeya degmooyinka, taas oo bixinta adeegyada dadweynaha ee degmooynka B, C, iyo D ka dhigeysa mid culeys ku ah.24 Intaa waxaa dheer, qaybinta kheyraadka ee dowladda dhexe oo aan marna ahayn mid la saadaalin karo taas oo sii adkeysey in qorsheyaal la dejiyo.

25 Qoondeynta maaliyadda la siiyo degmooyinka waxaa ay u

26-Tani waxa ay keentey in magaalooyinka yaryar iyo degaannada miyiga ah ay ku soo hagaagto qayb yar oo ka mid ah maaliyadda la kala qoondeeyo, taas oo sii joogteyneysa culeysyadii la xiriirey adeeg-bixinta ee horey u jirey.

27 Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960) Dastuurkii 1960 ee Jamhuuriyadda Soomaaliya (“Dastuurkii 1960kii”) waxaa uu dhaqan galey ka dib markii ay midoobeen labadii maxmiyadood ee Soomaalida ee ay kala gumeysanayeen Britain (Ingiriiska) iyo Talyaaniga oo ay Soomaaliyana xorowdey. Dastuurkii 1960kii loogu talogaley dal dowlad dhexe oo xooggan leh (unitary state).

28 Sharciga Maamulka Doo- rashooyinka Maamulka Degaanka iyo Golayaasha Degaanka waxaa uu dhulka u qaybiyey siddeed gobol; mid kasta oo ka mid ah uu xukumo guddoomiye gobol oo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha.29 Dastuurkii 1960kii ma lahayn qodobbo tilmaamaya qaab nidaamsan oo loo baahinayo hawlaha ama mas’uuliyadaha; dokumentigu waxaa uu bixiyey oo keliya tilmaan guud oo ah in awood-baahin la sameeyo halkii suuragal ah.30 In kasta oo ay taasi jirtey, haddana dowladdii Soomaaliya waxaa ay noqotey mid xukunkeedu uu dowladda dhexe ku soo ururayo marba marka ka dambeysa, iyada oo shatiyada ganacsiga, adeegyada shar- ciga, waxbarashada sare, iyo qorista shaqaalaha dowladda ee rayidka ah dhammaantoodba laga maamulayey Muqdisho.31 Tallaabooyin lagu baahinayo awoodaha maaliyadeed ayaa lagu go’aaminayey shurci-dejin, ay ku jireen qodobbo ka hadlaya dakhliga, kharashaadka, iyo maamulka.32

Tusaha 1aad - Wuxuu is-barbardhigayaa qaab-dhismeedka siyaasadeed iyo awood-baahinta

Qaab-dhismeedka siyaasadeed


  • Qaab federaal oo laba heer ka kooban (Qod 48aad): (1) dowlad federal ah (2) dowlado xubin ka ah federaalka iyo kuwo degaan Madax-weyne, Ra’iisul Wasaare + Baarla- maan laba aqal ka kooban

  • Dowlad dhexe oo leh heerar maamul oo kuwa qaran ka hooseeya (Qod 1aad) • Madax-weyne, Ra’iisul Wasaare + Gole Wasiirro, Baarlamaan hal aqal ka kooban



Awood-baahinta siyaasadeed


  • Dowladaha xubnaha ka ah federaalka waxaa ay go’aansan karaan qaab-dhis- meedkooda dowladeed (Qod 120aad)

  • Dastuurka kuma jiro qodob tllmaamaya • Siddeed gobol, oo ay maamulaan gud- doomiyeyaal gobol oo la soo magacaabey



Awood-baahinta maamul


  • Dowladaha xubnaha ka ah federaalka waxaa ay go’aansan karaan qaab-dhis- meedkooda dowladeed (Qod 120aad)

  • Sharci ayaa qeexi doona (Qodob 86aad): si sii kordheysa ayaa xukunku uu xarunta dhexe ugu soo ururey



Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah (2012)

Dastuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960)

Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah (2012)

Dastuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960)

13

Awood-baahinta maaliyadeed


  • Sharci ayaa qeexi doona (Qod 50, 122, 125) • Kheyraadka dabiiciga ah: sharci ayaa qeexi doono (Qod 44) • Awoodda iyo mas’uuliyadda dakhli- ururinta oo loo xil-saaro hadba heerka dolwladeed ee ku habboon (Qod 125) • Kheyraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado (Qod 50)

  • Qodob tilmaamaya kuma jiro dastuurka



Daraaseynta qaababka hadda jira

Wada-tacaamulka dastuurrada Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah iyo Dastuurka Somaliland waa ay kala duwan yihiin taas oo ay sabab u tahay sida kala duwan ee ay u kala arkaan Somaliland. Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah waxaa uu Somaliland u arkaa in ay tahay dowlad xubin ka ah federaalka, halka Dastuurka Somaliland uu Somaliland u arko Qaran madax-bannaan. Haseyeeshee haddii Somaliland ay ku soo biiri lahayd Jamhuuriyadda Federaalka ah, qoddobada tilmaamaya qaab-dhismeedka siyaasadeed ee ku jira Dastuurka Somaliland waxaa ay la jaanqaadi lahaayeen Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah. Tusaale ahaan, Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah waxaa uu dowladaha xubnaha ka ah federaalka u oggolaanayaa in ay doortaan qaabkooda maamul dowladeed mana xaddidayo tirada heerarka dowladeed ee ka hooseynaya heerka dowladaha xubinta ka ah federaalka. Tani waxaa ay Somaliland u oggolaaneysaa in ay sii lahaato qaab-dhismeedkeeda maamul siyaasadeed iyo sidoo kale kuwa gobolladeeda iyo degmooyinkeeda.

Ujeeddada loo soo bandhigayo aragtidan ka soo qaadka ah waa keliya in loo adeegsado is-barbardhigid iyo in si wanaagsan loogu fahmo sida qodobbada Dastuurka Soomaaliya iyo dokumentiyada kale ay u wada tacaa- malayaan haddii ay noqdaan hal dowladood. Haddii Somaliland loo tixgeliyo Qaran siyaadadiisa leh, oo madax bannaan waxaa ay is-barbar-dhigiddaasi ka dhigeysaa mid aan loo baahneyn sidaa daraaddeedna waa ay yar tahay lafagurista is-barbardhig ee lagu sameeyey natiijada noocaas ah.

Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah iyo Dastuurka Puntland waa kuwo wada jaanqaadi kara; xeerarka Das- tuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah ee la halmaala dowladaha xubnaha ka ah federaalka waxaa ay Puntland u oggolaanayaan in ay lahaato hay’adeeda dowladeed iyo maamulladeeda degaan.

Dastuurka Puntland iyo Das- tuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah waxaa ay sidoo kale isku si u arkaan in loo baahan yahay wada-xaajoodyo go’aan looga gaaro mas’uuliyadaha Puntland ay yeelaneyso iyada oo ah dowlad xubin ka ah federaalka.

In kasta oo Dastuurka Puntland uu isu arko in uu qayb ka yahay Soomaaliya, haddana waxaa uu sidoo kale sheegayaa in ilaa laga dhammeystiro Dastuur Federaal ah oo lagu meelmariyey afti dadweyne, Puntland ay lahaaneyso awood Dowlad madax-bannaan.

33 Qodobbadan dib-u-eegis ayaa lagu sameyn karaa haddii Soomaalidu ay ku guuleysan waayaan in ay ku heshiiyaan nidaam federal ah ama xasiloonni-darro ay ka sii jirto qaybo kale oo ka tirsan Soomaaliya.34 Lagafuristaan is-barbardhigga ah waxaa ay sidoo kale faahfaahineysaa tiro arrimo ku imaan kara qaab kasta oo maamul dowladeed.

Tusaale ahaan, Somaliland iyo Puntland oo labaduba culeysyo isu dhow ka haystaan hirgelinta xukun-baahin maaliyadeed oo hufan oo taabogalna ah.

Arrintan ayaa waxaa ay sii muujineysaa cu- leyska ay leedahay qaabeynta/qorsheynta habab awood-baahin oo awood u leh wax ka qabashada baahiyaha iyo kartida/awoodaha kala duwan ee qaybaha ay ka kooban tahay.

33 Ibid. Qodobbada 4(3) iyo (4). 34 Ibid. Qodobka 4(4).

Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah (2012)

Dastuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960)

14

Isku-keenidda danaha iyo aragtiyaha siyaasadeed Qaab-dhismeed siyaasadeed oo u janjeera mid dhexda laga maamulo, sida kan Dastuurkii 1960kii, ayaa lagu gaari karaa is-waafajin siyaasadeed oo heer sare ah, waa haddii la helo in muwaadiniintu ay si toos ah u sheegaan waxa ay doorbidayaan ayna dowladda dhexe ku kormeeraan nidaam iyo qaabab doorasho oo loo dhan yahay ee guud ahaan dhinacyada (strands) kale.

Haseyeeshee, awood-baahin si liidata loo hirgeliyo waxaa sidoo kale ka dhalan karta maamul-xumo iyo dhaqdhaqaaqa bulsho-dhaqaale oo yaraada.

Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah waxaa uu oggolaanayaa in wax badan oo ka mid ah qaybinta awoodaha iyo kheyraadka la go’aamiyo waqtiga, taas oo iyana muwaadiniinta u oggolaaneysa in ay si toos ah u sheegaan waxyaabaha ay door-bidayaan. Wada-xaajoodyadan loo oggolaadey in ay dhex maraan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka waxaa ay sidoo kale bixinayaan fursad wax la isku waafajin karo iyaga oo dowladaha xubnaha ka ah federaalka u oggolaanaya in ay u qareemeeyaan in maaliyadaha iyo awoodaha loo qoondeeyo qaab ku habboon baahiyahooda iyo awoodahooda.

Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah waxaa laga yaabaa in uu bixiyo qaab guud oo tixgelin kara qaar ka mid ah danaha Soomaalida (gaar ahaan kuwa door-bidaya in la helo hal maamul), laakiin qaab-dhismeedyada dow- ladda dhexe ee adag iyo kan federaalka ee la soo bandhigey waa ay ka gaabinayaan is-waafajinta danaha kuwa laga yaabo in ay doonayaan in si buuxda u helaan nidaam hay’ado badan ka kooban, sida nidaam konfederaal ah ama beel dhaqaale.

Qaybo ka mid ah Dastuurkii 1960 ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay u habboonaadaan heshiisyo mustaqbalka dhaca.

3.1.2 Nidaamyada doorashooyinka

Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah (2012) Dhinaca nidaamyada doorashooyinka, Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah waxaa uu keliya sheegayaa in shuruuc gaar ah oo hagaya doorashooyinka, xisbiyada siyaasadeed, iyo cod-bixinta ay qeexi doonaan shuruuc gaar oo uu soo saaro Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka (waqtiga qoraalkan la qoran sharcigan weli lama meelmarin).

35 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxaa si aan toos ahayn loogu soo doortaa cod saddex-meelood laba oo uu ka helo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.36 Ra’iisul wasaaraha waxaa maacaabaya madaxweynaha waxaana golaha wasiirada magacaabaya ra’iisul wasaaraha.

37 Xubnaha baarla- maanka toos ayaa loo soo dooranayaa: dhammaan cod-bixiyeyaasha ku dhex sugan Jamhuuriyadda Federaal- ka ah ayaa dooranaya xubnaha Golaha Shacabka waxaana cod-bixiyeyaasha ku dhex sugan dowlad xubin ka ah federaalka ay dooranayaan xubnaha Aqalka Sare (Aqalka sare waxaa uu wakiil ka yahay danaha dowladaha xubnaha ka ah federaalka).

38 Nidaamyada doorashooyinka ee degaanka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka waxaa lagu nidaami- nayaa dastuurrada dowladaha xubinta ka ah federaalka.

39 Dastuurka Dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya (2012) Muddadii u dhaxaysey 1998 ilaa 2008, isimada, oo ah gole la-tashi oo ka kooban odeyaasha/hoggaamiyey- aasha beelaha, ayaa ansaxinnayey xubnaha baarlamaanka qaab ku fadhiya magacaabista beelaha iyo jilib- yada. Sanadkii 2008, dowladda Puntland iyo isimada ayaa soo xulay guddi doorashooyin oo gacan ka geysta

35 DASTUURKA FEDERAALKA KU-MEELGAARKA AH, Agoosto 1, 2012 (Som.), qod. 47. 36 Ibid. Qodobka 89. 37 Ibid. Qodobbada 90 iyo 100. 38 Ibid. Qodobbada 64(1), 71, iyo 72. 39 Ibid, Qodobka 120.

15

magacaabista xubnaha baarlamaanka iyo tartamayaasha madax-weynaha iyo madax-weyne ku xigeenka, iyo maamulidda doorashooyinka mustaqbalka.

40 Bishii Agoosto 2012, Golaha Wakiillada ayaa meel-mariyey sharci maamulaya doorashooyinka degmooyinka, oo la qorsheeyey in ay bilaabmaan bartamaha 2013 laakiin goor dambe dib loo dhigey.

41 Isimada ayaa sidoo kale door ka ciyaarey soo xulidda liis tartamayaaal tiro kooban ku qoran yihiin ee madaxwey- naha iyo madax-weyne ku-xigeenka kuwaas oo markaa uu u codbixiyo Golaha Shacabka. Doorashooyinka guud ee madaxweynaha iyo madax-weyne ku xigeenku ayaa la qorsheeyey in la qabto 2014. Dastuurka Puntland waxaa uu dhisayaa nidaam xisbiyo badan. Saddex urur siyaasadeed oo codadka ugu badan ka heley doorashooyinka degmooyinka ayaa noqonaya saddexda xisbi siyaasadeed ee Puntland kana qaybqa- adanaya doorashooyinka baarlamaanniga ah.42 Soo xulidda xisbiyada siyaasadeed ee rasmiga ah labadii doo- rashoba mar.

43 Dastuurku waxaa uu sidoo kale mamnuucayaa xisbiyada ku saleysan qabiil iyo jilib.

44 Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Dastuurka Somaliland waxaa uu dhigayaa in madaxweynaha iyo madax-weyne ku-xigeenka wadajir ahaan loogu doorto doorasho guud oo toos ah oo ay guuleystaan kuwa hela codadka ugu tirada badan (the first- past-the-post system); tani waxaa sidoo kale sheegaya Xeerka Doorashada ee 2001.45 Nidaamka doorashada ee baarlamaanka laguma qeexin dastuurka.

Taas beddelkeeda, Xeerka Doorashada ee 2005 (oo ka sarreeya Xeerka Doorashada ee 2001) ayaa dhigaya nidaam doorasho oo ku dhisan saamigal oo leh liisas xisbi oo furan oo degmooyin xubno badan helaya.

46 Ma jiraan qoddobo dastuuri ah oo ka hadlaya doorashada xubnaha Golaha Guurtida (aqalka sare ee baarla- maanka ama Guurtida). Xubnaha waqtigaan ee Golaha Guurtida waxaa in ay xilka hayaan muddo lix sano ah si aan toos ahayn loogu soo doortey Shirweynihii Beelaha Somaliland ee dhacay 1997dii waxaana ay muddo-kord- hin sameysteen saddex jeer.

47 Kuraasta bannaanaata waxaa buuxiya qof qaraabo dhow la ah xubintii hore, taas oo aan u baahneyn oggolaansho rasmi ah oo dhaafsiintan tan Golaha Guurtida iyo madaxweynaha.48 Haweeney keliya ayaa ka mid noqotey Golaha Guurtida.”ayay tidhi Daraasadan.

Sidaan hore idiinku sheegnay dejinta Shaxdan waxbay ka ogaayeen Madaxda Somaliland iyo Soomaliya, waxaanay taasi muujinaysaa inay Xukuumadda Siilaanyo xaalkeedu uu yahay allow sahal ah.

La soco qaybo kale oo ka mid ah Qormadan Axada Dambe hadii alle ka dhigo...