Hargeysa(GNA):- Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay Boqolaal Tahriibeyaal Itoobiyaan ah oo u soo gudbay dalkeeda inta la qab-qabtay lagu wareejiyay Dalkooda Itoobiya.
Talaabadan ayaa ka dambeysay howl-gal ka dhan soo-gelaytiga xuduudaha ka soo gudbaya oo ay Booliska Socdaalka iyo kuwa kuwa ilaalinta Xuduuduhu iska kaashanayeen, kaasoo in muddo ah ka socday xuduudaha ay la wadaagto Itoobiya iyo Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Axadii todobaadkan la hadlay mid ka mid ah Mareegaha Wararka ee Maxaliga ah oo la yidhaahdo Hayaannews, ayaa dhinaca ka waramay howl-galo Booliska Caasimadu ka fuliyeen xaafadaha qaar oo dad badan oo dhalinyaro ah lagu soo xidh-xidhay iyo Nin Dil geystay usbuucii hore oo isna la qabtay. “Ciidanka Boolisku waxay hawlgal adag ka galeen tahriibta wiigan oo kaliya ilaa 300 oo Ethiopian ah oo maanta kuwii ugu danbeeyey aanu qabanay, ayaanu dib ugu celinay dhinaca dalka Ethiopia, oo u baddan qoomiyada la yidhaahdo Oromada.
Waxa kale oo ay ciidanka booliska Somaliland ku guuleysteen dhalinyaro fara baddan oo Somalilander ah oo laga soo qabtay xad-xadka ama goobo kala duwan, kuwaas oo dhamaantood lagu wareejiyay waalidkood. “ayuu yidhi Taliye Fadal.
Booliska Somaliland ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday inay hayaan rag ku eedeysan dhoofinta dadka Tahriibeyaasha ah, kuwaasoo sharciga lala tiigsan doono “Waxa kale oo ay ciidanku hayaan niman baddan oo dadka tahriibiya, iyada oo horena tiro baddan sharciga loo horgeeyey.”