Somaliland oo markii ugu horaysay laga dhaqan-gelinayo Maamul daadejin maaliyaddeed iyo Hay’ad madaxbanaan oo Cashuuraha u qaabilsan dawladda..Hoos ka Daawo Beyaan..
Hargeysa(GNA)-Dawladda Ingiriiska ayaa dabayaaqadeedii bishii dhamaatay, khubaro dhanka Dhaqaalaha ku takhasusutay u soo diretay Somaliland, si ay hay’adda Dawladda ee Maaliyadda Qaabilsan uga caawiyaan dejinta Miisaaniyada iyo dib u habayn lagu samaynayo hanaanka Maaliyaddeed ee dalka oo dhan.
Mashruucan dib u habaynta iyo dejinta Dhaqaalaha Somaliland oo ay ku baxayso Lacag malaayiin dollar ah, waxa looga gol-leeyahay in muddo saddex sanadood ah lagu hir-geliyo nidaam Maaliyadeed oo heer Qaran, heer Gobol iyo mid degmo lagu maamulo, iyadoo la adeegsanayo qalab isku xidh iyo Istaraatiijiyad cusub oo la bilaabi doono Badhtamaha bisha January ee sanadka soo socda ee 2015, sida uu Axadii todobaadkan Golaha Wakiillada u sheegay Wasiir u dawlaha Wasaarada Maaliyada Somaliland Cismaan Saxar-diid.
Qorshaha dar-dar gelinta Waaxda Dakhli soo saarka dawladda, ayaa Dhaqaalaha lagu maal-gelinayo dhinacyo badani iska kaashanayaan, waxaa qayb ka mid ah bixisay Hay’ada DFID ee dawladda Uk u qaabilsan Mucaawimooyinka.
waxaana qaybaha ugu muhiimsan ka mid ah, dhismaha Hay’ad madaxbanaan oo maamuli doonta Cashuuraha dawladd, taasoo ah mid ka madaxbanaan ama ka farcamaysa Wasaaradda maaliyada, sida uu Wasiir Cadaani Golaha u sheegay. Waxaana mashruucan hir-gelintiisa ku baxaysa todoba Milyan iyo laba boqol oo kun oo Dollarka Maraykanka ah (7200,000,000).
Wasiirka ayaa yidhi “ meelaha xooga la saari doono waxa ka mid ah dib u habaynta Cashuuraha , hir-gelinta Cashuuraha, dakhli uruurinta, tayeynta Waaxyaha ay Khusayso dakhli Uruurinta iyo Dhisida Hay’ad dakhli uruurineed oo madaxbanaan loona bixinayo Hay’ada Cashuuraha Somaliland”.
Mashruuca dib u habaynta Nidaamka Maaliyadda ee Somaliland laga bilaabayo, waxa xidhiidhiye ka ah Dr. Maxamed Samatar iyo Khubaro Dawladda Ingiriiska ka socda oo hay’addaha ay khusayso kala talinaya dib u habaynta Maaliyada. Sidaas waxa sheegay Wasiir-u-dawle Cismaan Saxar-diid.
Wasiir u Dawlaha Maaliyada Somaliland, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu qalinka ku duugay wax ka bedelka iyo hindiseyaasha cusub ee lagu kordhiyay Shuruucda Maaliyada:-
sida dhisida Laanta Madaxbanaan ee Maamulka Cashuuraha, daadejinta maaliyada ee Gobollada iyo Degmooyinka iyo kobcinta Unugyada Ilaalinta Hantida oo ay ka mid yihiin Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka, Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada iyo Guddida Ilaalinta hantida ee isla Golahaasi.
Waxaanu intaasi raaciyay Wasiirku “waxaan rajeynayaa in dhawaan Golaha Wakiilada aanu u soo gudbin doono waxyaabahaas lagu kordhiyay iyo dib u habaynta Shuruucda maaliyada si howshu dhakhso ugu bilaabanto”ayuu yidhi Md. Cadaani.
Halkan Ka DAAWO:
Geesta kale, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa khudbad-miisaaniyaddeedkiisii ku soo qaaday qorshaha dib u eegista nidaamka cashuuraha iyo dakhliyaadka kale, waxaanu tilmaamay in hab isku-xidh laamaha Dakhliga ah la samayn doono.
“Waxa kale oo aanu gacanta ku haynaa oo bilaabmi doona bisha January 2015 Nidaam Xisaabeed casri ah (Somaliland Financial Management Information System) oo Somaliland yeelato, noqona doona Mid Hay’adaha Dawlada oo dhami (Dawlada dhexe, Dawladaha Hoose & Hay’adaha Madaxabanaan) ay kuwada shaqayn doonaan waxa kale oo jira in sanadka 2016 uu qalabkani inoo ogolaan doono in miisaaniyada qaranku noqon doonto mid Goblaysan oo sidoo kale deegaamaysan taas oo in badan Golaha wakiiladu soo jeediyeen in qaabka miisaaniyada la deegaameeyo.”ayuu yidhi Mr. Samaale.
Dhinca kale, waxa Mashruucan dib u habaynta Maaliyada gacan ka gaysanaya Midowga Yurub iyo Sanduuqa Kaalmada Somaliland, kuwaasoo door lixaadleh ka qaadanaya hir-gelintiisa.
Odorosk miisaaniyad sanaddeedka Dawladda ee 2015-ka, ayaa waxa uu muujinaya korodh dakhli oo si xawli ah ku socda, waxaanay miisaaniyada dawladdu hada caga-cagaynaysaa lacag ka badan laba boqol oo Milyan oo Dollar.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com