Hoos ka Daawo Wasiirka Kalluumaysiga oo Xilalkii ka qaaday Isu-duwe iyo Maamule Degmo
Maydh(GNA)-Cabashadan oo ku saabsan qaabka loo maamulay Liisamo Kalluumaysi oo ay Wasaaraddu bixisay iyo Kalluumaysato shaqada layska hortaagay, iyo waliba Doonyo laga leeyahay Dalka Yemen oo sida dadka deegaanka qaar ku doodayaan Liisamo Wakaaladdeed haysta, hadana loo diiday inay badda ka Kalluumaystaan, kaddibna la xidhay, ayaa waxay sababtay in Xilalka laga qaado Isu-duwihii Wasaaradda Kalluumaysiga ee Gobolka Sanaag iyo Madaxii Xafiiska Wasaaraddaas ee Degmada Maydh.
Labadan Sarkaal oo magacyadooda la kala Yidhaahdo Faarax Maxamed Godane iyo Maamule degmada Maxamed Aadan Jaamac, kuwaasoo shaqadooda si ku-meel gaadh ah loogu wareejiyay Cali Xasan oo ka mid ah Khubarada Wasaarada iyo Waayeelka Degmadan qadiimiga ah ee Maydh, kaasoo sii hagi doona howshaas inta cid kale loo soo magacaabayo. Sida uu Wasiirka Kalluumaysiga Md. Jaamac Buureed sheegay.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha Somaliland Cali Jaamac Buureed oo Degmada Maydh u tegay soo afjarida Khilaafka kalluumaysi oo in muddo ah jiitamayay, ayaa labadan sarkaal Xilalka ka qaaday, kaasoo dhinaca kale kulamo kula yeeshay xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Maydh Madaxda laamaha dawladda ee heer degmo, Saraakiisha Ciidamada Badda iyo Booliska Bariga iyo Shaqaalaha Wasiirrada.
Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah:
Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeedda Deegaamada Maydh ee Xeebta, ayaa dhowr todobaad ka hor baaq culus ka soo saaray xiisada ka aloosantay Liisamada Kalluumaysi ee Deegaankan, taasoo sida muuqata jawaabteedii dawladdu noqotay in la eryo Masuuliyiinta.
Gobanimonews
Ceerigaabo Office