Hargeysa(GNA)-Cisbitaalkan oo dhismihiisa ay Maal-geliyeen mid ka mid ah Ururada Dhakhaartiirta ee Dalka Talyaanigu, lagana dhisay meel dhinaca ku haysa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa loogu talo-galay Daaweynta Caruurta, waxaana intii uu furnaa ka ka faa'idaystay caruur tiro badan oo qaarkood ka soo jeedaan qoysas Danyar ah, kuwaasoo Kaalmo caafimaad oo ay Lacag badan kaga bixi lahayd halkan loogu fidiyey.
Waxaana ka howl-gala Dhakhaatiir iyo Kal-kaaliyeyaal isugu jira Ajaanib iyo Somaali.waxaana toos u maamusha Wasaarada Caafimaadka Somaliland.
booqashada ay Marwo Amina Maxamuud Jirde ku tagtay waxa ku wehelinayay xubno Masuuliyiinta laamaha xukuumadda ee Haweenka ah ka mid ah, sida Wasiirrada Dumarka ah iyo Saraakiil kale.
Halkan ka Daawo: