Hoos ka Daawo garoomada Dooga la dhigo oo noqday Dukaamo Ganacsi loo furtay iyo Is-arag dhex maray laba kooxood
Hargeysa(GNA)-Dhismaha Garoomada kubadda lagu ciyaaro ee Dooga lagu beero sida kuwa Dalalka ka horumarsan Somaliland ayaa ku soo badanaya Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa oo afar garoon oo noocaas ah laga samayey iyo Berbera oo todobaadkan Garoonkii u horeeyey Doog la dhigay laga furay.
Garoomadan ayaa ah kuwo qaab Ganacsi loo furtay oo lacag lagaga kireeyaa Kooxaha ku ciyaaraya, taasoo dhiiri gelisay inay soo bataan dadka Maal-gashiga noocan ah samaynaya si ay dheef uga raadiyaan.
“Saacadii laba Doollar ayaa laga qaadaa Koox walba oo ku ciyaaraysa”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Dhalinyarada Kubadda ku ciyaara Garoomada noocan ah.
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in Garoonka Hargeysa Stadium isna la dhigi doona Rooga Cagaarka ah ee ka samaysan Dooga, taasoo hadii ay timaado rejo weyn gelinaysa bahda Dheesha Ciyaaraha kala duwan, khaasatan Kubbada Cagta.
Garoonka Dhalinta Kacaanka ayaa isagana la hadal hayaa in Dooga la dhigo, sidoo kale Garoonka Xawaadle ayaa dhawaan farta laga qaaday dhisme taarabuun iyo qabayn lagu sameeyay, kaasoo la xaqiijiyey inuu goob Kubbada lagu dheelo noqdo.
Kooxaha ka ciyaaraha Magaaladan Hargeysa ayaa badankoodu xilliyada ay wada dheelayaan Ciyaar saaxiibka ama tababarka qaadanayaan waxay tagaan oo kubadda ku dheelaan Garoomada Dooga la dhigay ee kirada laga qaado.
Waxaanay taasi ku tusinaysaa baahida ay dhalinyaradu u qabto garoomo aan dhagax iyo Ciid lahayn si ay u horumariyaan xirfadooda ciyaareed, ugana badbaadaan Jugta iyo dhaawaca jidheed ee Garoomada rafka ah.
Halkan ka DAAWO Ciyaar Xiiso badan oo Laba Kooxood ku dhex martay Hargeysa: