[caption id="attachment_92084" align="alignleft" width="300"] xasan sheikh oo walaac ka muujiyay xaalad nololeed [/caption]Kismaayo(GNA)-ku dhawaad 850 Askari oo ka mid ahaa howl-galka AMISOM, ayaa maanta lagu sagootiyey Munaasibad balaaran oo lagu qabtay Magaaalada Kismaayo, taasoo uu ka qayb-galay Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wefti uu hogaaminayaa.
Askartan oo dhamaantood ka socday Dalka Siiralyoon ee uu cudurka Dilaaga ah ee EBOLA halakeeyay, ayaa waxa la waayay ciidamo kale oo bedela, waxaase gobollada Jubbooyinka kala howl-gelayey Ciidamada Kenya oo aan si aad ah loo taageersanayn Joogitaankooda Soomaaliya.
Wariyaha Gobanimonews ee Magaalada Kismaayo,oo ka qayb galay Munaasibaddo isbarkan oo Ciidankaasi lagu sagootiyey ayaa ku waramaya in bixitaanka Ciidanka Siralyon uu saamayn ku yeellan karo Ammaanka Gobolka,maadaama ay Ciidankani ahaayeen kuwo khibrad badan u lahaa La-dagaalanka Kooxaha Argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka hadlay munaasibada Ciidankaasi lagu sagootiyey, ayaa ammaan balaadhan u jeediyay Kaalintii ay Ciidankani ka qaateen Shabaab ka xoreynta Gobollada Jubbooyinka iyo Geddo oo howl-galkoodu door weyn ka ciyaaray in lagala wareego Kooxda Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidoo kale, Dawladda Siiralyon uga mahad-naqay gurmadka ciidan ee ay u soo direen Dalk Soomaaliya, si nabad-gelyo loogu soo dabalo, isagoo xusay inaanay dadka Soomaaliyeed marna Ilaawi doonin abaalka ay ku leeyihiin Wallaalahooda Midowga Afrika.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com