Abuja (GNA)-Maxkamad ay leeyihiin ciidammada Nigeria ayaa xukun dil ah ku riday 54 askari, oo lagu helay in ay diideen la dagaalanka ururka Boko Xaraam.
Askarta ayaa lagu helay ammar diido ah in ay ka qeyb qaadan waayeen dib u qabsashada saddex magaalo, oo Boko Xaraam ay qabsadeen bishii August.
Qareen u hadlay askarta ayaa sheegtay in 54-ta askari la toogan doono, halka 5 kale wax dembi ah lagu waayay.
Ciidammada Nigeria ayaa ka cawda in aanay haysan hub iyo rasaas ku filan oo ay Boko Xaraam kula dagaallamaan.
Boko Xaraam ayaa weerarro ka waday waqooyi galbeed Nigeria tan iyo sanadkii 2009-ka.
Sanadkan keliya, dad ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhintay weerarro lagu eedeeyay Boko Xaraam oo ka dhacay Gobollada ay falaagadoodu ka dagaalanto.
Ma jiro wax war ha oo ka soo baxay Xukuumadda Dalkaasi oo ku aadan go’aanka Maxkamadda Miletari gaadhay.
Waana askartii u horaysay ee lagu eedeeyo inay ka dhabar adaygeen la dagaalanka Boko Haram.