gudidan ayaa sheegay inay soo saareen inuu musharaxa beesha yahay muj. muuse biixi cabdi.
hadaba waxa soo ifbaxay garabyo is hujuumay oo iska soo horjeeda kuwaas oo iyagu kala taageersan sadexda siyaasi iyada oo labada wasiir ay isku garab yahiin, xubno ka tirsan gudida horumarinta beelaha sacad muuse ayaa iyagu dhankooda sheegay inay xaaraan tahay wxii ay soo saareen gudidaasi waxaanay sidaa ku sheegeen shir jaraa,id oo ay ku qabteen magaalada hargaysa iyada oo shirkan laga dareemaayay in gudidani ay taageero xoogan ua hayaan labada wasiir halka ay ka soo horjeedaana muj. muuse biixi cabdi.
geesta kalana qaar ka mida oday dhaqameedka beesha sacad muuse ayaa iyaguna shir jara,id oo ku qabteen isla goobtii gudida sacad muuse ayaa waxay sheegeen inay go,aankii ka soo baxay uu yahay mid si khalada ku yimi iyaga oo iayaguna dhankoda taageero xoogan u muujiyay wasiirada maaliyada iyo arimaha dibada somaliland, odayaashan oo la sheegay in uu soo abaabulay islamarkaana uu maal galiyay wasiir samaale oo isagu la sheegay inuu odayaashan amray inay ka hadlaan islamarkaana ay duraan go,aankii gudida.
isku soo wada duuuboo garabadan ka soo baxay beesha sacad muuse ayaa iyagu ah kuwo isku duraaya siyaasiyiinta iyada oo ay siyaasiyiinta qaarna ay wadaan xood xoodasho ay ka raadinayaan beelaha sacad muuse.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland.
Herersax@gmail.com